Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 6AAD

 

Samata

Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 6AAD

 

Qaybihii hore ee qormada waxaan ku qaadaadhignay: Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Isbihaysiga Nabadda C/laahi Sheekh XasanGuddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gen. Yuusuf SiyaadIndhacadde” iyo Faarax Macallin. Bal aan halkii ka sii amba qaadnno, oon sii qodqodnno qolalka codleeyayaasha Soomaalida ka dhexbuuxa, anagoo ka soo qaadanayna qaarkooda ugu yaabka badan. Dhammaan way ka siman yihiin laba jidlaynta, iyo inay dadka maankooda ku ciyaaraan, taasna dadka ayaa ugu wacan, haddiise la dhihi lahaa: “Habaarqabe, na dhaaf!” ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari lahaa, haddaanse maamuus gaara, magac iyo mansab aasan qalmin ugu daraynno hubaal inuu halyey isu qaadan!

Qormadan oo taxane ah, qeybteedan lixaad waxaa noogu marti ah, mudane, maya, Prof magac dheer ama dhigan ku dhex leh Soomaalida,  waana Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo aan filayo in ugu yaraan magaciisa la maqlay, haddaan aqoon fiican loo lahayn. Waxaan isku dayi doonaa, inaan soo bandhigo dood MAANGAL ah. Ma dhahayo CILMIYEYSAN, illeyn CILMI asagaa PROF u ehe, oo haddaa adba PROF dood cilmiyeysan la gal, ha kugu daba gaddiyee. Mudane Samatar wuxuu saaxada siyaasadda si rasmi ah uga soo muuqday doorashadii 2012kii ka dhacday magaalada Muqdisho, ee ay ku baratameen in ka badan 20 mudane, oo dhammaan u wada hanqaltaagyey madaxweynenimo iyo inay madaxtooyada mudanaha koowaad ka noqdaan.

Sidii uu ugu guuldarraystay hanashada ka talinta dalka, illeyn gari laba nin kama wada qoslidee, Prof Samatar wuxuu isu badalay quuqle iyo qaswade ka dhex qalaada Idaacadaha iyo [Muuqtusaha] Soomaalida, isagoo soo gudbiya dood aan lahayn qodobbo iyo qaabab qodban. Sida caadada u ah kuwa laga badsho (laga guulaysto) ee aan garan in haddaad baratanto aad aqbasho wixii aad kala kulanto guul iyo guuldarraba, balse, haddii aad jaqjaqlaydo waa laguu yaabaa, oo waa ta la yiraa: “Gar dabadeed guuguuda necbiyaa!”.

Prof Samatar, inta uusan isu taagin tartanka doorashada siyaasaddana si fiican ugu qalabqaadan wuxuu ahaa madaxa urur ay isla qoosheen isaga iyo C/risaaq Xaaji Xuseen, oo magaciisa la yiraa: “Hiil Qaran” dadka qaarkiise ugu yeeraan “Hiilo Qurun!” oodba marka aad eegto habdhaqankii Prof Samatar, uu u qalmo in loogu yeero, maxaa yeelay, sida uu dhaqmay ayaa ah mid ka baxsan wixii la isku ogaa iyo wixii laga filan karaba.

Intaa waxaa u wehliyey, inuu mar walba mucaaradnimo iyo dhaliilo waaweyn kala hor imaan jiray maamul walba oo xilka qabta. Hubaal in maamulladii dalka isaga daba maray ay yihiin wax la mucaarado, haddana, marka aad wax mucaaradee waa in ay caddahay dhanka aad ka duulee, ma nin han uga jiro xilka ama ku soo hungoobay ama ku soo fashilmay ayaad tahay, mise muwaadin caadi ah, oo aan intaba ahayn? Haddaad kuwa hore midkood tahay, dhaliishaadu qabasho ma lahan, balse, kan dambe haa, maxaa yeelay, ujeed kale kama lahan, aan ka ahayn wax toosin, haba u maro waddo qalloocane.

Dhismaha ururka “Hiil Qaran” dhallinyaro badan oo Soomaali ah, oo leh wiilal iyo gabdho ayuu hanweyn galshay, oo ku saabsan in dib loo helo aragtidii Soomaaliweyn, ugu yaraan labadii gobol ee midoobay 1960kii, oo burburkii ka dib mugdi weyn la galshay, walina ku jirta, ka dib markii la dhisay maamulka Somaliland, oo gooni isu taag iclaansahy iyo madaxbannaani, ka dibna ay dalka dhan ka hana qaadeen maamullo reereedyo mar walba ku cagajugleeyaan inay iyana goosan doonaan. Dhallinyaradan oo uu ewelba ku Awr kacsanayey, ayuu ka dib Prof Samatar  araxda ka jebin doonaa sida aan qormada ku sheegi doono.

Prof Samatar wuxuu ka mid yahay AQOON YAHANNO badan oo wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda, haddayse dawladdii dhacday, qof walba wuxuu galay ama gooyey la kala ogaa, oo dadkii waxay noqdeen; qof CINDIGA xirtay, oo ku jira: AFKIIBAA JUUQDA GABAY qof CALOOL hadla, qof CAQLI hadla iyo qof CALEEMO saar hadla. Prof. Samatar wuxuu ka mid ahaa dadyow dhawr ah, oo Muqdisho tagay, nasiibna u yeeshay inay ka mid noqdaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ku jiray raggii u tartamay Madaxtinimada Waddanka, kuse guuldarraystay. Markuu Maraykanka dib ugu laabtay ayaase waxaa ka soo yeeray hadallo aan sidaa u sii buurnayn, ee aqriste, bal ila fiiri.

Prof Samatar  Magaalada Muqdisha wuxuu ku tilmaamay XASHIISH. Marka laga soo tago erayga uu adeegsaday oo aad u liita, haddana, yaa moog taa? Magaalo 22 sano dagaal sokeeye ku jirtay iyo faragalin shisheeye, miyaad ka sugaysaa inay Minnesota oo kale noqoto? Anigu ma garan, Profku waxa uu Xamar ka sugayey, ee ka duwan midda uu ku soo arkay? Taa wali aniga waxbaa iigu laaban. Malaha wuxuu sugayey magaalo khiyaali ah ee maankiisa ka dhex dhisan, taa la waa.

Eraga XASHIISH ee Profku adeegsaday iyo muuqaalka uu Magaalada Muqdisho ka baxshay, waxay ka liidataa, midda uu ka bixin lahaa Wiil ku dhashay UK, ee Abkiis iyo Aabbayaashiis afar fac aan waligood tagin Waddanka bannaankiisa, ee mar qura la geeyey Xamar. Haddii loo sheego in Waddankan dagaallo la degeen kuma timaameen siduu ku suntay Prof Samatar. Aqriste, adba isu eeg labada tusaale. Midda kale, ogsoonoow magaalada uu sidaa ku tilmaamaa, waa magaalada uu rabay inuu maamulo, ka taliyo, madaxna ka noqdo, Alle qof waxa uu doonayo aan aqoon dhibka haystaa badanaa.

Prof Samatar  wuxuu ka cawday in la dareensiiyey “Reer Waqooyinimo” gaar ahaan intii uu tartanka ku jiray iyo ka dibba. Balse, midda aan ka oranayo waa: Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?! Micnaha sida laguu yiri REER WAQOOYI baad tahay, ayaa inta KOOFUR ka timid loo yiraa WAN LA WEYN, waliba Waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Midda kale, Prof Samatar  musuqmaasuqa Baarlamaanka, miyaa cidna caad ka saarnan yahayba, oo waaba bannaan yaale. Adigu waxaadba gashay Baarlamaanka, ee waxaa la hayaa rag aanba galin Baarlamaanka, ayna hor istaagtay kaliya inuusan bixin laashuushkaa iyo ii dhiibta aad sheegayso. Midda kale, sawta dunidu soo bandhigtay ma ahan ceebtaa ku aaddan maaraynta maalka. Ta kale, adoo aqoon leh, saw beel inaad metesho kama dooran aqoontii iyo ogaalkii?.

Maalin dhaw ayaa BBC waraysi uu siiyey ku caddeeyey, in aysan jirin meel Soomaali joogto oo aan Musuqmaasuq ka jirin, haddaa maxaad Muqdisho kaliya ugu xoog weyn tahay?.

Waddanka Talyaaniga oo ku jira siddeeda Waddan ee ku hormaray dhanka Warshadaha ahna waddanka saddaxaad ee ugu dhaqaalo badan Qaaradda Yurub dhanka tirsiga Musuqmaasuqa wuxuu ka galay kaalinta 71-aad. Haddii Talyaani kaalintaa ku jiro, Soomaali oo sida ay tahay aan ognahay ilama ahan inay yahay wax lagula yaabo tahay, waase hubaal inuusan ahayn dhaqan habboon, aqriste, maxaad ka dhihi lahayd?.

Midda kale Profku markuu jagadii uu doonayey waayey ayuu sheekadii dhan ka dhigay in la qabyaaladeeyey! Waa wax caqliga ka weyn in qabyaalad uu ku wareegaysto markii la dooran waayey.

Maslax Maxamed Siyaad wuxuu Jabuuti kula tartamey Sh. Shariif oo codad aad u badan ayuu heley, doorashadii danbana codad kuwii hore ka yar ayuu helay, lagamana hayo inuu yiri waa la qabyaaladeeyey doorashada. Prof.Cadullaahi Axmed Caddow waa la mid oo labo goor ayuu ahaa ninka labaad, haddana, doorashadii dambe codad badan ma helin, mana gunuunicn.

Midda dhaqanka la xiriita, Prof. Samatar magaalo 22 sano ITIXAAD DACWATU SHAARIC iyo MUXAADARO ku dhex hayey, 8 sano ALSHABAAB xoog ku haystay, dhaqanka aad ka sugee waa kee? Mid CARBEED hubaal, ee mid Soomaali ugu imaan maysid. Marka aad leedahay waxaan waayey meel lagu Baraanburayo iyo in dumarka meel ku xiran yihiin, saw ma ogid in la yiri: DUMARKA CODKOODU waa XAARAAN? Dhanka heesaha, saw ma ogid in heesaha la mamnuucay, oo la diiday in idaacadaha laga sii daayo? Dhanka kale, Prof waddanka sidaan uga qaxnay ayaa loogu soo qulqulayey, haddi raggaasi qaybtooda ayey qalqaalsanayeen ee uma imaan Qurbaan iyo Qaloon.

Saw ma ogid, ummad baddalkeedu inuusan sahlayn, maalin iyo dhawrna qaadanayn, sidaa awgeed, lagaaga baahnaa adoon soo niyad jabin inaad inta guntiga dhuuqsato ee marada xanjeerata aad meel walba wajiga ku diirto. Illeyn adaa soo doontee, meeshaad joogtay cidna kaama soo qasbine. Hubaal inaad gaari lahayd yoolkaaga.

Dhanka shaqo la’aanta, profku wuxuu sheegay in Dhallinyaradu aysan shaqayn70% waa qiyaas sax ah oo aan qofna diidi karinBalse, waddanka uu ka yimid ee Maraykanka ee dunida ugu dhaqaalo badan dhallinyarada aan shaqayn  waxayd ahayd sanad ka hor 10% Midawga Yurub 10,6% waddanka Grecia 58% Spania 55% Portogallo 36% Italia 38%. Waddamadii warshadaha lahaa iyo dhaqaalaha xooggan ayaan ka sarrayna 30% markaa ma wax nalagu cawryaa mise waa wax lagu caynsho? Prof-ka ayey u taal.

Midda marna iga nixisay marna iga yaabisay baa ah, mar Pfofku ka hadlayey dhallaanka iyo dhimashada, ayuu sheegay in labaduba badan yihiin. Isagoo eray aan mudnayn ku sheegay ilmaha. Markaasna waa la wada qoslay. Waxa lagu qoslay ma garane, yaan daba QAAWNAAN ku soo korin? Malaha inta qososhay iyo isaga waxaa loo galin jiray XAFAAYAD? Isma dhihin, oo haddaa maxaa dhallaanka Soomaaliyeed loogu ceebaynayaa wax aysan dambi ku lahayn, kaaga darane la soo wada maray?.

Isagoo sii wato ayuu wuxuu tusaale u soo qaatay waddamada Maraykanka iyo Yurub in dhimadu yartahay oo dadku gaaraan ilaa siddeetan sano. Halka dhankeenna dhimashadu tahay mid aad uga hoosayso sanad kontamaad. Taa waa sax, mase is waydiiyey Profku in waddamada uu sheegay kontan sano ka hor ay sida aan maanta nahay ahaayeen dhanka dhimashada? Hadduu is weydiiyey muxuu isugu jawaabay? Isaga lee waaye.

Hadal malaha uu ku faan lahaa ayuu ku sheegay inuu uusan ka soo fasax qaadan hoggaanka Baarlamaanka. Taa oo ka dhigan inuu jabshay ballaantii iyo dhaartii uu dusha u ritay kuna damaanad qaaday inuu si hufan u fulin doono. Taa ka sokow, haba qaldamee, hadduu qaladkiisii u sheegayo sidii isagoon qaladba galin saw dhib hor leh ma ahan? Kaba sii darane, haddi Profyadii sidan u dhaqmayaan, maxaad ka filan kartaa qabqablaha, mooryaanka iyo beeneelaha? Adba garo.

Qof walba oo is weydiin jiray ama aanba is weydiinba XAGGEE SOOMAALIDA LAGA HAYSTAA? Ha ku cibra qaato hadallada Prof Samatar. Waxay soo koobayaan TIIHA lagu jiro inta uu duugan yahay, sida uu u daaban yahay, heerarka uu kala leeyahay iyo sida uu ugu kala daran yahay dadka uu hayo ama uu ku dhici karo. Aqriste, anigu lama yaabbani run ahaan, oo daacad ayey iga tahay, maxaa yeelay, inta kol ee aan sadar, Baaragaraaf ama qoraal ku sheegay ma yara dhibka AQOON YAHANKU Soomaali u gaysteen haddana, ay wali ku hayaan. Midda aanse mar walba gocdaa waa laba arrin, oo kala ah:

–      Wixii lagugu aamino inaad diba maryeyso, ee ah aqoon iyo aqool waa wax silloon.

–      Inta ku qatalantay ee aamintay in hannaanka SOOMAALI WEYN uusan ka sokeyn Samatar, oo leh wiilal iyo gabdho SOOMAALINIMADU ku weyntay, asii HALAQ afka u galay.

Samatar maalintuu Xamar ka soo laabtay si buu u hadlay, maalintuu Hargaysa ka soo laanbtana si kale ayuu u hadlay, intaa waxaa u dhexeeya siduu markii hore u hadli jiray iyo sida uu hadli doono imanka iyo wixii ka dambeyaa. Maalintii hore waxay ahayd, qof aan af garto ayaan soo waayey, magaalo xashiish ah ayaan ka soo laabtay iyo doorashadii xaq uma dhicin oo wa lagu shubtay iyo laba beel ayaa Soomaaliya Isbaaro u dhigatay. Intuba qiilin ma lahan haddaan isaga lagu qowl furayn, illeen waxa uu sheegayo, meesha uu ka sheegay iyo sida uu u sheegayo isu gaynteedu waa: “waan is ognanay ammaanna ma ahan ceebna ma ahan!” balse, midda aan marna cuntamayn baa ah, in magaalo aad u doonatay inaad madax ka noqoto tilmamaaha caynkaa ah ku sumaddo, balse, isagu garan waayaye, iyadaa dhaami doonta “haddaan la kala roonaan Roob ma da’o!”.

Hadduu Hargaysa ka soo laabtay, wuxuuba la soo laabtay tii hore mid ka sii murugo badan, maxaa yeelay, si markii loo fiirsho waa DHAGAR, si kale haddii loo fiirshana waa UURKA KA JECLI, AFA KA NECBI. Waxaan uga jeedaa, kan hore wuxuu khiyaanay dhagray ama hagraday intii ku soo raadcay oraahda SOOMAALIWEYN, maxaa yeelay, intaa oo laga maqlaa qof Reer Waqooyi ah, ee da’diisa, aqoontiisa iyo magaciisu Soomaalida ku dhex leeyahay leh ma jiro, hadduu jirana waa yar yahay.

Taa oo ah runtii midda ugu xun una liidata, maxaa yeelay, xisbiga HIIL QARAN waxaa u hanqal taagay dad badan, oo magaca Soomaali ee sii nuxuusa arkay, balse, xisbigii curdanka ahaa illeyn kursi ku gaar ayuu ahaaye waa caabuqmay. Taa waxaa kaaga sii daran inuu doorashada ka qaybgalay isagoon kala tashan xisbigiisa, go’aanna lagu gaarin in uu metelo, wuxuu la mid yahay ninkii rati uusan laheyn, caddeysimo ku rartay heeryo la’aan xitaa milif yarna ha ahaadee asiga iyo agabka saaran aan u dhaxaysiin, ee hees naceybkii digashada ahaa ku yiri:

 

Haddaan dheellis kuu raro

Ama Dhooman laad laad

Igu dhiibad aa tahay

Igumana dhaqaaqsanid (fogid)!”.

 

Midda kale, waaba inuu waligii aaminsanaa raallina ka ahaa in Soomaaliya kala go’do, oo beelaysigu sii xoogaysto, illeyn gobolaysiga haddaad maqashaa waa uun saaye. Isagu wuxuu ku doodayaa Xamar laba beel ma ahane beelaha kale qof ka soo jeeda xilalka sare ma qabtaan? Horta Samatar waxbaa isaga qaldan, waxna waa isku qaldayaa, waxbaa isaga qaldanoo, Hargaysa beelaha dega laba beel unbaa ilaa hadda Madaxweyne noqotay, Riyaale geeridii Cigaal haddaysan dhici lahayn miyuu waligii arki lahaa xilkaa?. Waa meeshii laga dhihi jiray “Dhaxal Goroyo Dhebed baa leh” ama “Nin dhintay Kabihiisa dhaama!” Haddii madaxnimo lagu helayana kumaba sii jirto. Midda kale ee uu isku qadlayaa waa haddiiba la i dooran waayey, meesha laba reer ayey u xiran tahay, oo kaalay markii hore ma ogayn miyaa inay saa tahay? Haddaad ogayd xaad ka doontay ma marqaati ayaad ka noqonaysay? Haddaadan ogayn ee aad hadda ogaatay, midda Hargaysana xaad dhihi lahayd? Mise iyadu waa sheekadii ahayd “teenna annagaa iska leh, tiinnana idin la lihin!”.

Tan kale, Prof Samatar wuxuu isla soo muxtuxay madaxnimada Soomaaliya labo rer yey u xiran tahay, oo cid kale weligood madax Soomaaliya kama noqon! Miyuu illowsan yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal 1967-69? Miyuu hilmaamsan yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Cali Samatar 1 Feb 1987 – 3 Sep 1990? Miyuu illowsan yahay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galayr? Intaa miyuu iska indha saabayaa marka uu leeyahay qof rer Waqooyi ah madax ma soo noqon? Axmedow waa beentaa waana kugu diiday anigu, inta kaa dhagaystay, ee kaa yeeshay iyageey u taal. Alla maxaa runta la iska indha tirayaa?

Sidoo kale, la ye: “Eex Uur Hooyo ayaa laga bartee!” walaalkii ay naaska isla nuugeen oo ku beeninaya aan kuu soo daliilsho, oo aan duldhigo dubaakhdiisa jaban. Prof Cabsi Ismaaciil Samatar wuxuu waraysi ku yiri: “Doodda ka hor imaanaysa Waqooyiga waxa weeyaan; haddii aan doonayno inaannnu umadda u talinno, inagoo isku duubaan, oo mabda’ Soomaalinnimo iyo Islaannimo iyo gobol Waqooyi la yiraa oo dadkoodu siman yihiin, oo isku duuban, haddaan la nimaadno, waxaa ballana inaynu madax noqonayno!” hadal nin weyn iyo waaya arag!

Wuxuu sii raacshay Prof Cabsi Ismaaciil Samatar in ay jirtay mar shanta Wasiir ee ugu xoogga badan dawladda ay Reer Waqooyi ahaayeen, oo kala ah: “Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Buuni, Reer Boorame ayuu ahaa. Wasiirka Khaarijiga (Arrimaha Dibadda) Axmed Yuusuf Ducaale, oo Reer Gibileey ah. Wasaaradda Maaliyadda Cawil baa ahaa oo Reer Burco ah. Wasiirka Warfaafinta Bookax oo Reer Ceerigaabo ayaa ahaa. Prof Axmdoow inta kale waxba maba taqaane, walaalkaa Cabdina ma JAAHILIINTA ayuu ku jiraa, mise dhawaan ayuu ku biiray? Midnimadii 53 sano ka dib, haddii nin Reer Waqooyi ah tartankii Madaxtinimo looga guuleeystay, oo xeer u diidayey in uu is sharraxo ama tartamo uusan jirin, haddii uu ku soo bixi waayey, xaa dadka loogu xagxaganayaa wax iska cad, illeyn haddiyo la isu siin mayne?.

Horta midda ah inuu Waqooyinimo iyo reernimo u dhurtay bannaankana la yimid, ma ahan mid lagula yaabo, maxaa yeelay, inta uu isna uurka ka buki lahaa, dadkana been ku bariidin lahaa, waxaa roon inuu baqtigiisa barqo cad iska feento, illeen beer laxawsi laguma bullaalee.

Middase aan marna taariikhda, intii aamintay iyo inta wali aaminsani aysan ku cafinayn waa qadiyadda muqaddaska u ah in badan oo Soomaali ah, oo uu ka dhigtay gaadiid uu ku dangaaro iyo Awr kasci, markaa wuxuu maanka ku hayey halka laga yiraa “dani waa seeto” ama ka sii habboone marka tiisa loo fiirshee, tii kale oo ahayd: “Dantaada Maqaar Eey ayaa loogu seexdaa!” waa halkii Niccolò Machiavelli ee ahaa “Il fine giustifica i mezzi”. Hal ku dhegga tartanka doorashada Profka ayaa ahaa “Ma sugi karno” anna waxaan leeyahay, “OGOW SIGANNAYE!

Ninkii ay naagtu ka adkaan jirtay, ee yiri waan iska dhicinayaa, markuu uu arkay inay lagdin la dhigi rabto waa kii yiri; “War halkii ay ii wadan jirtay ayey ii wadataa!” hadda, xaalka Prof Samatar u ekaa, haddii aanan xil helin xukunkiinna waa xaaraan! Islaan wiilkeeda kala yaabtay gadgaddoonka iyo malaha sal la’aanta ayaa ku tiri: “Hebeloow; Maandhoow DIIMA badnidaa!” Hadda Prof Samataroow; DIIMA badnidaa! Laba sano ka hor Soomaali weyn ayaad na lahayd, haddana Land, Luuq, iyo Jufo ayaad u dhurutay, waa yaabe berrina maxaa xigi doona? Hal talose aan u diro dhallinta Waqooyi ee maanta u sacbinaya Prof Samatar, ee is leh, wuxuu u soo laabtay beeshii iyo berrinkii. Prof Samatar haddii uu idin ka waayo danta uu idin ka doonayo, waxaa hubaal ah inuu idin ku dhigi doono ta uu ku dhigayo Koofur, gaar ahaan Muqdisho. Marka ha kadsoomina, ee taageerada kala reebta, oo jiilaalka soo socda tii looga bixi lahaa dib u dhigto.

Ugu dambayn, qormada waxaan ku soo gaabinayaa sheekadan. Beribaa nin lahaa Sac buuran oo aad u qurux badan, markuu ceelka yimaado, wuxuu sameyn jirey inuu xoolaha biyaha loo soo daynayo uu ka dhigo neefka ugu horreeyo ee ugu hor cabbo biyaha, wuxuu sidaa ahaadaba neefkii waa rimay, dabadeedna waa dhalay, kolkaasbaa caanihii laga sugaayeey laga waayey, oo caanihiiba koob Shaaha  caddayn waayeen.

Maalintii danbe markii ceelkii la tagay, ayaa ninkii Saca lahaa, Sacii ciil oo uu u qabo caanaha uu ka sugaayey ee uu ka waayey owgeed, ayuu ugu daba mariyey waraabkii biyaha, Sacii cabaadkiisa ayaa baxey iyo baxsadkiisa, asagana ul ayaa afka lagala dhacay oo waa la horay, ninkii lahaa asigoo is maqalsiinayoo ayuu qaylo iyo ci’ afka laba taako ka kala dhigey, markaa ayaa ninkii Saca lahaa hees howleedkan ugu jawaabey kuna yiri:

 

Wallee hebadoow

Han laguu qabay                                                                                        

Haan laguu tolay                                                                                     

Haruub laguu culay

Oon lagaa helin

Yaad la hoogtoo

Yaad la horan tahay!

 

F.G: Fisha qaybta xigta ee qormada oo sii socon doonta.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

 

Advertisements

1 Comment

  1. Maqaalkan waxaan iskaga lumiyey 5 daqiiqo ,wax uu ka hadli iyo dhinac uu socdo lama yaqaan . Wariyooy xaal Qaado. Bal nin wariye isku sheegaya oo weebsite u furtay si shakhsiyo iskaga aflagaadeeyo bilaa hadaf. Soomaali ayaa lahayaa Cajiib.Waar waxaa iska dhigaysaa nin wariya ah wariye marka aad tahayne waxa loo baahanayahay in aad noqoto dhexdhexaad ee Prof Samatar arimaha uu soo bandhigay ka jawaab ay ka mid tahay sidee bay ku dhici kartaa in qof ka soo jeeda Beelaha Dir,Raxan wayn ama Beesha Shanaad uuna noqon Madaxwayne ama raysalwasaare tan iyo intii aynu xornimada qaadaan. uma baahnid xikmad badan si aad u garato Qaladakan ama Cadalaad Xumada Ka jirta Koonfur .Waa maxayse Sobota keentay In Labada Beelood waa daarood Iyo hawiyee ay afduub ugu haystaan Kuraasta ugu sareeya wadanka???? Mark aad su’aalaha ka jawaabto ayaad prof Samatar Qaladaadkiisa saxi kartaa . Waxba haku meeraysan Cali khaliif Galaydh ileen wayne ognahay oo waa Daarood e …….Daarood iyo Hawiyana waa labada Qabiil ee uu sheegay Prof samatar in ay wadankan afduubka u haystaane …….waliba ku darso Labdaa Qabiil Mid kood ayaa tahay waxa ku wadaa waa la iska fahmi karaa ,waa si aad Reerkaaga udifaacdo sax iyo qalad . Wax cusub ama xikmad ah oo habayaraate aad ku soo bandhigtay Maqaalkan ma arko……………………

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s