TALIYUHU ma DHIMANE waa la TOOGTAY!

rer

TALIYUHU ma DHIMANE waa la TOOGTAY!

Nin taajir ahaa ayaa baabuurkiisa si aan kas ama maag ahayn u jiirsiiyey wiil dhallinyaro ahaa. Wiilkii guriga ayuu iska yimid oo jug xooggan iyo maadaama aysan gaarin dhaawac weyn hawlihiisii caadiga ahaa iska qabsaday. Oday adeer u ahaa wiilka oo afmiishaar ahaa ayaa ku yiri; “Ma inta Ina Hebel jug ku gaarsiiyey ayaad lugaynaysaa?!” ka dibna inta kexeeyey gurigii geeyey, markaa ayuu ku deday buste, kuna duubay go’, kuna yiri; “Iska dhig wax koomo ku jiro!” markaa ayaa odaygii wuxuu u tagay ninkii taajirka ahaa, oo ku yiri; “nin baad naga disheen!” markaa ayaa ninkii naxay oo cabsday, odagiina waddaa u furantay, oo meesha dhaqaale badan ka helay. Hadda ma inta Muqdisho ku dhimatay ayaan lagu dhihin; “Miyaan la sumayn?!”.

Haddii qarax lagu dili waayey, si dadka la isugu diro. Haddii la qaarijin waayey, si dadka la isugu diro. Haddii gaadmo lagu dili waayey, si dadka la isugu diro. Haddii si qarsoon iyo si dahsoon loogu dili waayey, si dadka la isugu diro. Haddii toogasho lagu dili waayey, si dadka loo kala dilo. Haddii …… Haddii ……. Haddii……

Haddii ay intaa iyo in ka xun ku dili waayen, si dadka loo kala didiyo, ayaa markii Alle oofsaday, geeridii xaqa ahayd u timid, Malakul Mowd qaatay, haddii waqtigiisu dhammaaday ka gadaal, ayey waxay la yimaadeen RIWAAYAD ah, waa LA SUMEEYEY! Bisinka iyo Burdaha!

Waa LA SUMEEYEY, markii aan maqlay, mar qura waxaa igu soo istaagtay weertan ah; “Maxaa laguu qarxin iyadoo lagu sumayn karo?!” haddana, saacado ka dib, waxaan ogaaday in maydkiisa loo duuliyey Nayroobi, si loo baaro inuu SUN u dhintay iyo in kale!

Ogsoonow, dadka u xiran geerida Taliye Gen. Maxamed Sheekh Ismaaciil waxaa ka mid ah Dhaqaatiir Keenyaan ah, oo iyana i soo xasuusiday murtidii ahayd; “Nin ku dilay har kuuma jeedo!” oo haddii Keenyaan loo xilay geeridiisa, sidee maydkiisa loogu qaaday si Kenya loogu baaro? Saw ma ahan; Dhurwaa Hilbo ku raro?!

Ka kaalay, dhabar iyo niyad jabku wuxuu iman laba mar, oo kala ah; 1- Markii maydka taliyaha laga waayey wax sun iyo xitaa wax la dareensado, aan ka ahayn inuu DHINTAY! 2- In isla magalaadii uu ku dhintay, ee dadka loo tusayey inay tahay magaalada dadka lagu sumeeyo lagu aasay!

Sumeynta Gen. Maxamad waa meesheeda, balse, baaritaanka lagu sameeyay wuxuu leeyahay laba weji; (1) Ka hore weji maleyn ah in la sumeeyay, oo ay aheyd in la baaro, lana sameeyey. (2) Wejiga labaad ee dhoofinta maydka ayaa ahaa weji siyaasadeed. Haddaba, saw ma ahan in dadkii u xirraa magdhaw iyo laga siiyo xaalmarin? Sidoo kale, saw keeni mayso haddii aad dhaqtar tahay Soomaaliyana aad ka shaqayso inaadan siyaasi dambe daweyn, si aan laguu dhihin; WAA SUMAYSAY? Bal adba.

Intaa haddii ay dhacday, maya, qaar badan la sababay, la curiyey, la hindisay, ujeedkuna ahaa sidii dadkan kala tagay, loo sii kala tagsiin lahaa, ayaa waxaa wali in badan oo dadka ka mid ah aysan ku baraarugin in walxo badan oo Soomaaliya ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho ay ku laban yihiin gacmo badan oo leh Soomaali iyo shisheeyaba.

Xamar waxaa wax ku dila; CADDAAN iyo MADAW, GAAL iyo MUSLIN, SOKEEYE iyo SHISHEEYE, DERIS iyo DABJOOG, SIRDOON iyo SIYAASI, SOORDOON iyo SINJIDILE, SHAYDAAN iyo MALAA’IG. Laga yaabee, inaad ila yaabban tahay, maadaama aan MALAA’IGNA ku daray inta wax ku disha Muqdisho, illeyn Shaydaan waaba Shaydaan oo xume oo dhan isaga ayaa Abbe u ehe? Haa, maadaama raggii Jannada u degdegsanaa ay dheheen Malaa’ig ayaa naga garab dagaallanta, haddii ay dagaal galeenna ay tahay inay wax dilaan, qayb ayey ka yihiin dilalka Xamar, ugu yaraan Malaa’igta ay sheegteen magac ahaan!

Haddii geerida taliyaha sidaa foosha xun loo musuqay, oo laga dhigay in rag Xasan -hoggaamiyihii ugu doqonsanaa- soo diray ay sumeeyen, si hiil qabiil loo helo, maadaama dadkeennu aysan wali ka xoreebin caadifad, ayna u tahay hoggaan, ayaa waxaa caddaatay ta baddalkeed, oo ah in Taliyuhu iska dhintay, isagoon wax sababsan, ee ka ahayn mowdka iyo waqtigiisa oo dhammaaday, balse, dad badan ayaa qaba in Taliyuhu muddooyinkii dambe uu yahay stress xooggan, marar badanna uu damcay inuu isku daaweeyo dibadda balse, aysan u suuraglin, maadaama INTERPOLku dabagal ku hayeen.

Ujeedku ma ahan inaan Xasan difaacayo, ama aan leeyahay waa Wali aan dad dilin, in kasta oo aan wali lagu hayn, haddana, waxa qarsoon malo iyo shaki badan waa jiraan, balse, taasi wax ba laguma bineeyo, haddii aysan caddayn iyo jirin marqaatiyaal.

Dilka siyaasadaysan ee Soomaaliya ka dhaca tiro iyo ma lahan xisaab, haddana, waxaa la yaab leh, waxa mar walba loo buunbuuniyo hal qolo kaliya. Bal isku day inaad warcelin u hesho weydiintan;

Maxaa sababa in qofka Beelaha Muqdisho dega aan ahayn ee dhinta ama la dilo la yiraahdo waa la dilay, waa la qarxiyey, waa la qaarijiyey, haddana, lagu soo kordhiyey; waa la sumeeyey, ee aan wax kale la soo hadalqaadin iyo waqtigiisu inuu dhammaaday, haddiise dadka Muqdisho deegaanka ku ahi ay dhintaan ama laga dilo aan laga hadlin dhimashadooda, lagana dhigo mid ay iyagu xaq u leeyihiin, nooceey doontaba ha noqotee?! Maankaaga ka shaqaysii dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo Muqdishaba, sida loola kala falgalay dilalkaa iyo dhimashooyinkaa.

Ewel xaajadu waxay ahayd in hantida, maalka iyo xoolaha la musuqo, hadda se waxaa la marayaa, in maydkii, geeridii iyo dhimashadiina la musuqo, oo haddaa maxaa haray oo la musuqi doonaa? Amay timaad in Malaggana lagu yiraa; Adeer ninkan tolka ayuu ka dhashay, beeshaa kale, ee aan colka iyo cadaawaha nahay raggeeda laay! Hayaay!

Haddii Wadnuhu ku istaago, haddii gaari ku jiiro, haddii guri kugu soo dumo, haddii baddu ku liqdo adoo ku dabaalanaya, haddii naftu kaa haaddoo, haddiiba nuuxsi lagaa waayo, waa la ogyahay waxaa ka dambeeya hal qolo iyo hal urur! Sheekadaa ayaa dadka laga dhaadhicinayaa, oo dhagaha looga dhubayaa, si loogu daboolo fashal siyaasadeed, faquuq maamul iyo fidnada federaalka, ayna intaa dheer tahay inaysan ba maankaaga ku soo dhicin caddaanka iyo madawga sida rasmiga ah u maamula dalka guud ahaan, oo iyagu waa MALAGYO aan qofna dilin!

Haddii nabadyar, ammaan yar, xasillooni yar, deganaasho yar iyo la helay amniyar, meeshii ay ahayd in la wada xoojiyo, ayaa waxaa loo wada faytamayaa in magaaladaa laga dhigo meel aan nabad ahayn, aan lagu sheqeyn karin, lagu noolaa karin, maamul aan ka suuragalayn iyo ta ugu weyn ee ugu muhimsan oo ah; in aysan Caasimad noqon karin!

Tan waxaa qayb ka ah kuwa xunxun ee lagu sheego beesha caalamka, oo badi u taagan sidii dadkan loogu sii hayn lahaa silaca iyo saxallada ku sheeggan siyaasiyiinta, ee quuta dilmiga, dallaalnimada iyo xaraashka dalka, dabcan iyaga oo taageero ka haysta maamul beeleedyada kuwooda aan ba Muqdisho la maqashiin karin, sidii inay magaaladu wax u dhibtay.

Aan inyar u soo noqdo geerida Gen. Maxamad. Wuxuu ahaa mdane Dowladda Kanada ay baadigoob ugu jirtay, lagu heystay danbiyo ka dhan Xuquuqda Aadanaha, oo uu ka gaystay Soomaaliya xilligii dawladdii Kacaankii Luggooyo iyo Abbaha Burburka Soomaaliya Siyaad Barre.

U kaalay, midda ugu adag, ugu culus ee la xiriirta geerida taliyaha ee la musuqay. Geerida Taliyaha ee la musuqay waxaa ku baxay lacag fara badan, oo isugu jira labadii duullimaad, mudunayaal maydka labadii safarba ku wehliyey, hotelladii ay degeen iyo qarashkii Isbitaalka lagu baaray. Meesha kama marna Qayilaad iyo dukaamaysi ay soo yeesheen wafdigii la socday! Alle idin qarrib, mayd soo raac, ee qayilaad iyo dukaamaysi iska aad maxaa lagu tilmaami karaa?.

Ma isweydiisay meesha lacagtaa ka mid? Badideed haddii aysan dhammaanteed ahayn meel kale kama imaan aan ka ahayn Garoonka iyo Dekadda Muqdisho iyo canshuuraadka laga qaado dadka Muqdisho, oo meeshii ay ka ahayd in adeegyo loogu qabto, ayaa si loo musuqo markii la waayey waxaa loo wareejiyey in lagu baxsho sheeko aan jirin iyo riwaayaddaa soo afjarantay.

Maxaa diiddan in damiirku shaqeeyo? Maxaa diiddan in Soomaalinnimdu hirgasho? Maxaa diiddan in aan lagu tuman hantida dawladda? Maxaa diiddan in lacagaa lagu maareeyo abaaraha ka jira dalka gees ka gees? Maxaa diiddan in lagu maareeyo fataahadda webiga ee gobollada; Hiiraan iyo labada Shabeelle?

Aqriste; ma isweydiisay waxa ka soo baxay qarashkaas faraha badan, ee talihaya lagu baaray? Waxaa ka soo baxay; In Marxuumkaas uu Alle oofsaday! Haddaba, “Taliyuhu ma dhimane waa la toogtay!” Allaw magantaa!

Dhimasho ka sokow, waxaa toogtay kuwii beenta faafiyey, maxaa yeelay, inay reebban tahay in qof nool been laga sheego ka sokow, haddii qof dhintay laga faafsho ka warran? Saw toogasho ma ahan mid dil? Gen. Maxamad Waxaa la toogtay laba mar. Waa maroo marka beenta laga sheegay, waa  marka labaade inuuba toogasho ku xukunnaa, si dadka la  isugu diro, markii toogashadii malaggu ugu hormaray ayey toogasho kale u gaysteen!

Berigii geelu ahaa gaadiidka qura ee la adeegado ayaa Awr mayd siday, inta dheeldheelliyey Maydkii ka dhacay Arwkii, markaas ayaa ninkii la socday yiri; “Haddaw sii go’ay!” isagoo dhintay ayaa inta la qaaday dalshisheeye lagu baaray, haddana isla magaaladii la yiri waa lagu sumeeyey lagu duugay!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s