Image

Maansada: Qurbajoog

 

Sida magaca maansada “QURBAJOOG” ka muuqataba, waxaan filaa inaysan u baahnayn hordhac iyo gogolxaar toona, ee aqris wanaagsan:

 

Maansada: Qurbajoog

 

Qurba jooggu waa kee

Qaabkiisu see yahey

Horta qolo ma leeyahey

Iyo qaarad gooniya

Ama ciidan qaaliya

Iyo calan la qaabbilo

Qarankiisa yaa garan?.

 

Rog-rogoo bal qiimee

Qorshahaana Ila garo

Iyo qasadka maansada

Qaamuus ka waayaye.

Qurbajooggu waa kee?

Ma ka uu qabawgiyo

Qarqaryadu dilootee

Qamandhacadu haysee

Ku qadiinle wajigaa?!

 

Qurbajooggu waa kee?

Ma ka qaranka dumiyoo

Qilaafyada hagaayoo

Qabqablaha hubeeyaa?.

 

Ma qabyaaladiistaha

Isku dira Qabiillada

Kala dila qaraabada

Qoyskiyo xigtada iyo

Kala qaybsha ehelkaa?.

 

Ma ka qarribka dhaliyoo

Qabqabsiga ku maaloo

Qaxarkana abuuraa?.

 

Ma ka uun qasaaraha

Qaska iyo dhibaatada

Quruxdiisu tahay baa?.

 

Ma kan dabinka qooloo

Shisheeyaha u qaaduna

U qabbaana abid baa?.

 

Ma ka qaan ku nool ee

Ka qufulan wanaaggee

Qabashaba lahaynee

Laga quusanaayaa?.

 

Ma wadaadka qaaqloo

Quraankii afduuboo

Macnihiisii qoob xiray

Qaabdaran u sheegoo

Gabannada qarxinayaa?.

 

Ma ka quuta cayrtoo

Soor quureed cuna’oo

Iska qaata waligii

Qarash aanan haynoo

Ku qaraabta saabaa?.

 

Ma qaadicu dariiqaa

Qalqal iyo walaac iyo

Qalalaase kiciyaa?.

 

Ma kan qaadka ruugoo

Qayilaad u joogoo

Qorrax iyo habeen iyo

Kala garan Qiyaamaa?.

 

Ma qaxooti magacii

Qaabkii la rogayoo

Qatar kale la moodoo

Iska qaylinaayaa?!

 

Ma kan qaata shilimaad

Qandiyada ka buuxsada

Qandaraasya soo xira

Ku quraacda abid ee

Ku qadeeya maalmoo

Qofna aanan siibaa?!

 

Ma ka qalinka dhiigga leh

Qabiillada ku caayoo

Qoraallada dhimaalkaa

Qormo jaban ku daabaca

Mareegaha ku qora’oo

Qurunkana ku faafshaa?!

 

Ma qaablaawe Suud xiran

Ama Cigaal ku qoofalan

Qarrib iyo dhimaal badan

Oo laga Qiblaystaa?.

 

Ma kan aan qabkii jirin

Isla weyni qaba’oo

Quraanjada ka liitaa?.

 

Abwaanow qiyaasoo

Ka qisee ujeeddadan

Ha qarinin ogoolkoo

Qa’da maanso curi’oo

Qowmkaani waa kuma?.

 

Umad yahay qalloocani

Ha u qiilin xumehee

Kuwa idin qalaayiyo

Kuwa idin qatalayaa

Waysku qaabe ma ogtahay?.

 

22/06/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/