Madaxda Tacsida iyo Cambaareynta!

ssss

Madaxda Tacsida iyo Cambaareynta!

 

Muuqaalka la isaga wada eg, haddana, lagu kala gaddisan mabda’a iyo mansabka, magaca la isaga wada eg, haddana, lagu kala gaddisan maamuuska iyo misaalka, maamulka la isaga wada eg, haddana, lagu kala gaddisan maaraynta. Marna muruqaa, marna maankaa, labadaa waxaa u dhexeeya waa maahsanaan iyo mala’awaal, madadaalo iyo malaa yacin.

Inta kursiga u waalan, inta madaxnimo u rooree, inta jago u jajaban, inta xil u xusulduubee ciiddaan ka badan, oo waxaanba qabaa inuu yar yahay Soomaali maanta aan xil iyo u hanqaltaagayn jago, saa oy tahay, haddana, waxaa ayaandarro ah, in intaa wada ordee uusan ku jirin ama ku yaryahay mid u qalma inuu xil iska daaye, uu noqdo waardiye iyo albaab jooge, saa qabli iyo qaalib, maan iyo maskax, talo iyo tub, feker iyo faallo, faham iyo faa’iido, midna ma hayee, kaliya wuxuu dhan uga jiraa waallida bulshadeed ee la yiraa: “Anna Murrashax baan ahay!” iyo “Madaxweyne mar I dhaha!” intaa wax ka baxsan ama dhaafsiisan ma hayaan.

Isweydii, SAXALLADA hadda Soomaali horbooda, iska daa inay bulsho, qawmiyad iyo maamulaan dade ma u dhiiban lahayd, ama ku aamini lahayd Ari kaa ah, iska daa Geel iyo Lo’e? La ye: “Wixii araggoodu ku deeqaa, uuntooduna ku deeqdaa” Si kale: “Tiisa daryeelaa tu kale ku dara” marka qofku uu tiisa hagaajiyo, oo ka dhigan inuusan isku qaadin wax uusan ka soo bixi barin, aqoon u lahayn, aqoosheeda garanayn markaa ayuu is caynshay, bulsahada inteeda kalana caynshay, balse, inta habacsane kastaa uu u hanqaltaagayo hoggaanka bulshadan heehaabaysa hirirka halaagga, waxaa hubaal ah in heehaabka lagu sii jiri doono.

Sida in badan qabaan, aniguna aan ugu horreeyo, inta Muqdisho ay ku jirto tiihan aan jihada lahayn Soomaalida inteeda kalana qamuunyadu dhan ayey ka saarraa doontaa, sida haddaba muuqata, lagu kala duwan nabadda, ammaanka iyo xasilloonida, balse, wax kale la isma dheera, oo HAYAANKA, DHALANDHOOLKA iyo BUUFISKA loo wada siman, haddii uusan ba ku badnayd deegaannada ay ka jirto nabadda dhaanta ta Xamar iyo ka jirta koofurta kale. 

Nabad! Eray halhays iyo noo ah hawraar la isku baariidiyo (Nabad ma jirtaa? Nabad ma sheegtay?)  mar waa halkan iyo heerkan ma ka jirtaa, marna waaba la haybinayaa, oo waa maqan tahay, haddana, aan lahayn, la helin, laguna joogin hilinkeedii. Dhawaan ayaa maamulayaasha Muqdisho waxay soo bandhigeen hal ku dhaggan ah: “NABAD KU AFURA!” eray macaan, marka laga soo tago in dadka badankii aysan haysan wax ay ku AFURAAN, oo sida ay dhawaan sheegtay Qaramada Midoobay Koofurta iyo Muqdisho waxay qarka u saran yihiin in laga iclaansho xaalaad Bini Aadamnimo, GAAJO awgeed.

Haddii dadka aan loo abuurin xirfado iyo mihnado, shaqo aan la siin, suuq iyo aan la ebyin xarumo gacansi, la kaabin ilihii dhaqaalaha, shaqaalaha dawladda iyo Askarta aan la siin mushaar iyo biil, ugu yaraan dadka Muqdisho iyo Koofureed waxay xaq u leeyihiin iyo xil inay NABAD KU AFURAAN, oo aysan la kulmin; QARAX, MIINO, ISMIIDAAMIN, DIL, QAARIJIN, TOOGASHO, HOOBIYE, DAGAAL, DIRIR, AFDUUB, DHAC, DHAAWAC, DHIMASHO, IWM, haddana, weydiinta baa ah; taasi ma dhacday, oo ma loo hirgalshay sidii loo ballanqaaday, mise waxay noqotay sida marar badan loo ballan qaaday, ee aan hal iyo xabbo toona laga hirgalin?.

Haddii la arkay in NABAD KU AFURA! ay tahy sheeko, ayaa dadkii u rogeen sidan; NAXDIN KU AFURA! Maxaa yeelay, ma jirin sidii bisha Soonqaad u dhalatay maalin aan qarax, dil iyo qaarijin ka dhicin Magaalada Muqdisho, sidaa ayeyna u noqotay NAXDIN KU AFURA! Oo meesha ka saartay huuhaadii ay wadeen maamulayaasha Muqdisho, oo mar kale ku noqotay ballaanqaad ay baajiyeen iyo fulin ay ka maageen.

Horta nimanku madax waaba isu yaqaannaane, waa madaxdee? Ha igu soo boodin, haddaad sandareerto ku qabto ama ay adeerradaa yihiin ama aad isku jifo tihiin ama kaba muhimsane aad xeyndaabka XARAKADA iyo XERTA wali ku dambaysa ADDOONSIGA maskaxeed aad ku jirto, ee qof adoo kale ah, uu BAYCO iyo kaa qaadayo DHAAR ah inaad wax walba ka hormarinayso sidii aad FUTA KU XAARRAHAA aad u ADDEECI LAHAYD!

Hubaal inay yihiin madax CEEBEED, haddana, laye: “Xabaala CEEBEED lama arage!” hubaal inay yihiin Madaxda Tacsida iyo Cambaareynta! Maxaa yeelay, fal walba oo dhaca, waxay kaliya ku ekaystaan waa uun labadaa Tacsi iyo Cambaareyn! Oo wax kalaba uma qaabna. Baaraandeg ka hor inta uusan falku dhicin, baaris markuu dhaco ka dib iyo bayaamin sidii iyo sababta uu u dhacay, oo ay wehliso, in la bidhaansho inuusan dib dambe u dhacaynin, intaa iyo in la halmaalaa lagama hayo, mana laga sugayo, saa umaba samaysnee. Laye Habaar waxaa ugu daran: “Waxaad hayn huraynna Alle ku hor keen!” waana ta Soomaali haysta, oo Madaxda Tacsida iyo Cambaareynta ma ahane, wax kale ma hayaan, iyana wax hagaajin  maayaan.

Widaay saaxiibkay ah ayaan ka hayaa, maadaama hadda la hadalhayo isku shaandhayn iyo Wasiirro badalid, ha lagu soo daro labadan Wasaarood oo kala ah: Wasaaradda Tacsida iyo Wasaaradda Cambaareynta, oo markii wax dhacaan Wasiirkaa iyo Wasaaaraddiisu ha isu taagaan, ka tacsi bixinta, oo yaa loo bixinayaa, ma dunida? Moogi, usa badi inaysan Soomaali ku socon iyo in ay diyaarshaan aas iyo duug wixii  la samaynayo, sidaa ayeyna madaxda sare uga mashquuliynaynin shaqadii faraha badnayd ee u taallay.

24/05/2014 ayey ahayd markii uu sheegay in mudane Guuleed gacanta labaad ee mudane Xasan iska casilay xilka Wasiirka Aminiga Qaranka, ewelba yaa maamule MADALLAD yar, MACHAD ama ISKOOL u dhiiban jiray Amni tuulo iska daa Amini Qarane, aan ka ahayn ninkaa Xasan la yiraa iyo inta ku xeeran ee loo igmaday sidii ay Koofurta iyo Muqdisho u sii dullayn lahaayeen, tusaale iyo burhaan ba u qaado haddii aad daliil doon tahay, sida ay ku dhacday ama ay ku suuragashay adoo Muqdisho oo kale madax ka ah in qofkii kuu qaabilsanaa Aminga aadan magacaabin in ku dhaw laba bil, oo ka dhigan inaadan magaaladaa aadan la rabin xasillooni iyo kala dambayn, balse, inta wali hiyi kacsani ay kuu sacbinayaan, saa wali waa suuxsan yihiin, waxaan is weydiiyaa; goorma ayey miyir yeelan doonaan amaba heli doonaan?.

Shalay Guuleed isagoon ammaan wax ka aqoon ayaa loo dhiibay xilkaa, haddana, waxaa laga dhigay LA TALIYAHA ARRIMAHA SIYAASADDA, oo muxuu ka yaqaan? Xaggee ku bartay? Waa se siyaasaddee? Muxuu kala taliyaa, muxuuse kula taliyaa? Waa wax isma dhaanto iyo dhasheed, kan lala talinayaa macallinnoimo iyo maamul dugsi xagge uma dhaafin, kan la talinayaana waa ka sii liitaa, saw kama dhigna sheekadii ahayd: “Ar ku helli, xay ku nuugtaa, xayse ka nuugtaa?!” Iska daa siyaasade, xitaa sida wax loo sasabo ma yaqaannaan.

Waxaan uga jeedaa, sida ay u gartaan in mudane Guuleed uusan xil la’aan u noqon, oo ay mar walba tahay in la meeleeyo, wallow ay noqoto meel uusan alif iyo aayad ka qaadan karin, sidaa si la mid ah uma aysan garan inay mudane u qalmaan helaan Wasaaradda Amniga Qaranka, oo illaa iminka ah xafiis bannaan iyo boos maran, waxaana sii haye looga dhigay Wasiir kale, bal waa yaabe, maxaa u diiday in isla Guuleed xilka sii hayo inta mudane kale laga soo magacaabayo, oo ayba ahayd in degdeg ah loo magacaabo, ee keenaya in Wasiirkii oo jooga in qof kale loo tiirsho, oo marka maamul xumada laga soo tago sedbursi iyo ah jabin xeerkii awood qaybsiga beeleed, maxaa yeelay, jagadaa beel ayaa ku magacaawneed, oo haddii mudanihii metelay xilka isaga dagay, maxaa diiday in mudane kale booskiisii lagu badalo? Anigu ma garan.

Taa waxaa dheer, waxaan ku jiray inta la yaabbanayd magacbista mudane C/weli Sheekh Axmed, haddana, codkeenna iyo curinteenna waxaa qariyey sawaxanka beesha, sacabka beesada iyo sirmida samajecelka. Inta Dollarlka lagu doortay, oo cod iyo caddad ku helay gartay, oo waaba loo fartaagaye, isaga maxaa lagu xishay? Anigu illaa iminka waa garan la’ahay, ee haddaad igu dhaanto, fadlan ii bidhaami adoo raalli ah, inta ka horraysa, aan sii baal rogee, bal qormada sii raac.

Yaabkii wuxuu dhalay yaab kale, ka dib markuu soo dhisay xukuumad ka kooban 55Wasiir, oo dadka soo xasuusiday Baarlamaankii Dawladdii Shariif, ee “Tiro badne, tayo yare!” oo ka mid ah belooyinkii Jabuuti ay noo qooshtay halkay baga badbaadin lahayd. Kii ka horreeyey mudane Saacid gacan adaygga iyo bakhiiltinnimada wuxuu xukuumaddii dhammayd ka dhigay 10Wasiir, waa kaaf iyo kala dheeri, ee maxaa noo diiday dhexdhexaadnimada, oon had walba xagjir u nahay?.

Ha yimaadee, muxuu yagleelay? Magac eber ah, mansab maran, maqaan aan jirin, muunaad lunsan, masuulnimo dilantay, muran aan dhammaan iyo mabda’ la’aan ayuu sida kuwii ka horreeyey looga bartay la yimid, ayba u soo dheer tahay habacsanaan iyo haleel la’aan hor leh. Ha degdegin aan kuu daliilshee, adoon beelaysnayn ama qabiilaysnayn ila dhugo xujooyinkan, ka dib dhankaad rabto u bayr.

Ma ii sheegi kartaa dhismaha xukuumadda ka dib, tallaabo muuqatoo hormar leh oo ay ku tallaabsatay? Ma ii sheegi kartaa go’aan wax ku ool ah ay gaareen, ee la meelmarshay? Waxaan la yaabaa sida aysan illaa iminka xumuumaddiisu wax uga qaban arrimaha dhaqaalaha waddanka, oo ay ugu horrayso lacag cusub samaynteeda iyo guddoonka Bangiga Dhexe oo la hirgalsho? Waxaa la yaab ah, waxa ay uga aamusan tahay XILDHAANNADA XERADA XALANE ku XARAYSAN, MOOSHINKA ay ka keeneen shirkadda FAVORI, oo haddii shirkadda Garoonka laga saaro ayaa maamulaya? Ma isbaaro inay dhigtaan ayey rabaan? Yaab.

Intaa waxaa sii dheer, qodobbada ay ka midka yihiin ammaanka, oo aan wali wax weyn laga qaban, la dagaallanka Alshabaab, oo mar kale hakad la galiyey, la dagaallanka musuqmaasuqa, dhammaystirka hay’adaha dawladda, ay ugu horreeyaan qabyatirka dastuur ku sheegga (DALTUURKA), dib u dejinta barakacayaasha, hanti isu celinta, dib u dhiska dalka, habaynta qaanuunno lagu hago kala hago hay’daha dawladda.

Dhammaan waxaaba iiga daran maalin walba waxaa wararka ku jira in ciidan Jinni uu tababarkii u dhammaday Muqdisho lagu soo celshay ama isla Muqdishaba ugu soo dhammaaday, haddana, maalintaa ka dib meel ay ka bexeen ama ay galeen cid garanaysaa ma jirto, waa meeshii laga dhihi jiray; “Xeradu waa wada ULO, UL la qaatana ma lahan!” waxaa ka sii liita waa in aysan jirin maalin uusan shir baas looga hadlayo ammaanka iyo nabadda Muqdisho uusan dhicin, oo uu ugu dambeeyey kii dhacay maanta oo u dhexeeyey saddaxdaSAXAL, ee kala ah; Xasan, Jawaari iyo C/wali, haddana, waa taa mar kale lagu dhex dagaalayo xarunteedii, oo aysan xitaa wax u terin wixii Afrikaan ku hareeraysnaa.

Ninmanka xeryaha AMISOM iyo ku jira XALANE, waxaa la gudboon inay kala doortaan inay noqdaan madax dhawrta magacooda, kan umadda ay metalaan iyo inay noqdaan Madaxda Tacsida iyo Cambaareynta! Sida ay ugu caanbexeenba, hadday kan dambe noqdaan fadlan umadda waqti ka qaadine, ee ka dulqaada dullinnimadiina iyo dayiciinna.

Waxaan la yaabaa marka aan arko kuwa WARBAAHIN isku sheegaya, oo dadka ku mashquulinaya in doorasho dhacayso sanadka 2016ka, inaysan dhacayn waaba caddehee, maxay dadka ugu wareerinayaan wax aan hirgalayn, oo iyaba ay hubaan, way qummanaa lahayd in dadka aan qandaraas la dhaafsan.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s