Maansada: Dulun Islaax!

Image

Maansada: Dulun Islaax!

 

Sida magaca maansadaba ka muuqata, waxay ku wajahan tahay Ururka Al Islaax, faraca Ikhwaanka Masar, oo Soomaaliya meelo badan ka dhisan xarumo iyo xalqooyinna ku leh. Maansadu waxay daba socotaa, ka dib markii ay dhaleecayn iyo buuq ku fureen mudane Xasan Sheekh oo dalka Masar uga qaybgalay xaflad caleemmo saara ah, oo lagu maamuusayey Madaxweyne C/fattah Khalil al-Sisi. Waxaa la yaab ah waxa dal kale ka dhacay, maxaa naga galay, keennii ayaan u tabar la’ nahaye? Ta kale, casuumad loo fidiyey madaxda dawladda, ma waxay u diidayaan in xubin Ikhwaan ah xiran yahay, horeba madaxweyne ha u soo noqdee? Yaab.Horudhaca idin ku dheerayn mayee, maansadii waa tane shifa ku af saara.

 

Maansada: Dulun Islaax!

 

Alifleyda tirinteed

Maansada abkeediyo

Suugaan ableynteed

Gabay ugub ah curintii

Waa taan ayaan hore

Arartiisa dhaafoo

Iriddiisa xirayoo

Allifaaddi diidaye

Eray kooban iga hoo.

 

Inyar dhagaha ii fura

I amaahsha maqalkiin

Aan ISLAAX warkoodiyo

Arrinkooda tebiyee

Idinkuna ajiiboo

Ila arag bal aragtida

Indhaha ku kala bixi.

 

Aqli iyo garaad iyo

Xiska iyo ogaalkiyo

Libintaa aqoon ehe

Mar hadday aqool wadan

Kaba daran abaaraha.

 

Xasan waxaad ku eeddeen;

Ma itaal darraan baa

Ma idaara xumabaa

Ma ilbaxnimo yaraanbaa

Mise waa ISLAAXNIMO?.

 

Ma inuu asaaggii

Ka aqbalay farriinoo

Isagoo metela adi

Soomaali idilkeed?!

 

Mursi iyo Alsiisiyo

Kay eryeen dorraadiyo

Kuwa iilka gelayee

Anwar iyo Jamaalba leh

Umadyahay ISLAAXsani

Ehelnimo walaal iyo

Ma mid idin xigaa jira

Ab miyaad wadaagtaan

Abtirkiinna maa gala?

Islaannimo midkii u dhaw

Ma taqaan Adeeroow?.

   

Haygu oomin murankood

Ha asqeyn dadweynaha  

Inqilaab hadduu dhacay

Maxaa adiga kaa galay?

Ma adaa Masaari ah

Mise waa ISLAAXNIMO?

 

Murshid kuu iftoodoo

Mubaayaca addoonnimo

Kula galay ISLAAXOW

Umddaydu may lahan

Ha ambane ISLAAXOW

Iba bixi xornimadoo

Ictiraaf naftaadoo

Luquntaada eregtiyo

Ka soo cesho ISLAAXNIMO!

 

Dal ajnabi ka kaalaye

Haw arrimin adiguye

ISLAAXOOW salkaagiyo

Isirkaagu waa kee?

Horta kaagu unug iyo

Ma leeyahay ammuurahan;

Askar iyo nidaam iyo

Ciidankii asluubtiyo

Agab iyo shaqaaliyo

Militeri awoodloo

Arligaaga daafaca?.

 

Garan waayey aniguye

Ayaandarro ka weyn iyo

Aayo xumo ka daran iyo

Aqoonyahan ka liitaa

Abid nooma soo kicin.

 

Ammaan iyo xumaan iyo

Ilaaq iyo asluub iyo

Edeb iyo xadgudub iyo

Aabi iyo wanaagnaan

Aadanaha waxaa haga

Xakameeya Idilkii

DHAQAN waaye ma ogtahay?.

 

Ha illaawin waayaha

Wixii umadda soo maray

Maan arag wadaad samo

Nagu ababsho waanoo

Albaab khayr leh noo fura!

Inaad ubadka dubataan

U abaabushaan dirir

Jihaad beena amartaan

Janno ebera sheegtaan

Ayaa lagu asteeyaa.

 

Aqris jaban xujaahoo

Ebteroo afxiranoo

Aan INSAANKU dheef iyo

Ashqaraarba kaba helin

Ebteliyo qax mooyiyo

Dhib inuu abuuree

Laga waa IXSAAN qoran.

 

Iska daaya eexdee

Urugada na haysaa

Ma indhaha ka laabaa

Ma ka awdo araggaa

Ma Ahleenta guraba

Alalaas Carbeed iyo

Asaraar u guur baa?!

 

Idinkaa qabyaaladda

Udubkeeda taagoo

Urur beena sheegtoo

Kala qaybsha umaddeee

Maxaa loo abaal dhici?.

 

Urduf yahow ardaalkaa

Dagaalladan aloosane

Ololkoodu baxayee

Uurdooxay shacabkii

Ilmihiyo cirroolaha

Lagu laayo inammada

Afku saw ka kaa xiran

Aamus iyo agnaannimo

ISLAAX uu ku caan yahay

Uurka aad ka dabateen

Maxaa loo abaal dhici?.

 

Nacayb maaha aragtidu

Eel iyo dhimaal iyo

Eed aan ku socon qodob!

Ha degdeg ISLAAXOOW

Waa hadal Abwaanoo

Aan inkaar la soconoo

Marna lagu irdhoobayn.

 

ISLAAXOOW burhaan iyo

La imaaw daliiloo

Siyaasadda aguugani

Afkaarteedu socon mee

Ka ilaali xagjirkiyo

Wax walboo la eersado.

08/06/2014

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s