Isku Shaandhayn Mise ishaa Falatayn?!

ishaa falatayn

Isku Shaandhayn Mise ishaa Falatayn?!

Doqon dirac is mooda iyo fadhiid fariid (faxal) is mooda ayaa soomaali dumin iyo fadqalallo ku wada, inta labadaa darawal iyo u yihiin faaliyana ha sugin deganaasho iyo fadhisan. Si aadan isu dhihin labada muransan ama kuwa ishaya ayuu garab la safan yahay, aan marka hore xilka kaa rido, oo anigu labadaa iyo laba mid ah ama ka liita ii siman, maxaa yeelay, mid xal, dan, hormar Soomaali wada ma jiro, oo mid walba wuxuu u adeegayaa qoladii meesha keensatay. “Uunrays dad maaha, Kadabshiirna kama roona!

Allaw laba DIBI isku keen qaad aan JILJILANNEE” xitaa xaalku ma ahan, maxaa yeelay, kuwan waxba lagama dheefayo, aan ka ahayn in dhibku nagu sii raago, oo ah sida nacabkeennu doonayo, iyaguna fulinayaan.

Intaa ka dib, DALTUURKU wuxuu mar walba sabab u yahay qayb ka mid khilaafyada soo laalaabta, ee ka dhexdhasha madaxda dalka, oo ay masuul ka tahay qaabka xun ee uu u qoran yahay, masuuliyaddeeda ay qaadayaan qareennada wax ku soo bartay Talyaaniga, oo mar walba saamayn xooggan ku leh qoristiisa.

Dawladaha dunida ka jira waxay leeyihiin 3nidaam, oo kala ah; (1) Dawlad Baarlamaan sida Ingiriiska (1) Dawlad Madaxweyne, sida Maraykanka (1) Dawlad Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare sida Faransiiska. Balse, dunidu waxay u badan tahay labadan hore ee ah; “Madaxwnaha ama Ra’iisul Wasaaraha” oo midkood awoodda leeyahay, kan kalana uusan awood lahayn, balse, uu yahay xil maamuuseed ama sharafeed, balse,  Soomaaliya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha awood aan la kala garayn ayey leeyihiin, ee bal madaxweynayaashan eeg;
– Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha ayaa awoodda leh Madaxweynuhuna waa bilaa awood.
– Masar 
Madaxweynaha ayaa awood leh, Ra’iisul Wasaaruhu waa bilaa awood. Haddaba, labadaa nidaam midkood, oo ay kala cad yihiin awoodaha labada masuul waa inaan mid qaadannaa, oo Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaaraha mid awoodda la siiyaa, si aan Khilaafka uga baxno. Maxaa yeelay, doontu laba naaquudiye ma yeelan karto. “Dherigii fara bataa waa FUUD xaraareeyaa!”.

DALTUURKA si rasmi ah uma kala qeexayo xadka awoodaha MW iyo RW, marka laga reebo meelo yar ma ahane. Tusaale, dhacdadan hadda taagan kuma qeexna mana ku cadda DALTUURKA yaa gar leh, yaase gardaran? Yaa qaldan yaase saxan? Marka la soo tago malayn iyo qiyaas ama filasho, maxaa yeelay, dhibku meesha uu ka jiro iyo qodobka maqani waa; haddii RW xil ka qaado wasiir, ama wasiir wasaarad kale u dhiibo, isaga oo aan la tashan ama la meeldhigin MW maxaa laga yeelayaa? Si kale u dhig; Muxuu DALTUURKU ka qabaa in RW uu xil ka qaado wasiir ama uu isku shaandheeyo wasiirro isaga oon la tashan MW ama aysan isku afgaran?.

Warcelinta lagu kala duwan, hadba sida loola kala safan yahay labada mudane, balse, meel kale iyo mid kale ku eeg; adoo shirkad u shaqeeya, uuna jiro xubin kaa sarreeya, aadna doonayso inaad shaqo fuliso, go’aanna aad qaadato, adoo og in go’aankaa uu dhibsan doono, ama ka hor imaandoono masuulka kaa sarreeya ma u bareeri lahayd? Tallaabada Cabdi Wali waa taa oo kale, wixii intaa ka baxsan adaan kuu daayey iyo aragtidaada.

Taa ka sokow, horta jahawareerkan yey faa’iido ugu jirtaa? Hubaal nacabka Soomaali, oo waa ayo? Kow waa Kenya iyo Itoobiya, oo labaduba dhul Soomaali haysta, haddana, intii kale u soo tafaxaytay, heer baddeennii muran in la galiyo ay gaartay, maxkamad been ahna loo ballansan yahay. U fiirso, inaysan kala roonayn waxaa kuu caddaynaya, wax u dhibidda dalka, dadka iyo dawladnimada waa ku heshiis, oo si garbo siman ah ayey gulufkaa ugu jiraan, haddii kale, maxaa keenay 50sano ka badan ka dib, in Kenya tiraa Bad baa iga maqan, ma anaga (Soomaali) ayaan meesha ku noolaan jirin, mise iyaga ayaa dhawaan soo degay? Laashin ayaa yiri;

Laba bahood balaayadood, Beerteydoo baxdaan dhahaa!

Xasan maalin dhaweed markii uu Ceel Buur tagay Calanka Itoobiya ayaa lagu soo dhaweeyey, oo aaway calankii ciidanka Afrikaanka ahaa mise kaas ayaa lagu badalay? Itoobiya saw AMISOM kama mid noqon, maxay tahay calanka gaarka ah ee ay sitaan? Aqriste, wali ma aragtay ciidanka Ugaandha ama Burundi oo calankooda ku soo dhaweynaya xubno ka tirsan dawladda? Ani ogalkay maya, adna? HA DHAQLAYSO!

Waa arrin kale ee ka kaalay, yaanan faallada dhan kale u leexine, aan ku ku xasuusiyo, oon xigto waxyaabo aan horay u qoray qaar ka mid ah.

Kani galbay ku kale mooyee, tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Anigu lama yaabbani khilaafkan hadda jira (…) balse, midda aan ka baqayaa ee wadna kurkurka igu haysaa waa in 2014ka aan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad, taa oo run ahaantii aniga dareen xooggan igu haysa, sida muuqatana aan laga baaqsan doonin, maxaa yeelay waa meeshuu wiilku ka lahaa “War hebaloow sow Aabbe ma joogo!” saw ragga jooga ma aha kuwa hadda is haya, oo haddaa maxaad ka filan? Bal adba.” Sadarro aan qoray 07/11/2013 inta aan mudane Saacid xilka laga qaadin, kuna jiray qormadii ahayd; “Saxallada silloon iyo saxarka Siyaasadda” aqriste, maanta sidey kula tahay? Mar kale, wali anigu halkii ayaan taaganahay aragtidiina aan wali qabaa, ee sanadka soo socda ee 2015ka amaan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad? Bal adba. HA DHAQLAYSO!

Mar kale, haddii Saacid xildhaannadu xilka ka xayuubiyeen, ee la keenay Cabdi Wali ayaan curiyey maanso la yiraa; “MASUUL” oo ay ka mid ahaayeen baydadkan;

Madaxnimo qabyaa iyo

Masuul aan daryeel iyo

Laga helin macaawino

Mar horeey na dilataye

Fadlan ha u mashxaradine

Iska fiirsha muuqiis

Haw sifayn madaaliyo

Mahdigii la sugayee

Maandhaaw godkii hore

Yey Qodaxdu kaa mudin.

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Murankiyo khilaafkiyo

Mooshinkiyo is maandhaf

Ma dhammaan is marin waa?!”

Ma dhicin, mana dhawa taa!

Intaasi waa digniintii horee, wixii ka dabamaray u kaalay. Sida markii horeba madaxa la isula galay ee toban wasiir loo dhaafi waayey, ayaa kanna madaxa la iskula galay, tii horese tan ka badan, balse, aan tayo iyo tab waxba dhaamin, haddii aysan ka sii liidan. Golahan waxaa loo qaybsaday saddax;

– Itoobiya oo dhawr WASIIR keensatay magacyadooda oo qoran, ayna ka mid yihiin; Wasiirka Gaashaandhigga, Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Cali Dhuxuloow. Sidaa waxaa qoray wariye;  (Abdulahi Nur Colombo).

– Xerta oo Xasan oo tiro ku lahaa ay ka mid ahaayeen Faarax oo hadda badalaad wasiirnimo lagu sameeyey iyo Guuleed oo hore isaga casilay wasiirka Amniga Qaraanka.

– Cabdi Wali oo isna magacyo iyo xubno ku darsaday uu watay.

Madax isla galku wuxuu sababay in golaha wasiirrada lagu dhaqaayo labadii aroornimo, oo geeska Afrika iyo Soomaaliya laga jiifo, madashana uu ka maqnaa Xasan, oo daliil cad u ahayd sida loogu kala tagay qaab dhismeedka golahaa.

Muddo yar ka dib, ayaa madaxa la isla galay, halkaana waxaa khilaafka qaboojiyey, oo isgartay ama la garansiiyey C/kariin Guuleed Wasiirkii Aminga Qaranka, horana u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumaddii Saacid. Tallaabada geesinnimo ee Guuleed sii ma raagin, maxaa yeelay, shalay Guuleed isagoon ammaan wax ka aqoon ayaa loo dhiibay xilkaa, haddana, waxaa laga dhigay LA TALIYAHA ARRIMAHA SIYAASADDA, oo muxuu ka yaqaan? Xaggee ku bartay? Waa se siyaasaddee? Muxuu kala taliyaa, muxuuse kula taliyaa? Waa isma dhaanto iyo dhasheed, kan lala talinayaa macallinnoimo iyo maamul dugsi xagge uma dhaafin, kan la talinayaana waa ka sii liitaa, saw kama dhigna sheekadii ahayd: “Ar ku helli, xay ku nuugtaa, xayse ka nuugtaa?!” Iska daa siyaasade, xitaa sida wax loo sasabo ma yaqaannaan.

Kaa haddii uu xallismay, halkaana ku xirmay, ayaa waxaa furmay mid kale, oo islma ammaanka la xiriira, maadaama xilalkii laga qaaday labada taliye ee nabadsugidda Qaranka iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, oo loo kala dhiibay muran dheer ka dib laba mudane oo Xasan iyo Cabdi Wali ay kala wateen, kaaga darane, Cabdi Wali ka dhigay mid ay ku socota dacwad ka dhan, oo dalka Canada uu uga soo cararay.

Mudda yar ka dib, seefta xil ka qaadistu waxay dultimid Sanbaloolshe, oo loo dhiibay Nabadsugidda Qaranka kana socday dhanka Xasan, balse, xil ka qaadista ka dib Xasan uu soo saaray sida caadada u ahayd warsaxaafadeed uu ku sheegay inay wax kama jiraan tahay, balse, maalmo ka dib xil ka qaadistii Sanbaloolshe ayaa hirgashay.

Dad badan ayaa is leh khilaafku wuxuu salka ku hayaa heshiiskii dhawaan laaba Cabdi Wali kala saxiixdeen, balse, dadkaa miyey moogyihiin in Xasan qudhiisu soo dhaweeyey, afkiisana ka yiri; danaha Puntland waan ilaalinaynaa, oo waa danama? Adba car garo! HA DHAQLAYSO!

Laashin baa yiri;

Bannaanbax buuqleh beerta keen, Bugtii ha inoo billaabatee 

Sida aan saraba ku soo sheegay, khilaafkan aan dhammaadka lahayn, ee waliba macnodarrada ah, waxaa ku caana maayala Kenya iyo Itoobiya, oo mid walba ka dhex aragta danaheeda gurracan. Sidoo kale, sida aan ku soo sheegay Cabdi Wali isaga oo aan la tashan Xasan ama ugu yaraan aysan isla meel dhigin ayuu sameeyey isku shaandhayn, taa oo keentay in Xasan ku tilmaamo mid aan dastuuri (DALTUUR)ahayn, halka Cabdi Waliba ku doodayo inuu hirgaliyey Dastuur (DALTUUR). Waxaan wada ogsoonnahay in waxa la isku hayaa aysan (DALTUUR) ku shuqul lahayn, ee ay tahay dano; qofeed, qabiil kooxeed iyo shisheeye, ee maa runta ls isu sheego, oo la abbaaro meesha sartu ka quruntay?.

Ta kale, kaba dhig in Cabdi Wali aad ku taagan tahay jidkii saxdaa ahaa, Xasan adna sidaa oo kale ka soo qaad, maadaama aad aragteen nin mid walbaa kan kale la shaqayn karin, maxaa diiday in midkiin ama labadiinnuba aad xilalka isaga casishaan si xushmad iyo ay ku jirto qaddarin, ee aannaan maalin walba u taagnaan; KHILAAF JOOGTA AH!

Mushkiladdu ma ahan wareer siyaasadeed, ee waa WAALLIDA shaqsiga Soomaaliga ah iyo qofnimadiisa oo aan lahayn qaab, qiyaas iyo qabbir lagu garto, maxaa yeelay, ma aragtay inaadan la shaqayn karin qof ama qolo, si fudud xilka isaga wareeji, adoo mahadsan gurigaaga iska aad, balse, qofka Soomaaliga ahi naclad iyo karaahiyo inuu reebo ma ahane, lagama yaabo inuu iskii isaga tago.

Haddaba, isku shaandhayn la ogyahay inaysan meel dheer gaarayn ama aan shaqayn doonin maxay ka dhigan tahay, mise waa ku fiiri waxa ka dhalan kara? Waxa loo samaynayaa saw ma ahan ishaa falatayn, maxaa iga galay iyo maadigaa yiri? Caqligu inuu shaqeeyo habboonaa lahaydaa, si haybaddu noogu soo laabato, haddi kale, waxaa lagu jirayaa; HA DHAQLAYSO!

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay dhawr “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, mid waxaa u baahan MADAXDA midna waxaa u baahan WADAADDADA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM. Halka WADAADDADU u baahan yihiin DIIN U CELIN, maxaa yeelay, diintii inay DACAR ka dhigeen ka sokow, waxay dhexgeliyeen hawlo ka baxsan, oo marna dunida iyo duunyada ku lammaansan, marka madaxnimo iyo maal la xiriirta! Allow aday ku leedahay. 

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s