Hiloow; hees

 

Hilowgaa aan kuu qabo

Habeenkaanan kula hadal

Haatufkaagu soo dhicin

Helow aanan kugu oran

Haasaawe kula galin

Hurdo fiican maan ledo.

 

Hilowgaa aan kuu qabo

Habeenkaanan kula hadal

Hawraarta maansiyo

Halabuurka suugaan

Hoobeeyda kuu tirin

Hurdo fiican maan ledo.

 

Hilowgaa aan kuu qabo

Habeenkaan kula hadal

Sidii hoobaal caan baxay

Kuu qaadin hees iyo

Amaan heello kuu timin

Hurdo fiican maan ledo.

 

Hilowgaa aan kuu qabo

Habeenkaan kula hadal

Halbawlaha Wadnaha iyo

Heer garaaca qalbigeey

Ayaa hoos u dhaca’oo

Hurdo fiican maan ledo.

 

Hilowgaa aan kuu qabo

Habeenkaan kula hadal

Hirar baan dhexqaadaa

Kali baan hadraayoo

Riin “HAAH” ma daayoo

Hurdo fiican maan ledo.

 

16/04/2014

 

Bashiir M. Xersi

Advertisements