Uhuru nooga aara!

Image

Uhuru nooga aara!

 

Oday Soomaaliyeed, oo aad u ciishoon ayaa igu yiri: “Ma Keenyaankii aan Hindida iyo ka xoraynnay caddaanka, iyadoo wax walba jumlo looga gado, ayaa maanta dadkaygii raafaya!” oo ii sii raacshay: “Ciilow way! Miyey ba nololi ii egtahay!” markaa baan ku iri: “Adeer, armaysan arruntu saa ahayn? Maxaa isaga xiran labada arrin? Bal caadi iska dhig, oo yaan lagaa dareemin!”. Dareen ay la qabaan dad badan oo Soomaali ah, haddana, aan waaqica iyo u imaanno sida xaalku yahay.

Raafka Kenya ma billaaban bishan mana ahan markii u horraysay, ee ay Soomaali eeddaa lagu tuhmayo xabsiga iyo la dhigay jeelka. Balse, tani waxay tii hore iyo kuwii la soo dhaafay uga soocan tahay inuu wehliyo dib u celin iyo tarxiil. Tarxiilka qolo gaar ah ayey Soomaalidu uga baratay, oo la yiraa; CARAB! Iga daa, muggan oo  kale ayaan odaygaa ka sii ciil badnaadaa, haddana, nin eel kuu gaystaba waa kiisa kale.

Mudane Xasan Sheekh oo jooga Nayroobi ayey Kenya raafka billowday. Iyada (Kenya) ma garan madax ku sheeg ayaa marti kuu ehe, saacadaha uu dalkiinna joogo hawlgalka dib u dhigto, ka gadaalna saad u qorshayseen uga adeegta Soomaalida. Isna (Xasan) ma garan inuu xitaa caro ka muujiyo in dadkii uu magaca beenta ah ku metalay hortiisa lagu dullaysto, ee lagu jiidjiido; hooyo, marwo, gabar, waayeel iyo carruur, isna uusan eray, arar iyo oraah midna ugu aarin, bal wax kale iska daaye.

Falkaa xun (aamuska), ee uu Xasan ku kacay, ayaa i soo xasuusiyey gabyaagi weynaa, ee Kulan Xasan Jurun  (AUN), isaga oo dhaliilsan Abwaan Faarux Shuuriye (AUN) ku gabyey:

 

Kaxda Gaalkacyood maalintii, uumiyuhu kooday
Kufri iyo Islaam maalintii, leysu wada keenay
Komisaariyihu maalintuu, uunka isu keenay
Ma kalaami waayeen haddaan, anoon kedo i saarreyne
Kobta Faarax Shuuriye indhaha, Kebad ma sarteene!
Wixii Eebbahey kugu katibay, iguma keeneene
Kartatooyo baan ridi lahaa, kicisa baaruude
Kuddudaa horaan dili lahaa, kun iyo dheeraade!

 

Hadda, sida Xasan u aamusay, ee uu idhaha u qabsaday uma qarsadeen. Taaba looga daran, oo waxaa uga muhimsan, ee uu ku mashquulsan yahay sidii uu kursi iyo jago ugu heli lahaa laba MADIIDIN oo kadinka u fadhiya, oo kala ah; Kamaal iyo Yariisow. Kamaal gartaye, oo waa kii laaqay madaxtooyadee, Yariisow kee ahaa? Kii dee. Oo kee? Kii af hayeenka Xasan lagu sheegayey. Haa. “AF HAYEEN AF GURAN” iga dheh, sidaa baan garan karaaye. Mudane Xasan waxaad mooddaa Madaxa Xafiiska Borotokoolka ee Garoonka Aadan Cadde, see maalintii ugu yaraan laba mar ayuu wafdi caddaan ama madaw ah ku soo dhaweeyaaye, oo wax ay yihiin uusan garanayn, haddaa ma anaga ayaa garanayna? Ani ahaan maya, idinna?.

Ma is tiri, maxaa mudane Xasan kaliya loo eedeynayaa, maad madaxda kale ee dalka ku dartid? Waa runtaa, waa soo wadaa, ee ha degdegin. Mudane Gaas, madaxa maamulka Bari, ee Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed, isaga waxaaba uga muhimsan waxa dhacaya, sidii uu sedbursiga uu caanka ku yahay, ee uu afkiisa ka qirtay, ee aan anigu u dhahayn, oon filayo markan inaan la igu dhaliilin, see isagii ayaaba la taagane, isaga dhibaatada Soomaalida Kenya haysta, ee beeshiisuba ka mid tahay, waxaa uga muhimsan, sidii uu u sii xoojin lahaa sedbursigiisa, oo wuxuu Baxar Dahar uga qaybgalayaa shir ammaanka Afrika looga hadlayo, oo aaway dawladdii? Adba.

Sidoo kale, mudane Siilaanyo, wuxuu ku mashquulsan yahay, sidii uu isu BOQRI lahaa, maadaama uu xilku ka sii dhacayo, doorashana ku soo fool leedahay. Waxaase la yaab ah, dawlad dhan, oo aan dadkeedii war u hayn, mise Soomaali dhibaataysan, haddii la maqlo waa uun REER KOOFUR (HOYGA SILACA!)? Ani igama daadegin, balse, dad bay sidaa la tahay. Mudane, Siilaanyo, maadaama sheeko dawladeedkii dhaqaaqi la’ dahay, oo aadan Safaarad iyo Qunsul midna ku lahayn Kenya, maad hab dhaqankii dhaqangalisid, ood odoyaal u xilsaartid soo furdaansha iyo sidii inta beesha u dhashay ee Kenya ku dhibaataysan wax loogu qaban lahaa? Fikrad cuntamee ma tahay mise? Adeey kuu taallaa.

Inta kale, ee maamul beeleed jira, waxay ku daba fayshan yihiin hoggaanka Xasan, oo horjooge ka liita ama ka daciifsan uusan na soo marin abid, wax ka DHIIGYACABSAN haa. Waaba iga weydiine, horta DOQONNIMADA ma u dhashay mise waa iska yeelyeel, oo wax waa ogyehee, inta (DANAHA KALE) uu ilaalinayo ayaa ka badan? Aniga wali iima kala cadda, ee qofkii ay u kala saaran tahay, fadlan ha noo faahfaahsho.

Xukunkan waxa aan u cuskaday, aan ku wadaajiyee, ulaha beesha iyo udubyada ururka ha la soo boodin, ee bal xasil. Mudane Siyaad Barre, Aabbihii silica iyo burburka Soomaaliya, ayaa sanadihii uu sii liicayey xukunkiisii dulmiga, isaga oo Sucuudiga ka yimid, wuxuu soo maray Libya, oo ay ku xirraayeen kuna xayirnaayeen Soomaali badan, oo ay wajahday shaqo la’aan iyo nolol xumo. Sida dad badan qabaan, waa meesha laga kenay oraahda ah “BEERTUU GALAY” oo waxaa la seexan jiray beer la yiraa: “Beerta Cagaaran” oo saarnayd xeebta magaalada Tiriboli.

Dadkaa shaqo la’aantooda sababta ugu weyn waxaa lahaa mudane C/laahi Yuusuf, oo dacwad ka gudbiyey Soomaalida, kuna eedeeyey inay doonayaan inay qarxiyaan ceelsha laga soo saaro shidaalka iyo dhuumaha lagu qaado, oo Soomaalidu badankeed ka shaqaynayeen waagaa. Maalintaa ayaa ugu dambaysay, Soomaali shaqo ka hela wax la xiriira shidaal iyo meel ka dhawba. Mudane Siyaad, waxaa loo sheegay dhibaatada Soomaalida ku haysata Libya, wuxuuna dalbaday in diyaaraddan wixii ay qaadi karto ay soo raacaan, oo aan laga harin. Mudane Xasan diyaaraddiisa in lala raaco iska daaye, xitaa waa awoodi waayey inuu yiraa: “War dadka sida iigu dhaama!”.

Mudane C/qaasim oo ah kii ugu horreeyey ee hirgalsha nidaam baaska ee afar iyo bar, oo dabcan Jabuuti lagu maleegay, si ay noo luggayso sida caadada u ah, ayaa isna 2003dii safar ku tagay Libya. Waxaa loo sheegay in ay jiraan dad badan oo ku xiran xabsiyada Libya iyo kuwo ku dayacan magaalada. Mudane C/qaasim kama labalabayn inuu Soomaalidii uu diyaarad u dalbo Xamarna ka dejiyo, oo waliba maalintaa ka ammaan xumeed kana ildarrayd maanta. Waxaa kaloo jirtay dhacdo hore oo tan la mid ah, mudane C/qaasim uu isla dalka Kenya uga dhiciyey odoyaal iyo waxgarad lagu xiray dalkaaMudane Xasan diyaarad iska daaye, waa kari waayey inuu yiraa: “War aan caga dhigannee, waxyar baa noo haree, noo dulqaata.” Cimri tagay ceeb laguma sagootiyee!

Sidoo kale, mudane Shariif, ee Jihaadkii beenta ahaa jago ku helay, oo Xasan uga horreeyey xilka, ayaa bishii Oktoobar sanadkii 2011kii markii Kenyaanku soo galeen dalka, si cad ugu yiri: “Ma oggolin in Kenya dalka iska soo gasho ogaal la’aan” ma hor Alle iyo daacad ayey ka ahayd mise? “Qawda maqshii waxna ha u qabanMAR BAY AAMUSKA DHAANTAA. Mudane Shariif waxaa ka daba hadlay Mudane Gaas, oo markaa ahaa Wasiirka koowaad, intaa kuma simine wuxuu isa sii taagay Nayroobi, oo u soo saxiixay Keenyaanka inay soo gali karaan dalka marka ay doonaanna inta ay doonaanna iska sii joogi karaan. Adigu waa kaase Kenya dalka ka saar, oo markii dambe AMISOM ayeyba si been ah ugu biirtay. Mudane Xasan hadal iska daaye, xitaa waa gabay taladii. Xasanoow: Geesinnimadu waa inyar ood cagaha dhulka ku xajiyo (celiyo/adkeeyo).

Tusaalooyinkaa taariikhaysan ka dib, maxaa xal ah? Sidee Uhuru looga aarsadaa, sida cinwaankuba yahay? Waa sahlan tahay, balse, waxay u baahan tahay awooddii iyo itaalkii go’aanno lagu qaadan lahaa. Iska fiiri, uma baahna, awood iyo itaal fulin, ee kaliya waxay u baatahay quwaddii go’aannadaa lagu qaadan (gaari) lahaa. Maxaa yeelay, waa arrrin aan ku xirnayn xoog iyo xeelad toona, ee kaliya ah ku xeeran xis shaqaynaya, maskax nool iyo dhimir aam dhiman. Kenya waxaa looga aar goosan karaa siyaabo ay ka mid yihiin:

 

1-     In maalmo kooban ay dawladdu ku dhawaaqdo in la joojiyo duulimaadyada ka yimaada dalka Kenya, oo ay ugu horreeyaan kuwa SUNTA CAGAARAN (QAADKA) keena. Saddax maalin xitaa waa filan iyo ka badan. Sidan waxaan u leeyahay, hawada dalka qayb ka mid ah hadda waxaa maamusha dawladda Xasan, oo runtii ah tallaabo muhim ah, oo u baahan in laga miradhaliyo, si looga aarsan karo Kenya.

2-     In dawladdu amar ku bixiso in ciidanka Kenya dalka isaga baxaan, oo saacado loo qabto 24, 48, 72 saac IWM. Tan waxay culays ku keenaysaa, in ay gartaan in aan kaliya loo xanuujin hab dhaqaalaha aan kor ku soo sheegnay kaliya, ee ay jirto, in siyaabo kale loo ciqaabi karo.

3-     In lagu adkeeyo ciidanka AMISOM ee dalka jooga, in wixii tas-hiilaad ah, ee ay u baahan yihiin aysan ka keensan karin Kenya, ee ay ka dalbadaan ganacsatada Soomaalida. Gaar ahaan kuwooda ay dabooli karaan sida cuntada, biyaha IWM.

4-     In wixii xadgudub ah ee Kenya Soomaalida u gaysto lala kaashado maxkamadaha ku shuqulka leh, maadaama ay hadda dacwad ku socoto Uhuru, loona sii badsho eedaha. Si gaar ah waa in la abbaaraa in falal dacwo laga furo xitaa isla dalka Kenya dhexdiisa, kuwooda waadixa ah, sida gabadha dabaqa ka soo dhacday, midda ilmaheedii ku dhinteen xabsiga IWW. Kuwaa waa in horta magtoodii laga qaadaa dawladda Kenya, inta aan kuwa kale la gaarin.

5-     In la hakiyo in muddo ah heshiisyada iskaashi iyo xiriir ee lala galay ama lala galayo Kenya, oo runtii aan yarayn, maadaama safar walba kun warqad la soo saxiixo, aan la garanayn waxa ay ku qotomaan iyo ujeedka ay ku socdaan.

 

Danjire Cali Ameerika oo loo yeeray. Wuxuu ahaa warkii iigu yaabka badnaa, ee aan ka maqlo kooxdaa Xamar ku xayiran. Dad badan waa soo dhaweeyeen, haddana, anigu uma arko tallaabo soo dhaweyn iyo mudan dhaliil toona, maxaa yeelay, inta aan Danjiraha loo wicin, waxaa ka horreeya in ay ka hadlaan wasaaradaha, xarumaha iyo laamaha ku shaqada leh dhacdadan. Aaway Wasiirka Arrimaha Dibadda? Aaway Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah? Aaway Wasiirka dib u Deginta iyo Guriyeynta? Aaway Madaxweynihii? Aaway Wasiirka Koowaad? Aaway Wasiirka Arrimaha Gudaha? Aaway….. Aawaay….. Aaway….?. Bal adba. “Lug dambe haddaan lug hore laga hormarin ma jabot!” Ayey murti ahayd.

Midse ogoow, inta NGO iyo qandaraasleey ay madax kuu yihiin ha ka yaabin inaad hesho cod ku metela iyo cid kuu maqan. Madaxda u sarraysa ee saddax xagalka Xamar ku laalaabta ma waxay kula tahay inay ina metelaan? Ha ka yaabin, oo rag baa keensaday, kuwaa ayeyna danahooda ka shaqaynayaan, ee maxaa ka galay Soomaali Kenya ama Kismaayo ku dhibaataysan ama meel ka baxsan dalka dibaddiisa?.

Dad ay GUULWADENIMADU dhan kale u dhaaftay ayaa ku doodaya in mudane Xasan uu wax ka qabtay dhibaatadii haysatay Soomaalida Koofurta Suudaan. Sax, balse, ma oga, in labada xaalad, labada dal iyo labada Soomaali ay ku jiraan xaalado kala duwan, oo waliba aad u kala fog. Dal dagaal sokeeye ka billowday K. suudaanta, marka lalama barbardhigi karo dal iskii Soomaali u celinaya, oo waliba bahdilaya. Ku darsoo, dadkii laga qaaday K. Suudaan, badankood waxay ahaayeen ganacsato haysatay gacanqabsi iyo jeebgal (lacag), kuwa ayse Kenya celinayso maxay haystaan? Xitaa calalladoodii fursad ay ku qaataan lama siin. Teeda kale, sawtii la lahaa dawladda ayaa ciidan u diraysa K. Suudaan, may kaliya kala hadlaan Kenya sidii ay Soomaalida dalkeeda joogta u samatabixin lahayd, inta wax iska badalayaan. Yaab.

Qodobbadan hirgalinta sahlan iyo fudud u baahan, si aad Uhuru ama Kenya uga saarto, haddii aad Soomaali tahay, waa inaad u aartaa Khadra, oo in ka badan toban sano xabsi guri ugu xiran Yemen. Waa inaad Khadar u aartaa, oo xaaskiisa oo uur u leh looga siiyey nin kale, oo eedduusu tahay maxaad MIDGAAN u noqotay! Waa in Axmed Madoobe lagu yiraa: jooji Soomaalida aad ka barakicinayso Kismaayo iyo dilalka waxgaradka deegaanka. Waa in dulmiga dhexdeenna ah laga hortagaa, la joojiyaa lana hakiyaa, markaa ayaan ka aarsan karnaa wixii dhib noo gaysta ee dibadda naga jooga, haddii se aan anagu is dhibaynno, Wallee inaysan sahlanayn taa. Abwaan aanan magaciisa hayn ayaa yiri:

 

Cuqubo halkii lagu galay, Caw ku huruddaaye

Carruurtaa ka le’eta ninkii, Caano baas dhama’e.

 

Waxaan ku soo xirayaa faallada gabay uu tiriyey Abwaankii weynaa, ee Faarax Shuuriye (AUN), oo ku gooddinayo, wuxuuna yiri:

 

Mas galaalan, good laba afle ah, oo ganaya waabaayo
Abris ninuu god uga soo baxoo, micida gaarsiiyey
Gallad Eebbe mooyiyo inuu, uga gargaaraaye
Soow inuu go’aa lama ogoon galawdu raageynin?.

Nin libaax ku gowriirsadoo, garabku hooseeyo
Oo u guudka kala saaran yahay, miciyo gaal-leefa
Haddaan guutadiisii ka celin, gucumaloow Aarka
Soow inuu go’aa lama ogoon, galawdu raageynin?.

Baddu nimey gurguurtoon aqoon, gudubsi loo dhaafo
Oo u xiisku gaaddada marshoo, gebiga dhaafsiiyey
Gallad Eebbe mooyiyo inuu, uga gargaaraaye
Soow inuu go’aa lama ogoon, galawdu raageynin?.

Guudkii *[Samaal] nin u gabyay, een igu ogaan geeri
Ee *[carruurahoodii] *[guhaad], hadalla gaarsiiyey
Gujaalaan ku ridi ee muxuu, libin ahuu gaaray?!

 

F.G: Saddaxda bayd ee u dambaysa, gaar ahaan labada wadata erayada aan dulshigay astaantan (*) anaa baddaalay, oo asalkii sidaa ma ahayn.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

 

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s