Ugaarsiga Argagixisada Umaddaa ku diirsata!

images

Ugaarsiga Argagixisada Umaddaa ku diirsata!

 

Sidii ay u dhaceen qaaraxyadii 11 september ee 2001-dii, Soomaaliya waxay noqotay waddan isha uu si gaar ah ugu hayo Maraykanku. Marbayba ku jirtay waddammada laga cabsi qabo inuu kula dul dhoco carada haysa. Waxay ku jirtay liis ay ku wehliyeen; Sudan, Libya iyo Afghanistan. Waxaa in badan afka lagu hayey in Soomaaliya oo Maraykanku ciil hore u qabay uu u gaysan doono duqaymo iyo weerarro dhanka ciraka ah, isagoo xusuusan askartii looga dilay Magaalada Muqdosha horraantii October sanadkii 1993-dii, balse, nasiib wanaag ma dhicin oo Maraykanku wuxuu sameeyey daraasad nuxurkeedu ahaa; in Soomaaliya aysan la mid ahayn dalalka: Afghanistan dhanka xukunka Ururka Daliban ama inaysan ahayn dhul lagu beeri karo Maandooriyeyaasha. Sidoo kale, inaysan la mid ahayn Waddanka Kongo oo aysan hodan ku ahayn dhemanka iyo Dahabka.

Xaglaha Maraykanku wax ka fiirshay markaas waxay ahaayeen kuwa qumman ama toosan, maadama, aysan tilmaamahaas uu is tusay aysan meesha ka jirin ama ku oollin, haddana, Soomaalida waxaa la soo daristay cabsi iyo baqatin kaga timid in fal aysan masuul ka ahayn lagu ciqaabo, illeen waa tii hore loo yiri: “NIN KAA XOOG BADAN HORTAA UU CAROODAA! balse, nasiib wanaag cabsidii Soomaalida waxaa gar waaqsaday Maraykanka oon ku soo deg degin, duullaanna ku soo qaadin aan loo meel dayin.

Shan sanadood ka dib ayaa Soomaaliya waxaa si xowli ah ugu baahay koofurteeda dhaqdhaqaaqyo Diimeed doonaya inay dalka xukumaan, xilligaas Maraykanku wuxuu ku jiray dagaalkii weynaa ee uu ugu magac daray la dagaalanka ARGAGIXISADA, isagoo dagaalkaas yeeshay laamo iyo leexado badan, keenaynna qasaarooyin aad u ballaaran oo naf iyo noolba leh. Soo if bixii awooddii dhaqdhaqaaqa wadaaddada Maraykanku si taxadar leh ayuu u soo dhaweeyey, isagoo ku tala bixiyey in lala furo wada hadallo ay la gasho Dawladdii Empagathi ee uu hor kacayey C/laahi Yusuf Axmed.

Waxaa Maraykanku muujiyey nuglaan ku aaddan inuu la saaxiibo dhaqdhaqaaqyo dhowr ah oo ka jiray Waddammo badan, oo ka tirsan dunida Muslinka. Wuxuu cadaadis ku saaray Waddanka Masar in laga qaado xannibaadda saaran Ururka Walaalaha Muslimiinta (ikhwaanu musliin), oo loo oggolaado inay ka qaybqaataan hannaanka siyaasadeed ee ka jira Dalka. Sidoo kale, wuxuu xiriir dhow la yeeshay garabyo ka tirsan Sunnada reer Ciraaq, halkaas oo uu ka dhisay Maleeshiyaad isaga taabacsan. Arrimahaas oo dhan wuxuu uga dan lahaa inuu dib u kasbado kalsoonida Dunida Muslinka oo uu lunshay intii uu ku guda jiray faagashada dagaalka ka dhanka ah ARGAGIXISADA.

Dhacdooyinkaas oo socda ayaa waxaa ku soo aaday dhisimihii Maxkamdaha Islaanka, Maraykankuna wuu la jaan qaday, iskuna dayey inuu la sameeyo xiriir dhow oo la sheegay inay kulammo qarsoodi ah ku yeesheen Waddanka Qatar, oo saaxiib dhow la ah Maraykanka kuna yaalliin xarumo ciidan oo Maraykanku leeyahay, isagoo ka codsaday inay ku soo wareejiyo xubno Maraykanku ku eedayey inay xiriir la leeyihiin ARGAGIXSAIDA caalamiga ah ama ku eedaysan inay fuliyeen falal Argagixisonimo ah, tirada dadka laga codsaday sidaa uma sii badnayn oo waxaa lagu sheegay inay gaaraysay sadax ama afar qofood.

Ayaan darrada dhacaday waxay eheed markii la isku mari waayey shirkii Khartoum ee gabagabdiisa lagu kala dareeray dhammaadkii bishii october sanadkii 2006-dii, kala weecadkaas dhacay Maraykanka waxay u noqotay fursad weyn oo uu si fiican uga faa’iidaystay, Wuxuu isla markii xiriir la sameeyey wamdamada Kenya iyo Itoobiya oo labaduba daris la ah Soomaaliya si uu uga helo taageero ku aaddan qoshihiisa ka dhanka ah Maxkamdaha. Doqon baa fursad dayecee, Xabashi waxay si aan xeelad ku jirin u guddoontay qandaraaskii Maraykanku siiyey halka Kenya iyadu daaha gadaashiisa ku guddoontay wixii loo qoondeeyey, iyadoo noqotay xarun Maraykanku kala socda xaaladda Soomaaliya.

Gulufkii colaadeed ee Xabasshi ku soo qaadday Soomaaliya dhammaadkii bsihii December isla sanadkii 2006-dii wuxuu ahaa fal qaawan oo loogu xad gudbay madax bannaanida Soomaaliya iyo xuduud dhuleedka ay la leedahay Xabashida, marmarsiyo ha ka dhigato waxaan ka hortagaynaa Urur mayal adag oo qatar ku ah ammaanka gobolka geeska Afrika ama guud ahaan Bariga Afrika, iyadoo dhahaysana waxaan sugaynnaa ammaanka qaranka Itoobiya oo ay soo food saarayso xaalad qatar ah oo ay tahay in laga hor tago. Gulufkaas wuxuu dhacay dunida oo daawanaya caalamka oo arkaya, lagaba yaabe inay dalalka qaar qayb ku la haayen qorshahaan lagu qiima tirayey Soomaalida.

Dagaal faraha looga gubtay dad iyo duunyo ku baabe’een ka dib, Xabashi way baxday waxayna iyadoon guullanayn ka tallaabtay soohdintii ay markii horaba ka soo gudubtay. Maraykanku xilliyadaas wuxuu Soomaaliya ka billaabay qorshe kale ka dibkii markuu arkay inuusan nafci lahayn dagaallada ka dhacaya gudaha Soomaaliya wuxuu qaaday weerarro cirka ah oo uu ku beegsanayey dad uu si gaar ah u raadinayey. Wuxuu duqeeyey xeryo ku yaal Raaskambooni oo ay ku dhinteen qaar ka tirsan firxadkii Maxkamadaha oo u cararay hawdka Xasan Turki oo uu ku dhuumanayey muddada dheer.

Maraykanku wuxuu si is daba joog ah u fuliyey weerarro intooda badan ka dheceen koofurta fog ee Soomaaliya, wuxuuna Maraykanku sheegay in intooda badan ka guul gaarey ama xaqiijiyey ujeedka laga lahaa duqayamahaas. Markii Maraykanku wax kaga qaban waayey dhulka oo uu u taag waayey raggii uu baacsanayey wuxuu ku soo aruuray inuu ku dagaallamo Dayuurado iyo sawaariiq laga tuurayo diyaaradaas, kaba weyne (Maraykanka) wuxuu si joogta ah u duqeeyey Raaskambooni iyo kaymaha Gobollada Jubbooyinka.

Maraykanku wuxuu horraantii bishii may ee sanadkii 2007-dii weerar cirka ah ku dilay madixii Ururka Al shabaab Macallin Aadan Xaashi “Ceyrow”, oo ku dhintay duqayn ba’an oo Maraykanka ka fuliyey magaalo madaxda Gobalka Galguduud ee Dhuusa Mareeb, oo Maraykanku muddo ku daba jirey uuna ku raad joogey isagoo ku eedeeyey inuu xiriir la lahaa Urur weynaha Alqaacida kana soo dagaallamay waddanka Afghanistan tababar dagaalna ku soo qaatay isla waddankaas.

Weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay Cali Xaalax Nabhaan ee ka dhacay tuulada Roobow ee ka tirsan Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose bartamihii bishan September, wuxuu ahaa Weerar si sugan loo qaabeeyey. Nabhaan oo ku dhashay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya April 4, sanadkii 1979. Dilkan Nabhan waxaa si wada jir ah u xaqiijiyey Maraykanka oo weerarka fuliyey iyo ururka Al shabaab oo uu ka tirsanaa. Xaqiijintaan waxay ka dhigaysaa in Nabhaan uu noqonayo Masuulkii labaad ee ka tirsan Ururka Al shabaab oo Maraykanku baadi goobayeen oo ay ka taqalluseen.

Dhimasho ma ahan mid lagu farxo waa tii horey Soomaalidu u tiri: “GEERI NIMAAD GARANAYN IYOGEEL JIREY KU ROON TAHAY!” digasho waxba tari mayso oo mayd wuxuu mudan yahay waa maamuus iyo moorayn xabaal iyo xurmayn, illeen xanuun iyo xaarxaaro (canaan) midna xuubkiisa ma dareemayo! Waxaase jira arrin xusid mudan oo ah ninkii kuu daran waa loo darnaadaa, kuma sii jirto marka jab ama dhib soo gaaro. Ninkii ku xanuuniya waa la xanuujiyaa. Murti baa dhahaysa: NINKII XUSULKAKU SAARA XOOGGA LA SAARAA, oon ula jeedo nimanka gafuurka duubtee Diinta ku dawarsanaya kuna dagaal galinaya da’yarta wxaan filaa inaysan dhimashadoodu ahayn Waliyo dhintay ama halyeeyo qaran oo mudan maamuus, xus weyn iyo baroor diiq rasmi ah.

Waxaa kale oo xusid iyo xasuusin mudan Gabaygii Cali Dhuux tiriyey isagoo ku diganayey Maxamed Cabdille Xasan markii la jabshay ee u cararay Galbeedka uuna ku Maansooday Cali Dhuux:

 

“Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye

Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye!”

 

Oon kaga jeedo nimankaan sida ay dadka ugu darnaayeen ama ula dhaqmi jireen naxariis darrada, ilama ahan inay sugayaan in loo damqado ama laga noxo, kuma sii jirto hadduuba ahaa ajnabi markii horaba u joogay inuu qaska Soomaali ku qaraabto, waxay rabaan ha ku andacoodaan sida: Janno, Ajar, Islaan, Jihaad IWM, waxaa is waydiin mudan: Jannada miyaan laga helayn meel aan ahayn Dhulka Soomaali degto? Ilama ahan in Jannadu ku kooban tahay kobta Soomaali ku kartay ee kulaylka iyaguba iskula keceen!

Haddaba waxaa hubaal ah in ugaarsiga Ajaanibtan waddanka ku soo qulqulaysa ay tahay arrin Ummaddu si fiican uga diirsanayso. Waxaad gaari wayso ama aad qaban wayso qofkii kuu qabta inuu mudan yahay mahdin iyo bogaadin hubaal waaye, ugama jeedo in Maraynanku ugu danaynayo Soomaali dilalkan qorshaysan, balse, haddaan isku dan noqonay kollay waxay ila tahay inay faa’iida dhineceenna naga soo gaarayso, aanba noqon korno kuwa ka helaya faa’iidada uga badan, illeen waxay xaqiijinaysa saddax arimood oo kala:

  • Inay dabar goynayso ajaanibtaan ku soo dagaagay dhulkeenna hooyo.
  • Inay ka hor istaagayso kuwa hawo iyo rajo ka qabay inay ku dhuuntaan ama gabbaaad ka dhigtaan Wadd
  • Inay waano qaadasho u tahay Soomaalida hoyga siinaysa ajaanibta inuusan Kuruuska kala aqoon Soomaali iyo Ajnabi.

Maraynku isagu howshiisa ayuu wataa, Ajaanibtuna howshooda ayey wataan. Waa isku maqan yihiin waxayse ku baratamayaan ama ku feygaaraysanayaan bar Soomaali leedahay oo degto, sidaas darted, mar walba oo wax dhacaan dhibka intiisa badan wuxuu soo gaarayaa Soomaalida, oo wax yeello xun la soo gudboonaato, haddaba, waa in laga hor tagaa arrintaan ah in lagu soo dhaweeyo dalka Ajnabi baxsad ah ama dhuumanaya, oo lagu dabajoogo laguna raadiyo bil dayax ah, si qasaaro aysan noo soo gaarin oon ku badbaadno, haddii kale, aan la hurayn dhibaato joogta ah.

Wada xasuusta in dawladda Pakistan ay in ka yar bil laba mar ku celcelisay in xubnahii Alqacida ee joogay Waddankeeda ay u firxadeen Wadamada: Soomaaliya Sudan Iyo Yemen. Ujeedka waad garan kartaan waa in indhaha caalamka Soomaaliya lagu soo jeedayo, si adduunku Soomaaliya ula dhaqmo sida gobalka Wasiristan oo kale oo ka tirsan waddanka Pakistan, ama laga fuliyo weerrarada joogta ah ee lagu qaado Afganistaan ama Ciraaq kuwo la mid ah oo intooda badan ku qudh baxaan dad rayid ah, taasna ay sabab u tahay urruradaan oo gababbaad ka dhiganaya rayidka iyo madfaca la ridayo oon kala garanayn Urur iyo Rayid.

Ugu dambayn, waxaan kuu soo af meerayaa qormadan in Soomaaliya weerrarada cirka ah ee laga fuliyo ay aad u yar yihiin macnaheeda ma ahan halla sii kor dhiyo, balse, waxaan ula jeeda is bar bardhig marka lagu sameeyo waddamada: Afghanistan, Pakistan, iyo Ciraq, oo si joogta ah uga dhacaan duqaymo aan kala hakad lahayn, haddaba, waa inaan garannaa danteenna oonnaan ku kadsoomin ama aan kalsooni siinnin ajnabi, kollay waad wada dhadhamiseen baan filayaa dareenka qurbaha iyo marka aad timmaaddaan waddamo shisheeye sida la idiin la dhaqmo ama la idiin ficlo, ayna ugu sii xun yihiin kuwa Islaanka sheegta iyo Gigaallo weyntu Bahdilka ay Soomaali ku hayaan, xanuunnadaas ma waxaad la illowdeen ruuxaaniyadda oo waad wada siraaddeen?.

 

Bartamihii Sebtember, 2009

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

11 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s