Baastada iyo Bataatiga keebaa la cunaa?!

Image

Baastada iyo Bataatiga keebaa la cunaa?!

 

Haddii Jimcadii iyo jalbeebsigeedii wixii na kala dhexmaray aniga iyo wadaaygey aan idin la wadaagay, ayaa maanta oo Sabti ah, fasax guudna ay ba tahay dalka oo dhan, ayaa mug kale anoo nasashadaydii ku jira, waxaa i soo maray saaxiibkaygii, oo aanba danaynayey inaan la kulmo, si kolkaan aan anigu weydiin u wedyiiyo.

Anoo fadhiya maqaayad tog yari garabmaro, ayuu ii yimid, isagoo madaxa luxaya, fartana dhankayga u soo fiiqaya, sidii inuu i leeyahay: “Adiga, adiga..” oo dhaar oo kale ama dhiilligalina.

Markuu isoo garab istaagay, ayaan ku iri: “Farta aad dhankayga u soo taagaane, waa maxay? Salaaman dabadeed.” Markaa buu igu yiri: “Baxarkaad shalay i galisay, qatarta aan ka qaaday ayaadan war u hayn, waxaan ku waay gaaray inaan Koobka Adduunka si habsami ah ku daawado, oo aan asxaabtayda la daawado!”.

Anoon garan waxa uu ka hadlayo iyo ujeedka hadalkiisa ayaan ku iri: “Oo waa maxay baxarka aan anigu ku galshay, goorma ayaan se ku galshay baxar?” una raacshay: “Ogaantey baxar iyo balaayaba kuuma billaabin, albaabkeedna kuuma furin”.

Inta geesaha dayday, ayuu igu yiri: “War mooge Alla ma cadaabo!” iina sii raacshay: “Dhibka aad ii gaysatay, wali dhabanna haysadkiisii ayaa i haya, ee ka gudub, waxba yaanan kugu madax xanuujine!” Deedna ku iri: “War heedhe, Samow, midda aanan ba wali garan waa eeddan aad igu soo leexinayso iyo xumaanta aan kuu horseeday, waxaa se iigaba sii daran, inaan wali garan la’ waxa aad shalay ula jeedday, eraygan ah: “FISIHII ayaa iga dhacay?!”

Inta neef weyn ka soo go’day ayuu igu yiri: “Waaba meesha la iga galay, ee iga daa fadlan ha i soo xasuusine!” Saan ku iri: “Same, run ahaan ereygaa inaad ii faa’iidayso ujeedkiisa iyo wax loo adeegsado waan jeclaan lahaa, waliba kaaga mahadcelin lahaa” markaa suu igu yiri: “Galabta ma ahan, ee adoo raalli ah mar kale nooga dhig, haddana niyad iyo uma hayo han aan kuugu sharrexee”. Anna “Haye” ayaan ku iri.

Markaa ka dib, ayuu inta madaxa xoqxoqday, oo i soo eegay igu yiri: “Baastada iyo Bataatiga keebaa la cunaa?!” markaa baan ku iri: “Haddana, ma cuntadii ayaa waswas iyo kaa galay shaki, mise wax kale ayaad uga dan leedahay?” una dabadhigay; “Shalay xoolo iyo caano ayey ahayd, haddana, ma badarkii baa?”

“Cunto nuxur leh oo aan cuno qadadii shalay ayaa iigu dambayse, horta adigu iiga warceli, Baastada iyo Bataatiga keebaa la cunaa?!”  ayuu igu yiri, isagoo is madluuninaya. markaa baan ku iri: “Horta ma ogtahay, in weydiintu laba macne leedahay?”. Markaa buu inta qoslay yiri: “Waxay leedahay kuma weydiin, ee adigu kan la cunayo ii sheeg?”

Markaa baan ku iri: “Ka la cunayo war uma hayee, weedhan sida aan ka gartay, waa waxa Naxwaha afka lagu yiraa: ISKU DHIGID, KALA DHIHIN KALA MACNE. Micnaha mar waxay ka dhigan tahay in Baastada iyo Bataatigu is cunayaan, oo aad i weydiinee, kee baa kan kale cunaya? Marna waxay noqonee, in labadaa mid la cunayo, oo kan kale aan la cunayn, marka keebaad warcelin u rabtaa?”.

Markaa buu yiri: “War nin yahow Bashiir, ani waxba ha iga daba wareegin, waallidaadii iyo afsoomaaliyeyntaadiina ha ila aadin, warcelinta meesha ay ka dhawdahay ka soo qabo, ee igu soo tuur, adoo raalli ah”  “Haa, way fiicnaa lahayd, balse, “Weydiinta oo la gartaa, waa warcelinta barkeed” ayaa la yiraahe, anigu haddaanan ba garan weydiinta ama mugdi iiga jiro, maxaan ka warcelshaa ama kugu soo gamaaba. Saw ma ahan inaad ii sheegto waxa aad una jeeddo weedha?”.

Markaa buu yiri: “Adiga sida aad doontid u FALSAFAYSO, ee run ahaan aniga weydiintaydu waa caddahay, haddaadan is yeelyeelayn, ama aadan is dabbaalinayn”  markaa baan ku iri: “Maya, runtii is yeelyeeli maayo, ee aniga ayey igu adag tahay inaan dhexgalo wax aanan garanayn, kaagana darane, aysan ba i dhicin waxa looga jeedo iyo danta laga leeyahay”.

Caawa waxaa ciyaaraya …” intaa markii uu yiri, ayaan inta hadalkii ka dhexgalay, ku iri: “Oo wali ma ciyaarihii ayaad iga daba waddaa, inaad igala hartay ayaan moodayee!” Markaasuu igu yiri: “Sidee lagaagala haraa, waxaan ba doonayey inaan kula socodsiiyo meesha uu marayo iyo hadba ciyaarta jirtee”.

Anoo niyadda ka leh: Nabee waraa ku sugaa iyo hawl aan yarayn ayaa kuu taal, ayaan ku iri: “Haye hee, bal muggoo ii sheeg bo Baastada iyo Bataatida sida loo cunayo ama ay isu cunayaan iyo waxa cunaya?” saa sidii qof hadal loo diiddanaa oo kale, inta hadalkii daf dhahay, ayuu yiri: “Caawa waxaa ciyaaraya Talyaaniga ab baasto iyo Ingiriiska oo isna xariif ku ah karinta Bataatiga fiiqfiiqan;”.

Markaa baan ku iri: “Haa, saa iga dheh, waan ba yaabbanaa, oon is lahaa, muxuu soo wadaaye. Balse, Talyaani ma isagaa ab Baasto ah, saa Shiine ayaa laga soo gaaray baastadee. Ta Bataatiga haa, waa runtaa, Ingiriiska ayaa horseed fiican ka ah karinteeda, oo xitaa dalka uu gumaystay way uga fiican dalalka kale, ee dunida.”.

Markaan sidaa u gartay ujeedka Baastada iyo Bataatiga ay tahay in la cuno, ayaan anoo xasuusinaya ku iri: “Haddi ogoow, waan kaa sugayaa inaad ii faahfaahiso waxa aad ka wadday FIISAHA, mar walba oon ku arkana ku weydiin doonaa, illaa aad ii qeexdo, ood ii qaanbaxdo” markaa buu inta qoslay igu yiri: “Waa tahay, waa ballan ee ha ka baqan mar baan kuu sharrixi doonaa!”.

Markaa baa anoo la kaftamaya ku iri: “Haye, calabta FIISUHU dhici maayo miyaa?” Markaabuu inta qosol dheer ku dhuftay, oo dadkii dhinacyadeenna fadhiyey ay na soo wada eegeen igu yiri: “Loo laaban maayo, in mar dambe FIISUHU dhaco, taa axdi baan ka soo galay, mid ka horreeyana waa jiray, ee adaaba i soo xasuusiyee, waa sii roorayaaye, soo nabad ahaaw” deedna iga dhaqaaqay, anna aan ku iri: “Kulanti dambe” madaama aan doonayo inaan ogaado dhicidda FIISUHU waxa ay tahay.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s