Maansada: Qabbir!

 Image

Maansada: Qabbir!

 

1- Nin qabiil diloodoo

Qalibigiisa uu degay

Qurbahana ku raagow

Oof wareenya Qufac iyo

Qaaxo kugu dillaadaye

Qabrigaaga yaa qodi

Qiyaamaha maxaad fali

Samhariira qiiceed

Waligaa ka qaaqlee!

 

2- Qabablaha dagaalkiyo

Colaadaha qabiikiyo

Qalalaase huriyoow

Qaaxo kugu dillaadaye

Qabrigaaga yaa qodi

Qiyaamaha maxaad fali

Samhariira qiiceed

Waligaa ka qaaqlee!

 

3- Oday qaab lahaynoo

Qiyaastu tahay dirir

Qandigiisu maran yahow

Qandaraaslahaanow

Qaaxo kugu dillaadaye

Qabrigaaga yaa qodi

Qiyaamaha maxaad fali

Samhariira qiiceed

Waligaa ka qaaqlee!

 

4- Ganacsadaha qurunkiyo

Daawo qolaf la’ keenoo

Tayo aanan qiimayn

Xaaraanta quutee

Cunto qallashay iibshoow

Qaaxo kugu dillaadaye

Qabrigaaga yaa qodi

Qiyaamaha maxaad fali

Samhariira qiiceed

Waligaa ka qaaqlee!

 

5- Quraan been tebiyaha

Qasad beena xeershaha

Ku qaraabta diintoow

Qaaxo kugu dillaadaye

Qabrigaaga yaa qodi

Qiyaamaha maxaad fali

Samhariira qiiceed

Waligaa ka qaaqlee!

 

6- Aqris iyo aqoon qoran

Qalin maalka laga rabay

Qoomkaan inuu hago

Balse, qaa’inoo xaday

Qarandumiyahaanow

Qaaxo kugu dillaadaye

Qabrigaaga yaa qodi

Qiyaamaha maxaad fali

Samhariira qiiceed

Waligaa ka qaaqlee!

 

Soomaali qalalkiyo

Miinadiyo qaraxiyo

Qaxarkiyo dhibaatada

Qaxa aan dhammaanayn

Waxa qatalka ugu wacan

Ku qabbiray dhimaal iyo

Inay qayb ahaadaan

Waa lixdaase qiro’oo

Ha u qiilin xumahoo

Ha qarsanin balaayee

Qoorgooyo idilkeed!

 

Dhammaad

10/06/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s