Wadaaddadii Soomaaliyeed ma UMAL ayaa ka haray?!

as

Wadaaddadii Soomaaliyeed ma UMAL ayaa ka haray?!

IID SUUBBAN, XAJ aqbalan iyo AJAR badan

War wadaad, waliimo iyo wixii laga yiri ayaa iga deeqa, haddana, sida dadka kale, markay leexdeen ama leexiyaan ama leexsadaan –sida ay u badan yihiin- ayaan is hayn waayaa, anoon dhawr eray ka dhihin ama dhawr sadar ka dhiginna ma xasilo. Taa waxaa iigu wacan waa sida ay uga qatar badan yihiin inta kale, ee bulshada kaalin ama saamayn ku leh, oo iyagu mar walba waxay duggaashanayaan magacii Alle, lana mid yihiin; ruux kaa xiga dhimbisha dhankeeda, oo hadduu doono dabka kugu dambaaburayn kara.

Kaliya ma ahan taa waxa wadaad iga deeqay, oo waxaaba iiga muhimsan hab  dhaqankooda, ood ba mooddo in lagu amray ama faray inay marag u furaan oraahyada, hawraarrada iyo halqabsiyada caan baxay ama bulshada ku dhex fiday. Adoo lagugu xaman jiray ama lagugu sheegi jiray inaad TUUR leedahay, inta aysan kaa soo bixin ama aadan yeelan Haddaad adigu isu yeesho, saw adigu jid iskuma furin?.

Macnaha erayga “WADAAD” siyaabo kala duwan ayaa aragti looga baxshay, oo dadka qaarkii ku macneeyaan in laga keenay; “WAA DAAD” oo noqonaysa wax soconaya ama qulqulaya. Micnaha WADAAD waxaa loogu baxshay, daadku isagoon la filayn ayuu meel qaadaa ama jiira, sidoo kale, WADAADDADU dad aan ka war hayn ayay iska dul degaan micnaha WALIIMAYSI u doontaan, iyagoon weydiin noloshooda iyo xaalkooda hoose, balse, mar walba dadku karaamayn ama weynayn ayey u hayaan.

Aragti kale waxay leedahay eraygani wuxuu ka yimid; “WAD AAD” micnaha geeri aad. Mar walba iyo xilli walba waxa uu taagan yahay goob geeri ka dhacday iyo nafi ku go’day! Marka laga soo tago macnaha eraygu lahaa asal ahaan, waxaa muhimku yahay in WADAAD kaalin muhim ah ku leeyahay umadda dhexdeeda, oo bulshada qayb weyn ugu fadhiyo, balse, wareerka ayaa ah, marka uu weecdo inaan la waabin karin, iska daa in la celshee, maxaa yeelay, dadka ayuu ka xigsadaa ama iska xijiyaa diinta, marar badanna ku afjigaa.

In magacooda diinta loo nisbeeyey ka sokow, haddana,  Soomaalidu kama aamusini waa sheegeen wuxuu yahay, siduu u fekero iyo waxa laga filan karo. Soomaalidii hore Wadaaddada siyaabo badan ayey uga hadleen, ammaan, dhaleecayn, wiirsi iyo maadba isugu jira, mid walbana dhacadeeda ayey lahayd.

Guud ahaan wadaaddadu marna Siyaasadda kuma jirin, isumana soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la dhawrayey awgeed, haddana, wadaaddadu si guud qayb ayey uga ahaayeen hagidda qaab nololeedka bulshada iyo maaraynta mashaqooyinka maalmaha lagala kulmo. Micnaha hoggaanka bulshada ayey ku jireen.

Waxaa la isweydiiyey; “Ragga iyo Dumarka yaa badan?” oo looga jawaabay: “Haddii Wadaaddada lagu daro Dumarka ayaa badan!” mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa, Abeesana Dhul u eki!” mar kale; “Wadaad qiil uu ku bannaysto iyo qandi kuu qaataba ma waayo!” mar kale; “Cajar wadaad taabtay cadaabi ma taabato!” mar kale; “Wadaad iga dhici ma leh, ii ducee maahine!”.

Marna waxaa la yiri: Wiil labaatan jir ah oo murqo kuus ah ayaa geed ka booday. Wadaad meesha ka dhawaa ayaa asna damcay inuu geedka ka boodo. Wadaadkii geedkiina kama boodin, maradii uu guntanaana way ka bidday. Markaa ayaa wiilkii wuxuu yiri: “Wadaaddku inuusan Oodda ka boodi karin waan ogaaye, waxaa idmaneed in Cawradiisa la arko!”.

Dhanka kale, midda waxaa oo dhan oo xiraysaa waa, markii wadaad masalo loo keenay ahayd; Lo’ beer Islaameed daaqday. Wadaadkii wuxuu xugmiyey in ul inta dhilka la dhigo dhirirkeeda oo Miro ah la baxsho, markaa ayaa dhagta loogu sheegay in Lo’da beerta daaqday ay jirtay Lo’diisii, markaa ayuu yiri oraahdii ahayd; “La jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaana!”.

Waxaa la yiri, WADAADDO ayaa Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde waxay ku dhaahdeen: Cabdullaahiyoow cid walba u Gabaydaye bal annaga wax naga dheh. Markaa ayuu u tiriyey afarraydan cajiibka ah:

“Midigtiinna kuma xoogsataan, maahirta irmaane

Madfac iyo rasaas uma dhigtaan, madaxa shiikhoowe

Hadba meel nin laga jiidey baad, mededda haysaane!”

Nin Geel waraabinayana wuxuu ku heesay:

Haddaan culimmooy

Cad la cuno iyo

Cashar mooyee

Ciidan kaa dayo

Ceeb anaa falay!

Ugu horrayn, mid waan ka sii afeefanayaa calooshood u shaqaystayaasha Khaliijka ku xiran, ee loo soo diray inay jahawareeriyaan shacabkan miskiinka ah in aan la ii arkin inaan qaar ka mid ah taageerayo. Sidaa waxaan u leeyahay TOLKA TIMIRTA CARBEED ku midaysan ayaa dhawaanahanba dhawr qayb kala noqday, oo uu dhexeeyaa dagaal qabow, marka yaan loo malayn inaan qolo ka mid ah u xaglinayo.

Ujeedku ma ahan dhaleecayn iyo dhibaad, waa dhaqan iyo dhawaq isku dhigan, in la xigtaana aan filayo inaan lagu eedoobayn, maxa yelay, afka anigu kuma darin, ee sidaa ayey ugu jireen, uguna jiri doonaan, maalinta ay mudan tahayna lagu hal qabsan doono mar walba.

Diintu waa Raxmad u soo degtay dadka. Waa aqoon looga boxo Jahliga. Waa iftiin looga gudbo mugdiyada. Waa ambo qaaddada hor-u-marka, bidhaamisada dhabbaha ilbaxnimada. Waa aruurisada samaanta. Waa kaydka anshaxa iyo hoyga dhaqanka suubban. Waa….. Waa… Marka laga soo tago ceebaynta iyo cillad u yeeliddeeda, ama haaraammada iyo haydaarrada kaga imaanaya Caqliga iyo Cilmiga, ama cid gooni u colaadinaysa, iyadoo mar walba la falgasha hab nololeedka xilligaa lagu nool yahay.

Intaa ka dib, qormadan kooban waxaa igu riixay inaan qoro, ka dib markii aan arkay doodda ka taagan buugga uu qoray Qoraa; Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, oo cinwaankiisu yahay; “XADKA RIDDADA maxaa ka run ah?” oo maalinnimo Isniin ah 15ta September, 2014 lagu soo bandhigay Hotel ku yaalla magaalada Nayroobi, daahfurkiisuna ka dhacay.

Buuggan oo inta aqoonta u leh diinta Islaamka, fekerka diiniga iyo sooyaalka xarakaat Islmaaiga ah uusan ahayn mid ku cusub ama ku soo kordhinaya aragti iyo feker toona, ayaa haddana, waxaa la falgalay buuq iyo sawaxan badan. Run ahaan buugga marka loo eego inuu af Soomaali ku soo baxay, qiimo gaar ah ayey siinaysaa, maxaa yeelay, waxay u sahlaysaa qof walba oo soomaali ah inuu daalacdo, ogaadana waxa uu ku hadlayo. Widaaw gacallowgayga ah ayaan ka hayaa oraahdan; “Buug walba oo af Soomaali ku qoran, wuxuu kayd u noqon  karaa eray lumi lahaa oo afka ka mid ah”.

Inta doodda ka keentay buugga waxaa kow ka ahaa Maxamed Cabdi Umal, oo marka laga soo tago inuu ka soo horjeedo buugga, u gudbay amrro ah in buugga aan la aqrin iyo in lagu gabo, kuna tilmaamay gaalnimo iyo diin ka bixid, sidaana Qoraaga buuggu u noqday qof aan diin Islaam haysan! Aragti gurracan, ee aan loo abdayin iga dheh.

Marka ugu horraysa waxaa wax lala yaabo ah Umal in isagoo degdeg ay ku jirto uu Masjidka soo galay, ee la soo booday arrin baan idiin sheegayaaye waryar ii udlqaata, oo fadhiga ha ka kicinnina. Sidii ruux u sheegaya wax weyn ama muhim ah, kaba darane wax cusub oo aan hore loo maqal ama aan loo ogayn, marka laga reebo inuu aragtidiisa ka gadayey ama ku shubayey.

Buug baa jira GAALNIMO XANBAARSAN, oo aanan aniga weli dhammayn aqriskiisa! Haddaa, anaga maxaad naga soo doontay adaan ba dhammayne? Alla Wadaadku fududaa. Soomaalidu waxay tiara; “Durduro geel baa ku jaba!” mar kale; “Degdegi door ma dhasho!” Mar kale; “Lug dambe haddaan lug hore laga hormarin ma jabto”. Mar kale; “Hadal aan fiirsi loo oran iyo caano aan fiiqsi loo cabbin, labaduba feeraha ayey wax yeelaan!

Sooba degdege, oo sal fudayd iyo sal la’aanba la imaawe, buugga Wadaad ma wada aqrisay?

“May, bar xitaa ma aqrin, oo anigu waxaan aqriyey kaliya 50 (konton) bog”.

“Haaye, buugguna imisa ayuu ka kooba yahay?”

“illaa boqol iyo dhowr bog”

“Haaye, marka anaga maxaad naga rabtaa?”

“Waan idiin soo degdegey,  waan idin ka soo gaarey, si aadnaan u aqrisan buuggaa”

“Oo adigu ma aqrisay?”

“Haa, aniga ma wada aqrin, balse, kolleyba waan dhammeysan doonaa”

“Anagana?”

“Maya, idinku ha isugu dhawaanina!”

Runtii marka laga soo tago inay tahay wax lala yaabo sheekadan hortiinna taal, haddana, waa wax lagu yaqyaqsado. Buug baa soo baxay, buuggu gaalnimo ayuu xambaarsan yahay, anoo wadaad hebel ah buugga waxaan ka aqriyey kontan bog, halka buugga yahay in ka badan 150 bog. Waxaan u soo orday awgiin, si aadnaan u aqrisan buuggaa, aniguse aan sii dhammaysan doono, waliba buuggaa yaan la gadan, qofkii gatana ha la gubo! Bal Qoodhiin iyo Xeradiin, erayadan maxay ka dhigan yihiin? Maxay ka macno yihiin? Maxay xambaarsan yihiin? Ta kale, buugga ha la gubo sow ma ahan micneheedu yaan wax la aqrin, oo dadku ha u afduubnaado “KOOX DIIMEEDKA” kaliya, ha na ku qannco?!

Wadaadku ma wuxuu u maleeyey in dadku maanakoobbiyo iyo xarumaha dhimirka ay ku wada jiraan? Mise dadka uu markaa la hadlayey ayaa sidaa ahaa ama ugu yaraan isagu uu qaatay ama iska dhaadhacshay? Dadku uu warka u jeedinayey iyo kuwa uu u tabinayey ba miyesan ahayn dad fayoow, oo ay tahay in buuggaa laga celsho, waliba laga ilaalsho, si aysan u aqrisan, una gadan, kii gatana uu u gobo? Anaa idiin soo aqrihaa buugga, kadibna idiinkaga sheekeynayee, idinku ha u dhawaannina, oo guba meesha aad ku aragtaan. xuuuuuuuuuux, wax hayaay, waaba cuuryaan aan cilmi, caqli cago, calaacal iyo cudud midna lahayn! Ihaano, liidid, xaqiraad iyo dullayn ka weyn ma jirtee YAA ISLAAN AH, OO WADAADKA NAGA QABTA!Eheb dabadeed Islaannimo ma taal!

Sheekadu intaa kaliya ma ahan, oo wadaadka intaa, sidaa iyo qaabkaaba waa laga filanayey, maya, hore ba waaba u sameeyey, oo waa kii gaaleeyey dawladdii C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi hoggaanka u hayeen ee xerta Xabashidu ku dhammayd, balse, waxaa amakaag kale ah in dooddii dhan ku soo idlaatay, buuggaa iyo wixii la xiriira ama ka agdhaw inaadan ka hadli karin, oo lagu hordhigayo Sheeq Umal ayaa sidaa yiri! Oo Umal waa kee? Mise tahay in qof walba ku sandullaysnaado wax walba oo uu Umal yiraa? Hadday haa tahay; WARAABAHANA cuna, illayn Umal ayaa idiin XALAALEEYEE! Ka kac dheh.

La yaabku kama imaanayo fekerka gurracan ee Umal dadka ku beerayo, ee wuxuu ka imaanayaa marka cantarabaqashkaa oo kale ay u hoggaansamaan arday jaamacado ka baxay ama dhigta, ee aysan sheekadu caammi iyo gaas dhagoole ku koobnayn, waliba af Carbeed wax ku dhigtay. Micnaha aqoon yahankii laga filayey aragti furan ayaa sheekadaaba dabada haya, oo dadkiiba ka horayo inay wax aqriyaan, haddii aad dood iyo ka keentana hadal, lagu leeyahay diin laawe iyo gaal ayaad tahay, markay ugu fiican tahay, haddaan ba lagu dhihin; waxaad haysataa diin kale iyo mad-hab gaar ah!

Laba weydiin oo fudud; horta si aan buugga loo aqrin, Umal adiga ma wuxuu kuu yahay caqli, maan, maskax, dhug iyo dhaayo? Aaway garaadkii Alle kugu mannaystay, ama Umal ayaad u wakiilatay, oo maalin walba buugga aad aqrin karto ay tahay inuu fatwo kuugu sheego? Tusaale; “Sanadkan waxaad aqrin kartaan oo kali ah buugaagta suugaanta, wax kale uma dhawaan kartaan!”.

Weydiinta kale waa; horta Umal yaa xaq u siiyey inuu dadka gaalaysiiyo? Isagu ma wuxuu hayaa liiska inta diinta ka baxda iyo inta soo gasha, oo uu u xilsaaran yahay inuu had iyo jeer tirakoob ku hayo? War anagaa ebtelo aragnay.

Ta kale, bulshadu waa kala DURUQEE, qofkii aanaan UMAL ku DARIIQO ahayn, miyey tahay inuu u HOGGAANSAMO hadalkiisii aha “BUUGGA YAAN LA GADAN, QOFKII GATAANA HA GUBO“? Bal adba.

Hubaal in qof walba oo aqoon u leh sooyaalka Muslinka uu garanayo in fekradda gaalaysiintu tahay aragti rag badan oo Muslin ah galaafatay, dhiiggoodana lagu bannaystay, ka dibna lagu daadshay. Waxaa wax laga anfariiro ah, erayadan Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil ku leeyahay; “Waxaana xusid mudan in galabta Umal i gaalaysiiyey, galatii ka horraysay in aan aniga iyo isagu Salaaddii Maqribka ku dukunnay hal Masjid iyo hal saf, iyada oo aan ruuxna noo dhaxayn!” bal adba!

Midda iga yaabisay waa sida uu Umal ugu dhiirraday in uu qoraaga ku tilmaamo WIILKA IYO MISKIINKA. Halka marka aan sawirka qoraaga arkay ay ii soo baxday in qoraagu uusan ka yarayn Umal, bal uuba sheegay in qiyaas ahaan uuba ka weynaan karo, haddii aysan isku fac ahayn. Marka laga soo tago yaa weyn Qoraaga iyo wadaadka Umal, waxaa la yaab leh, qaab liidmeedka uu u adeegsaday erayga WIIL ama MISKIIN, oo ka dhigan in Qoraa Saciid uu yahay miskiin ugu yaraan mudan in loo garaabo, balse, dil uun kaliyana loogu garaabo, mar haddii la gaalamaysiiey!

Midda kale oo la yaabka leh waxay tahay marka wadaad Umal uu yiri; in aan loo oggolayn inuu ka hadlo idaacadaha iyo TVyada, balse, laba maalin ka dib uu dhammaan ka wada hadlay! Aqriste, is weydii, shalay muxuu sidaa u lahaa, oo been abuurka u samaynayey? Anigu waxaan ba qabaa in Umal aan looga badnayn TVyada Soomaalida, heer uu gaaray in Jimce walba la soo tebiyo wixii uu ka hadlay, iyada oo aan faa’iido sidaa ah lagu hayn.

Diimuhu markoodii hore waxay ahaayeen erayo aan qornayn, waxay ahaayeen erayo hadal ahaan loo meersho, balse, ka dib qaab fahamka laga qaato erayadaa ayaa wuxuu isu badalaa wax ku lifaaqan oon marnaba ka go’in, ama ka soko mara ishii dhabta ahayd, waxayna keentaa inay Diintu isu bedesho erayo micno la’aan ah, maadama laga soko mariyey xayndaab adag oo ay ku wareejiyeen dadkii ka ag-dhawaa imaashaha diinta, lana kow saday soo dajinteedii ama laga soo gaaray.

Haddaba, Fekerka Diiniga ah ee ka dhasha qaab macnaynta iyo sida loo jaangooyo erayada, waxaa ka dhasha in la sameeyo jaangoyn aan cidna dhaafi karin ama ka gudbi karin, maxaa yeelay, ugu horrayn diimuhu ma yimaadaan iyagoo qoran, waxay dadka soo gaaraan iyagoo ah: hadal afeed la maqlo ama la dhagaysto. Dadka ka agdhow darka shanqarta ama jiilasha xiga ayaa u sameeya sargoyn, ku meera xayndaab iyo dayr adag! Ugu dambayn, u xuub siibta inay ka mid noqoto qayb aan ka go’in, waana dhibka jira oo maanta la dhaafi la’ yahay. Bal adigu hadalladii Wadaaddada Madaahibta dhinac u dhaaf iyo waxyaabo badan oo caynkaa ah.

Qoraagii weynaa ee Najiib Maxfuud una dhashay Masar ayaa hadda ka hor ka badbaaday isku day dil. Ninkii uu falku ka banjaray markii la qabtay ayaa la waydiiyay:

“Maxaad qoraaga ku dili rabtay?” Wuxuu yiri:

“Gaalnimo ayuu qoray!”

“Halkuu ku qoray? Ayaa  mar kale la weydiiyey.

“Riwaayaddiisa “Awlaaddu Xaarratinaa” ayuu ku qoray ayuu yiri.

“Miyaad akhriday?” baa la waydiiyay.

“Maya, waa la igu yiri!” ayuu ku jawaabay.

Hadda marka laga soo tago in aqriska lala colloobay, oo dagaal ba’an lagu hayo, ayna dheer tahay cabburin iyo cadaadin aan caadi ahayn, waxaan ka baqayaa in mid duuflaal ah oo kii Najiib Maxfuud middida galiyey oo kale ah uu qoraaga isku qaado, sidan iyo si la mid ahna hadhaw ku jawaabo. Allaw magantaa.

In badan baan ku celcelshay haddii lagugu yiri ama aad is leheed Alshabaab waa laga guulaystay, si qaldan baa wax laguugu sheegay ama aad u maanisay. Cudud ahaan haa, oo gobollo dhawr ah, magaalooyin badan iyo degmooyinba Malleeshiyaadkoodii laga saar. Laga yaabee, inaad i leedahay, oo haddaa maxaa haray haddii awood ahaan looga taqallusay? Ma ogtahay inuu hadda iyo wixii ka dambeeya billawday dagaalkii ugu adkaa uguna dhib badnaa? Oo waa dagaalkee? Waa dagaalkii dhaqanka, fekerka, wada noolaashaha, kala duwanaashaha iyo mamaamul wadaagga, oo Alshabaab in kooda la qaato ma ahane inta kale aysan rabin, oo aan anigu qabo inuu ka adkaa doono kii hore loola galay, si rasmi ahna u saldhigi doono marka Alshabaab ciidda cudud iyo ciidan ahaan dhammaan looga sifeeyo.

Waxaan saa kuu leeyahay, ha moodin in ay Alshabaab yihiin kaliya inta qoriga u sidda iyo inta shulugga ku dhuumata ee aan wajigooda dadka tusi karin. Bal Mujaahid geesinnimaa lagu ogaaye, hadduuba wajigii duubtay Jihaad caynkee ah ayuu wadaa?.

Alshabaab cudud ahaan marka laga soo tago, aragtideeda waxaa kaloo qaba kooxo diimeed dhawr ah, oo ay ugu horreeyaan AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM (WAHAABIYA), walina umadda ayey ka dhex qalaadaan, oo maalin walba war saxaafadeed habaabin iyo hilin ka weecin ah u soo saaraan.

Haddaba, Kenya, maxay dhulkeenna ka doontay –inay qabsato haa-, haddii ay Alshabaab la dagaalayso, maa ka billawdo kuwa dhulkeeda jooga, ee haysta aqoonsigeeda, sharciyadeeda, ganacsi iyo dhaqaalana ku leh, ee maalin walba umadda Soomaaliyeed ku afuufo beenta, borobogaandada iyo ku tiri ku teenta?.

Aan meel ka dhaw kaa tuso, adoon is dhihin, ninkan sheekadii Suufiyada ayuu noo maldahayaa. Ninkii shalay ku lahaa; 1- WACALNIMAAD ku DHALATAY, ooHOOYADAA iyo AABBAHAA waa iska SINAYSTEEN [XARAAN AYEY ISKU QABEEN!]. 2- WALAALKAA inaad GOYSO ayaad ALLE ugu DHAWAAN kartaa, oo AADAN SALAAMINCUNTO la WADAAGIN, illeen waa BIDCIYE! 3- WALAALKAA inaad kuJIHAADDO oo kali ah ayaad JANNO ku GALI kartaa! 4- WARAABAHA ayaa XALAALah. Wadaadka caynkaa ah waxa dambe ee laga filan karaa maxay noqon karaan? Adba qiyaaso.

Midda la yaabka lihi waa, in illaa hadda buugga Qoraa Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil ay ka hadleen kaliya Umali iyo dhawr kale, ee duldhigay gaalnimada iyo gubidda, oo uu wehliyo Maxamad Idriis iyo Cali Katiin. Maxamad Idriis wuxuu qoray sidan; “Marna ma aanan filan waxa buugga laga soo sheegay inuu qorayo Cabdi Saciid” bal u fiirsada erayga ah “LAGA SOO SHEEGAY” wuxuu ku tusayo waad garan kartaa, oo ah inuusan xitaa buugga kala rogin, maya, inuusan xitaa xajmiga buugga arkin, bal iska daa inuu taabtay xaashi iyo galkiise, haddaba, aawaye wadaaddadii Soomaaliyeed? Xagge ka bexeeen? Mise Umal ayaa ka soo waray, deed na wakiil ka noqday?.

Ta kale, meeshii ay ahayd inuu ka hadlo buugga iyo aragtida uu soo gudbinay, Maxamad Idriis wuxuu ku mashquulay Qoraaga iyo sida u ahaa. Kama filanayn, iyo jaamacadda wuxuu gaaray illaa Bajiloor, oo haddaa taas yaa ba u baahan ogaalkeeda? Kaba dhig inuusan jaamacadba ka soo bixin, imisa ayaa dunida hagta haddana, aan jaamacad iyo jaamac midna xaadirin? Ku lahaa walaalkii ayaan u maleeyey markii hore, oo waan rumaysan waayey in Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil buugga qoray, balse, isaga ayaa ba noo qishay meel uusan dareeminna naga tusay in qoraagu waligiiba uu ahaa kuu hadda yahay, taas oo meesha ka saaraysa dicaayadda iyo bororbogaandada laga faafiyey, ee ah, qolo kale ayuu la haystaa, maxaa yeelay, Maxamad Idriis ayaa qoraya sidan; “… in kastoo xoogaa (naqdi ah) aan ku ogaa!”.

Midda iga sii yaabisay waxay tahay markaan arkay qolo sheeganaysa magaca ah; “Ururka Qoraayaasha Qaranka Soomaaliyeed” oo iyaga oo ku lammmaansan Wasaaradda Waxbarashadda (dawladda Xasan Sheekh) iyo Maktabadda Ummadda Soomaaliyeed, oo magac ma ahane uusan muuq ka jirin, inay soo saareen Siteembar 25, 2014  bayaan lagu sheegay;

…si cad loo xayiray keenidda iyo iibinta Buugga Magaciisu Yahay; Xadka Riddada gudaha dalka Soomaaliya. Qofkii lagu arko ama lagu qabto waxaa sharciga la tiigsan doona Ururka Qoraayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Maktabadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Waxbarashadda. Waxaanu kula talinaynaa Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil inuu joojiyo fidnadiisa si deg deg ah.”

Marka laga soo tago inuu yahay urur aan cidna garanayn, qofna metelin, haddana, waxaaba lalabbo ahayd qaab qoraalka oo meelo badan ka qaldanaa, haddana, waxay sheeganayaan Ururka Qoraayaasha Qaranka Soomaaliyeed, war qorayaasha magaca ha uga dheelina, si aad u cabburisaan ama colaadisaan qoraa kale. Tan isweydiinta lihi waa; Ururka Qoraayaasha Qaranka Soomaaliyeed yuu hoostagaa? Maxaa yeelay, Soomaaliya maamullo badan oo isdiiddan ayaa ka dhisane, maya, halkii magaalo ayaaba laga yaabaa in laga helo laba maamul ama ka badane.

Iyaga yaa xaq u siiyey inay buug hebel xarrimaan ama diidaan in Soomaaliya la geeyo? Yeyse yihiin ha diidaane, markay isku mashquulinayaan buug dhawr warqad ah, ha u jeestaan sidii cadawga dalka haysta ee iska maamusha ay wax uga qaban lahaayeen. Ha u istagaan sidii sharciga loola tiigan lahaa UMISOM ta maalin walba gabdhaha Soomaaliyeed kufsata ee xoogta. Is weydii, kee xanuun badan; qof buug uu sita lagu maxkamadaynayo, waliba lacagtiisa ku soo gatay iyo hooyo, marwo iyo gabar soomaaliyeed QOORA BALAQII kufsaday ku hor xarragoonayo, waliba mahadsanid loogu darayo? Allaw adaa faxan.

Sheekada waxaa noo xiray qoraa Cabdisaciid Cabdi IsmaaciilRuuxii Buug Gubaa, Dadna Waa Gubaa!” anna hore baan u qoray; “Xabaala Faagiddu waxay ka  dhalatay Maydka la Jiido!”

Ta kale, haddii Qoraa Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil taagan yahay, waxaan diyaar u ahay in buuggayga la igala doodo, maxaa ka hortaagan Umal iyo raggiisa inay faraagaha yimaadaan, oo waxa ay qabaan soo bandhigeen? Mise xaajadu waa; in Masjidkii dadka diinta soo galin lahaa laga dhigay goob dadka diinta looga saaro? 10sano ka hor baan widaay saaxiibkay ah ku iri, belada feker diimeedka badankeedu waxay ka soo burqataa Masjidka. Maalintaa wuu ila yaabbanaa, markii uu arkay dhallinyaro Waqooyiga Ameerika iyo Yurub ka imaanaya, oo Alshabaab ka garab dagaallamaya ayuu garwaaqsaday in ay saxneed aragtidii aan ku lahaa berigaa, hadda oo Daacish (ISIS) ka garab dagaallamaaanna waxaan filaa inay yaqiini iyo caddayn u sii tahay.

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay dhawr “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, mid waxaa u baahan MADAXDA midna waxaa u baahan WADAADDADA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM. Halka WADAADDADU u baahan yihiin DIIN U CELIN, maxaa yeelay, diintii inay DACAR ka dhigeen ka sokow, waxay dhexgeliyeen hawlo ka baxsan, oo marna dunida iyo duunyada ku lammaansan, marka madaxnimo iyo maal la xiriirta! Allow aday ku leedahay. Tan kale, Umal iyo ururkiisa diinta ha laga yureeyo, Cabdi Goodna suugaanta iyo afka ha laga yureeyo.

Qoraalkan waxaan ku soo afmeerayaa maanso uu tiriyey Abwaan Faarax Shuuriye, oo xeeldheere ku ahaa Suugaanta Soomaalida. Tixdu waxay caan ku tahay: “Ma is raaci karaan?!” kana hadlaysa qaybo badan oo nolosha ka mid ah, Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu yiri:

Nin Masaajid ku raagoo

Cilmi raatib yaqaanoo

Wardigiisa ridaayiyo

Rufiyaanno dulloobay

Ma is raaci karaan?”.

 

Mar kale Abwaan Faarax Shuuriye wuxuu gabay ku yiri:

Nin Cilmiga ku raagee bartaa, Xaqa hadduu raadsho

Ra’yi gaabtu waa uga hartaa, Rubacyaleeydaahe”.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com 

Advertisements

4 Comments

  1. Talow Cilmaaniyiinta Maxaa Ku diray Culamaa’u diinka?

    Illayn balaayo badanaa !!

    Aduunyada Nin Noolaw Maxaa Aragti Kuulaaban!!

    Haye maxad tidhi:

    War wadaad, waliimo iyo wixii laga yiri ayaa iga deeqa, haddana, sida dadka kale, markay leexdeen ama leexiyaan ama leexsadaan –sida ay u badan yihiin

    Adigu yaad tahay markaad culimada dhaleecaynayso?

    Adiga yaa kuu dirsaday inaad wadaadada ama diinta gaadh ka noqoto?

    Adiga maxaa kugu diray culimada? Agenda-haagu muxuu yahay?

    Taa waxaa iigu wacan waa sida ay uga qatar badan yihiin inta kale, ee bulshada kaalin ama saamayn ku leh, oo iyagu mar walba waxay duggaashanayaan magacii Alle, lana mid yihiin; ruux kaa xiga dhimbisha dhankeeda, oo hadduu doono dabka kugu dambaaburayn kara.

    Khatar !!!!

    Khatar noocee ah?

    Sidee ayay culimadu khatar kuugu yihiin?

    Maxay kaa hortaagan yihiin?

    Laf dhuun gashay miyay kugu noqdeen?

    Macnaha erayga “WADAAD” siyaabo kala duwan ayaa aragti looga baxshay, oo dadka qaarkii ku macneeyaan in laga keenay; “WAA DAAD”

    Kaalay horta niyow mawaxa aad wax u sheegaysaa reer miyi? maanad ogayn in dadku ilbaxay oo aanay erey bixinta nocan ah ee culimo/diin nacaybku kugu jiidaayo aanay maanta kaa iibsamayn?

    Bi’i waa cilmaani goormaa laga tagay warkaa

    Wadaad ayayd ku celcelisay ee miyaad maqashay ereyga Culimaa’u diin ama musheekh?

    Dhaga haagu uma daloolaan ban filayaaye waxa ay ka dhigantahay Aqoonyahanno Diin Islaam ama Ku xeel-dheerayaal arrimaha diinta islaamka

    In magacooda diinta loo nisbeeyey ka sokow, haddana, Soomaalidu kama aamusini waa sheegeen wuxuu yahay, siduu u fekero iyo waxa laga filan karo.

    Haa Culimada Diinta ayaa loo nisbeeyaa waayo diinta ayay barteen waanay ku xeel-dheer yihiin.

    Guud ahaan wadaaddadu marna Siyaasadda kuma jirin, isumana soo hagoogin, han iyo hawana kama galin, hadallo u yaallay, haaneed ka ilaalinayey iyo habsami la dhawrayey awgeed, haddana, wadaaddadu si guud qayb ayey uga ahaayeen hagidda qaab nololeedka bulshada iyo maaraynta mashaqooyinka maalmaha lagala kulmo. Micnaha hoggaanka bulshada ayey ku jireen.

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Su’aashu maaha Wadaadadu bari siyaasadda ma ku jireen misa kumay jirin Diinta Islaamkuna maaha wadaad ee waa Written and documented text waa Quraan iyo xadiis 1435 ka hor la xardhay oo ilaahay todoba samo dushood ka soo dajiyay Kala soocidda diinta iyo nolosha ama siyaasadduna kuma taalo Ilaahay baa yidhi: Cidda aan wax ku xukumin wixii ilaahay uu soo dajiyay waa dambiilayaal

    Quranku maaha Gabay ay wadaado hal-abuureen ee waa hadalkii eebbe waxana lagu fasiray sidii ay asaxaabtu u fasireen iyo madaahibta afarta ah sida Imamu shaafici

    Waxaa la isweydiiyey; “Ragga iyo Dumarka yaa badan?” oo looga jawaabay: “Haddii Wadaaddada lagu daro Dumarka ayaa badan!” mar kale waxaa la yiri: “Wadaad Dad u eki ayaa ugu dilaa, Abeesana Dhul u eki!”

    Haddi sidaas soomaalidii hore tidhi sidoo kale ilaahay waxa uu yidhi Ninba ninka uu ka iimaan badan yahay kana ajar shaqaysi badan yahay ayuu darajo dheerayhay Laakin horta adiga makuu cuntamaa quraanku mise hadalkii soomaalidi hore ayaa kuu quraan ah?

    Dhanka kale, midda waxaa oo dhan oo xiraysaa waa, markii wadaad masalo loo keenay ahayd; Lo’ beer Islaameed daaqday. Wadaadkii wuxuu xugmiyey in ul inta dhilka la dhigo dhirirkeeda oo Miro ah la baxsho, markaa ayaa dhagta loogu sheegay in Lo’da beerta daaqday ay jirtay Lo’diisii, markaa ayuu yiri oraahdii ahayd; “La jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaana!”.

    Mar labaad Falal ka bani aadanka ee Qaldami kara ha nagula meeraysan cidina may odhan wadaadu waa nabiyo ee Qoralka Xadiiska iyo Quranka ayaa inoo tix-raac ah

    Ugu horrayn, mid waan ka sii afeefanayaa calooshood u shaqaystayaasha Khaliijka ku xiran, ee loo soo diray inay jahawareeriyaan shacabkan miskiinka ah in aan la ii arkin inaan qaar ka mid ah taageerayo.

    Waa runtaa afeeftaadana waa la arkaa marka aad culimada oo dhan ka soo horjeedo dinta ayaad ku socotaa, Diinta ayaa ku gubaysa waana wax aad looga xumaado.

    Wallahi inanay diintani idlaanayn ee haku habsaamin

    Ilaahay waxa uu yidhi: Waxa ay doonayaan inay damiyaan ilayska ilaahay isaguna wuu ka diiday xataa hadii ay daalimiintu nebccaysanayaan

    Maqaalkaagani waa Propaganda & Disinformation

    Ugu dambayn qodobadan hoos ku xusan waa inaad fahantaa:

    1.Diinta islaamku maaha Wadaaddo ee waa qoraal dhigan oo layaqaan.

    2.Isku qaadida wadaadada iyo isticmaalka farsamaysan ee al-shabaab si loogu shaabadeeyo diinta islaamka iyo culimada kale ii aan argagixisada shaqada ku lahayn waa borobagaando raqiis ah waana laydinku fahmay qorshaha qarsoon Cimaaniyadda ee aad ku dhalan bedelaysaan ummada soomaaliyeed.

    3.Dood la iibsan karo oo ay Intellectual honesty iyo personal integrity ay ku dheehan tahay maad soo ban dhigin.

    4. Your whole debate is an skill full disinformation but its quite absurd and it can be quickly debanked.

    All that is necessary for the triumph of evil is that good men do nothing (1)

    Reference:

    1. Edmond Burke.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s