Xasanoow: GEEDDINA goormuu XARIIR noqday?

Image

Xasanoow: GEEDDINA goormuu XARIIR noqday?

 

Markii iigu horraysay ee muuqaalka ama sawirka labada mudane Xasan iyo Geeddi oo wada socda aan arkay, aad baan u qarraacmay. Naxtin iyo anfariir ayaan la maroora dillaacay. Waxay igu noqotay wax aan qaadan waayey igana degi waayey. Amakaak iyo la yaab ayey igu noqotay. Dhaawac culus iyo nabar adag ayuu ii gaystay. Mid aan filayey iyadoo ah, ayaan haddana, liqi waayey iina cuntami waysay.

Jiljileec, liidnaan, daciifnimo iyo tilmaamo hooseeyaa inay summad iyo astaan u noqotay mudane Xasan waa marag ma doonto, isna uu isku ogyahay. “Waa is ognahay ammaanna ma ahan cayna ma ahan” haddana, kala xun kalana xanuun badane, waxaa ugu sii xanaf badan in mudane Geeddi uu socdaal walba ka dib, marka uu dalka gadaal ugu soo laabto uu ku soo dhaweeyo Gegada Aadan Cadde. Fal iyo dhacdo aad u qallafsan, oo aan qofka Soomaaliga ah, dulmanaha iyo dhibbanha Geeddi uusan aqbali karin.

Inta aanan u galin xadgudubka mudane Xasan uu sameeyey iyo xildhaannimadiisa, aan waxyar maanka kuu xalo, si aad u ogaato waxa aan ka hadlayo, ee aan mudane Geeddi ku dhaliilsanahay iyo meha ay ku qotomaan eedaha aan u jeedinayo. Mudane GEEDDI cidna hore uma garanayn, ka hor inta uusan noqon Wasiirka Koowaad ee XUMUUMADDII XERTA XABASHIDA, [DALLADDDA QABQABLAYAASHA] madaama ay badi Wasiirradu ahaayeen kuwii Soomaalida koofureed halaagga ku ragaadiyey. Mar haddiiba Madaxweyne laga dhigay Odagii Jabhad Soomaali ugu cimriga dheeraa inta kale xaad ka filan kartaa? Mudane Geeddi iyo C/laahi Yuusuf tallaabadii koowaad ee ay qaadeen waxay ahayd inay Baarlamaanka ay horgeeyeen in la ansixiyo qorsho ay ku doonayeen in Ciidamada Shisheeye dalka la keeno, ayna ku jiraan Ciidamada Safka hore [ITOOBIYA, KENYA iyo JABUUTI]. Tii ka dhacday inay taariikhda noo gashay ka sokow, ayaamo dhan ayaa naloooga maadsanayey shaashadaha dunida, ka dib markii Baarlamaanku feer iyo haraatidu ku fillaa waysay ay kuraas isla dheceen.

Ujeedkaa gurracnaa, ee aan u suuragalin waxaa u soo dadajiyey WADAADDADII WAALLIDU WADDAY, marka waxaan dhihi lahaa ninka doonaya inuu labada KAALIYE XABAYISHEED [C/laahi iyo Geeddi] dhaliilo waa inuu ku lammaanshaa ama ka hormarshaa kuwii koofiyadaha iyo qamiisyada watay ee Shariif, Janaqow, Indhacadde, Xasan Daahir IQB. Haddii kale lug ayaa kuu laaban, maxaa yeelay, Xabashida timid Gobollada ka fog xuduudkeeda waxaa u sabab ahaa WADAADDADII WAALLIDU WADDAY.

Haddii Xabashi Xamar timid Mudane GEEDDI wuxuu ka badbaaday dhawr qarax, oo lagu doonayey in lagu qaarijiyo, horta Alle dile ayaa dhinta, balse, mid kale ku darso, inta qaska, dhibka iyo qaxarka ka shaqaysa dadka kale waa ka cimri dheer yihiin, oo waxaa jirta in qofka la jecel yahay geeridiisu soo degdegto, halka habaarqabaha iyo halaagwadaha uu cimrigiisu raago. Malaha waa CAWS GEERIYAADKII la sheegayey iyo u SEETA dheerayn si uu qaladka u sii galo, Dambiguna ugu sii bato.

XUKUUMADDII GEEDDI iyo DAWLADDII C/laahi Yuusf madaxa ka ahaa, waxaa lagu xasuustaa:

1-Inay Xabashi Waddanka soo galiyeen.

2-Inay xasuuq wadareed kii ugu darnaa ugu xumaa ugu qaraaraa gaysteen.

3-Inay Muqdisho intii ka caymatay burburka ama dib ka dhisantay ay dhulka la simeen, oo burburiyeen.

4-Inay qixiyeen in ka badan intii ku barakacday dagaalladii sokeeye, maxaa yeelay, waxaa duullaankoodii ku qaxay dad aan waligood Xamar dhanna u dhaafin intii dirir dhacaysay oo dhan.

5-Inay ku faaneen inay dambiyadaa galeen oo ay wali la taagan yihiin.

6-Inay sabab iyo horseed u noqdeen in Soomaaliya mar kale faragalin aan waqtiga ay dhammaanee aan la aqoon la galiyo [MAXMIYAD MADOOW]

7-In C/laahi Yuusuf uu Soomaali cafis weydiistay, waliba maalin Ciideed, halka wali Geeddi u dabada hayo qas iyo qalalaaso, isna ma wuxuu Soomaalida cafis waydiisan doonaa marka ay ka daba timaad? Wallee inaan maalintaa waxba la idin ka koobinayn, waa hadal Malaggii galay, ee inta ay goori goor tahay aa habboon la is daba qabto.

8-Inay abuurtay nooc kale oo qabqablayaal ah, u fiirso sida ay u dhaqmi jireen ilaa iminkana u dhaqmaan raggii ka agqaylin jiray sida; Xuub Sireed, Yuusuf Azhari, Gaas, Salaad Cali Jeelle, Maxamed Dheere, Gacma Dheere, Xuseen Caydiid IWM.

9-Inay reebeen dhawaq aan dadka qalbiyadooda ka go’in, kuna reebay utun iyo muhasho.

Horta mudane Geeddi waa ninkaa, qofkii u yaqaan iyo qofkaan u aqoonba, taariikhu waa taxane, taloxumo iyo toosnaan mid un baa kuu gasho keydkeeda, mar walbana waa tu aad adigu abuurato ama samaysato, ee ma ahan mid kugu dhacda ama ku qabsata. Doonista iyo rabitaanka qofka ayaa u sabab ah, in uu noqdo wanaagsane ama wanaajiye, labadaa wax ka dhexeeya ayaanba jirin, wixii ka soo hara, waa Geeddi iyo Xasan oo miiraan iyo wax la siman ama ka sii liita.

Xasan Xasan Xasan Xasan, iga daa Geeddiba iiga daran. Ninka ku dila waxaa kaaga daran kan kugu digta, marka xasuuqii mudane Geeddi uu gaystay, layn wadareedkiisii, hantidii uu burburshay, guryihii uu dhulka la simay, intii uu naafeeyey ee uu ka dhigay cuuryaan, ee wali la taahaya xanuunnaddii ka soo gaaray duullaankiisii dabadhilifnimo, waxaa ka sii xun falka mudane Xasan uu ku kacay, ee ah in mudane Geeddi uu mar walba ku soo dhaweeyo gagada garoonka, isagoon (Geeddi) Xildhibaan, Wasiir iyo xoghayn midna ahayn, wixii qarsoon waa gaar, balse, xil dagreeto kuma magacaabna, ee yuu matalaa marka?.

Midda sii xaruurujinaya gefka mudane Xasan waa inuu Xamar taagnaa marka dhibaatooyinkaa dhacayeen, ee uu ku dhexnoolaa, ee uusan ka iman dal shishe iyo dhul fog, ooba loogu qiilin lahaa haddii uu qurbajoog ahaan lahaa, in uusan arag wixii dhacay, ee kaliya dhegta ka maqlay, idaacadahana ka dhagaystay. Balse, haddii mudane Xasan uu dalka joogay, haddii mudane Xasan uu goobjoog u ahaa silicii xerta Xabashida, haddii mudane Xasan indhihiisa uu ku arkay xumaanta ay faleen, haddii mudane Xasan xan iyo aysan ku ahayn waa la yiri, haddii mudane Xasan uu shaahid u ahaa, maxaa keenay, inuu mudane Geeddi lammaane dhiniciisa ka muuqdo? Ku darsoo, mudane Geeddi waa ninkii maalmo ka hor Kenya ka lahaa, saddax nin (Xasan Jawaari iyo Faarax) nama xukumayaan, haddaba, goorma ayuu aqbalay xukunka meehsa ka jira? Goorma ayaase sidaa loo dallaciyey? Isla sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho ku soo laabtay Maxamuud Geelle Yuusuf, oo ahaa madaxa maxkamadda badbaadada (baabi’inta) taliskii Siyaad, ee xukunka ku riday saraakiishii ay ka midka ahaayeen S/Guuto Salaad Gabeyrre Kediye, S/Guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo Col C/qaadir Dheel.

Runtii waa ayaandarro, mudane Xasan kii dadka aad madaxweynaha u tahay laayey inaad dariswadaag ka dhigato, mudane Xasan waxaa aayoxume ah kii dalka aad madaxweynaha u tahay burburshay, ee shisheeye iyo Shinlineey u soo kaxaystay inaad darajeeyso, oo uu darkaaga ka durduuro. War Xasanoow: GEEDDINA goormuu XARIIR noqday?.

Mudane Xasan, waa filaa inaad ogtahay marka mudnae Geeddi Gegada Aadan Cadde tiro ka dhawr jeer kugu soo dhaweynayo inaad wax u dhimayso, inaad u gefayso, inaad nabar ka damqinayso, inaad waran ku kilkilayso, intii mudane Geeddi, C/laahi Yuusf iyo xerta Xabashida oo dhan xabbad, xoog, xoolo iyo xaraf uga hortimid, ee kula dagaashay?.

Mudane Geeddi iyo kuwa la halmaalaa indhahooda waa in laga qarsho bulshada, hubaal inuusan uurkooda ka go’ayne. Araggooda waa in laga laabo, hubaal inuusan laabtooda ka tirmayne. Muuqooda waa in laga hor wareejiyaa, hubaal inuusan qalbigooda ka harayne. Waa inuusan ag marmarin, ee agagaarkooda laga dheereeyaa. Waa inuusan ku dhinac laafiyoon adiga iyo iyagaba, ee lugaha laga laabo.

Dhibkan qayb ka mid ah aan kuu fero, maalintii Siyaad Barre (Aabbaha burburka Soomaaliya) laga cayrshay caasimadda, ayaa waxaa ku haray FASHAQ badan. Dad baa qabiil iyo beel ahaan isu xijiya, xifaaluhu waa gaarkiise, FASHAQ waxaa loo yiqiinnay intii xunxumayd, ee taliska kaligi taliyaha ku daabnayd, ee beel iyo qabiil walba lahaa. Maalintii uu Siyaad isaga cararay Xamar waxaa ku haray rag badan oo Siyaad aan ku beel ahayn, balse, aan ka dambi yarayn, haddii aysan ka dambi badnayn, waxaa ka mid ahaa C/qaasim, Xuseen Kulmiye, iyo Gen. Axmed Jilow Caddaw. Magaca Jilow wax ma idin xasuusinayaa? Ani ahaa, GODKII JILOW, Alla muxuu muwaadin badan qabaa godkaasi?.

Si aan qaladka maalintaa la galay loo soo celin, kan xunna aan beel iyo baab kale lagu soo dhaweysan, waa in mudane Geeddi aan dib dambe loogu arag garabkaaga mudane Xasan, waa haddii aad tixgalin iyo u hayso qaddarin umaddan aad metesho, haddiise aad dantaada iyo inta yar ee kugu hareeraysan aad eegayso dantooda mar ay kula gaddoontaba ma dheeree, waa inoo maalintaa, inta ka horraysa; NINBA WAA MARKIISA.

Dhanka kale, kuwii sheeganayey odayaasha Muqdisho ee Nabaddoon Xaad u horreeyo, ee shalay Xabashi nacaybka dadka ku dagaalgaliyey, maanta waxay ku dalxiisayaan Waqooyi, oo Soomaali kala go’eed u dabbaaldegaya martina u yihiin. Ku lahaa, anagu siyaasad uma iman, oo hadda meesha waxa ka dhacaya ma Alla bari baa mise waa Sab? Saw ma ahan go’aan iyo talo siyaasadeed hirgalinteed, ee ku qotonta in Waqooyi laga gooyo Soomaaliya? Halkii ay ahayd inay mudane Geeddi Xamar ka yureeyaan, si uusan dadka dacarta ugu kicin, ayey ka doorbideen inay u tamashleeyaan Soomaali kala qoqobkeed.

Waxaan u soo jeedinaya intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama wadani, maanta ayaa looga fadhiyaa sidii oo kale, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay, shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arrin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona, haddaan waddanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacastuna waa nagu badatay.Dadka waxaan ka dareemayaa dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay. Ugu dambayn, kala garta gunnimo iyo gobnimo, kala garta qabiil iyo qaran, kala garta diin iyo diimaysi, kala garta xukun doone iyo xoreeye, kala garta caadifad iyo dhab, kala garta xigto iyo xaasid, kaal garta gacal iyo guhaad wade, kala garta gabbaadka iyo goobaynta.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

3 Comments

  1. Anigu waxa an qaba in somaliya aysan ka dhicin dhib ay dhigan oday bakorta iyo shalka garabka ku wada hadi anu nahay somalina inta anu ka garadsan oday bakorle ged garta ku hos qado in anu ka bixi donin dhibta ina heysata hada ka hor aya waxa dhacday in oday dhaqamed ay gabadhisa weydisay abe qarash ayan u bahanahay odaygi uma u san jawabin gabarti lkn waxa dhacday in ay hada qeydiday malinti xigtay sidi o kale uma u san jawabin waxa dhacday dhor jer marki ay weydiday in u oday dhaqamedki ugu jawabay na hedhe qarash ma hayo o waqtiyadanba beshu wax ma ay dilin waxna nalagama dilin! Marka ta aya aha oday dhaqamedka shalka garabka u saran dantisa iyo jebkisu in ay ku jirto dhibta an ku jirno arinta kale e geedi waxa an ka dhihi laha in waqtiga u sa ka dhigay aniga o ta ula jeda siyasiyinti ka danbeyday hadi ahan lahayen waqtigisi ra isul wasare aysan waxba ka dhihi lahen xasuqi dhacay axa yelay xasiqa hada ka dhaco gobalada ay jogan kenyatiga iyo kuwa itobiyanka dowlada maxey ka dhahda o an ahen cawinta amniga ayey u jogan somaliya maha dowlad ee wa maxmiyad marka hurdada an ku jirno waqtiga an ka kici dono ma ogi anugu

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s