Bannaan bax, Baraare bax mise Baas Abuur ?!

Bannaan bax, Baraare bax mise Baas Abuur ?!

 

Dadka Calooshi la ciyaar iyo ciil kama koraa ugu daran, ee ah maangaab aan war u hayn wixii la soo maray [SOOYAAL], waxa jooga [SAAKA] iyo iman doona [SIIYAALKA]. Tan dambe, waa hubaal inaan la garan karin ama la wada garin karin, haddana, murti baa leh: “Nimaan waxa soo socda garan, waxa joogana ma garto!” waxaa kaloo la yiraa: “Habartii dusheedii, degelkay ku noolayd, daruuruhu ku hooreen, daad wararac bay tiri, dadba wada hel bay tiri! Maba oga in wali Diraacdii damabyso, oo ay jiraan goobo badan oo aan wali gugucu gaarin, iska daa roobe.

Qalalaasihii Siyaasadeed ee dalka ka dhacay ka dib, waxaa hoggaanka qabtay qawlaysato qabiillo ku daaban. Dad iyo duunyo aan dan ka lahayn. Sidii loo kala irdhoobay, waxaa baahay BEELAYSI baaxad weyn. Mar ahaa ISKAASHI, mar ahaa DUULLAAN, mar kale ahaa DIIMAYSI, marna ahaa MAAMUL wadaag.

Inta laqdabada iyo luggooyada loo heellanaa marka dhan la iska dhigo, midda dhaxalgalka noqotay waa midda; iskaashiga iyo maamul wadaagga lagu saleeyey, oo noqotay furaha nolosha, deegaanno dhawr ahna lagu helay naruuro yar oo nabad iyo nagaadi ah, yeysanba buurnaane, illeen wax la’aan ayey dhaantaaye.

Dhanka kale, qofka [NINKA/NAAGTA] ka hayaamay ama ka qaxay dalkii sababta sare awgeed, ee gaaray DHUL GALBEED, oo sidaa aayan ugu yeeshay inuu helo nolol deggan, si nabad ku xamaasha, iyadoon LEEJO iyo BAAD midna la qaadayn! Ilmihiisuna fursad u heleen inay dhigtaan Dugsiyo lacag la’aan ah, ilaa heerka aasaasiga ah, intaa oo uusan haysan qofka  dalkii ku sugan ama inta haysataahi ay aad u kooban tahay.

Madaxweyne Xasan ayaa safarro uu ku kala tagay Waddammada Maraykanka iyo Ingiriiska waxaa lagala hor tagay Mudaharaadyo iyo bannaan bax. Isu soo baxyadan ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan ayaa ka kala dhacay Magaalooyinka Minnesota iyo London.

Ayaan darrada ayaa ahaa, in saddaxdaa bannaan bax ay horkacayeen HAL BEEL. Taa oo ka dhigan QABYAALAD gaamurtay iyo beelaysi aan baal la qabto lahayn. Tan kale haba lagu mudaharaadeene, muxuu ku galabsaday Madaxweyne Xasan? Weydiintaa ma filayo inay iyaba ka jawaabi karaan, aan ka ahayn in sheeko khiyaali ah loo soo meershay, ayna iska qaateen.

Anigu midda aan ku qanacsanahay aan kuu sheego, si aadanba meel dheer iiga raadin, anigu FEDERAL waxaan u aqan BEELAYSI, hadduu xal keenayana ku dhaqankiisa ayaaba lagu socdaa, ee meesha uu na gaarsiiyo aan aragno. Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carrabey:

 

Haddaad ficil hinnaasiday asaad, hiilin kari weyday

Ma afkaad ku hawl bixin cidlaad, ka hanjabaysaaye!

 

Dadkan bannaan baxayey ee Cayrta iyo camal la’aantu ka badatay ayaa ku doodayey in Madaxweyne Xasan uu ka leexday hannaanka FEDERALka [BEELAYSIGA] iyo Dastuurka. Waxaan se doonayaa inaan u caddeeyo in Madaxweyne Xasan aan lagu soo dooran FEDERAL, ee lagu soo dortay AFAR iyo BAR, taa yaa igu diidi kara?.

Si kale haddaan u dhigo, Madaxweyne Xasan waa MADAXWEYNAHA SIYAASADDA BEELAHA SOOMAALIYEED Maxaa yeelay dad badan ayaa ku qaldama oo dhaha; waxaa lagu soo doortay FEDERAL iyo Dastuur. Ma ahan saa, ee hannaanka Dawladnimo ee Soomaaliya, ayaa la isla qaatay inuu noqdo FEDERAL ee ma ahan in Madaxweynaha FEDERAL lagu soo doortay.

Haddana, saa oy tahay, beel gaara inay Madaxweyne Xasan ku mudaharaaddo xaq ayey u leedahay, oo waliba u gudbiso wixii ay ka cabanayso, ee uu ka gaabshay. Balse, midda aan is qabanayn baa ah, haddii cabashooyin jiraan runna ay tahay, maxay u dhici waysay in Madaxweyne Xasan mudaharaad loogala hor tago markii uu Garoowe la joogay Mudane Faroole? Ma dhicine, horta ma dhici doontaa?.

Dhanka kale, mudane Faroole oo sharci darro xukunka ku  haysta ayaa madaxda Dawladdu booqdeen, aan si kale u dhehee, isagoo xaruurug ah ayey nafta ku soo celiyeen, adba ka garo erayadii uu ku billaabay hadalkiisa markuu Madaxweyne Xasan la kulmay “in badan baan idin sugaynnay” waa su’aale, haddii Faroole mudan yahay taa, saw kama dhigna inaan la tixgalin rabitaanka dadka Gobolladaa dega? Kaba muhimsane, saw meel loogama dhicin axdiga Federaalka “Beelaysiga” illeen beelihii ninkaa markii hore soo doortay, maanta waxay taagan yihiin, NA DHAAF iyo NAGA HOR LEEXO!  Haddaba muxuu ka duwan yahay hoggaamiye kooxeedyadii shalayto Koofurta iyo Bartamaha jujuubka ku haystay? Illeen iyaba rabitaan dad iyo Rabbi ka cabsi midna kuma joogine.

Sidoo kale, kuwan Madaxweyne Xasan ku bannaan baxay, saw ma oga inuu beesha u joogo nin la yiraa Faroole, oo dad bannaan baxay iska daaye, DAMEERRADII xirxiray, ka gadaal markii gibilka looga buufiyey magiisa, illeen isagaa xilka xaqdarro iyo xilkasnimo ugu darsaday sanade, saw ma mudnayn inay kaa mudaharaadaan? Mise isaga waa laga baqayaa? “Nimaan nixin waa loo naxaa!

Ha moogaan dadkii ku mudahaaraday Madaxweyne Xasan waxaa ka mid ahaa dad ka soo jeeda deegaanka Waqooyi Bari ee uu horjoogaha ka yahay mudane Faroole. Sidoo kale, dad ka soo jeedo Gobollada Jubbooyinka, oo maxaa u diiday inay ku mudaharaadaan Wafdiyadii isaga daba maray Gobolka ee Dawladda ka socday, ayna ugu muhimsanaayeen Mudane Saacid R. Wasaaraha iyo Guuleed Wasiirka Arriimaha Gudaha? Iyana ma dhicin.

Qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu cabbiro aragtidiisa, si nabad galyo ah, haddana, ayaandarrada baa ah, marka ay aragtidaadu dhafi wayso JUFO iyo JILIB ka tirsan BEEL! Maxaa yeelay waxay muujinaysaa inaan wali loo bislayn DAWLADNIMO iyo DANWADAAG, ee uun wali dabada la hayo Qabyaaladdii dalkan burburisay, ee sabab u noqtay rididdii KALI TALIYE Maxamed Siyaad barre, dalkana soo galaan Jabhado ku daaban Xabashi, iyo inuu dillaaco dagaalkii sokeeye, ee ay dartii dalka uga soo carareen kuwan maanta bannaannada ku mudaharaadaya.

Intii aan fiirada ku hayey dadka Mudaharaadaya, ayaan waxaan dhawr kol is dultagay qoraallo sheegaya in qoloba maalin mudaharaadayso, iyagoo doonaya inay naga dhaadhiciyaan inay la mid yihiin mudaharaadyadii looga soo horjeeday Xabashdida iyo C/laah Yuusuf ee dhacay sanadihii 2007/2008. Waana midda igu dhalisay inaan qormadan qoro, illeen waxaa ii soo baxay in wax badan la is dhex galinayee.

Ugu horrayn, anoon ahayn afhayeenka iyo warcelliayaha Xasan Sheekh ama dawladdiisa, ayaan doonayaa inaan xoogaa Sooyaalka la dhaamayo aan ka dhawro, dhawr qodobna aan qeexo, si aan la isugu maldihin kala duwanaashaha labada bannaan bax, waxay ku kala gaddisan yihiin:

  • Bannaan bixii 2007/2008 Soomaali baa u dhammayd, marka laga reebo in yar oo Madaxweyne C/laahi Yuusuf ku hayb ahayd ama dhuuni iyo hunguri u geeyey. Halka mudaharaadyadan ay yihiin beel qura. Odoyaal, Culmo Aw Diin, Waxgarad, Aqoon yahanno, Haween Dhallinyaraba IQB. Bal adba xasuuso magacyadan: Ilama Samatar [Axmed iyo Cabdi], Prof Cali Khaliif Galayr, Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, Maxamed Cismaan, Maxamuud Axmed Nuur ee beel walba leh, hal ujeedna lahaa.
  • Labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo C/laahi Yuusuf, aad ayey kula fog yihiin. Midi dagaal ooge ayuu ahaa, isagaaba qirtay ee ma ahan wax aan anigu u dhahayo, wixii naf iyo maal baxay 2007/2008 isaga ayaa eeddeeda iska leh. Halka Xasan Sheekh uusan dagaal sokeeya ka qaybqaadan inta la og yahay, wixii qorsoon sooyaalka ayaa soo bandhigi doona. Sidoo kale, wuxuu u taagnaa dhisidda xarumo Waxbaarsho.
  • Bannaan baxa 2007/2008 wuxuu ku wajahnaa Xigaalada Xabashida ee uu matalayeen; C/laahi Yuusuf, Geeddi, Salad Cali Jeelle, Maxamed Dheere, Gacma Dheere, Yuusuf Azhari, Xuub Sireed IWM. Halka kani aan la garanayn qofka iyo waxa uu lidka ku yahay marka laga reebo ku halqabsiga Xasan Sheekh, maadaama uu madaxweye yahay.
  • Waxaad xasuusataan C/laahi Yuusf intii Jawhar iyo Baydhabo uu martiga ku ahaa, ee uusan Xabashida keensan inaan qofna ku mudaharaadin. Maxaa yeelay dadka qaba ama leh bannaan baxa wuxuu salka ku hayey QABIIL, waa beenaalayaal aan bayd ka jirin warkoodu, hadday saa taahy maxaa loogu bannaan bixi waayey sanadihii 2004/2005/2006 oo uu Madaxweynaha ahaa?
  • Intii bannaan baxa ka dhigtay Qaaradda Yurub oo dhan, Maraykanka, Aasiya, Australia iyo Afrika ma waxaad na leedihiin qabyaalad ayaa dabada ka riixaysay sida kuwan oo kale? Idin kama siisan, maxaa yeelay waxaad dhaawacaysan quluubta inta Soomaalinimadu ku jirto, ee bannaanka qabowga badan ama qoraxda kululi ka jirto u taagnayd qaddiyad Soomaalinimo iyo dhulkooda oo lagu soo xadgudbay. Way ku jiri karaan kuwa qabyaaladi wadday, balse, fadlan ha caam yeelina adoo raalli ah, waxna iskula hara.
  • C/laahi Yuusuf meesha uu taariikhda uga jira qof walba ayey u muuqataa, laga soo billaabo 1976 ilaa siyaasadda isagoo taagan Hool Garoon diyaaradeed xilka tiri lagu yiri, wanaag ma samayn Soomaalina isuu sii kala fogeeyo ma ahane isuma soo dhaweyn, kaba garo wixii uu falay 2007/2008 ee sababay mudaharaadyada maanta la haraysanayo iyo inuu yahay ninkii Xabashi Xamar
  • Maalintii kale ee Xabashi dalka soo gashay, ee laga wada aamusay, waxaan qoray labadan qormo ee kala ah: “Xadgudubkii Xabashida Shalay iyo manta” iyo “Tarzan: Tallaabadii shalay iyo Taagsiga maanta” haddii laga aamusay anigu kama gaabsan, ee bannaanka ayaan mar kale soo dhigay.

Haddaba, kuwa Cayrta ku dibbiray, ee Caajiska iyo camal la’aanta daaraha ku hayso, ee ujeedkoodu ahaa, inay soo luga baxsadaaan, jimicsigoodu yuusan noqon inay colaad huriyaan, maxaa yelay Waalidka jooga Garoowe iyo Kismaayo ee shan carruurihi biil ka sugayso tabar iyo xoog uma hayo inuu bannaanada ka qaylqaliyo dan la’aan.

Kaba muhimsane, Waalidka uu wiil ama gabari Jaamacad u dhigato, ee waddankii jooga, waqtiga uma hayo inuu bannaan cidla ah naxli iyo naanuus isla taago, illeen wuxuu ku xisaabtamayaa waa daqiiqade iska daa saacade, sii uu u helo dhaqaale uu ilmihiisa Jaamacadda uga baxsho.

Marka waxaan dhihi lahaa kalka dambe, marka aad isu soo baxaysaan, ujeedka runta ah caddaysta, dadkana ha u been guurina, illeen dad badan uu ku sirma kara ayaa jiree. Haddii aad adigu caawa wax aad cunto haysato, oo aad awooddo inaad bannaanada taagtaagnaato, waxaa jira kumannaan uu dabka ka dansanaa cawooyin, ee kuwaa qaylo iyo or wax u qaban maysee, bal wax iskula hara. Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carrabeey:

 

Dabkaad hurin habeen iyo dharaar, halaca aad oogin

Halla kuma gureyside dadkaad, ku hawiraysaaye

Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi, halaci Naareede

 

Bannaan baxa Muqaddaska ahaa, ee la qariyey wuxuu ahaa, kii ka dhanka ahaa Mudane Geelle Madaxweynaha Jabuuti, ee doorasho walba ku guulaysta, sidii inuusan lahayn Mucaarad. Kaba darane, waxaa u xiran Siyaasiyiin, Culumu Aw Diin, Aqoon yahanno iyo Wax garad ka dhiidhiyey xukunka uu ka dagi la’ yahay.

Ugu dambayn, xasaraddu inay dhammaato danta koowaad waxay ugu jirtaa idinkan bannaanada qablaayada la taagan. Maxaa yeelay idinka ayaa DHUL GAALA jooga, ilmihiinana faraha ayey ka sii baxayaan. Marka laba mid kala doorta; inaad idinku colaadda sii hurisaan, haddana aad tiraahdaan dhulkaan Gaalo ilmihii ayaa nooga hallaabay, ama inaad nabadda iyo wada noolaashada ka qaybqaadataan, si aad dhawaan ugu laabataan dhulkiinnii hooyo. Labadaa kala doorta.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

5 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s