Maansada: Casiisow

Image

Maansada: Casiisow

 

Allihii Casiiskiyo

Cadiim kaba ahaayow

Addoonkiisa cawshaha

Carro naga abuuree

Ciidda nagu dul beerow

Kugu caasin maayoo

Adigaan ku caabudi

Cimrigeey intaan jiro

Caafimaad isii iyo

Calaf waxaan u leeyiyo

Ceesh waasica Ilaahow

Aamiin yaa Cadiim.

 

Awlaad ciso taqaan iyo

Soowjaan caro aqoon iyo

Waxaan kaa codsanayaa

Cilmi iyo aqoon iyo

Caqli lagu adeegsado

Oon caajiseeyn abid.

 

Adaa caawin karayoo

Garan kara calooshiis

Cabbiraaya baahida

Addoonkiis cabaadkiyo

Uu ka calaacalaayee

Cuud aan yarayn iyo

Allayahoow cad uu cuno

Cimrigiiba ugu deeq

Cunto li’i ha dhiginoo

Marna yuu cataawine.

Aamiin yaa Cadiim

 

Caddaaladda Allahayoow

Waa cududda noloshee

Ciidankii ilaalshoo

Cilladaha ka dhawroo

Aqool tii cuddoon iyo

Ku cabbira cibaariyo

Caqli sugan ka yeeloo

Culimmada na waafaji

Noo hagaaji caammada

Cidladii ha noo celin.

 

Ducadiyo codkaygaan

Allaw noogu ciidami

Caadilow ajiiboo

Cosob iyo barwaaqiyo

Ceelal iyo xareed iyo

Xasillooni soo celi.

 

Aamiin. Aamiin. Aamiin.

 

 

Curiye: Hassan Kolo

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s