Maansada: La tuura QAAD!

Image

Maansada: La tuura QAAD!

 

Sida cinwaanka maansadaba laga garanayo, waxay daba socotaa joojinta QAADKA laga joojiyey Ingiriiska, oo ah guul weyn, taa oo igu dhalisay inaan ku daro qodobbo aan u arkay inaysan ka dhib yarayn JAADK, haddii aysan  ka qatarsanayn. Maansadii waxay ku billaabatay sidan;

 

Maansada: La tuura QAAD!

 

Qaraadaha adduunyada

Haddii jaadka qabbir iyo

Qad guduudan lagu dhigay

Lagu qoray inuu yahay

Qarrib Maanka dooriye

Loo qiray Daroogiyo

Qamri inuu ka daran yahay !

Qaanuunka lagu  qoray

Qowmiyadda uu dishay

Kala dhacay qar sare oo

La jibaaxay qararoo

Qardajeexba galiyaay

Quluubtiin ka tira’oo

Qarankiinna yow u iman

Qaaraddiin u diidoo

Qarashkaaga ha ku gadan.

 

Qarankiinan dhaawacan

Qoysaskiinnan kala jaban

Qaraabadan is diiddani

Inuu Qaadku kala jaray

Kala qariyey Jaadkoo

Qayb weyn ka qaatoo

Kala qaarshay yaa moog?!

 

Qa’da maanso curinteed

Aan ku qotonsho maantee    

Qodobbaan dhibkiisiyo

Qatartiisa ka yarayn

Qaadkaa la diidee

Quruumuhu ka dayrsheen

Aan dareershe ila qabo

Waa bayaan qabiiree

Qareenkeeda noqo ‘oo

Una qaybi kuwa maqan.


Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Qabiilkiyo xumaantiis

Qabyaaladda ku dara’oo

Laba tuura qaaceed!

 

Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Qabqablaha dagaalkiyo

Qalalaase huriyaha

Qaswadaha ku dara’oo

Laba tuura qorigii!


Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Oday qaabsha xumihiyo

Qaab iyo qiyaas wadin

Isku dira qaraabada

Qaablaawe tuuroo

Qiiq huriyekuba dara!

 

Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Qawlaysatada baas

Qarashdoonka ganacsade

Gafanaha qashaashkiyo

Naga iibsha qurunkiyo

Quud dhacay ayaan hore

Qalinshubata tuuroo

Qaali keene kuba dara!

 

Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Ka Quraanka leexshoo

Bulshadii qalaayiyo

Kan u qaylinaayaba

Qiilkiisa tuuroo

Qawlkiiba kuba dara!

 

Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Kii aqoonta qaatee

Qalinkiisi eex iyo

Qoqob iyo dullayn iyo

Qayb qaybsha beelaha

Qolyo kale u joogaha

Ka qalaadna kuba dara!

 

Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Qurbajoogga qaaqloo

Aan qayr lahaynoo

Kaba qaawan same iyo

Qaatumada tii roon

Qaran dumiye tuuroo

Is qabeeya kuba dara!

 

Haddii qaad la maanicay

Qoryihii cagaarraa

Qayilaad la joojiyey

Federaalku qawmyahow

Qabyo qaybshe waayiyo

Fidno noo qarsoon  iyo

Qarib iyo gumayn iyo

Waa Qunblado halisoo

Qaraxeedu muuqdee

Qaryo dawlad laga dhigo

Quwaddeedu gaar tahay

Calankeedu qayd yahay

Qariiraddeeda tuuroo

Qawsaarkeedba kuba dara!

 

24/06/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s