Gantaalka Godane lagu dilay Gafanayaashana ha lagu gano!

 

gag

Gantaalka Godane lagu dilay Gafanayaashana ha lagu gano!

 

3 maalin baan sugayey in si rasmi ah loo xaqiijiyo dilka Hoggaamiyaha Argagixisada Soomaaliya “Alshabaab” ee Axmed Aw Cabdi godane. Degdeg ma fiicnee, waxaan dhawraba, hadda, oo uu Kaba Weyne (Maraynkan) caddeeye, oo isagu fuliyey falka dilka horena u qorsheeyey, malaha Godane iyo gafuurro duubtuna horay ugu shaqayn jireen, aan dhawr sadar iyo dhigaal yar sooyaalka u dhigo.

Diinta marka laga saaro saabkeeda RUUXIGA ah, ee lagu doonyeysto, darajo iyo dawladnimana lagu doono, ama laga dhigo dhiig daadin iyo dad ku dhibid, waxay isu rogtaa SHARTA DUNIDA iyo DHIBTA ADDUUNKA ugu daran, qof ka nabad galana ma jiro. Waxay horseeddaa aafooyin iyo uur ku taallooyin aan harin. Intii aan burburka iyo ku jirnay tiiha maamul la’aanta colaadda ugu adag waxay na soo martay 9kii sano ee u dambeeyey, oo ay xoog iyo yeesheen awood lixaad leh WADAADDADII WAALLIDA WADAY, oo ka dhigan in damaca Aadanaha ku jira ka sokow, ay dhib iyo qatar ka weyn leedahay marka diin lagu sii daabo!

In kasta oo dilka Godane yahay mudac, qodax iyo waran umadda Soomaaliyeed ku mudnaa, oo laga siibay, haddana, waxaan ognahay inay joogaan kumannaan Godane, oo qofba si u yahay Godane, hal mid dhimashadiisa kuma nusqaamayaan, balse, midkaa dhibkiisii un baa naga haray, kuwa kalana waa kuu soo gawsa weyn yihiin “Ayax tag eelna reeb!” ama “Waa la buuxaa, waa la badan yahay!”.

Weydiinta baa ah haddii Godane geeriyooday aragtidii xagjirka ahaa, ee uu aaminsanaa ma la geeriyootay? Si kale, Godane ha dhintee, ma la dhinteen fekradaha diin dacareedka ee sanadihii u dambeeyey lagu wada doogtay? Micnaha inta qaar ka mid ah taliskii Godane ay madax yihiin maamuusna helayaan ma suuragal baa in qar iska xoornimadii Godane ay galbato? Waxaa aad murugo iigu haysa; maxaa xigi doona; ma AARAN mise ABAAR kale? Allaw magantaa!

Alshabaab waxaa aasaasay raggii soo cabbay suntii Carabta, ee waliba qandaraasyo badan ku soo qaatay, lacagna ku cunay sidii umaddan loo kala dhantaali lahaa. Ma is tiri; qayb badan oo ka mid ah qorshahaa waa ku guulaysteen? Adi ahaan imisa ayaad ku qiyaasi lahayd Soomaalida aaminsan aragtida Alshabaabnimada? Weydiinta waxaan u dhigayaa waa: maanta ma jiro qoys iyo aqal Soomaali oo aan ku barxanayn sunta Islaamkii dhawaangalka ah, oo waliba aad ugu xoogaystay. Maa runta la isu sheego, kaan qarxin Alshabaab ku ahayn, si kale ayuu u yahay, maxaa yeelay, kaan qori sidan, qarax wadin, qalalaase rabin, wuxuu qabaa isla aragtidii gurracnayd ee Alshabaab, ee liddiga ku ahayd kana hor imaanaysa dhaqanka suubban ee Soomaalida!

Haddii lagugu yiri ama aad is leheed Alshabaab waa laga guulaystay, si qaldan baa wax laguugu sheegay ama aad u maanisay. Cudud ahaan haa, oo gobollo dhawr ah, magaalooyin badan iyo degmooyinba Malleeshiyaadkoodii laga saar, waliba hoggaankoodii qaar badan laga dil, balse, ma ogtahay in hadda iyo wixii ka dambeeya billawday dagaalkii ugu adkaa uguna dhib badnaa? Oo waa dagaalkee? Waa dagaalkii dhaqanka, fekerka, wada noolaashaha iyo mamaamul wadaagga, oo Alshabaab in kooda la qaato ma ahane inta kale aysan rabin.

Waxaan saa kuu leeyahay, ha moodin in ay Alshabaab yihiin kaliya inta qoriga u sidda iyo inta shulugga ku dhuumata ee aan wajigooda dadka tusi karin. Bal Mujaahid geesinnimaa lagu ogaaye, hadduuba wajigii duubtay Jihaad caynkee ah ayuu wadaa?.

Inta wali ay hoggaanka dawladda iyo horyaalka umadda ku milan yihiin kuwii dhalay, barbaarshay oo heerkaan Shabaab soo gaarsiiyey, marna ha filan in Shabaab la dabargooyey, illeyn dabargoynta Shabaab waxaa qayb ka ah in kuwaana laga qariyo wajiyadooda bulshadee.

Godane wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, oo ay dileen rag xisaab xir iyo ay kala dhaxaysay xoog sheegad. Geeridiisu si walba kama duwana qof dhintay, marka laga reebo adigu nacaybka aad u qabi karto, waliba kama geddisna rag intuu dilay in ka badan dilay, rag intuu xasuuqay ka badan xasuuqay, rag intuu xumaan falay ka badan falay, rag intuu qixiyey ka badan qixiyey, raggaa oo xilal sare lagu sharfay, illaa heer madaxweyne ay gaareen, geeridooda ka dibna loo sameeyey Aas Qaran iyo maamuus weyn, looguna magacdaray Garoommo iyo goobo kale. Qaarkood wali hadda ayey xilal yar ama weyn hayaan. Haddaba, aqriste, is weydii; faraqa u dhaxeeya Axmed Godane iyo gafanayaashaa? Maxay is dhaamaan? Maxaa Godane loo nacladayaa kuwaana loogu naxariisanayaaa? Ani ahaan kala duwanaashuhu waa mid qura, oo Godane wuxuu gaadiid iyo buundo ka dhigtay DIIN DACAREED, halka, raggan kalana ay ku gudbeen QABIIL iyo QABYAALAD. Micnaha Godane wuxuu wax ku dili jiray magac diimeed, halka kuwan kale ay wax ku dili jireen magac qabiil.

Marka waxaan arkaa dad badan oo caynaya, nacladaya Godane, balse, hore u oran jiray yaan dadka dhintay wax laga sheegin, oo waxay hormasadeen ayaa horyaale, haddaba, maanta maxaa diiday in Godanana lagu dabaqo qaaciddadaa? Micnaha Godane waa Ahlu Qabuure Alle ha u naxariisto ha la dhaho, maxaa yeelay, rag Godane ka daran ayaad maalin walba dhahdaan Alle ha u naxariistee ama waa halyeeyo una ducaysaane. Ogoow; cadaalad iyo caadifad isku meel ma galaan.

Godane ma ahan masuulkii ugu horreeyey ee ka tirsan xagjirka iyo argagixisada Alshabaab ee gantaal lagu dilo, oo waxaa ugu horreeyey rag ay ka mid yihiin; Cabdalla Suudaani Faysul Cabdalla Maxamad Ibraahim Afgaani IQK, balse, ay ugu muhimsan yihiin;

– Macallin Aadan Xaashi “Ceyrow” 1976-2008, “Ceyrow” 1-dii May sanadkii 2008-dii maalinnimo Khamiis ayuu ku dhintay duqayn ba’an oo Maraykanka ka fuliyey magaalo madaxda Gobalka Galguduud ee (Dahar Dheer) Dhuusa Mareeb. “Ceyrow” Maraykanka ayaa muddo ku daba jirey, kuna ku raad joogey, iyagoo ku eedeeyey inuu xiriir la lahaa Urur weynaha Alqaacida, kana soo dagaallamay waddanka Afghanistan tababar dagaalna ku soo qaatay isla waddankaas.

Saalax Cali Nabhaan 1979-2009, Nabhaan oo ku dhashay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya April 4, sanadkii 1979kii ayaa isna ku dhintay weerar ka dhacay tuulada Roobow ee ka tirsan Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose. “Ugaarsiga Argagixisada Umaddaa ku diirsata!

Abwaan Cali Dhuux ayaa isagoo ku diganayey Maxamed Cabdille Xasan markii la jabshay ee u cararay Galbeedka wuxuu tiriyey tix ay ka mid yihiin labadan bayd:

 

“Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye

Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye!”

 

Nimankan sida ay dadka ugu darnaayeen ama ula dhaqmi jireen naxariis darrada, ilama ahan inay sugayaan in loo damqado ama laga noxo, in kasta aan digasho waxba tarin oo mayd wuxuu mudan yahay waa maamuus iyo moorayn, xabaal iyo xurmayn, illeen xanuun iyo xaarxaaro (canaan) midna xuubkiisa ma dareemee! Waxaase jira arrin xusid mudan oo ah ninkii kuu daran waa loo darraadaa, kuma sii jirto marka jab ama dhib soo gaaro.

Dhanka kale, madaxda maamulka dowladda waxaa u furan oo horyaal fursado dahabi, oo aad qaali u ah, loogana baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si looga hortago in kooxdan ay dib isu soo abaabusho iyo inaysan saameyn ku yeelan mar kale deegaannada laga saaray, ama aysan kuwa horleh oo cususb u dhismin, ooba laga yaabo inay ka sii xagjirsan yihiin Shabaab, sida; Daacishta Ciraaq iyo Suuriya IWM. Run ahaan haddii aan aragti furan iyo qorshe cad lala imaan, waxaa jira cabsiyo badan oo laga qabo in marka kale tiih diimeedkii lagu laabto.

Dilka Godane, duullaanka Shabaab lagu yahay, diihaalka shacabka iyo diifta ka muuqata, dib u dhiska dalka iyo dib u dejinta dadka iyo dedaalka dawladnimada loogu jiro waxaa cadaw aan ka yarayn Shabaab ku ah nimankan la wada baxay, loo yaqaan ama isku magacaabay MADAXWEYNAYAAL aniguse aan GAFANAYAAL dhaho. Sida aysan u suuragalayn in Shabaab laga adkaato inta rag aragtidoodii oo kale qaba ay madax yihiin ama maqaam sare hayaan, sida ay bulshada badankeed fekerkaa u cabsan tahay, ayeysan marna suuragal ahayn in la helo dawladnimo iyo nidaam inta ay jiraan kumannaan madaxweyene.

Halkan hoose ka aqriso 11 Madxaweyne oo ka mid ah kuwa hadda ka jira gudaha Soomaaliya;

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya)

2-Axmed Maxamed Siilaan (Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland)

3-Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas (Madaxweynaha Dawladda Puntiland)

4-Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid (Madaxweynaha Galmudug State)

5- C/laahi Cali Maxamed Kadiye Baarleex (Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb)

6- Madoobe Nuunow Maxamed (Madaxweynaha Koonfur Galbeed 6-Gobol)

7- Axmed Maxamad Islaam Madoobe (Madaxweynaha Jubba)

8- Maxamed Xaaji Cabdi Nuur (Madaxweynaha Koonfur Galbeed 3-Gobol)

9- Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi (Madaxweynaha Shabelle State)

10- C/llaahi Axmed Maxamad (Madaxweynaha Banaadir State)

11-Cali Khaliif Galayr (Madaxweynaha Khatuma State)

Intan waxaa dheer kuwa ciiddaan ka badan oo aan la soo koobi karin, ee aan inyar ka soo qaadato magacyada maamulladooda hawada ka dhisan;

“Awdal state,  All SSC State, Raas Casayr State, ALL CAYSRLAND, Maamulka Galbeedka Gaalkacyo, Maakhir State, Guryama State, Hiiraan State, Hiiraanland, Dooxada Shabelle, Shabelle State, Doxa State, Celbur State, Gal Hiiraan and Xarer Dhere State, Cenral Somali State, Xarer Dhere State, Mareeg State, Deex iyo Sooy State, Waax iyo Waadi State, Cawl State, Banaadir State (3) ah, Banaadir land, Xamar iyo Xamardaye State, Kofur Galbed State, Jubba Raas State, Alta Jubbaland, Jubba State, Udubland, Azaania State, Jazeera and Jubba State, Wagosha State, Waamo state” IQKB!

Anaa kuu qeexeee, waana sidan; mudane Gaas Qunsuliyad ayuu beeshiisa u raadinayaa. Mudane Cali Galayr Khaatumo ayuu dhexfadhiyaa, maalin waa qaxayaa, maalinna waa qaylinayaa. Mudane Siilaanyo doorasho ayuu ku mashquulsan yahay, oo sheekadiiba waa sii fogeeyey oo cirka ayuu ku shareeray. Gobollada Dhexe, wali waa is hareer marsan yihiin, is garab yaac iyo waxay ku sugan tahay fawdo iyo amar ku taag lahayn ah. Hiiraan waa budo gaar u tuman oo aan la garanayn, sida iyo habka ay ku dambayn doonto. Guddoomiyaha cusub waxaa lagu xantaa inu Xabashi kallaal yahay. Jawhar wali waa rafanaysaa. Xamar ka hadal ma leh, dhan mudane Xasan ayaa lagu dhaggan yahay, dhanka kale shirkaddii Favori ee Turkiga ahayd ayaa la doonayaa in qadka laga saaro, oo loo arkay malaha inay hormar waddo. Kor u sii bax, labada Shabeelle muran xooggan ayaa ka taagan oo maamullada ka dhexjira, wali waa laga qabsi qabaa in dagaal beeleedkii Marka uu dib u qarxo. Baybdhaba waa miino aasan, oo mar walbana qarxi karta, aragti aad u kala fog ayaana lagu kala maamulayaa. Kismaayo wali waa ciirciiraysaa. Bal adba.

Is weydii aqriste, kuwan tirada badan, ee nin walba tuulo, barrin, goof, gal, magaalo iyo degmo inta xaarxaartay isku magacaabay Madaxweyne, ma dalkaa u baahan mise waxay qayb ka yihiin dhammaystirka hannaanka dawladnimo? Damaca xaddhaafka ah ee nagu dhacay iyo cudurka madaxtinimo doonka ah ee na haleelay ayey caddayn u tahay, ee run ahaan xanuun ka weyn ma jiro, nin tuulo ka dhex quuqle ee isu haysta inuu taliye yahay ama talo hayo, ee aan waliba iskula yaabayn, isku shiixayn, isku xishoonayn. Sarriig iyo dadnimo dhinte!

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

 

“Dulli baa ku dhaca duul haddey war iska diidaane

Duqaydiyo waxaay caasiyaan duubabkiyo shiiqe

Dibadday wareegaan markii darar la maalaaye

Duul kalaana soo dega halkay dan u lahaayeene”.

 

Abwaan Jimcaale Dhegataag, 1960.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s