Labo Cabdi Wali; illeyn CEEB looma DHINTO!

Labo    ,

Labo Cabdi Wali; illeyn CEEB looma DHINTO!

Islaan magaceeda la oran jiray Roobeey, ayaa waxay laheyd 2 wiil, oo mataano ah, weliba mataanaha aan muuqaal ahaan la kala garan marna. Duq Roobeey waxay mataanaha ku soo korisay agoonnimo, oo aabbahood wuxuu dhintay iyagoon socodba gaarin, dadka dariska la ahina waxay ugu yeeri jireen “MATAANO ROOBEEY”.

Mataanihii waxay noqdeen kuwo aad u dhib badan, oo xaafaddii nafta u keenay, guryaha dariskana tuuryo iyo dhagaxayn ku harqiyey, carruur dilowna ay u dheer tahay. Duq Roobeey waxaa ku batay dacwadda dariska, markaa ayey billawday inay dadka dariska ah ee u soo dacwooda inta mataanaha soo hor joojiso/istaajiso qofkii ka dacwoonayay weydiiso labada kan uu yahay key ka dacwoonaayaan. Markii qofkii dacwada qabay uu kala garan waayo kuna wareero kala saarkooda ayey Roobeey sidaa ku samirsiisaa.

Islaan kaloo dariska aheyd oo dhowrjeer ku guuldarreysatay inay kala saarto mataanaha (kan ay ka dacwooneyso iyo kan kale) ayaa maalintii danbe gurigeeda si xun loo shiiday (tuuryeeyay), oo waxay aragtay mid ka mid ah mataanihii oo gurigoodii ku sii cararaya. Markeey Roobeey u timid, una dacwootay ayay sidii caadada u aheyd soo saftay labadii wiil, oo weydiisayay inay caddeyso kan soo tuuryeeyay! Islaantii dacwada aheyd oo aan dooneeyn in maanta la shaki galiyo, ayaa waxay soo istaagtay; “HA I WAREERIN KALAMA ROONA MATAANO ROOBEEYE!”. Hadda, waa; “HA I WAREERIN KALAMA ROONA LABO CABI WALIYE!”

Ararta ka dib, horta laba Cabdi Wali waa kuwama? Sadarradan sii raac aad baratide. Horraantii sideetameeyadii mudane C/wali Axmed Maxamed waxuu ka mid ahaa guddiga Ardeyda ee Jaamacadda, oo uu booskaas ku heley si qabyaaladaysan. C/wali Axmed Maxamed iyo Cabdirasisaq Juriile oo ahaa ninkii mashruucii FIA ee Talyaaniga musuqmaasuq Malaayiin Doollar ku cuney, loogana shakisan yahay inuu gacan ku lahaa sunta lagu aasey Gobollada Bari, ayaa waxey Jaamacadda gudaheeda ka sameeyeen liis ay ku qoran yahiin ardeyda aan ku haybta ahayn ee Jaamacadda dhigata in gebi ahaan Jaamacadda laga eryo, weliba kuwa sida gaarka ah waxbarashada ugu fiican. Eryidda ardadan waxaa luugu marmarsiyooday iney sida caadada ahayd KACAAN DIID ahaayeen –wax la diido muusan ahayn?-, ayna kala qeybinayeen ardada. Bal xasuusi kan xusaya Maalinta madow ee 21ka oktoobar waxan iyo waxa la midka ah ama ka liita.

Isla markii uu Jaamacadda dhammeeyey Cabdi Wali ayaa waxaa madax looga dhigey mashruuc la dhihi jirey SUUQGEYNTA XOOLAHA, halkaas oo uu 3 Milyan oo Doollar oo mashruuca loogu talagaley uu si toos ah u lunsadey, isagoo laba guri oo waaweyn ka dhistey, mid xaafadda BOOLI QARAN, guriga kalena xaafadda Yaaqshiid. (Xogtan waxaan ka soo xigtay, Wariye;  Abdulahi Nur Colombo) inta aan la ogaynna ka badan. Qof walba oo la yaabban jagada degdeg ama sahalka lagu gaaro, mudane C/wali Axmed ha ka tusaale qaato.

Dhanka kale, Cabdi Wali Gaasna inta uusan qaban xika Wasiirka koowaad wuxuu ahaa raggii Xabashida afka iyo idaacaha ka taageeri jiray, una arkayey xasuuqa koofur iy Muqdisha lagu hayey wax san oo dawladnimo lagu gaarayo. Marar badan ayuu waraysiyo bixiyey wargeyso iyo idaacado ah, oo dhammaan uu ku muujiyey sida uu ugu riyaaqsan yahay xasuuqa C/laahi Yuusuf, Geeddi iyo xerta Xabashidu wadaan.

Markii xilka uu qabtay wuxuu sii labalaabay qabyaaladdiisii iyo u xaglinta beeshiisa, oo uu marar badan si toos ah u garab istaagay, heer uu markii dambe isagu qirtay.

Xilligaa Madaxa Dhaqanka Beelaha Muqdisho Nabaddoon Maxamed Xasan “Xaad” ayaa marka uu la yaabay qabyaaladdiisa shaki galiyey xilka uu Soomaali u hayo, isagoo ku suntay inuu Faroole matalo, ee uusan Soomaali matalin. Sidoo kale, Abaanduulaha ciidan xoogga dalka Gen.  Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” ayaa mudane Gaas ku yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!”.

Mudane Gaas isaga ayaa afkiisa ka qirtay inuu u sedburshay beeshiisa mar uu olole doorasho iyo ku jiray u tartanka guddoonka beesha hoggaankeeda siyaasadeed qofka qabanaya, intii RW uu ahaa muadne Gaas ayaa maamulkaas mar kale loo saxiixay dhismaha Garoonka dhaqaalaha ku baxaya, isagoo yiri: “Markii caddaaladda la eego, armaa sedburiino ay qaateen ayaan is leeyahay?!” oo yaa siiyey? Isaga dee, yaa kale, oo run ahaan dad badan aysan ku baraarugin, maxaa yeelay, waa hadal ugu yaraan ku noqon kara dacwad laguna furi karo baaritaan, balse, ayaandarro meel iyo maqaam looga furo ma joogno, balse, isaga ayaa taariikhda iyo sooyaalka isugu diiwaan galiyey, oo hadhaw iyo had dambe labadada qof dood iyo muran ka keeni kara uusan jiri doonin, maxaa yeelay, waa maqal iyo muuqaal, haddii aan indha adayggii iyo la adeegsanayn inkiraad qaawan. Balse, aqriste, hal QAACIDDO DAHABI ah iga QABO aniga oo iga QORO; “QOF WALBA OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN DOONO ILmA ADEERRADIISA!” waayaha, waqtiga iyo waaqica ayaan ka bartay ee bal adna qiimee, oo igu  soo warceli, haddii aysan saa ahayn.

Hadda, oo laba Cabdi Wali ay kala saxiixdeen sedbursi kii ugu foolxumaa, aan qormada kuu galo, maxaa yeelay, is weyduuntu ma ahan dhaqanxumadooda oo kali ah, ee waxay taabanaysaa wixii ay soo xarxarriiqeen iyo sida waaqica dalku yahaye.

Haddii RW Cabdiweli uu Puntland u soo xarrriiqay in Mudug la kala gooyo, qaybna ay maamusho Puntland qeybta kalana ay hoos iman doonto maamulka laga dhisi dhoono Gobollada Dhexe, ama Galmudug, sow macneheedu ma ahan;

1- Waxaa isku biiri kara oo kaliya “INTA ISKU HAYB AH“, oo ka soo horjeedda DALTUURKA oo qeexaya in maamullada la isu raaciyo hab goboleed, ee aan hab beeleed la isu raacin.

2- Haddii Gobolka Mudug la kala jaro, saw macneheedu ma ahan in maamul loo dhisayo wax ka yar laba gobol, oo iyana liddi ku ah DALTUURKA. Sheekadu ma “La jiifiyaana Bannaan, Lajoojiyaana Bannaan!”? Mudane Gaas ayuu ahaa shalay markii uu RW ahaa kii diiday maamulkii ka dhisnaa gobolka Hiiraan. Qisada oo dhan waa sidan;

La yaabku waa markii RW Gaas uu  booqasho xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday Xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Shabeelle, ayuu Muqdisho ku soo laabtay. Waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

Midda la yaabka ah waxay ahayd, markuu yiri: “si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol” waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adigu waxba ma tihid”, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.

Dhanka kale, haddii sheekada laba Cabdi Wali sida ay tahay loo qaato waxaa dhacaya in arrimo ay ka mid yihiin kuwanna sidaa gurracan loo maareeyo, ee bal ila fiiri;

– Hal gobol iyo bar ma noqdaa maamul goboleed? Jawaabto waa maya, oo DALTUURKA ayaa diiddan, oo ugu yaraan waa inay laba iyo ka badan ahaadaan.

– Magaalo kaligeed ma loo kala qaybin karaa qaab Qabiil? Maya, oo DALTUURKA ayey liddi ku tahay iyo dawladnimada guud ahaan iyo gaar ahaan ta Soomaaliyeed.

– Gobol ma loo kala qaybin karaa qaab qabiil? Maya, oo DALTUURKA ayey burinaysaa, maxaa yeelay, gobolladu waxay isu raacayaan ma ahan tagoog wadaad ee waa talowadaag.

– Haddii Gobolka Mudug laba loo kala baray,  saw ma noqonayso in Gobolka Hiiraanna la kala baro, maxaa yeelay, dadka Matabaan waxay haybwadaag la yihiin Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer) iyo Guri Ceele?.

Wariye Yuusuf Cumar Axmad ayaa wuxuu qoray sidan; “Waxyaabaha iga yaabiyay ee aan Xamar ku maqlay waxaa ka mid ah Matabaan ha laga gooyo Hiiraan oo ha lagu daro Galguduud? Waxaa kale oo aan maqlay Ceel-Dheer ha laga gooyo Galguduud oo ha lagu daro Shabeellada Dhexe.” Sidan inuu maqlo wuu la yaabban yahay, balse, in Gaalkacyo qabiil ahaan loo kala gooyo lama yaabayo. In Mudug la kala jaro, oo qabiil ahaan loo qaybiyo lama yaabayo. Siyaasiyiinta Matabaan ka soo jeeda, inay sidaa u fekeraan maxaad ula yaabaysaa, haddii aadan la yaabbanayn in siyaasiyiinta Puntland ay RW Cali Wali ka saxiixdaan in gobol iyo degmo loo kala gooyo qabiil? Annagaa ebtelo aragnay. Alla wariye Yuusuf caddaalad xumaa!

Xasanka aad daba socoto, maya, aad dabataagan tahay waa ninka leh waxaan ilaalinayaa danaha Puntland, oo aan la garanayn waxa ay tahay, marka laga reebo kala qaybin gobol iyo degmo, oo beel loo kala jarjaro, oo sida muuqata adna aad sidiisa oo kale u ilaamayso. Waa filaa inaad xil uun ka hayso dawladdee, sidee kula tahay saxiixa laba Cabdi Wali? Sidee kula tahay in Gaalkacyo la kala gooyo? Sidee kula tahay in Mudug la kala jaro? Markaa ka dib, aragti ka dhiibo in Matabaan laga gooyo Hiiraan oo Galguduud la raaciyo. Ha moodin inaan aragti ahaan qabo ama taageer sanahay, balse, falanqaynta iyo faalladu waa taa, oo sida beesha bari deegaan beel ahaan loogu saxiixay, beel walba waxay rabtaa in beel ahaan deegaanka loogu saxiixo, ee wariye Yuusuf isagu muxuu ka leeyahay? HA DHAQLAYSO!

Haddii Gobolka Mudug laba loo kala baray, saw ma noqonayso in Gobolka Galguduudna la kala baro, maxaa yeelay, dadka degmada Ceel Dheer waxay hayb wadaag la yihiin gobolka Shabeellada Dhexe. Bal adba.

– Haddii Magaalada Gaalkacyo la kala baray, saw ma noqonayso in Magaalada Beledweynna la kala baro, maadaama aan ogsoonnahay inay u kala qaysban tahay Bari iyo Koofur?.

– Sidee u jiri karaa dhismaha Maamulka Jubbaland, ee Axmed Madoobe, oo Gobolka Gedo uu ka socdo shir ka dhan ah maamulkaa? Ku darsoo, maamulka Jubba waxaa lagu soo dhisay dal shisheeye, oo laba nin oo Itoobiyaan ah ay ku soo heshiiyeen, nin Itoobiyaan ahna korjooge ka ahaa, dhul Itoobiyana lagu soo dhisay. Labada Itoobiyaan oo ku soo heshiiyey waa Axmded Madoobe oo Shilaabo iyo Qabdi Daharre ka kor ka soo doolaalay iyo Faarx C/qaadir (Topaz) Wasiirka Caddaaladda, korjooguhuna wuxuu ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom. Dhanka kale, Jubbooyinka, oo ay deggan yihiin beelo  badan, saw ma noqonayso in iyagan maamulkooda lagu saleeyo deegaanno beeleed?.

– Degmada Caabudwaaq sidee uga mid noqon kartaa Maamulka Gobollada Dhexe, maadaama aysan bahwadaag la ahayn Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusa Mareeb iyo magaalooyinka kale? Ku darsoo, maamulka Gaas, ee Bari, waxaa ku jiro mudane ka soo jeeda degmada Caabudwaaq, oo halkaa u joogo inuu metelo danaha beesha Caabudwaaq, oo aan la garan waxa halkaa geeyey, ee aysan u ool Dhuusa Mareeb ama degmo gobolka ka tirsan? Saw ma ahan inay gobolka Gedo maamul la samaystaan?.

– Haddii la oggolaado in gobol ama degmo qaab qabiil loo kala gooyo, xaq ma u yeelan karaan inay ka hadlaan goosashada Waqooyi? Waxay ila tahay sheekadii goosmada ee la isku xuuxin jiray inay dhammaatay, haddii kale, maxay ku kala duwan yihiin  labadaa; gobollo Soomaaliya ka goostay iyo gobol ama degmo beel ahaan loo kala gooyey? Haddaan hadda la xallin karin, si ku meel gaar ah ayey ahayd in sideeda loo daayo, iyada oo aan qolana loo sharciyeyn, marka xaalku si kale noqdo ayaana go’aan laga qaadan karay, balse, beeleey adigu intaada hayso, adna intaada hayso dawladnimo ma ahan, mana lagu noqdo!

– Haddii beel walba SHAHAADO DUGSI, CIIDAN gaara iyo XUDUUD gaara samaysto, calal xun oo calan ku sheeganna ay duubato, oo heshiisyo caalami ay gali karto, maxaa taraysaa dowladnimada soomaaliyeed? Saw in lagu kalatago kama wanaagsana?.

– Haddii beel walba WARQADO inta loo XARRIIQO lagu sheego HESHIIS, waliba loo qorayo DAWLAD heblaayo, sidii dawlad madax bannaan oo kale, maxay ka dhigan tahay sharciyadda dowladda dhexe? Maxaa taraysaa dowladnimada soomaaliyeed? Saw in lagu kalatago kama wanaagsana?.

-Xubnaha la socday RW Cabdi Wali Sheekh waxaa ka mid ahaa; Gaandi, oo ku soo fashilmay Azaaniya, dallaalna ka ah shirkadah shidaalka Soomaaiya hanku uga jiro. Xasan Abshir Faarax, Maxamad Cabdi Yuusuf, oo ka mid ah dhakawyada dagaalka sokeeye, Cabdirasisaq Juriile, Cabdiwahab Ugaas Khaliif, Daa’ud Bisle IKK, haddaba, saw la isma oran karo, meesha waxaa ku heshiiyey hal beel, ee dawlad iyo RW midna heshiis ma galin? Maxaa yeelay, intan oo dhan waa isku beel, oo maxaa diiday in wasiirro iyo xildhibaanno aan  u dhalan beeshaas ay wehliyaan RW? Maxaa diiday in RW Cabdi Wali ay socdaan Wasiirrada; Arrimaha Gudaha, Garsoorka iyo Federaalka? Haddaba, maxay uga duwan yihiin beelaha maalin walba shira, ee hoteellada iyo geedaha isugu yimaada? Mooji. Ugu badnaan, laba nabaddoon oo warqado kala xasiixday iga dheh. Bal adba.

-Heshiiska waxaa ka buuxay labada dowlad, labada baarlamaan, labada xukuumad, mel kalana waxaa lagu qoray, labada ummad, labada bulsho, haddaba, Punland, maa GOOSATO ama GAABSATO? Maxay naga dhex haysaa, haddii ba ay dawlad tahay, umad kalana ay tahay iyo bulsho? “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.

Ta kale, heshiiska laba Cabdi Wali maxaan loogu qeexin xuduudka kale, ee ay la leedahay Waqooyi? Maxaa yeelay, waxaa jira muran aan ka jirin dhankan heshiiska beeleed lagula degdegee. Ma waxay xuduud la leedahay beesha Waqooyi, ee Somaliland, mise waxay xuduud la leedahay Khaatumo State? Ha la soo kala caddeeyo arrintaa, waa muhim, maxaa yeelay, MADAXA XIIRAN ayaa la ogaanaa in kaliya tintu ka xiiran tahay iyo in kalee,maya, waxaa lagu ogaanaa shanlada loogu dhiibay timaha xiirane!

Heshiiska laba aan u kala qaadno, oo ah mid dawladnimo, maamul iyo soomaalinnimo taabanaya iyo mid waaqic iyo xaalad taagan taabanaya. Kan hore waa gef weyn iyo dhaawac kale oo soo gaaray qarannimada Soomaaliyeed, waxaanna ka qoray qormadii ahayd; “Puntland: GOOSO ama GAABSO!”

Kan  kale, waxba sooma kordhin, oo wuxuu sharciyeeyey in la sameeyo xuduudo beeleed, oo intii muddo ahba jiray, balse, waxaa la yaab leh, danta ay garteen laba jabhad, laba dagaal ooge, laba qabqable, laba gacan ku dhiigle, laba macangag, ee ay garan waayeen laba Prof sida lagu sheego. Run ahaantii waa ayaandarro iyo dhabarjab weyn.

Sida heshiiska loola falgalayna aan laba u kala qaadno, intii isku xeer ahba si ayey uga hadleen. Tusaale, Xasan iyo xertiisa oo lagu daray qolada loo sadburshay waa soo dhaweeyeen. Halka qolada gobolka dhinaca kale ka degta ay qaadan waayeen, qaarkoodna ku noqotay shoog iyo waalli camal, heer ay ku tilmaameen in fidno, dagaal iyo colaad la hurinayo. War hooy, ninkii sheega ma dhaafto waaye, maxaa colaad keenaya? Sidii hore ha loo daganaado wax aan ahayn kuma qorna, dawladnimada iyo Soomaalinimada adiga xil gaar ah kaama saarra. Waa meeshii laga oran jiray;  “Cirka soo dumi, meesha aad ka gasho ayaan ka galaahe!

Laabada qolo, midna DAMAC ayaa qaaday, midna DAYAC ayaa la haray, oo kan hore wixiisii ayuu wax kale iyo ka badan rabaa inuu ku darsado, kan dambana dayac ayaa dilooday, oo wali waxay dhex laalaabanayaan Dhuusa Mareeb iyo Cadaado inta u dhaxaysa, oo ilaa hadda waxay isku hayaan xaggee gogosha shirka la dhigayaa! Tolow imisa ayey ku qaadan doontaa inay maamulla dhisaan? Kolleey Tareenkani idin dhaafyaye, kan kale u soo diyaargaroobo, isweydiinta baa se ah; kan kale ee soo socda ma haleeli doonaan? Idinka lee waaye. HA DHAQLAYSO!

Dhanka ugu muhimsan ee shirka u imaaw, ee ah dhaqaalaha, oo uu si dedban ugu hadlay mudane Mungaab. Heshiis ha la saxiixee, horta labada dhinac saw ma ahan inay wax kala saxiixdaan, oo qolo walbaa uu jiro qodob celiya iyo xeer qabta? Haddaad taa filaysay ma dhicin, ee hal dhinac kaliya ayaa wax meersaday oo ah dhanka Gaas, halka Cabdi Wali loo meershay, oo aadba mooddo inuu ogaa oo uu ku talagal u sameeyey (waa taolkeey camal) ama maxaa iga galay mooshin ayaaba iga yaale, maadaama aanan raagayn, HA DHAQLAYSO!

Haddii wax walba loo saxiixay Gaas iyo intii la aragtida ahayd, saw xaq ma ahan iyo xaqiiq in la weydiiyo, oo lagu yiri; wixii hadda ka dambeeya, sida deeqaha loo qaybsanayo ayaa canshuuraadkana loo qaybsanayaa, kaba muhimsane, dhaqaalaha ku baxa xubnaha metela dawladda dhexe loo qaybsanayaa.

Sidee ku dhacaysaa in Gobolka Banaadir canshuuraadka ka soo baxa laga siiyo 15% inta ka soo hartay oo ah 85% ay afka u dhigtaan tuugo iyo maafiyo magacyo badan leh, halka gobollada kale ee dalka aan Shilin iska daaye, Gambo iyo Baysteen ka soo  xaroon? Sida Xasan u leeyahay waan ilaalinaynaa danaha Puntland, maxaa u diiday inuu u ilaalsho danaha Gobolka Banaadir? Sida RW Cabdiwali Axmed u soo saxiixay in deeqaha la wadaagayo, muxuusan u soo saxiixin in canshuuraadkana la wadaago? Alla caddaaladeey goorma lagu helayaa, anigu ku garan waayaye?!

Wixii Soomaaliya ka dhaca, waxaa eeddeeda iska leh marka Soomaalida laga soo tago saddaxda kala ah; Nicolas Key (Nacdoon), Gabre (Gumaade) iyo Maxamed Cabdi (Afeey).

Mudane walba oo na soo mara wax baa lagu xasuusan doonaa. Siyaad Barre (AABAHA BURBURKA SOOMAALIYA)!

Cali Mahdi sabab u noqoshadii dagaalkii sokeeye, ee afar biloodka iyo wixii ka dambeeyey, ka dib dhismihii dawladdii Maanafesto.

Caydiid Kabiirka qabqablayaasha iyo dagaal oogayaasha.

C/qaasim Afar iyo bar iyo beelaysi awoodda loogu qaybsado si qayaxan.

C/laahi Yuusuf Abbaha Xerta Xabashida iyo Xasuuqa iyo Jabhadka ugu cimriga dheer iyo fidniada fenderaalka.

Shariif Aayado been ah, Jihaad aan jirin, Janno bug ah.

Xiirane iyo Xasan degmo kala qaybsan, gobol kala qaysan iyo beelo isku dirid!

Kan iman doona maxaa laga fishaa? Idinka lee waaye. HA DHAQLAYSO!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

9 Comments

  1. ha dhaqlayso! war wixii kaleba waa arin rage maad kelmadaas uun ka saartid, mise waa micnahaanan u aqoon.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s