Puntland: GOOSO ama GAABSO!

Puntland_Map_Keydmedia-620x330-620x330

Puntland: GOOSO ama GAABSO!

Jabhad iyo Jihaad waxaa dhalay, oo sabab u ahaa jujuubkii Siyaad Barre (AABBAHA BURBURKA SOOMAALIYA) oo maalmaha foodda inaga soo haya in badan oo wali rumaysan AABBENIMADA Siyaad ay xus isu qabanqaabinayaan aan qaab lahayn.

Afar iyo bar iyo awood qaybsi beeleed qayaxanna waxaa billaw u ahaa maamulkii Carta, ee C/qaasim horjoogaha ka ahaa, qaybna ka ah cuuryaaminta Jabuuti Soomaali ku hayso mid ka mid ah.

Maamul beeleed iyo boqollaal madaxweyne tuulana waxaa sabab u ahaa Federalkii (BEELAYSIGII) Xerta Xabashidu Kenya keentay, oo C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi hormuudka u ahaayeen.

Gobolaysi, beel dawlad sheegata iyo deegaan goosta ama gooni isu taagana waxaa ugu  horreeyey Waqooyi, oo ay kuwa badan ka barteen ama uga daydeen ugana dayan doonaan, haddana, haddii laga goostay waa kuwaa beelaha dagaal iyo dirir kala duldhacay, oo duullaan iyo weerar ku qaaday. Allaw adaa faxan. Anigu waan go’i karaa, balse, aniga la igama go’i karo, bal isqabadsii adigu waa ku kaase. FAQASHTA cusub ma ahane anigu magac kale u waa. La yaabse ma lahoo Siilaanyo ayaa u madax ah, oo  Kaadir iyo Kuray Siyaad Barre ah iyo ardadii ka aflaxday ka mid ah.

10sano ka badan, oo magaca FEDERAL lagu maalayey MAANDEEQ, wali way magangali la’dahay, hadda ayeyba macangag iyo u martisay ma quuste ka daran qabqablayaashii iyo wadaaddii diin dacareedka iyo waallida waday.

Mudane Cabdiwali Gaas madaxa maamul beeleedka Bari ayaa dhawaan caddeeyey in maamul beeleedkiisu uu dawladda Federalku (Beelaysiga) xiriirka u jaray, ka dib markii xerta Xalane ee Xamar joogta ay maamul ku sheeg u xarriiqeen Gobollada Dhexe  (Mudug iyo Galguduud) oo aan wali yeelan maamul mid ah iyo maarayn ay wadaagaan.

Mudane Gaas, isagoon ka fiirsan ayuu wuxuu is kala jiiday eray caan ka noqday Soomaalida dhexdeeda, oo inta badan deegaankaas ka yimaada, oo ay adeegsadaan mar walba oo isfahmi waayaan dawladda. Midda la yaabka ahi waa, maangal iyo ma tahay wax maskaxda gali kara in mar walba oo ay hummaagi soo gasho dhexdooda in la yiraa; DAWLADDA XIRIIRKA AYAAN U JIRNAY? Bal adba.

Xiriirka haba la jaree, horta horay ma u jiray? Ta kale, horta aragti iyo aqli aan ahayn xiriirka ayaan goynnay ma jirtaa, oo lagu soo gudbisto sida aad wax u aragto, waxa aad diiddan tahay iyo waxa aad rabto? Maalin walba ma waxaa lagu jirayaa xiriirkaan u jirnay iyo kalsoonidii ama aqoonsigii waa kala laabannay dawladda? Yaab.

Laye; “Gartaadood gambarkaaga ku helaysid, Garbasaarkaaga looma qaato!” Horta waa yaabe nimanka sannif badanaa oo samir yaraa, sedbursi jecelaa oo sinnaan necebaa, si aan kuugu caddeeyey adoon sasin anna igu sirmin aan kuu saafee sadarrada sii raac;

RWhii hore mudane Cumar C/rashiid marka laga soo tago in xukuumaddiisu ay horseed ka ahayd warqaddii xumeed, ee shakiga iyo muranka galin gaartay BADDA IYO XEEBTA SOOMAALIYA, haddana, waxaa lagu xasuustaa heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa (Maamulka Bari) kula galay magaalada Gaalkacyo, ee dhigayey in ay qaataan 25% deeqda waxbaarsho ee Soomaaliya la siiyo! Waa yaabe, Soomaaliya miyey 25% ka yihiin, si ay tiradaa ugu xisaabtamaan ama dalbadaan mise waa uun sedbursigii Soomaali dhexyaallay? Bal adba.

Taa ka sokow, 2011kii markii la xulayey xubaha xildhibaannada baarlamaanka ayaa mudane Faroole isku dayey inuu afduubto xildhibaannada Maamulka Khaatumo u soo gali lahaa baarlamaanka, oo uu garan waayey baarmalaanku deegaan, gobol iyo maamul lagu xuli maayee, oo waa beel iyo oday dhaqameed xulidda u daa Odayaasha Khaatumo, oo markii dambe Alle u baxshay mudane Sh. Shariif, haddii kale Faroole ayaa afka u dhigan lahaa iyo sedbursi jacaylnimada.

Ta kale mudane Gaas isaga ayaa laga hayaa; “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA!” haddaba, maanta hadalkaa yuu qabtaa; isaga mise qof kale?! Bal adba.

Mudane Gaas isaga ayaa afkiisa ka qirtay inuu u sedburshay beeshiisa mar uu olole doorasho iyo ku jiray u tartanka guddoonka beesha hoggaankeeda siyaasadeed qofka qabanaya, intii RW uu ahaa muadne Gaas ayaa maamulkaas mar kale loo saxiixay dhismaha Garoonka dhaqaalaha ku baxaya, isagoo yiri: “Markii caddaaladda la eego, armaa sedburiino ay qaateen ayaan is leeyahay?!” oo yaa siiyey? Isaga dee, yaa kale, oo run ahaan dad badan aysan ku baraarugin, maxaa yeelay, waa hadal ugu yaraan ku noqon kara dacwad laguna furi karo baaritaan, balse, ayaandarro meel iyo maqaam looga furo ma joogno, balse, isaga ayaa taariikhda iyo sooyaalka isugu diiwaan galiyey, oo hadhaw iyo had dambe labadaba qof dood iyo muran ka keeni kara uusan jiri doonin, maxaa yeelay, waa maqal iyo muuqaal, haddii aan indha adayggii iyo la adeegsanayn inkiraad qaawan. Balse, aqriste, hal QAACIDDOO DAHABI ah iga QABO, oo aniga iga QORO; “QOF WALBA OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN DOONO ILMA ADEERRADIISA!” waayaha, waqtiga iyo waaqica ayaan ka bartay ee bal adna qiimee, oo igu  soo warceli, haddii aysan saa ahayn.

Intaan haddaan sedburiga aan la soo koobi karin aan uga haro, aan doc kale kaa tuso xaajadan gurracan iyo gocoshadan aan dhammaadka iyo lahayn gunaanadka. In waddanku hal dalwad yeesho ama in beel walbaa dawlad gaar ah noqoto labadaa wax ka dhexeeyaa ma jiraan. Tan dambe, aad bay u adag tahay marka la fiirsho siyaasad juquriyeedka dunida, haddana, la tixgalin waa qaab dhismeedka dunida iyo soomaalinnimada.

Laba Cabdiwali RW xukuumadda iyo Madaxa Maamulka Bari ayan maalmahan kulan lagu sheegay; “Wada xaajoodka Dowladda Puntland & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ku lahaa deegaankaa. RW Cabdi waa markii u horraysay halkaa, balse, Gaas mar qura ayuu Xamar tagay, isaga oo ka qaybgalayey aaskii Adeerkiis, oo malleeshiyo beeleed hore u soo kaxaystay! Haddaba, isweydiintu waa yaa mudan in loo tago; ma isaga (Gaas) mise madaxda dawladda? Waan ogahay inaad i leedahay, maxaa ku jaban booqashadaa? Waxaa ku jaban Gaas waa horjooge beeleed halka raggani soomaali oo dhan madax u yihiin, oo Gaas iyo beeshuna ka mid yihiin, sida uu isaguba markuu RW ahaa u wada metalayey.

Balse, inta aanan kula gaarin dulucda iyo gunaandka, aan mar kale kuu taariikheeyo, illeyn iyadaa wax lagu qaataaye. La yaabka waa in had iyo jeer ay ku celcelshaan dastuurkii baa la badalay, oo Xildhibaan Xoosh oo isagu wax ka qooshay uu sheegay inaan waxba laga badalin marka laga reebo saddax qodob oo la isla wada ogaa, haddaba, haddii ay ewel DALTUURKAN fidnada iyo dagaalka horseeday dabada ka riixayeen, maanta maxay ugu celcelinayaan waa la badalay, waliba anagoo og inaan la badalin? Marka laga soo tago qaab qoraalka DALTUURKA qabyo qoraalka ah, ee la doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro kale, oo waddanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland, haddana, ma qodobbaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale.

Midse aan caddeeyo, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay. Waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu malmalluuqin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa, waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu caddaystaa”.

Balse, la yaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya. Waxaa Dasturka ku qoran qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo:

Magac bixinta:

Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weydiine, ma dawlad goboleed baa, mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal Roma ee waddanka Talyaaniga, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay.

kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:

  1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah: Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa, mise waa dawlad madax bannaan?.
  2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah. Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.
  3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?.

Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira DALTUURKA qabyo qoraalka ah, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine, Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa? Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa mise waa maamul goboleed?

Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan qabyada ah, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland eeg:

  1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
  2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay, dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madax bannaan.

Isweydii; maxaa ku kallifay in madaxda Bari ay u hadlaan ama u dhaqmaan sida ayagoo ah hoggaamiyeyaal dal madaxbannaan? 1998-2010 Maamulka Bari ma lahayn calan u gooni ah waxayna sheegi jireen inay yihiin kuwo had iyo jeer ruclo ugu jira  raadinta dowlad soomaaliyeed, riwaayaddan xaggee ku dambaysay?.

Madax kasta oo booqata gobolkaas waxaa lagu soo dhaweeyaa calanka soomaaliya oo uu barbar socdo midka beeshaasi leedahay, taasoo la macne ah ima xukuntid ee waan siman nahay! Bal adba.

Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.

Intan waxaan u xiganayaa, waxay tahay mudane Gaas ayaa barta uu ku leeyahay Faysbuugga waxaa lagu soo qoray riyo maalmeed. Marka laga soo tago qaab qoraalka oo qaldanaa, haddana, aragtida gurracan ee uu xambaarsan yahay ayaa ah midda aan sadarrada sare ku xusay, haddana sii wadi doono.

Maamulka Bari ayaa shirka la yimid qodobbadan;

  

  1. In Puntland ay qeyb ka noqoto Wadahadallada u dhaxeeya Maamulka Somaliland & Dowladda Dhexe. isweydiin; oo iyagu yey yihiin? Hubaal in wada hadalkaa lagu dedaalo sidii looga miradhalin lahaa, balse, iyaga maxaa ka galay? Wixii aragti iyo talo ay qabaan maa u gudbiyaan laamaha ku shuqulka leh, mise waa aan meel walba laaqo? Bal adba.
  2. In Puntland loo madax-banneeyo Heshiisyada ay la galayso Shirkadaha Shisheeye ee Shidaalka baara. Ha laguu madax banneeyee, naga dhex bax, markaa ayaad u madax bannaan doontaa, in ka horreeysa, dadkaa dawladdu masuulka ka tahay ayaad wax la qabi doontaa. “Punland; GOOSO ama GAABSO!
  3. In Puntland ay ka mid noqoto dadaalka ay Dowladda Federaalka ku doonayso inay dib ugu soo celiso Shacabka Hantida Qaranka ee Dibadda ku xayiran. Guddi Qaran, madax u xilsaaann iyo wasaarado ku shuqul leh ayaaba jiree iyaga maxaa ka quseeyaa? War anagaa ebtelo aragnay, ma meel walba aan ku jiraa warkoodu? Mooji.
  4. In Puntland ay qeyb Libaax leh ku yeelato Khayraadka dalka & Dhaqaalaha loogu deeqo Dowladda Dhexe. hubaal inaad xaq u leedihiin, balse, ogsoonaada, inaad ula siman tihiin beelaha kale ama maamul beeleedyada kale, in (qayb) aan la siin inay xaqdarro iyo ay tahay siinnaan la’aan in idinka la idin siiyaa. Miyeysan saa ahayn?.
  5. In Dowladda Dhexe aqoonsato Shahaadada Waxbarashada Dugsiyada Dhexe & Sare ee Puntland. Xaq iyo gar baad u leedihiin in shahaadadaa la aqoonsado, balse, idinna dib ugu laabta aragtida iyo go’aanka keentay in la joojiyo, saa la iskama joogine, oo waxay ka dhalatay go’aan aad qaadateene.
  6. Iyo Mamul u samaynta Gobaladda Dhexe ee dalka, Mudug iyo Galgadud, oo Maamulka Garoowe diiday. Wager! Waaba yaabe, maxaa idin ka galay Gobollada Dhexe, oo aad u doonaysaan inaad u faragalisaan maamulka ay dawladdu u dhisayso? Idinka sowdinka leh, khayraadka Bari waxaa leh oo ka faa’iidaysanaya dadka Bari. Mar kale, haddaadba Jinsiyadda Bari kaliya aad ku koobtay, maxaad dadka kale waxooda iyo maamulkooda kaa galay? Saw ma ahan sheekadii ahayd; “KAYGA ANAA ISKA LEH, KAAGANA KULA LIHI!” dawladda waxaad ku cadaadinaysaan noo daaya arrimaheenna iyo wax ka badan, isla markaana waxaad dalbanaysaan inaad guryo kale faragalisaan oo aad laaqdaan. DULMI BADANAA!

Soomaali haddaan nahay waxa loo wado ordayo ee naga maqan waa nidaam dhammaan shacabka soomaaliyeed faa’iido u yeesha, sida in la helo; amni guud, shaqo abuuris guud, caafimaad guud IWM, haddana, dhabbaheeda lama maro, oo mar walba tallaabo qalloocan ayaa la qaadaa. Waxaa hubaal ah hadda in maamulka Bari ka dhisan aan intaas lagu wada heysan, haddaba, si nolol gees ka gees dadka Soomaaliyeed wada gaarto loo helo waa in si guud la isu kaashado. Haddaba, in siyaasiyiinta maamulka Bari far soo taagan ay noqdaan sida Gaaska hadda jooga iyo Faroole oo uga sii horreeyey ma wax ku eg siyaasigaa mise shacabka ayaa xitaa sidaan wada ah? Maxaa loo heli la’ yahay waxgarad arrimahan ka hor yimaada? Maxaa naga hortaagan in aan si Soomaalinnimo ah dhibka aan cid ku gooni aheyn ee na wada gaaray u garan la’nahay in aan u xallinno?.

Haddii laga waayo putland wax garad ka duwan siyaasiyiintaan ee ey dhammaan isku caqli yihiin, fadlan iska Goosta oo dhibkiina na la dhaafa sida cinwaankuba yahay “Puntland: GOOSO ama GAABSO!” sida Waqooy bannaanka istaaga.

Dadka waalwalan waxay kor u sheegaan waxa dadkooda fiyoow hoos u sheegaan” hawraar ayaa leh. Labada dowladood, laba ummadood iyo laba dan, adigu macne u yeel, aan ahayn WAALLIDA DHAQANTA, Waaba hadday DHAQANTEE. Waxaa la yiri;  “Labada dowladood ha ka shaqeeyaan danaha labada umadood!” labadee dawlad? Labadeese ummad? Anigu maan garan, ee yaa yaqaan?.

Inizio modulo

Gaasow iska gooso! Haddii Jaamicigii sidaa u hadlayo jaahil maxaad ka filan kartaan?! Idinka lee waaye. HA DHAQLAYSO! Waxaa igu soo dhacdey sheekadii ahayd; nin arkay nin madow oo Nuur loogu yeerayo, ee yiri; “Haddii Nuurkiinnu (Cadde) kan yahay, madawgiinnu see noqon?” hadda, haddii aqoonyahankiinnii sidan yahay geeljirehiinnu sidee noqon? Yaab.

Waxaa la yiri; “Carra weelo ninna waa rabtay, raggana col bay la eheed”. Dhaka kale; sheekadan waxay u egtahay, Islaan inta wacal dhashay, iyadoo iska korsanaysa, oo ku qanacsan nin kale guursatay, markii wacalkii loo kenay, ee lagu yiri; kaalay ilmahaaga kaxays, tiri; kani ilmahayga kama mid ahan! Puntland Federalka iyadaa keentee ha koolkooliso, oo waxba yeysan ka didin.

Waxaa jirta aragti leh, arrinta dhan waxay salka ku hasyaa gorgortan siyaasadeed oo ah si ay u aqbalaan in Gaalkacyo la raaciyo Gobollada Dhexe, muranka iyo xiriir jarkana ay daayaan, waa in la siiyaa xilka RW, sidii ay hore u ahaan jirtay, oo Xasan Sheeq laba mar ka qadiyey. U fiirso, mar walba oo xilka RW uu hayo mudane ka soo jeeda, markaa buuqaa iyo qayladaa lama maqlo? Haddaba, maxay ku dhacday? Ku darso; Faroole isaga ayaa qirtay, oo waliba ku faanay inuu riday oo sabab u noqday RW Formaajo. Bal adba.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s