“GODKII JILICOW!”

“GODKII JILICOW!”

Warsame, ayaa wuxuu arkay saaxiibkiis Waasuge, oo uusan mudda arkin, ka dib waxay is dhaafsadeen waraysigan gaaban;

Warsame; Ar Waasuge, ii warran?
Waasuge; War maan hayaa! Waaba ii jeeddaa in dhiig iga filiq leeyehee, xaad iga warsee!
Warsame; Hee, xaa kugu dhacay Eeboow?
Waasuge; Nac badanaa! Oo ma inaan xiranahay aadan ogayn?!
Warsame; Xiranahay! Ani inaad Kenya, Ugaandha ama Itoobiya jirtaan ba u haystay.
Waasuge; War nin yahow intii muddo ah ba waxaan ku xirraa; XASBIGII”GODKII JILICOW!”
Warsame; Yaah! “GODKII JILICOW!” aaaaaaaaaa, oo wali ma furan yahay, in la xiray aan u qabaye?!
Waasuge; Inta furan yahay, oo wali ba buuxdhaafay, uu maxaabiis la ciirciiraa!
Warsame; Oo hadday saa tahay Xaa Siyaad Barre iyo saraakiisha loo raacdeeyey, haddii uu sii furnaanayo “GODKII JILICOW!” iyo meelaha la midka ah?!
Waasuge; Ar maaqaane, igala her!
Warsame; Oo xaa lagugu xiray? Anigu Warbaahinta waxaan ka maqlaa Alshabaab subax walba la xiree, adna shimeed Alshabaab neqatay? Ogaalkeey, nin iska beesaani ah oo ciyaalka ah aad eheede!
Waasuge; Meeshaa qofkii la galiyo liiska waxaa loogu diiwaangalashaa magac iyo abtir aan kiisa ahayn, waxaana lagu qoraa inuu Alshabaab yahay, haddaad rabto Alshaydaan ahaaw iyo Baadiriga ugu weyn adduunka!
Warsame; Oo hadda see uga soo baxday, mise waaba ka soo baxsatay?.
Waasuge; Soo ma bixine, waa soo baxday, Ilaaheey ayaa wuxuu noo baxshay isla Gafuurro duubtii (Alshabaab), oo weerar ku soo qaadday XASBIGII “GODKII JILOW!”
Warsame; Oo hadda waxaad leedahay; waxaan ku soo baxsannay Alshabaab madaxooda, oo haddii aysan jiri lahayn, meeshaa waan ku sii jiri lahayn?.
Waasuge; Iheey, waa sidaas. Xamarna “GODKII JILICOW!” ayaa ka furan wali, Jabuutiga waxaa wali dad lagu guraa; XABSIGII GABOOD! Waa ayaandarro wali umadda Soomaaliyeed haysata.
Warsame; GABOOD waaba ogaa, oo dhawaan ayaa Kaligi Taliye Geelle ka sii dad u badan Culimo iyo dhallinyaro, balse, waxaanan ku baraarugin in wali “GODKII JILICOW!” noo furan yahay, oo waliba Xamar ka furan yahay!
Waasuge; Magac xumada XASBIGII “GODKII JILICOW!” marka laga soo tago, waxaan ayaandarro ah in wali xumaantii ahayd; sinnaan iyi cadaalad la’aan iyo garsoor xumo wali dalka iyo dadka lagu hagayo!
Warsame; Ar muggoo na keen bal aan Farmashiye ku geeyee si laguu dhayo, oo laguu daweeyo.
Waasuge; I wad bal, ani ayaamahan cadceed iyo iftiin midna ma arage, waaba baygag sanahay, oo shanqarta iyo saxmadda ayaaba i dhibaya!

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s