Waxaa batay wakiillada Ilaahay ee jooga dhulka korkiisa! Waxaa batay af hayeennada Ilaahay ee ku hadla magaciisa! Wwaxaa batay gacanyara yaasha Ilaahay ee fududeeya howlaha! Waxaa batay adeegayaasha Ilaahay ee sahla arrimaha dhowdhow! Waxaa batay cododka sida caadiga ah ugu carrab adayga inay yihiin caawiyayaasha Ilaahay! Waxaa batay kaaliya yaasha Ilaahay ee kafaalo qaado kaafi tirka wixii kiis ah! Waxaa batay kabayaasha Ilaahay ee kara wixii dillaaca, tarara ama kala jaba! Waxaa batay kaabbo shaqaalayaasha Ilaahay ee u taagan shaqo sugidda! Waxaa batay……….. Waxaa batay……….. Waxaa batay……….. Waxaa batay………..
Ma ahan tilmaamahaan ama magacyadaan aan sare ku soo xusnay inay u taagaan yihiin xaqiiq ah in Ilaahay u baahan yaahay siyaabaha kala gaddisan ee magacyadu u kala duwan yihiin ama shaqada ay tilmaamayaan, balse, waxay ku wada aroorayaan hal ujeeddo oo ah: kabidda iyo dhammaystirka wixii qabyo ah ama uu ka gaari waayey waqtiga oo ciriiri ku noqday amaba ka dhacay oo ka dhammaaday awgeed, ama caajis galay iyo caga jiid darted (qeexid ahaan)!
Taas waa mid aan Alle u qalmin laguna tilmaami karin, maxaa yeelay Alle waa: “WUXUU DOONE SAMEEYE, SUU RABO U SAMEEYE, XILLIGOO DOONO SAMEEYE!”. Arintiisa dhan waxay u dhaxaysaa labadaan eray ee kala ah: “AHAAW (NOQO-SAMAYSAN) ISLA MARKIINA WUU AHAANAA (NOQONAA-SAMAYSMAA)!”. Haddii haddaba arrintu sidan tahay uusanna u baahnayn Alle cid ka wakiil ah, oo magaciisa ku hadasha ama kaaliyaal buuxiya meelaha bannaan; maxay yihiin dadyowgaan ku doodaya inay Ilaahay Wakiil ka yihiin? Jawaabta su’aashaan waa nuxurka iyo dulucda Qormadeenna.
Waxaa carriga Soomaalida harqiyey gaiygeeda buux dhaafiyey qawlaysatada ku qaraabata magaca Ilaahay. Waxaan hirgalinaynaa Shareecada Islaamka! Waxaan dabbaqaynaa Xukunka Islaamka! Waxaan fulinaynaa awaamirta Ilaahay. Waa hadallo in badan sanadihii ugu dambeeyey ku soo noqnoqday maqalkeenna, dhagaheenana ku soo dhacay tiro jeer ka badan. Madfaca la ridayo Ilaahay dartiis ayaa loo ridayaa! Dabcan qofka uu ku dhacayana Ilaahay dartiis ayuu ugu dhacayaa! Xabadda la ridayo Ilaahay dartiis ayaa loo ridayaa qofkay ku dhacaysana Ilaahay dartiis ayey ugu dhacaysaa. Maatada la gumaadayo Ilaahay dartiis ayaa loo garruuminayaa (garruunka loola dhacayaa)! Xabaalaha waxaa loo badinayaa Alle dartiis! Dadka waxaa loo laynayaa Alle dartiis! Xasuuqa, xubnagoynta, cuuryaaminta, dhammaan waxaa loo samanayaaa Alle dartiiss! Wixii xumaan ah oo la sameeyo waxaa loo xawilaya Alle! Maa laga daayo magaca Alle qaraabashada iyo qaalli ku noqoshada?!
Waxaan rabaa inaan halkan ku soo bandhigo xaqiiq cad, oo cid dafiri kartaa jirin, waxay tahay: “ILAAHAY MA AANNAAN ARAG, CID ARAGTAYNA LAMA ARAG, ISNA ISMA KEEN TUSIN, BALSE, IN LA ARKI DOONO WAA LA SHEEGAY!” inta badanse muran kama taagna jiritaankiisa! Qaabka, hannaanka, nuxurka, magaca iyo sida se waa lagu kala tagsan yahay, haddana, Diima cireedku waxay ka wada siman yihiin in Dadka iyo Alle ay u dhexeeyaan soo gaarsiinta Diinta Nabi, Rasuul, ama Farriin side, iyo Wargeeye. Waxay ku xoojiyaan inuu inta badan wato waxyaabo aan caadi ahayn, oo uu Dadka ku qanciyo, siyuu u qiijiyo Nabinimadiisa, haddana, farriimo sidayaashu waa dadka ugu dhow Alle kamana ahan Wakiillo buuxo, ee sidee ugu dhiirradeen ama ula saxnaatay dadyowga doonaya danaha gaarka ah inay ku doodaan inay Ilaahay Wakiil ka yihiin?!
Waxaa la dhihi karaa Wargeeya yaasha Alle warka ka soo gaarsiiya dadka kuma doodaan inay u dhexeeyaan Alle iyo Dadka, waxayse wataan waraaqo aqoonsi iyo caddaymo muujinaya waxa ay sheeganayaan inay run yihiin, caddaymahaas waxay yihiin waxa loo yaqaan Mucjisada iyo Karaamada!
Wakiilladaan sheegatada ah, shareecadaan ay ku awr kacsanayaan, shacabkaan aysan u turayn, shar iyo dhib ay shilkaha u wataan, miyeysan dadkan shiixayn?.
Waa marka koowaade Alle cidna Wakiil kama noqoto, asna uma baahna Wakiil! Waa marka labaade farriimihiisa kuwa soo gudbiyaa kuma dhiirraadaan inay dhahaan wakiillo ayaan Alle ka nahay! Waa marka sadsaxaade Waraaqihii aqoonsiga inaysan wadan ay yihiin bug faalso ah ku joogo hab sharci darro ah! Waa marka afraade Ilaahayna sooma arag oo kama wataan oggolaansho. Qodobbadaas iyo kuwo kale owgeed ayey ku habboonaan leheed inay joojiyaan ku qaraabasha magaca Alle!
Wadaaddadan magaca diinta halleeyey, ee waranka iyo xabadda u wata inay walaalohood ka waraabiyaan Naaraha, kolleey waa jago done, maa magaca Alle iyo afaarihiisa ammaan siiyaan? Ila xasuusta qayla dhaantii Sh. Shariif intii uu ahaa madaxa Maxkamadaha, wixii uu ku tilmaami jiray Maraykanka, iyo maanta wuxuu ku tilmaamayo! Si ahaan waa loo baahan yahay isbedelka, balse, ma ahan inaa tiara; MAWAAQIFTAYDU ALLE AYEY KA TURJUMAYAAN! Waxaad rabto diid, waxaad rabto mucaarad, waxaad rabto taageer, balse, ALLE HA MASABIDAN! Ila xasuusta Sh. Xasan Daahir markii loo dhiibay Guddoomiyaha Ururka Xizbul Islaam siduu ugu faraxsanaa, ee uusan marnaba u muujin diidmo iyo in qof kale oo ka da’yar loo dhiibo! Ila xasuusta jawaabtii uu ugu jawaabay Fahad Yaasiin waraysigii uu ka qaaday, markii uu waydiiyey:
“Waxaad tahay nin ku caan baxay dagaalka soddonkii sano ee ugu dambaysa, waxaad ka soo qaybqaadatay dagaalkii Xabashida ee 1977-dii, haddana, Islaami ahaan waxaad soo gashay dagaallo kale, miyeysan dhawaan inaad hubka iska dhigto, ood ku biirto Howlsha Siyaasadda, ood ku baaqdo Nabadda iyo Xasilonida?”
Wuxuu asaga oo qosol gariiraya ku jawaabay Aayad Quraana! Balse, waa yaabe, maxaa Aayadaha loo af duubaaya, oo loogu qaraabanayaa Magaca Alle? Waa laaga yaabaa, in waayuhu na tusaan Sha. Sahriif iyo Sh. Xaasn oo Aayadaha isla aqrinaya mar kale, illeen hadda way kala aqristaane!
Ugu dambayn, murti baa oranaysa: “XAGLO GEEL WAX GUNTIGA LA GALIYAA KA WEYN!” Waxay tahay magaca Alle wax lagu qaraabto ka weyn, wakiillada bugtaa, aqoonsiga aan wadan, caddaymaha aan lahayn, waxaa ku habboon inay ka waantoobaan magaca Alle, oo wax lagu dhibo, magaca Alle oo wax lagu cadaadiyo, magaca Alle oo wax lagu garaafeeyo, magaca Alle bi’siine maxaa idiin haray?!
Horraantii Oktoobar, 2009
Bashiir M. Xersi