Maanasada; Erdoğan

erg

Maanasada; Erdoğan

 

Sida magaca iyo cinwaankaba laga garanayo, waa maanso ka dhan arar iyo oodqaad, ee ku soo dhawaada maansada; Erdoğan ee fisho ku afsaara;

 

Maanasada; Erdoğan

 

Axaddaan la joogiyo

Erdoğaan ba aragnaye

Urdufyada inoo tuban

Aqli iyo ishaar qabin

Maxay noo agjoogaan?.

 

War uleeya gabidood

Aqalkiyo ka cayriya

Arligeenna oo idil!

 

Arxanlaawe aan nixin

Uurdooxe badanaa

Ebteliyo lur badanaa

Edebxume aqlaaq daran

Aan lahayn asluub iyo

Afmiishaarra badanaa!

 

Iin iyo dhimaal iyo

Eel iyo dhib badanaa

Afar iyo bar aan jirin

Alif leexsan badanaa!

 

Uubatiyo dilaa iyo

Waar iIsbaaro badanaa

Dadka lagu ugaarsado

Ciidankii asluubtiyo

Askar layska diidyoo

Ablaydaa lays darayaa!

 

Ilmo dayacan badanaa

Agoon daadsan badanaa

Hooyo araxla’ badanaa

Carmal ubadka korisiyo

Oori aan daryeel qabin

Aabbe dayacay badanaa!

 

Ummad yahay warkay maqal

Afarjeeble tuugaad

U afduuban tahayoo

Lixaaddiyo itaalkii

Kaa xiray awooddoo

Addimmada ku jabiyee

Hadmaad Eeyda raacdayn?!

 

Kuwa asalkii doorshoo

Abya aabbe dhaqankii

Hiddihii udgoonaa

Kuwa iibshay ee gatay

Samihiinna aabburay

Aayaheenna laaloo

Ayaankeenna dilay baa

Wali udubka haayee

Hadmaad marin abaalkood?.

 

Inkaarqabe qabiilkiyo

U arrimaya beelaha

Ayaa ood dhexdeenniyo

Kuba awdaw buur adag

Ehelkeenna kala dilay

Ayaa kuu ah oday wali

Unuggaaga xirayee

Hadmaad marin abaalkiis?.

 

Hoggaamiye ildheeroo

Aragtiyo garaadloo

Aqoontiisu badan tahay

Waasac yahay ogaalkii

Aqooshiisu tahay hagid

Aan u ooman nahayee

Indheer garadka waydii

Ayagaa ammuurahan

Arrinteed yaqaannee!

 

Eraygiyo ujeedkay

Erdoğaan mid aan dhaho

Gacantaad abbaar hore

Ka gaysatay abaartii

Dadka iyo ugaartiyo

Umaddayda haysatay

Isbitaal Digfeer iyo

Iskuullada waxbarashada

Waa midaan illaawine

Hadda iyo ayaan kale

Ii soo orod walaalow

Adoon gaarba eegayn

Waligaa ilgaar iyo

Igu eeg arxamadaa!

 

10/08/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

8 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s