Haddaan naloo sedburin Soomaali ma nihin!

hfd

Haddaan naloo sedburin Soomaali ma nihin!

Hadda ka hor nin baa dukaan lahaa, oo wuxuu ku gadijiray badeecada jaadadkeeda kala duwan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dukaankii u soo gashay naag uur leh oo ilma yarna xambaarsan. Islaantii markay gudaha u soo gashay dukaankii  ayey inta sinaha qabsatay, dukaanlihii ka dalbatay inuu u soo dejiyo alaab iskafaallaha saarnayd.

Waa ganacsadoo gambo iyo baysteen aruuriskeeda ayuu u soo guntaye, wuxuu u soo dejiyay alaabtii ay dalbatay, una soo saaray miiskii dheeraa ee hortooda yaallay, una dhexeeyey labadooda. Islaantii alaabtii ayey inta eegtay ay mar kale ka dalbatay inuu alaab kale u soo dejiyo, isna mar kale ayuu sidii u yeelay, oo u soo dejiyey alaabtii ay dalbatay.

Haddana, sidii halkii hore oo kale ayey islaantii alaabtii nacday oo mar kale ka dalbatay dukaanlaha inuu alaab kale uga soo dejiyo iskafaallaha. Dukaanlihii wuxuu dhibsaday amarkan aan dhammaanayn iyo alaabtan aan hal mir laga qaadanayn si ay islaantu u gadato, haddana, mar walba waxaa ugu muhimsan beesadee (mar walba rukunka ayaa saxane!) wuxuu soo dejiyey alaabtii ay islaantu ka dalbatay mar kale iyo mar kale.

Dukaanlihii alaab soo dejin iyo celin markuu ka dhammaan waayey, ayuu xoogaa ka diiray, oo is yiri; “Armaad naagta u sheegtay in wexeeda ka dareey yihiin!” haddana, waa is celshay, oo gob iyo dhaqan rageed garawsaday inaan dumar la ciilin lana ciriirin! Wuxuu doorbiday in waxa ay rabto uu u yeelo, isagoo waliba eegaya duruufta ay ku jirto, ee uurka ay leedahay ah iyo ilamaha yar ee ay xambaarsan tahay.

Islaantii waxay amar ku taaglayso, oo hadba shay iskafaallada looga soo dejiyo, ayey markii dambe albaabka dukaanka ka degtay iyadoon waxba gadan mirifna Alle ha ka dhigee, marka ayaa ninkii oo la yaabban naagta dhaqankeeda iyo dabeecaddeeda ku yiri; “Wallee ninka cunugna kaa dhalay, uurna kuu yeelay ayaa kugu dhibqaba, ee i mood!

Qanicnta beelaha Soomaaliyeed ee qabyaaladdu u diinta tahay waa sida islaantaa oo kale, ma ahan mid laga salgaarayo, xalna loo helayo, maxaa yeelay, lama yaqaan waxa ay rabaan iyo waxa aysan rabin, taas oo keenaysa in lagu dawakho laguna wareero, lagana qaado madax xanuun iyo goobjab oo kali ah. Haddana, sidaa oy tahay, lagu kala xeeldheer laguna kala daran, oo qoloba si ayey u gashay, marka adoon degdegin, dhacdooyinka aan qormada ku soo bandhigi doono, sooyaalka aan xigan iyo xaqiiqooyinka aan kula wadaagi doono marka aad aqrisato ka dib aragtida aad doonto iga qaado, balse, inta ka horraysa fadlan ha igula soo duldhicin caadifaddii soomaalida.

Shirarkii dib u heshiisiin (dil dib ugu heshiisiin) ee soomaalida laba (Shirkii Carta ee dhalay 4.5 iyo shirkii Emgathi ee dhalay xerta Xabashida iyo madaxda xasuuqa iyo Fidnida Federalka!) ma ahane inta kale waxaa awood qaybsiga lagu saleeyey qaab urur iyo isbahaysi, in kasta oo ay wada ahaayeen ma dhalays iyo gacan ku rimis cuuryaan ah, haddana, waxaa ugu liitay kii 2004tii, oo ka sokow, in Jabhadkii ugu cimriga dheeraa Geyiga Soomaalida madaxweyne looga dhigay ayaa waxaa lagu soo unkay hannaanka Federalka (Beelaysiga) oo dhib horled iyo dhaliyey dhimaal ku yimid dhismaha dawladnimo.

10kaa sano ee hannaanka Federalku (Beelaysiga) dalka ka jiray laguma guulaysan wax hormar ah oo la taaban karo, marka laga reebo in Alshabaab cudud ahaan laga saaray Muqdisho iyo deegaanno dhawr ah, balse, caqli iyo curin ay wali xukunto. Marka laga soo tago in aan Federalku (Beelaysiga) shacabka Soomaali dooran afti iyo weydiinna aan laga qaadin, haddana, haddii uu hormar iyo uu gaarsiin lahaa natoojooyin wax ku ool ah waxaa la dhihi lahaa, korba ha ka yimaadee waa lagu aflaxay, balse, taa ma dhicin.

Si aadan ugu malayn inaan Federalku (Beelaysiga) ka hadlayo, aan abbaaro dulucda qormada. Mudane Cabdiwali Gaas madaxa maamul beeleedka Bari ayaa dhawaan caddeeyey in maamul beeleedkiisu uu dawladda Federalku (Beelaysiga) xiriirka u jaray, taa oo ka dambaysay, markii xerta Xalane ee Xamar joogta ay maamul ku sheeg u xarriiqeen Gobollada Dhexe  (Mudug iyo Galguduud) oo aan wali yeelan maamul mid ah iyo maarayn ay wadaagaan, balse, ay ka jiraan maamullo illaa xad is fahamsan oo ay ka dhaxayso isxaqdhawr iyo wada shaqayn, yeysan sidaa u sii buurnaane, maxaa yeelay, wali dirir iyo dagaal ma dhexmarin, oo ka dhigaysa in maamul walbaa kan kale uusan ku xadgudbin inta la ogyahay, ayba xitaa si wadajir ah u dhexgalaan marka dagaal beeleed aano qabiil, daaqsin iyo xoolo la kala boobay uu ka dhaco deegaanka.

Mudane Gaas, isaga oo aan ka fiirsan ayuu wuxuu is kala jiiday eray caan ka noqday Soomaalida dhexdeeda, oo inta badan deegaankaas ka yimaada, oo ay adeegsadaan mar walba oo isfahmi waayaan dawladda. Midda la yaabka ahi waa, maangal iyo ma tahay wax maskaxda gali kara in mar walba oo ay hummaagi soo gasho dhexdooda in la yiraa; DAWLADDA XIRIIRKA AYAAN U JIRNAY?.

Taa ka sokow, xiriirka jariddiisa waxaa ka horraysa in markii hore xiriir fiican ama diirran uu jiray, si uu u go’o ama loo gooyaba. Ta kale, horta aragti iyo aqli aan ahayn xiriirka ayaan goynnay ma ahane, mid kale ma jirtaa, oo lagu soo gudbisto sida aad wax u aragto, waxa aad diiddan tahay iyo waxa aad rabto? Maalin walba ma waxaa lagu jirayaa xiriirkaan u jirnay iyo kalsoonidii ama aqoonsigii waa kala laabannay dawladda? Bal adba.

Murti baa leh; “Gartaadood gambarkaaga ku helaysid, Garbasaarkaaga looma qaato!” oo ka dhigan arrin ay ugu gungaari karaan wadahal iyo is horfariisi, maxaa keenay in maalin walba la isugu cagajugleeyo xiriir jarid iyo xubni u wicid. Horta waa yaabe nimanka sannif badanaa oo samir yaraa, sedbursi jecelaa oo sinnaan necebaa, si aan kuugu caddeeyey adoon sasin anna igu sirmin aan kuu saafee sadarrada sii raac;

RWhii hore mudane Cumar C/rashiid marka laga soo tago in xukuumaddiisu ay horseed ka ahayd warqaddii xumeed, ee shakiga iyo muranka galin gaartay BADDA IYO XEEBTA SOOMAALIYA, balse, ayaan wanaag markii dambe Baarlamaanku laalay, haddana, waxaa lagu xasuustaa heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa (Maamulka Bari) kula galay magaalada Gaalkacyo, ee dhigayey in ay qaataan 25% deeqda waxbaarsho ee Soomaaliya la siiyo! Waa yaabe, Soomaaliya miyey 25% ka yihiin, si ay tiradaa ugu xisaabtamaan ama dalbadaan mise waa uun sedbursigii Soomaali dhexyaallay?.

Taa ka sokow, 2011kii markii la xulayey xubaha xildhibaannada baarlamaanka ayaa mudane Faroole oo markaa horjeege u  ahaa maamulka Bari uu isku dayey inuu ku afduubto xildhibaannada Maamulka Khaatumo u soo gali lahaa baarlamaanka, oo uu garan waayey baarmalaanku deegaan, gobol iyo maamul lagu xuli maayee, oo waa beel iyo oday dhaqameed xulidda u daa Odayaasha Khaatumo, oo markii dambe Alle u baxshay mudane Sh. Shariif, haddii kale Faroole ayaa afka u dhigan lahaa iyo sedbursi jacaylnimada. Ta kale mudane Gaas isaga ayaa laga hayaa; “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA!” haddaba, maanta hadalkaa yuu ku qabtaa mise isaga mise qof kale?! Bal adba.

Mudane Gaas isaga ayaa afkiisa ka qirtay inuu u sedburshay beeshiisa mar uu olole doorasho iyo ku jiray u tartanka guddoonka beesha hoggaankeeda siyaasadeed qofka qabanaya, intii RW uu ahaa muadne Gaas ayaa maamulkaas mar kale loo saxiixay dhismaha Garoonka dhaqaalaha ku baxaya, isagoo yiri: “Markii caddaaladda la eego, armaa sedburiino ay qaateen ayaan is leeyahay?!” oo yaa siiyey? Isaga dee, yaa kale, oo run ahaan dad badan aysan ku baraarugin, maxaa yeelay, waa hadal ugu yaraan ku noqon kara dacwad laguna furi karo baaritaan, balse, ayaandarro meel iyo maqaam looga furo ma joogno, balse, isaga ayaa taariikhda iyo sooyaalka isugu diiwaan galiyey, oo hadhaw iyo had dambe labadada qof dood iyo muran ka keeni kara uusan jiri doonin, maxaa yeelay, waa maqal iyo muuqaal, haddii aan indha adayggii iyo la adeegsanayn inkiraad qaawan. Balse, aqriste, hal QAACIDDO DAHABI ah iga QABO aniga oo iga QORO; “QOF WALBA OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN DOONO ILmA ADEERRADIISA!” waayaha, waqtiga iyo waaqica ayaan ka bartay ee bal adna qiimee, oo igu  soo warceli, haddii aysan saa ahayn.

Inta loo sedburiyey ama sedbursatay kali kuma ahan maamulka Bari, ee waxaa la wadaagay maamulka Ahlusunna ee Gobollada Dhexe, oo RW Saacid Shirdoon u saxiixay in la siiyo magdhaw ku aaddan dagaalkii ay la galeen Alshabaab, oo haddaa yaan Alshabaab la dagaalin, balse, ayaandarro, ballankii looma fulin Shilinna lama siin ilaa hadda inta inta la ogahay.

Waxaa jiray nin ka shaqayn jiray Kaawada iyo dhagaxjabinta, maalintii oo dhan wixii uu soo shaqeeyo markii uu habeenkii guriga u soo hoydo ayaa waxaa afka iyo shaarubka iska marsha afadiisa iyo aabbeheed (Soddoggiis) markuu muddo sabrayey, ee arkay inaan arrintani is badalayn ayaa waxaa laga hayaa hawraartan caan baxday ee ah; “Ayadana ha ruugto, adoogeedna ha raamsado, anigana aan riimo ayaa i haysata” hadda, xaalka dawladdu waa sida ninkaa, marka loo eego beelaha Soomaalida, dakhli iyo dollar walba inay afka u dhigtaan ka sokow dedaal iyo tallaabo walba, ee ay keento waxay ka horgeeyaan laad iyo haraati, walow ay jirto in dawladda qudheedu aysan aragti tolmoon iyo indha furnaan wax ku maamulin.

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI”, mudane walba wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaaddo, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaaddo? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.

Midda kaba muhimsan baa ah, horta Xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya Mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa AFAR iyo BAR oo ka dhigan beelee.

Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illaa heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba waa loo wadaagaayey, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Waxaan waliba ku dari lahaa mudanihii dawladda ka tirsan, ee aan deegaanka ay beeshiisu degto tagi karin yuu metalaa, inta aanba dhaqaale la gaarin? Hadduusan deegaan matalin yuu xil u hayaa? Haddiise deegaan uu metelo ha la yimaado dheef ama ha ka soo qaato beesha uu dawladda ugu jiro.

Mudane Xasan, dalku waa FEDERAL ama BEELAYSI sida qofba u yaqaan, sidaa awgeed, waa in dhaqaalaha Waddanka soo gala loo dhan yahay, haddaan la yeeli karin, qof walbaa BEESADUU XIL haye ku noqon lahaa ha la yimaado, illeen haddaan sidaa la yeelin, waxay ka dhigan tahay MUQDISHO kaliya hala jaqee, iyana ka daashay GAFANEE. Ma is tiri inay mudan tahay sida ay u bexeen ay halkooda ku joogaan, saa laguma jiri karo sannif joogtaahe, ama inayba tahay in la yiraa; haddaad soo laabanaysaan la imaada dhaqaalaha aad Xamar ku joogaysaan. Dabcan ha moodin inay kali ku tahay, waa in la cammimaa, oo dhammaan Xildhibaannada Xamar jooga lagu soo rogaa, maxaa yeelay, dalku Federal kuma ahan kaliya awood qaybsiga siyaasadeed, waa inuu u noqdaan hab dhaqaale iyo maalgalinba.

Ta kale, ee la yaabka waa in had iyo jeer ay ku celcelshaan dastuurkii baa la badalay, oo Xildhibaan Xoosh oo isagu wax ka qooshay uu sheegay inaan waxba laga badalin marka laga reebo saddax qodob oo la isla wada ogaa, haddaba, haddii ay ewel DALTUURKAN fidnada iyo dagaalka horseeday dabada ka riixayeen, maanta maxay ugu celcelinayaan waa la badalay, waliba anagoo og inaan la badalin? Marka laga soo tago qaab qoraalka DALTUURKA qabyo qoraalka ah, ee la doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro kale, oo waddanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland, haddana, ma qodobbaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale.

Midse aan caddeeyo, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay, waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu malmalluuqin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa, waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu caddaystaa”.

Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland ansixiyey, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya. Waxaa Dasturka ku qoran qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo:

Magac bixinta:

Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weyndiine, ma dawlad goboleed baa, mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal Roma ee waddanka Talyaaniga, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay.

kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:

  1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah: Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa, mise waa dawlad madax bannaan?.
  2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah. Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.
  3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?.

Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira DALTUURKA qabyo qoraalka ah, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine, Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa? Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa mise waa maamul goboleed?

Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan qabyada ah, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland eeg:

  1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
  2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay, dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madax bannaan

Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

20 Comments

  1. Pingback: Horn Cable TV

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s