Gabayga: Codkar tagay

caadada
Gabayga: Codkar tagay

Geeridu waa xaq, naf walbaana maalinteed ayey leedahay, mana dhaafto goorta loogu talagalay, oo waa la wada geeriyoonayaa. Waxaa tacsi u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariiste Cabdiqaadir Cusmaan Maxamuud “Aromo”, Allaw naxariistaada iyi Jannaadaada ugu deeq. Aamiin.

Gabayga: Codkar tagay

Caynka gabayga, Geeraar cuddoon, Tixo calaameysan
Casharkii murtidu ay lahayd, Caarif lagu sheego
Guuroow cirkaa gaara iyo, Carafta Suugaanta
Carrabkiyo qalbiga laga curshoo, Ceebba laga dhawro
Bashiiroow adaa cugan jiroo, Caalim ku ahaaye
Adigaa Ciraabtiis yiqiin, Caynka iyo waawe
Bal aan curiyo maantoo kaluu, Ciil bax leeyahaye
Warka caadka laga soo dirayo, Maqalka ceeryoomey
Cadceedkii adduunyada ka tegay, Ciribta uu reebay
Cabdulqaadir baan doonayaa, Inaan caddeeyaaye
Oo aan Calaamado ku dhigo, Caynka uu yahaye
Cirkoow dhugo, Dhulkoow cuura oo Maqal Codkaan sheego.

Cabdulqaadir caan buu ahaa, caaqil dunidaane
Caarad iyo ciryeer buu ahaa, foolhoraad culuse
Codkar caalamiin buu ahaa, oo caafimaad dhiga’e
Cilmi bixiye guud buu ahaa, iyo curiye suugaane
Cabiriyo caynaanshuu ahaa, cirirka taariiiqe
Caawiye dadweynuu ahaa, oo calool furane
Soomaali cudurrada ku dhacay, ee sababay ciirciirka
Intii calaf ku bixisiyo intii, cudud ku taageertay
Cunsurtiyo cadaawihii colcolay, ee caddibay waayo
Caada qaatayaashiyo kuwii, uu cawaansanayey
Wixii ay cillado suubbiyeen, caabuq iyo yaabba
Qoraa caarifaayuu ahaa, camalladoodiiye
Cawarkiyo cayayaanka iyo, caandihiyo caaqa
Ninba caynadduu yahay ayuu, noo caddeeyn jiraye
Caqiidida Islaamkiyo sharcina, kama cilaalnayne
Caalim culimmo diin buu ahaa, sida cadiinkaaye
Caynleeyna kuma koobi karo, caado sharafkiise
Ha yeeshee inuu na cawinaan, cidina diideeyne.

Naf walibaa caweey leedihiyo, cishe la qaadaaye
Waqti loo cayimay baa jiroo, cidana dhaafeeyne
Qof kastana intuu cuni iyo intii uu cimriga joogi
Looxaa lagu calaamaday mar hore, hooyo oon curane
Mar haddiise Cabdulqaadir go’ay, oo ay ka carceertay
Bashiiroow codeyn duco ayaan, u curdinaayaaye
CASIISKII ILAAHAY ISAGU, haw cayimo qaayre
Haw cafiyo cinqaabiha dambiga, hana caddaan nursho
Canyayuub qabrigu kuma dhogo, iyo bayd ciriiriya’e
Cida Buun Qiyaamaha markii, cararaqdii yeerto
Oo ciidda laga soo baxee, ruux la soo celiyo
Banka ciiro maantaas naflaha, lagu camaajiiro
Oo cawra dedan aysan jirin, cidina eegeeynin
Oo cashiiro laga cararayiyo, curad carruurtaa ah
Cadceeddana dhakada la cuskiyee, meel dhow lagu caynsho
Ciriddiyo kulaykuna markaas, uu jirka camiimo
Cududdahana dhidid caariyee, camanka sii dhaafo
Qofba casharradiisii markii, loogu soo celiyo
Caawriirka maantaas cabsida, la isla ciirciiro
Carshigii ALLAAH kii harsada, caaqiloow noqo’e
Cadaabkiina ILAAH kuguma rido, iyo naar casaarada’e
Jannadii carfoonayd cagaha CAADIL kuu geliye
La cayaar caruus Xuuralcayn, midab casaanleeye.

Dhammaad
16/07/2014

Maxamed Xuseen Faarax

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s