ISKU MILANKA SIYAASADDA, QABYAALADDA, DHAQANKA, IYO DIINTA Q1AAD

samata

ISKU MILANKA SIYAASADDA, QABYAALADDA, DHAQANKA,  IYO DIINTA Q1AAD

 

waxaa laga yaabaa in aqristaha qormadaani uu is waydiiyo; “qabyaalad, siyaasad iyo diin gartaye dhaqanku waa midba?”. Sidoo kale waxaa dhici karta inay u cuntami waydo qaabka ay 4taasi isugu milmi[qasmi] karaan, haddana, aa dhilee ila dhugo.

DHAQANKA aan qeexee; waa oday dhaqameedka soomaaliyeed, oo inkastoo ay qabiillo matalaan, haddana, si ka gaar ah beelohooda uga wakiil ah siyaasad ku sheegga soomaalidu dhex sabbayneyso.

Inta aysan arrimahaan aan kor ku soo xusay isku milmin, mid walba oo kamid ah 4taas waxay lahayd meel gaar ah, oo loogu soo hagaago tusaale:- Oday dhaqameed wuxuu ahaa garcase geed haraca ama gole cayiman fadhiya oo xaajooyin gaar ah loogu yimaado.

Waxay ahaayeen dhaqanka soomaaliyeed haldoorro laga xushmeeyo dhammaan geyiga soomaaliyeed goroddana loo laalaadiyo, mana ahayn oday dhaqameedka soomaaliyeed kuwo ay meel ka soo galaan qabyaalad, eex, nin jeclaysi iyo siyaasad midna illaa mid dafan ” imaanka la’ ” mooyaane.

 

SIYAASADA (SIYAASI)

 

Siyaasigu kuma xirnayn ”shardi maahayn” inuu kalsooni ka haysto oday dhaqameedka iyo culumaa’udiinka, balse, qodobka qabyaaladdu wuxuu ahaa mid si AUTOMATIC ah ugu laran siyaasiga soomaaliga ah, lagana filan karey inuu mararka qaar la QAXWEEYO oday dhaqameedyada DAFAN ee beelaha xigtada u ah, si ay uga dhaadhiciyaan danaha gaarka ah ee ay leeyihiin.

Ku kala tun waynaanta xilalka sarsare dalka, ee beelaha soomaaliyeed, waxay ahayd mid soo jireen ah, oo aan cidna ka qarsoonayn, qaar ka mid ah qabiilladana [0.5] uma saamaxayn in siyaasi u dhashay uu hawaysto kuraasta ugu sarreysa dalka waana mid illaa maanta taagan, oo jiilkeenna laga sugaayo soo af jariddeeda.

 

WADAAD ”CULUMAA’UDIIN”

 

Culimaa’udiinku waxay ahaayeen dad ku siman oon dhinacna u dhaafin darajada ay huwan yihiin ee DIINTA, intooda badan waxay ku shuqlanaayeen dhigista Dugsi Qur’aanada, aqrinta kutubta, qur’aan saarista dadka xanuunsan IWM.

 

QABYAALADDA ”QABIILKA”

 

Qabyaaladdu waa cudurka ugu liita dhibaatooyinka shacabka soomaaliyeed faylaha jaray in ka badan nus-qarnigii la soo dhaafay, haba ugu sii darnaato rubac qarnigii [25sano] ugu danbeeyaye. Mabda’a qabiiliga ahi in kastoo uu iska jirey illaa iyo wax aan ku tilmaami karo ‘isirka umadda soomaaliyeed, haddana, meelaha uu maanta gaarsiisan yahay ma gaarsiisnayn.

Qabyaaladdu dhalashadii dalka soomaaliya iyo ka horba waxay si wanaagsan ugu milnayd bahasha siyaasadda la yiraahdo, halka ay si heer hoose ah ugu larnayd oday dhaqankii xiligaa jirey. Qabyaaladda iyo diintu waligood isma soo galin geedna ma wada harsan, oo macallinka dugsiga haysta waxaa carruurta u keensan jirey marba reerihii ay meel XAYS ”roob” ka wada degaan.

Dhanka magaalooyinka adigaan aqristaha ihi immisa macallin-dugsi ayaa taqaan oo inaysan deegaanka ay macallimiinta ka yihiin ku qabiil iyo deegaan ahayn darteed kula baxay naynaas ay ku lifaaqan tahay qabiilkiisa ama deegaanka uu kaga yimid halka uu xilligaas macallinka ka yahay?.

Anigu waxaan ku siinayaa labo kamid ah ”mid qabiil ah & mid deegaan ah” waana MACAlLIN BIYA MAALOW & MACALIN KOOFUROOW. ”magacyada macallimiinta aan qoray waa mala awaal, waase dhici kartaa inay jiraan kuwo magacayada aan sheegay lihi inay jiraan”. Haddaba, sida qormadaan ciwaankeedu yahay waxaa lagama maarmaan ah inaan idiin iftiinsho sida ay isugu milmeen ‘Qabyaaladda, siyaasadda, dhaqanka iyo diinta’ anigoo laboba mar isbarbar dhigi doona siday isugu milmeen ”qasmeen”

 

QABYAALADDA & SIYAASADDA

 

 Qabyaaladdu malahayga waa jirtay inta ay jirtay umadda soomaaliyeed, markii ay siyaasadda gumeysigu hoggaanka u hayaa ay ku soo biirtay sooyaalka soomaalida qarniyadii 18-19aad lama xeeladayn hab ay siyaasaddu uga madax-bannaanaato qabyaaladda iyo jufeysiga la oran karo waa sheyga koobaad ee dadka soomaaliyeed ay tixgelinta siiyaan, iskaba daa in laga xeeladeeyee waaba la isku sii milay, maxaa yeelay, waxaa jirey qabiillada qaar badan oo ka mid ah, oo gumeystayaashu si gaar-gaar ah ula shireen una sheegeen in haddii nin aan qabiilkooda ahayni uu madax ka noqdo dalka xaaladdooda loo yaabo. Taasi waxay keentay;

 

– In jufo kastaahi u hanqal taagto kuraasta ugu sarrraysa dalka, marka la gaaro xornimodii gacan ku rimiska ahayd oo xilligaas ballansanayd.

– In labaddii gobol ”koofur & woqooyi” ee sheegay inay midoobeen soomaalida maqanna ay raadinayaan aysan awoodda hoggaaminta dalka u sinnaan.

=In 88 xisbi jufooyin ay abuurmaan qofkasta oo jilib hoosaadkiisu uusan baarlamaanka xibin ku lahaynna uusan hawaysan WAXBARASHO, CAAFIMAAD & CADDAALAD.

=In madaxweynihii 2aad ee dalka barqa cad wiilyar oo gaban ah waxna uusan u dhibin malahaygana aysan aqooni ka dhaxayn uu dhawr baallooto ku tuujiyo.

Kadib curashadii kacaankii 21oktoobar 1969, milaterigu waxay muujiyeen sawir ah in qabiilkii ku milnaa siyaasadda buuggiisa la laabay laakiin taasi waxay ahayd afka baarkiisa maxaa yeelay Golaha sare ee kacaanku ayagaaba qabiil ku dhisnaa.

waxaa bahashu bannaanka is keentay Afgambigii dhicisoobay kadib markaasoo aragtideyda odaygu is yiri qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa general kasta oon ku reer ahayna uu daba dhigay dhamme ku jufo ah, taasna waxay keentay in kacaankii oktoobar xiddigtiisu dhacdo.

 Waxba yaanan kusii dheeraan dhacdooyin ma dhammaato ah ee aan usoo daadago meesha ay maanta mareyso isku milanka siyaasadda & qabyaaladdu.

dowladihii KMG ee dibaddaha lagu soo dhoodhoobay iyo tan hadda xamar saldhiggeedu yahayba waxay ku BASE-gareysnaayeen  qabiil ”4.5”

wasiir iyo agaasime kasta oo la magacaabana waxaa xaflado iyo caana shub u samaynaayey jufada uu ka dhashay sidii inuu si gaar ah ayaga wasiir ama agaasime ugu yahay, maxaad aqiste ka fili kartaa wasiir ku magacaaban inuu soomaali xil u hayo oo jufada uu soomaali ka yahay ay caana shub u samayneyso walibana uu asagii ka soo qaybgaley xafladdaas?.

 

La soco qaybta labaad ee qormada

 

Bashiir Cali Barre

barrebashiir2014@hotmail.com

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s