ama

Heesta: Ammuur

Abaarta la joogo
Abuurku bixi waayey
Albaabka is awday
Irsiqu naga oodmay
Illinka naga laabmay
Ugaartu gali waysay
Abkii laga gaaray
Awoowiyo Aabbe
Ayaa lagu eersan!

Ilmaha qaladkooda
Ilduufya gefkooda
Waxay agab heedhe
Alaabo ka yeeleen
Hal iyo eber laalan
Waxay eel geystaan
Iyagu kuma eedna!

Adduunku dhaqaale
Itaal iyo baawer
Awood iyo xoog
Aqliga hagayaahi
Ma laha asaraare
Hortaada bal eeg
Ka soo hel abaal
Adoon horow geysan.

Ammuurahan taagan
Is eedka dhexdeenna
Muluqya odaygeenna
Ubadka noo jooga
Abuullanka waayo
Abbaar xumo waaye
Asaaggiin heedhe
Muranka iba beelay
Ablayntiis diide
Hadmaan ku abbaari
Aqoosha wanaagsan
Aqoontu hagayso
Ogaal lagu biirshay?.

Dhammaad.
04/07/2014

Bashiir M. Xersi

Advertisements