Ciidamada Afrika ee Nabad-Ilaalinta Soomaaliya

African Union peacekeeping soldiers parade during arrival of Somalia's new president Ahmed in capital Mogadishu

Ciidamada Afrika ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya

 

20kii Maarso, 2007 

Dalbashada ciidamma shisheeye iyo ka qaybgalinta nabad sugidda, soo celinta xasilloonida Soomaaliya, waxay ahayd meesha sartu ka qurantay ee la isku mari waayey, qilaafka xoogganna uu ka dhashay, marna isu bedelay gacan ka hadal iyo feer. Qilaafkan oo u dhexeeyey masuuliyiinta xubnaha ka ah dawladda Empagthi, oo si cad ugu kala qayb sameen, sida diidmada ciidammada loo dirayo. Waxaa kaloo ka soo hor jeestay, oo diiday ama ugu yaraan caqabad ku noqday dawladda Maraykanka, oo si toos isu garab is taagtay xubnihii diiddanaa ciidammada shisheeye, oo la keeno Soomaaliya, iyadoo la yeelatay shirar iyo kulammo ku dhex maray Nayroobi, iyadoo Maraykanku shirarkaa u metalayey dan-jirahooda u fadhiya dalka Kenya.

Balse, wax waqtigu socdo, waxaa la ansixiyey in Dalka Soomaaliya loo soo diro ciidan nabad-ilaalin, oo ka socda Dalalka Afrika. Go’aankaas oo baarlamaanka Dawladda Empagathi ku gaartay bartamihii sanadkii la soo dhaafay kal-fadhi uu ku yeeshay Magaalada Baydhabo, waxaana go’aankaas lagu kala saarin ciidammada dalalka ay ka kala imaanayaan ma Afrika oo dhanbaa oo ay ku jiraan dalalka dariska ah, mise marka laga reebo dalalka safka hore ee Xabashidu ugu horrayso?.

Waxaa dhacay is bedel weyn, ka dib markii ciidanka Xabashidu ay soo galeen dhulka iyo ciidda Soomaaliya, iyadoon cidna amar kaga haysan, balse, ay si qarsoodi ah ugu heshay taageero dalka Maraykan uuna isbedelay mawqifkii maraykanku ka taagnaa arrinta Soomaaliya. Sidoo kale, qayladhaanta Dawladda Empagathi waxaa ka soo jawaabay dalalka Midowga Afrika oo iyana ansixiyey in loo diro Soomaaliya ciidan ka socda dalalka ku bahoobay Ururka Midowgha Afrika, howl galkaan nabad-ilaalinta Soomaalia waxaa loogu magac daray: AMISOM.

Waxaa maalintii talaadada ee ku beegneyd 06/03/2007-da ka soo caga dhigatay gegada Dayuuradaha Caalamigaa ee Garoonka weyn ee Magaalada Muqdisha diyaarad sidday agab iyo saanad Military. Diyaraddan oo ay la socdeen ciidan Ugaandhiis ah, oo gaaraya ilaa 400 (afar boqol) oo askari oo ay Dawladda Ugandha ku yaboohday, inay qayb ka qaataan xasilinta Soomaaliya, diyaaraddaan oo ka soo duushay garoonka Centibbi (Entebbe) ee ku yaal dalka Ugandha.

Ciidankan Ugandha ee yimid Soomaaliya oo hor-u-dhac  ah ciidan Afrikaan ah, oo loo qoondeeyey inay gacan ka gaystaan Nabad-ilaalinta Soomaaliya. Ciidanka Afrika ee ka midka noqonaya nabad-ilaalinta Soomaaliya waxay ka kala imaan doonaan sida la shaaciyey dalalka ay ka midka yihiin: Ugandha oo iydadu ku deeqday ku dhawaad 800 (sideed boqol) oo askari oo qaybtii ugu horraysay ay gaaren Magaalooyinka: Baydhaba, iyo Muqdisha, Burundi oo iyana ku deeqday inay soo dirayso ilaa 1,700 (kun iyo toddobo boqol) oo askari, iyo dalalka Malaawi, Gana iyo Nayjeeriya oon iyaga wali go’aan rasmi ah ka soo bixin ama aan wali cayimin tirada ciidan ee ay kaga qayb qaadanayaan hawsha nabad-ilaalinta.

Waxaa xusid mudan in maruu qudbad iyo hadal u jeedinayey madax-weynaha dalka Ugandha Yuweeri Musafeni, isagoo ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo loo sameeyey ciidammada Ugandha ee Dawladdiisa u qoondaysay Soomaaliya, ayuu madax-weyne Musafeni wuxuu ku hadlay hadal aan u qalmin nin masuula inuu ku dhiirrado, hadalkaa oo runtii dad badan oo Soomaaliyeed ka caraysiiyey ayna ka dhiidhiyeen. Musafeni wuxuu yiri markuu la hadlayey askartiisa u baqooli rabta Soomaaliya: “Iska ilaalsha Haweenka Soomaaliya waxay qabaan HIV AIDS!” hadalkaa madax-weyne Musafeni ayaa u ekaa cabsi galin iyo dardaar warin inay is xakameeyaan marka loo eego ciidanka uu la hadlayey, balse, sharaf dhac iyo af-lagaaddo ku ah shacabka Soomaaliyeed. Waxaa la yaab leh mudane Musafeni, miyuusan ogayn in Ugandha ay ka mid tahay saddaxda dal ee Afrika ugu Aids-ka badan? Dalalkaa oo kala ah: Xabashida Etoobiya, Ugandha iyo K/Afrika. Tan kale, miyuusan la socon in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Afrika ugu AIDS-ka yar, gaar ahaan marka loo fiirsho labada dal ee dariska la ah Soomaaliya oo labaduba safka hore kaga jira dalalka uu daashaday lana ciir ciiraya waxyeellada iyo dhibaatada AIDS-ka.

Aan ku soo afjaro qaybtaan tirakoob qeexaya tirada dad ee la ildaran cudurka dilaaga ah, anigoo ku soo koobaya is bar bar dhig aan ku samaynayo labada dal waa Soomaalida uu Musafeni ka digayo AIDS-keeda iyo Ugandhiiska looga digayo AIDS-ka, si aan u ogaanno sida baaxadda weyn ee ay u kala fog yihiin labada dal iyo Soomaaliya iyo AIDS-ka, balse, waxaa laga yaabaa, in dadka qaarkiis ay caro ka muujiyaan is garab dhigga Soomaaliya iyo Ugandha xagga tirada dadka qaba AIDS-ka, kaliya, waxaan uga jeedaa inaan muujiyo riyada uu dhex maquuranyo madax-weyne Musafeni, tirakoobkiina waa sidan:

Tirada dadka qaba AIDS-ka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay sanadkii tagay ee 2006-da ugu badnaan 1.2% oo ay ku jiraan dhammaan goballada Jamhuuridda Soomaaliya.

Tirada dadka uu hayo cudurka AIDS-ka dalka Ugandha waxaa lagu sheegay sanadkii 2005-ta inay ka badan tahay 39%, haddaba, maadaama uu tirokoobkan ahaa sanad ka hor waxaa la dareemi karaa in tarada 39% ka sii kordhi karto waana sida ay u badan tahay, balse, si kale haddan u fiirino, hadalka Musafeni marka laga reebo dhanka Af-lagaaddada, sharaf dhaca, iyo qiima ridka uu u gaystay dumarka Soomaaliyeed iyo cayda uu dusha kaga tuuray Hablaha Soomaaliyeed oo abid lagu yiqiin dhawrsanaan anshax, edeb iyo xishood, waxaad mooddaa inuu yahay mid u dan ah Soomaalida marka laga eego waxa ka dhalan kara oo ah in Askarta Ugandhiiska ah ay ilaa xad iska ilaalshaan ama iska dhawraan dumarka Soomaalida, oo keenaysa inay cudurkooda naga xakameeyaan oo aysan nagala soo dhex galin bulshada gaar ahaan Haweenka.

Waxaa sidoo kale ka mid ah ciidammada nabad-ilaalinta Afrika ee la sugayo inay soo gaaran Soomaaliya ciidan ka socda dalka Burundi oo ku yaboohay inay soo dirayaan ku dhawaad 1,700(kun iyo todoba boqol) oo askari oo ka qayb qaadanaya howsha nabad sugudda, balse, waxaa la xaqiijiyey in dawladda Burundi culays badan kaga yimid xagga hay’adaha lacagaha bixiya sida: IMF-ta iyo bangiga adduunka (World bank) oo ku amray inay dhimaan ama xaddi ku sameeyaan tirada ciidanka, maadama dhaqaalaha loogu talagalay mashaariicda hor-u-marinta lagu maal-galiyo ciidanka, taasna ay cuuryaamisay mashaariicdii ay hay’adahaas ka wadeen dalka Burundi, tasina ay keentay in labadaa hay’adood ay shuruud uga dhigaan dawladda Burundi kuna xiraan amaahda iyo deeqda la siinayo, inay yarayso tirada ciidanka oo ka daba dhow tirada dadka caadiga ah. Dawladda oo ka baqaysa haddii ay shaqada ka dirto ciidanka inay fallaago ku noqdaan oo ku soo jabhadeeyaan maamulka, sidaa darted, ciidanka loo dirayo Soomaliya ayuu wuxuu u noqonayaa fursad ay uga badbaaddo ugana baaqsato culays uga yimaada dhanka hay’adaha dhaqaalaha iyo baqdin kaga imaan lahayd jabhadayn iyo fallaago, maadama ciidanka loo dirayo Soomaaliya uu qaadan doono mushaar fiican ama lacag ku filan, sidaana uu ku helayo askarigu hadduu dalka ku soo laabto isagoo fayow oo bad qaba inuu nolol cusub billaabo, maadaama uu soo helay gacan qabsi fiican uu ku maarayn karo nolashiisa.

 

Fashalka Ciidanka Afrika ee Gobalka Darfur:

 

Waxaa bishii Desembar ee sanadkii 2003-da ka qarxay gobalka ku yaal galbeedka Suudaan dagaallo qaraar, gobalkan oo ay wada dagaan dadyowga madawga ah ee asalkooda Afrikaanka yahay ee iyaga dhulka loogu yimid iyo dadyowga Carbta ah ee ku yimid socotada, ka dibna ka mid noqday dadka deegaanka. Dagaalladaan oo keenay inay isaga qaxaan ku dhawaad 2.5 (laba malyan iyo bar) kana carareen aqalladoodii iyo tuulooyinkii ay daganaayeen, ka dib markii dab la qabad siiyey, sidoo kalana ay ku naf waayeen 200 (laba boqol) oo kun oo qof. Sii socoshada xasadaraddaan waxey keentey iney soo fara geliyaan  Midowga Afrika oo bartamihii sanadkii 2004-ta u soo direy ciidan gaaraya 7,500( tobokun iyo shanboqol) oo ka qeyb qaata howsha nabad ilaalinta, ciidankan oo ka kala socdey  dalalka hoos  yimaada Ururka Midowga Afrika.

Ciidanka Afrika ka socdey ee tagey Gobolka Darfur wuxuu ku guuleysan waayey : Inuu ilaaliyo xabbad-joojin ay kala saxiixdeen Dowladda Suudaan iyo fallaagada, sidoo kale, wuxuu ku fashilmay inuu bedbaadiyo nafafka shacabka iyo arwaaxda qaxootiga ku jira xeryooyinka, sidoo kale, wuxuu ku guuleysan waayey inuu ilaaliyo ammaanka Hey’adaha gergaarka iyo macaawinada ay wadaan.

Fashalkan ku yimid howlgalka ciidanka Midowga Afrka waxaa sababta ugu weyn loo aaneynayaa:

-Khibrad xumo: Maxaa yeeley, waxaa lagama maarmaan ah dad xeel-dheerayaal ku ah arrimahan oo kale si looga digtoonaado habac sanaan kasta oo ku imaan karta howshan oo kale bal iska daa iney fashil keentee.

-Dhaqaalo la’aan: Howgalka nabad sugidda ee loo xilsaarey ciidammada Midowga Afrika, waxaa dhaqaalaha ku baxa dhiiba hey’adaha dunida sida: Qramada midoobey iyo Ururka Reer Yurub, maadaama ay ciidanka nabad ilaalinta ka yimaadeen dalal gaajo loogu dhimanayo.

-Fogeynta musaafurinta ciidanka iyo ku kala yareynta xaddiga tira ciidanka dalka, taasina waxey keeneysaa in lagu uruursho calooshood u shaqeystayaal aan qiimeyneynin Noolaha iyo Insaanka.

Fashalka ku yimid howlgalkii nabad ilaalinta ciidamada Afrika ee joogey Gobolka Darfur waxey keentey in Golaha Ammaanku uu soo saaro qaraar lagu qeexayo in ciidanka Afrika lagu bedelo ciidan ka socda Qarammada Midoobey  (UN), maadaama ciidanka Afrika uu ka baaqsadey inuu ka soo baxo waajibaadkii iyo xilkii looga baahnaa inuu ka soo dhalaalo.

Waxaa in badan lagu soo celceliyey in dalkii ay dhibaato ku habsato ay habboon tahay inuu fara gelin ku sameeyo dalka deriska la ah, si uu xasillooni ugu soo celiyo, iyadoo tusaale loogu soo qaadanayo Madax-weyne Musefeni oo dalka ay u gacan gelyeen ciidamo Tansaaniyaan ah. Sidoo kale, dalka Burundi oo qalalaaso ka taagnaa waxaa soo afjarey fara gelin Military oo kaga timid dowladda K/Afrika, aan ugu danbeysiinno dalka Siiraalyoon oo ay xasilloonidiisa gacan weyn ka geysatey dowladda Nayjeriya. Hadalkaan oo loogu qiil sameynayo ama marmarsiiyo loogu raadinayo qabsashada qaawan ee Xabashida dalka ku wada  marooqsadeen, iyadoo loo fiirinayo in Xabashidu deris la tahay Soomaaliya, sidaas darteedna, cid ugu xaqleh aysan jirin in faragelin Military ku sameyso. Taasi waxaa lagu tilmaami karaa hadal aan waxba ka bedeleynin  ujeeddooyinka gurracan iyo danaha Xabashidu ka leedahay Soomaaliya, waase is weydiine nabadda ay Xabashidu Soomaaliya la rabto oo ay darteed u soo fara gelisey ma afduubkaa? Ma qafaalkaa? Mise waa Hoobiyaasha ay u qeybinayaan xaafadaha Magaalada Muqdisha? Mise waa qixinta iyo bara-kicinta joogtada ah ee la soo gudboonaatey Soomaalida ku nool Gobolloda Koonfurta?!

Waxey tahayba, waxaa hubaal ah inaan Xabashi u soo galin dalka iney xasiliso ama ay soo afjarto qalalaasaha ka aloosnaa Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafey, maxaa yeeley, Xabashidu iyagaa kaalin mug leh ka qaatey burburinta iyo fashilinta qorsha nabadeed kasta oo Soomaali la isku dayo in laga hirgelyo. Aan wada xasuusanno shirkii Qaahira, yaa caqabad ku noqdey? Cabdullaahiga hadda dalka Xabashida soo gelyey iyo Gan. Aadan Gabyow, oo markii ay isaga baxeen shirka u baxsadey galeyna safaaradda Xabashadu ku leedahay dalka Masar. Sidoo kale, shirar ay u qabatey qabqablayaashii ka soo horjeedey Dowladii Carta, ee ka kala dhacey Ceel-Berde iyo Naakura. Arrimahaan oo dhan awgeed waxaa habboon inaan aragtida caalamka la marin habaabin, oon sawir qaldan laga siin xaaladda ka jirta Soomaaliya, si aan loo sii dheereyn joogitaan ciidanka Xabashida ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Arrinta kale oo iyana u baahan in si wanaagsan looga hadlo waxey tahay in ujeeddada ka danbeysa ciidanka Midowga Afrika ee loo soo qorsheeyey iney ka howgalaan Soomaaliya ay  ujeeddadiisu tahay, in lagu daboolo ciidanka Xabashida ka jooga gudaha dalka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 8000 (sideed kun) oo askari, taas macnaheedu waxey tahay iney isla egyihiin ciidammada ka imaanaya ama ka socda dalalka Afrika ee ka qeyb galaya howsha nabad-ilaalinta iyo ciidanka ka jooga Xabashida, sidaa darted, miyeysan kuu caddeyn iney iska muuqato in lagu siinayo shaar qaanuun joogista ciidanka Xabashidu oo ku soo galey hab qaldan oo ka baxsan nidaamka iyo qaanuunka?.

 

Gunaanad:

 

Haddaba, waxaan ugu baaqeynnaa dadalka Afrika ee ciidanka u soo diraya Soomaaliya iney xaaladda si fiican u darsaan si ay u helaan xogta dhabta ah ee meesha ka jirta dabadeedna ay ku howl galaan xaqiiqadaa biyo kama dhibcaanka ah ee ku dhisan waaqica iyo waxa jira ee aan la iska indha tiri karin lagana gudbi karin.

 

20kii Maarso, 2007   

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Advertisements

5 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s