Maanso; Federaal

ffffff

Maanso; Federaal

Waa maanso hordhac iyo aan u baahnayn arar ama gogoldhig, marka sida magacuba yahay waxaan kaga hadlayaa FEDERALKA, ee ka bogasho waca;

Maanso; Federaal

 

Fadaraalkan baaroo

Faylashiisa soo rogay

U fekeray ayaamoo

U  faaldhigay tabtuu yahay

Falaggana la kaashaday

Ku faalalay xogtiisoo

Faaqiday warkiisoo

Fatwo iyo burhaan iyo

DALTUUR iyo fashiikole

Far shiil galay dhigiddeed

Fajar iyo dharaar iyo

Kuba gaaray fiidoo

Fahmi waayey aniguye

Horta yaa FIRKII ka garan?.

 

Fursad iyo ayaan iyo

Uma lihin fir iyo farac

Ee Federalka yaa dhalay?.

 

Muluq foosha lagu maray

Fadhiidoon dhaqaaqayn

Ama faajir caasiya

Maankiisu fooraro

Dhimir laawe falan iyo

Food-dheere aan nixin

Oday fawda badanoo

Firdhiyaa mid kuu yahay

Federaalka noo dhigan

Umadyahay ma fahanteen

Fasirkeed ma haysaan?.

 

Fashal iyo dhimaal iyo

Fadqaliyo dhibaan harin

Xumo faarey waai

Nafluhuna ka fiigoo

Foolxumo bahal u eg

Belo farandullaynoo

Faruuryaha ka xiranoo

Faytaanta abdiceer

Fashilaha midkuu yahay

Federaalka noo dhigan

Umad yahay ma fahanteen

Fasirkeed ma haysaan?.

 

Federaal dhib badanaa

Furuq iyo col badanaa

Fallaar iyo lur badanaa

Faduul iyo gun badanaa

Faquuq iyo dil badanaa

Faraq iyo sed badanaa

Fuluus beena badanaa

Falfalxume dallaal iyo

Mallaal fagax leh badanaa

Faataale badanaa

Faqfaq iyo ci’ badanaa

Faafaale badanaa

Oof iyo fin badanaa

Fiito damaqda badanaa

Feer qalloocan badaa

Ficil iyo nin tooxsiyo

Fadariyo xin badanaa

Faan beelo badanaa

Faajir tuuga badanaa

Faranjiyo Amxaar iyo

Faasiq iyo Jin badanaa!

 

Falsafaad la yaablaa

Federaalkan galayoo

Maamul firirsan badanaa

Faham la’aanti badanaa

Fagfag iyo dagaal iyo

Fooq iyo xabbado iyo

Firir iyo dab badanaa

Faaruq iyo bannaan iyo

Faataadhug badanaa

Feeg iyo bug badanaa

Fidno iyo ebtelo iyo

Fadqalallooyin badanaa

Fiiragaabya nacas iyo

Fataal iyo jac badanaa

Fool aan dhammaanayn

Faaya dhawr lahayn iyo

Fooldiinba badanaa!

 

Dhafoor muruxi fayddoo

Fongor ay ku taalliyo

Waji fiiqan badanaa!

Xumo faafin badanaa

Faallo qaaran badanaa

Falanqayn xun badanaa

Furdug iyo bax badanaa

Ha ka fiirsan badanaa!

 

Facsharkiisu badanaa

Fadeexiisu badanaa

Foolkaana Naar iyo

Kaba daran falshaydaan!

 

Fedraal kuwii siday

Albaabkiisa noo furay

Hadday fara dureenoo

Fiid hore ay diideen

Oo fara ka taageen

Maxaa foogta lagu nacay

Oo dorraad ku fiicnaa?!

 

Ninkii shalay ku faanoow

Xalay maxaa fajaca iyo

Fakaloonka badayoo

Uu la fiigay saakaba?.

 

Ama fad ama ha fadin

Waa lays fadsiin baa

Lagu faafshay hadalkii

Haba taagin farahoo

Faruuryaha xir waayiyo

Ha ka keenin fahamxumo

Haddii kale qas fale iyo

Qaran fiiqde baad tahay.

 

Faral iyo mid waajiba

Faataxa miduu yahay

Faaraxow la garan waa!

 

Filsan waa la diidiyo

Fadlan iyo walaalow

La fogeeyey samihii

Xumaheey falkinayaan

Fuuqsade wanaaggii

Fasax nalama weydiin

Shishe baa farriin iyo

Fara jaawin uga timid.

 

Dooddiisa Federaal

Ka fiirsada dadkawgoow

Bulshayahay u fiirsada

Firfircooni muujiya

Fudayd yuu ku qaadin

Facaa horey u gaaroo

Iswaafaji fal iyo qawl

Faham iyo garaad iyo

Fariidnimo adeegsoo

Isu gee fal iyo cudud

Feejignaanta badiyoo

Fulay yuu ku duufsannin.

 

Farriinteyda maqaloo

Fekrad kale ninkiilow

Adigoonan fududaan

Adoon foosku kaa lumin

Dhakhsa soo falciliyoo

Farriin lagu qancaayiyo

Hadal fiira lagu daray

Yaanu kaa filaynaa

Huuhaada ka fogoow

Federaalka ku u ekaaw .

 

01/08/2014

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s