Image

Maansada: Faduul Caashaq iyo Faquuq Jacayl!

Caashaqu fariid iyo
Waligiiba fani iyo
Muu noqon wax faahima!

Faraxddayda muu kabin
Faaya dhawrna uma noqon.

Wali iima fiicnaan
Inuu fara i gooyiyo
Inuu foodda iga jaro
Ayuun buu ku faanaa!

U fiirsaday xumaantii
Qaansiyo fallaar buu
Iga galiyey Feeraha.

Dammanaanya Feker buu
Maskaxday ku faafshaye
Maan foofsan kaba dhigay
Nin fayowba maan ihi!

Firxadkii aan galaybaan
Ilaa foogta ku jiraa
Fiid iyo dharaar baan
Fagaaraha ka guuraa!

Gacaliso Fartuunteey
Igu yiri; waryaa ka fuq
Faraantigeeda tuur iyo
Filiq sii xasuusteed!

Mana furin ma sheegtana
Ma falaadin aniguye
Waqtigaan faqiih iyo
Ii noqon fir iyo asal.

Faralkiyo Sunnada iyo
Fuudkii ka tagayoo
Falfalliir ma cuna’oo
Faruurtayba ii xiran!

Fannaankiyo waxgaradkiyo
Faal dhige u tagayoo
Fooxii wax sheeg iyo
Iska diid farriinteey!

Faduul iyo xakaar iyo
Faquuq buu i galiyoo
Waxaan ahay nin falanoo
Iska foorya kaligii!

Dhammaad.
24/06/2014

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements