Maansada: Kalsooni

Waxaan u hibaynayaa maansadan KALSOONI inta ay qusayso ee dumar iyo rag ba leh, ee bal ila wadaaga.

Guur aan kalsooniyo
Lagu qabin karaamiyo
Kalshinsiyo duggaal iyo
Darajiyo kalgacal jirin
Walleen laygu kari hayn.

Kurbo aan dhammaanayn
Ka kac iyo is faham xumo
Kala dheeri kaaf iyo
Waa kadeed u joogee
Walleen laygu kari hayn.

Karaahiyo ma doonayo
Iyo kiisas adagoon
Kolla laga gungaarayn
Is korfuulka aan harin
Walleen laygu kari hayn.

Kumannaanka kala tagay
Inta qoys la kala diray
Kulli waxay la liiceen
In KALSOONI laga tagay
Anna laygu kadin maa!

Kaalintaada gara’oo
Kaam gaara haw qixin
Haysku kuusin meel qura
Ha jabinnin karkaarkee
Koolkoolli gacalkaa!

Kala taggu abuur ma leh
Ka tag oo haddana keen
Cimrigaa kadleeyn iyo
Koor maran ha lulinoo
Yey ku kicin wax kaa dedan!

Dhammaad.
23/04/2014

Bashiir M. Xersi

Advertisements