Soomaaliyeey: Suudaanta ma anaa keenay!

suu

Soomaaliyeey: Suudaanta ma anaa keenay!

 

Dalka (Jamhuuriyadda Soomaaliya) intii aan Abbaha burburka Soomaaliya (Siyaad Barre) iyo jabhaduhu kala daadin, dadkana kala dilin waxaa aqoonta iyo waxbarashada hoggaanka u hayey, oo halbeeg iyo u ahayd cabbir saddax qolo, oo mid walba heer ka dib ay shiiqday kaalintoodii, siyaabo kala duwan, waxayna kala yihiin: 1- Talyaani. 2- Soofiyeet. 3- Galbeed. Manta saddaxdaa mid nool kuma jiro, marka laga reebo isku duubkooda iyo wadarkooda isku ah galbeed.

Qolada Soofiyeedka ka soo tacliinqaadatay, waxaa lagu xantaa DIINLAAWENNIMO, laguna xagliyaa inaysan xabba rumaysnayn, marka laga reebo dabeecadda iyo jiritaanka nolosha, maxaa ka horreeyey iyo maxaase ka dambeeya? Shaqadoodaba ma ahan. Qolyaha Talyaanigu waxay soo bartaan ka sokow, waxay dalka kula soo laaban jireen dhaqaale iyo agab, halka kuwa galbeedka ka yimaada ay soo laaban jireen iyagoo bayhoof ah, fara iyo jeeb maran waxna aan wadan.

Dan iyo ujeed kama lihi xaalkoodu suu ahaa, balse, waxaan u xigtay xus taariikheed iyo xasuusin xis. Saddaxdaa hannaan ee aqoon yahanka soomaali mid uun ku abtirsan jiray, waxaa la baxay, oo booskii ka riixday AQOON YAHAN CARBEED, oo ewel ma jirin miyaa? Ani ahaan maya, hadduu jirana aad ayuu u koobnaa, marka la garabdhigo kuwan kale, oo Carabta waxaa loo aadi jiray oo kali ah in laga soo DIIMAYSTO (DIINQAATO), gaar haan dalka Masar, oo inta kale diintoodu naafic ma ahayn, naruurana ma lahayn.

Yaanan sooyaal iyo wax jiray kugu daaline, aan ku dulgeeyo daanta maanta la kala yahay iyo docda la kala joogo, intaas ka horse waa inaad mid ogaataa, haddii aad qoraalka qaraarsato ama aad ku qanci wayso, fadlan qiil beenaad ha qoolin; DIIN, EEBBE, SUUBBANE iyo AAKHIRANA ha keenin, maxaa yeelay, intaba laga hadli maayo, oo qoraalku ma quseeyo mana ku qodbana. Haygu noqon; “Wadaad Middi uu hilib ku qasho iyo Aayad u xalaalaysto ma waayo!”.

Intaa ka dib, sanadaha burburka dadku waxay u kala baxeen; qabqable iyo qiilsade ama waranle iyo wadaad ama dagaalooge iyo diin dacareeye. Kan hore sida magaciisa ama tilmaantiisa laga dhadhansan karo, wuxuu ahaa eelka, iinta iyo unugga dhibka Soomaali, qofna kama qarsoonayn oo laguma qaldi karin. Inta kuwaa halaagga iyo ay wadeen hurinta colaadaha, waxaa jiray kuwo kale, oo dhigay ama dajiyey hab iyo hannaan sumaysan, oo aan la wada arkayn ama loo wada jeedin, oo ay dadka ku suuxiyeen, maadaama ay DIIN u ekaysiin ama ku maldeheen.

Siyaad Barre waxlaha dawladnimdiisa raajiyey waxaa ka mid ah, inuu qudha ka jaray kuwa isku dayey inay magac diin ku soo dhuuntaan. Haddii aan kuwaa maalintaa qoorta laga gooyeen dawladnimadiisu siima jirteen, tan Soomaalina haba sheegin, oo waxay noqon lahayd sida hadda dalka ka taagan qarax iyo qiiq, miino iyo mayd. Xukun aan sinnaan ku dhisnayn ma raagee, qabyaaladdii uu duugay, uuse quudan jiray habeen iyo dharaar ayaa qarka ka ridday xukunkiisii, ka dibna waxaa dalka dhan qabsaday wadaaddo ka soo diinqaatay waddamada Gacanka Carbeed (KHALIIJKA).

Gardheer, taf xaydan, cimaamad cas, qamiis cad, cigaal, maro ay Jalbaab ku sheegen, aniguse aan u baxshay MUDULKA MEERMEERA, astaahaman ayey caan ku ahaayeen walina ku yihiin. Waxay xoogga saareen laba arrin oo halbawle u ah dhaqdhaqaaqa bulshada, oo kala ah dhaqaalaha iy waxbarashada. Qoraa Sare Cabdulqaadir Aromo (AUN) ayaa qoray: “WADAAD TUUGSADA, WAHAABI SHAQAYSTA AYAA BADALAY!”.

Wadaaddadii waallidu wadday, ee Midawga Maxkamadaha ku sheegnaa (Shaarkii sheellanaa ee Shabaabka) waxay ku heleen xilal iyo xukun. Mudane Shariif ayaa sartii uu ku gaalaysiin jiray C/laahi Yuusuf iyo Geeddi galay, iyada oo ay wali joogaan Xabashidii iyo ciidankii shisheeye, kaliya waa uun la kala kacsanayey, ee ma jirin karaamo dhawr iyo sharaf ilaalin, diin xurmaynna warkeed daa. Ujeedku darajo ayuu ahaa, kuna gaare dantii ay lahaayeen. Wasiir Janaqow oo leh; “Xisbul xaakim ayaa nahay!” anaa u soo taagnaa. Xukun kaa ba’!

Adduunyadu waa meertee, Shariif iyo raggiisii iyagoo sidii Bisaddii dhulka isku dhajinaya ayaa laga soo hoos baxay, mudane Xasan ayaa fud/mud ka soo hoos yiri, see cid filaysay iyo qof malaysay midna ma jirine. Mudane Xasan markii uu madaxtooyada galay, waxaa garabkiisa iyo guudkiisa ka soo muuqday Faarax C/qaadir, oo illaa hadda laba xil maraya, wixii dhimman waqtiga ayaa na bari doona, waxaa wehliyey rag kale oo ay DAYAC JADIID isla yihiin.

Xil ka qaadistii Tarzan lagu sameeyey ka dib markii uu is garan waayey, ayaa waxaa guddoonka Gobolka Banaadir loo magacaabay Guddoomiye Mungaab, oo isna keensaday koox ay Suudaan iskala soo qalinjabsheen, oo reer Suudaan hadda ganacsiga dowladda hoose, nabadsugidda, iyo xafiisyada dowladda dhan meel aysan ku jirin malahan. Ha moodin Suudaanta Soomaaliysan inay Xamar kaliya ka shaqeeyaan, ee waxay dhooban yihiin meel kasta oo dalka ka mid ah, Waqooyi, Bari iyo guud ahaan dalkoo dhan ah ayey xilal ka hayaan.

Xilalka ay gobolka Banaadir ka hayaan waxaa ka mid ah:

Guddoomiyaha Degmada Xamar wayane C/qaadir Maxamed Carab
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Dhoorre
Guddooomi
yaha Degmada Heliwaa Axmed Qoslaaye  
Guddoomiyaha Degmada Shibbis  C/fataax Yaanyo  
Guddoomiyaha Degmada Waaberi  Axmed Muumin

Guddoomiya ku xigeenka degmada Xamar weyna Abuubakar Salaad 

In kasta oo aan lagu degdegi karin, xukunna aan la saari karin, haddana, murti ayaa leh; “Saaxiibkaa ii sheeg, kan aad tahay ayaan kuu sheegaaye” maadaama ay wax ku soo burteen Suudaan, oo ah dal Shareecada Waallida laga hirgalsho, ayaan ka baqayaa, in kuwan hadda loo sacbinayo ee guddoomiyeyaasha Xamar degmooyinkeeda loo dhiibay, ay sidaa oo kale la yimaadaan! Xasuusnoow, Shabaab, wuxuu ahaa dhal Maxkamado, Maxkamadana Diin dacareedkii iyo shareecada sharta ayaa dhashay, ka sokow Alitixaadnimada.

Aragtidu ma ahan dhaliil, ee walwal iyo cabsi aan qabo ayaan soo tebiyey, ma kali baan ku ahay mise waa la ila qabaa? Moogi. Qoraalkan wax dhaliil ah haba yaraatee kuma jirto, ee kaliya waxaa aan u xarriiqay walaac aan ka qabo waxa dhici kara lagana yaabo inay yimaadaan, maadaama tusaalaha na horyaal uu yahay xidid ka mid ah xididadda ay soo wareebiyeen Suudaantu, ee ah guddoomiyeyaashan. Haddaba, miyaanan xaq u lahayn, ka muwaadin Soomaaliyeed ahaan inaan iraa; war meeshaa amaa balaayo ka iman kartaa, ma ahan waa ka soo socotaa? Haddaan saa iraana ma waxaan noqonayaa wax xun sheeg iyo khayr laawe? Mooji, mana garan runtii anigu, sidaase waxaa igu riixiya, wali waxaa igu yaal dhaawicii Shabaab, wax shaarkoodii oo kale watana daarta dib waa u galeen, haddaba, sidee wax yihiin?.

Inaan wax ka eego xagal aan muuqan iyo dhan aan loo wada jeedin aniga taa baaba ii muhimsan. La ye: “Khayr wax kaama dhibee, shar u toog haay!” murtida ma dhuuxdaan? Mid kale, waxay tiri: “In la is aamino inaan la is aaminin ayaa ka fiican!” Ha is dhigan micnaha, ee mar walba fiijignaaw! Cabsida aan qabo, ceebaha muuqda, colaadda taagan, cabburinta joogtada ah, carada la qabo, ciilka dambe ee ka dhalan kara, caqliga hooseeya ee lagu fekerayo, cududda la isu sheegto, cunfiga ay dhaysho, cisa la’aanta, cod xiridda, camal ka dhigashada dhimaalka iyo dibaadinmada, intaa iyo in kale, oo aanan soo kaabi karin ayaa iigu wacan, oo igu taagan, ee ma u meel dayid la’aan baa mise, waa u dabagalid xaago? Aqriste, adaa garashada ku dheeraaye, maxaad ku goyn lahayd?.

Aan kuu xoojiyo dareenkee, horta Soomaalida wax baratay ma waxay wax ku soo wada barteen kaliya Suudaan? Aaway ardadii kale ee wax ku soo baratay ugu yaraan waddamada Carbeed ee kale, sida Yemen, Masar, Libya, Khaliijka IQKB, mise kuwaa looma baahna? Haddaan kuwaa loo baahnayn, ma idin la tahay in loo baahan yahay mid galbeed, dhul gaalo iyo Afrika wax ku soo bartay? Nabee waa maya, ee safka dambe soo raac iyo xilligaaga lama joogo ayey taagan tahay.

Sanad ka hor ayaan mid igu xodxodanayey in walaalkii uu ka shaqeeyo Baarlamaanka oo isna Suudaan ka soo qalinjabshay aan ku iri: “afartan idinkaa leh, la idin kugu iman maayo, ee ka duurduurta!” ayaandarro, waxaan ka baqaa inuu halmaamay oraahdaa, ama uusanba markii weelayn, see maanta marag ayuu ka gali lahaaye, balse, la ye: “Nimaan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto” maxaa yeelay, marka aan saa lahaa, Suudaan iska daaye, Mungaab xitaa qadka kuma jirin, oo Tarzan ayaan Atoore ahaa iyo halyeey aan halna loo dhigin.

Aanse mid idin la wadaago, inta Suudaan u jadbaysan iyo inta u sacbinaysaba; dalka maanta waxaa ka taagan laba qodob, mid waa baaq (buuq) midna waa mooshin (miino) ay keeneen ama jeediyeen XILDHAANNO ku xayiran hotello iyo xerada Xalane. Kan hore Mudane Xasan ayuu quseeya, kan dambana wuxuu taabanayaa shirkada Favori ee la wareegtay maamulka Garoonka Muqdisho, haddaba, guddoomiyaasha degmooyinka Xamar gaar ahaan kuwa degmo ahaan garoonku ku yaallo, maxay ka dheheen? Mawqif caynkee ah ayey ka qaateen? Ogsoonow, nimanka mooshinka shirkadda ka geeyey hal nin oo Xamar raad ama lug ku leh ma jiro, marka haddii aadan danaha Xamar difaaici karin maxaad guddoomiye ka tahay? Ma magaca? Ma mansabka? Ma Suudaannimiada? Horta Suudaannimada maxaa kuu dheer, oo aragti, feker, talo, maamul, maarayn IWM? Waxaan ka baqayaa AKHWAANINIMIO (WAALLI) wax ka baxsan inaysan hayn, haddii aan warkooda la maqal, ogaada inay dantooda iyo dano kale ay metelaan, oo kali ah, ee aysan Xamar, dadkeeda iyo degmooyinkeeda mind aysan maamulin.

Ma xuma in maamulka dhallin caabboon, da’yar firfircoon, maskax furan iyo maan deggan loo dhiibo, haddana, waxaa lagama maarmaan ah, haddii aysan helin waayeel haga iyo waay arag toosiya, hubaal inay noqonayso “20jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa” waxaa sii dheer, aqooshu ma ahan aqoon kaliya, ee waxay rabtaa ogaal iyo aqli, oo aqoonta iyo ogaalku maxay ku kala duwan yihiin ama faraq ah oo u dhexeeya? La ye “Aqoolxumo abaar ka daran!” Marka iyadoon magacyada iyo meelaha ku laaban aan la moogayn, haddana, waa in xoogga la saaraa aragtida iyo fekerka meesha yaalla, waaba hadduu jiree. Haddiise xog-ogaalkii iyo xaajogalihii la gees maro amaba la geesgalsho, waxa dhasha waa uun tiih iyo tiiraanyo hor leh, ee toloow tabta badala oo tabta saxa, tubta toosanna qaada.

Dadka waa la kicin karaa, balse, waa in waxa aad ku kicinee aad taqaan ama aad adeegsan ogtahay. Siyaad Barre Abbaha Burburka Soomaaaliya, si uu dadka u kacsho wuxuu u samaystay Guulwade iyo Oriteeshin, ay ay u dheer tahay goobaha madadaalada iyo cawayska. Sidoo kale, dacartii Diinta & qabyaaladdii qabiilka waa tii dadka lagu kacshay. Kan hore, Jihaad, Janno, Naago Jannaad (Xuurul Cayn), Shareeco, Diin, Alle, Rasuul iyo Xukun diin ayaa lagu hagay, halka kan dambe, Dhiig, Dhiillo hore, Tal la’ayeeey iyo ma reer hebel ayaa naga nasab fiican lagu qotimiyey. Marka runtii dadka waa la kicin karaa, ee wixii  lagu kicin lahaa iyo qofkii kicin lahaa ayaa wali maqan, labadaa sun, laba ka duwan waa in la helaa.

Ta ugu liidata waa in uu soo aruurshay dhallin lagu sheegay inay aqoon yahanno yihiin, balse, ayaandarrada ayaa ah in dhallintan aysan aqoon u lahayn Soomaali iyo dhaqankeed. Wiil isagoo dhawr iyo toban jir ah ama labaatan jir ah dal shisheeye wax ku soo bartay, markiisii hore ee uu dalka joogayna af qalaad wax ku baartay iyo manhaj dawlado kale, waxa uu Soomaali ka garan karo ee uu ku maamulayo anigu ma garan. Ta kale, waxayba sii kala fogaynaysaa aqoon yahankii Soomaaliyeed, oo intii kale albaabka isbadalka laga xirtay, sidii inaysan wax ku lahayn dalka maamulkiisa dabcan wax ku oolna ahayn.

Waxaa muddo la waday sidii loo qaban lahaa shir u gaar ah ardadii ka soo baxday dalka Suudaan, oo aan wali la go’aamin meesha uu ka dhici doono iyo goobta madasha laga dhigayo, balse, waa arrin aad u xooggan oo la doonayo in lagu kulmiyo ardada Geeska Afrika.

Midda kale, eeba iiga xanuun badan waa cudurka NIMEYNTA GOBOLKA, oo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka laga dhigay NIMAN, ee laga dhawray HAWEENKII, halka guddoonkii hore ee Tarzan uu ugu yaraan u gartay hal xubin degmooyinka gobolka, oo degmada War Dhiigleey (Warta Nabadda) oo Marwo Deeqa Cabdulqaadir Axmed Guddoomiye ka ahayd. Waa dhaqankii lagu yaqaannay Carabta ee aan waxba u oggolayn dumarka.

Haddaba dhallinyaro, haddii aan qabqable idin dhalin, ama gacan ku dhiigle, ama aadnaan ka soo bixin SIMAD iyo SUUDAAN shaqo iyo xil, si gaara Gobolka Banaadir midna arki maysaane, iska samra, la ye; “Samraa sed lehe!”. Intaa waxaaba dheer DAMJADIID haddaadnaan ahayn, ee iyana ha u deymo la’aannina.

 

Marna Simad, marna Suudaan, inta kale ma SAMBACAA?!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s