Kormeere “KEY” Yaa ka daba kalaami kara?!

nacoodn key

Kormeere “KEY” Yaa ka daba kalaami kara?!

Ninka CADI ninka MADAW wanaaggiisa kama shaqeeyo” haddana, ninka madoobi illaa hadda wuu garan la’ yahay inuu garaadsado ama garwaaqsado. Midab nacaybka, iyo quursiga ka sokow, waxaa ninka madoobi u yahay ninka cad hebed u raran iyo cirbixiye wax walba lagu tijaabiyo.

NACDOOD Nicholas Key waxaa Soomaaliya loo soo magacaabay 3 June 2013dii, oo uu uga dabamaray Augustine Mahiga (MUDHI), ee Salaadda Janaasada ku Dukaday C/laahi Yuusuf, ee Shariif Imaamka ka ahaa. NACDOON Key inuu Ingriis u dhashay, oo magacaabistiida ay dano siyaasadeed iyo ka dambeeyaan damac gumaysidoon ka sokow, haddana, meelihii uu hore uga soo shaqeeyey ma noqon meelo barako iyo laga sheegay bullaal, ee waxay wada noqdeen goobo qaybin, xasarad aan dhammaan iyo ka abuurmeen dhibaatooyin hor leh.

Xasuuso, sidii ay dawladdu u dhacday, wali lama soo magacaabin wakiil caddaan ah, oo intaa waxaa la soo magacaabayey wakiil Afrikaan ah, markiise beenta ah KU MEEL GAARKII waa laga baxay dhegta naloogu sheegay ayaa waxaa yimid nin cad, si haddii wax u qaldamaan loo yiraa Soomaalida ayaa qaladday oo aan KMG ku jirin, halka wixii qaldamay xilliyadii KMG eeddu ku dhacayso siyaasiinta madaw ee isaga daba maray xilkaa.

Ku darso, NACDOON Key wuxuu u dhashay Ingiriis, oo laba shir oo Soomaali ku saaban qabtay, dhawaanna ay qabteen mid ku saabsan sida shidaalka Soomaaliya lagu soo saarayo, haddaba, waxa looga dhigay wakiilka QM caddaan Ingiriis ka sii ah hadda ma garatay?.

Inta aanan kuu galin wuxuu ahaa, horta ma taqaan shaqada ay tahay inuu Soomaaliya ka qabto? Waa sidan ee iska baro, yaan midabka cad lagugu harawsane; isku duwidda hawlaha Qaramada Midoobay Soomaaliya ka waddo, ee dhinacyada; Bini’aadamnimada, isku xirka hay’daha samafalka, dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka, dhisidda hay’adaha dawladda, xoojinta dib u heshiisiinta IWM, haddaba, intan iyo in kale oo aanan xusin muxuu NACDOON Key ka qabtay? Warcelinta idinkan idiin daayey.

NACDOON Key wuxuu danjire Ingiriis ka soo noqday dalalka kala ah; Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Koongo “Zaire-tii hore” iyo Suudaan, halka uu sidoo kale ahaa Isku-duwihii Kooxda Dub-u-dhiska Gobolka Helmand ee waddanka Afgaanistaan.

U kaalay teenna, maalintii NACDOOB Key la soo magacaabay illaa iminka wuxuu ku hawllanaa hurin colaadeed, la kala safasho garabyada isku haya loollanka iyo hoggaanka dalka iyo gobollada iyo ta ugu daran oo uuba u dhaqmo sidii inuu dalka madaxweyne ka yahay. Tusaale; wuxuu si toos ah ula saftay maamulka gacan ku rimiska ah ee ay Jubba ka dhiseen saddax Itoobiyaan. Ku darsoo, waxaa lagu soo dhisay dal shisheeye, oo laba nin oo Itoobiyaan ah ay ku soo heshiiyeen, nin Itoobiyaan ahna korjooge ka ahaa, dhul Itoobiyana lagu soo dhisay. Labada Itoobiyaan oo ku soo heshiiyey waa Axmded Madoobe oo Shilaabo iyo Qabdi Daharre ka kor ka soo doolaalay iyo Faarx C/qaadir (Topaz) Wasiirka Caddaaladda, korjooguhuna wuxuu ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom.

Sidoo kale NACDOON Key wuxuu qayb ka yahay koox ka shaqayso isku dirka iyo kala fogaynta dadka Baydhaba, ka dib markii uu sheegay inuu taageersan yahay maamulka saddexda gobol ee shirkii Baydhaba looga dhawaaqay, halka isla magaalada uu ka socday shir kale, oo lagu doonayey in lagu dhiso maamul ka kooban lix gobol.

Isweydii, waxa uusan uga hadal illaa iminka Maamulka Khaatumo, miyuu ka liitaa kan gacan ku rimiska ah ee shisheeye soomaali ku daaban ay wataan ee Kismaayo ka jira ama kan Baydhaba ka jira ee uu Shariif Sakiin walaalkii u dhiibtay? Ma quursi baa mise waa qiyaano? Bal adba.

Maamulka Jubba waa jiraa, oo shisheeye ayaa soo dhistay, maamulka lixda gobol ma jiro, oo dadka deegaanka ayaa raba. Maamulka 3 gobol waa jiraa, oo Shariif ayaa raba, Shirkii loo ballansanaa ee Gobollada Dhexe bishii siddeed waxaa laga dul keenay midkan socon la’ ee ay ka dhalatay in gobolka Mudug iyo Gaalkacyo la kala qaybiyo. Aragtida gurracn ee NACDOON Key waa taa, waa; “QAYBI OO XUKUN!

Magaciiba ka garo ah (KEY) oo af Ingiriiska ku noqonaya “FURE” oo ka dhigan in naloogu soo diray inuu na kala FURFURO uun, sida muuqatana uu qayb ka mid ah ku guulaystay, maxaa yeelay, sidii Mahiga loo diiddanaa looma diiddaa. Ma ila xasuusataan Mudane Gaas horjoogaha beesha Bari oo dhaleecayn jiray Axmed Walad Cabdalla, ergagii ku guulaystay in dawladdii midnim qaran la dhiso, oo garabkii Asmara ay aqbaleen wada hadal, Gaas oo hadda isaga wax ka sheegaya NACDOON Key ma maqasheen? May, maxaa yeelay, wuxuu sida horeba xaalku ahaa ay la yihiin lammaan aysan la’aantood dhaqaaqi karin, maxaa yeelay, haddii uu ergay xalaal ah yahay ma aqbaleen gobol iyo degmo la kala qaybsho, balse, Gaas oo qabyaaldi madaxmartay iyo NACDOON Key oo kala qaybin madaxmartay ayaa ku farayaraystay.

Intaa uga har wuxuu galo ama gooyo NACDOON Key ee u imaay dulucda faallada. Khilaafkii u dhexeeyey Xasan iyo Cabdi Wali, xal iyo xaalinna loo waayey, ayaa NACDOON Key wuxuu soo saaray warsaxaafadeed nuxurkiisu ahaa; Xildhibaannada Soomaaliyeed waxay wadaan qorshe ay ku ridayaan Xukuumadda, iyaga oo laaluush qaadanaya, taasoo hiigsiga 2016ka mugdi galinaysa!

Hadal xalaal ah, balse, NACDOON Key ka soo yeeray, isagoon wanaag Soomaali iyo ku doonayn samatabixinteen, ee malaha sida hadalkaba laga dhadhansan karo labada mudane ee is haya mid u xagliyey, taas oo MW Xasan ka keentay inuu isna warsaxaafadeed ka soo daba saaro, aan ku soo koobi karo; in la xaqdhowro madaxbannaanida Soomaaliya, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah.

Labada warsaxaafadeed waxaan la yaabay kan dambe, oo Xasan kama filanayn, haddana, waa kaa ku dhiirraday, maxaa yeelay, ka hore ee NACDOON Key marka laga reebo xumaha uu yeelan karo  iyo ujeedka qalloocan ee uu ka leeyahay, haddana, waxaan qabaa inuu cabbiray aragti Soomaalida oo dhan ay wada qabaan.

Ma waxaa been ah in XILDHAANNADU yihiin “FADLAN LACAG KU SHUBO” iyo waxa af Ingiriiska lagu yiraa; “Call-box” iyo “Call as you pay” marka NACDOON Key  ma been buu ka sheegay, may, ma been buu idin ka sheegay XILDHAANNOOW? Horta adigu XILDHAAN yaad matashaa? Ma beeshaada? Ma deegaanka? Mise Soomaali? Aniga kolleey imta meteshaan, saa idin ma dooran, rabitaankaygana kuma joogtaane, aanna filayo inay soomaali badan ila qabaan aragtidaa.

XILDHAANKII shalay lagu soo xulay laaluush, RW Saacid laaluush ku riday, ee maanta leh NACDOON Key  waa nagu gefay, anigu meel aan u raaco garan maayo. Waxaa iiga yaab badnaa, kuwa ka helay aragtida NACDOOB Key  oo sida muuqata la mawqif ah Cabdi Wali, ayaa waxay xildhibaanadi tiri; “Arrintii hore cafis ayaan Alle ka weydiisaneynaa iyo Saacid, oo aan qalad ka galnay, haddase, mar danbe yeeli meynno inuu Madaxweynuhu shaqadiisa ku qabsado Ra’iisul wasaare Abdiweli!” intaa markay tiri ayey qosol ku dhuftay, tii ducaysanaysaba iyada ma ahan! Waa waxa la yiraa; “Aan ku DHAGRO, ku SIRO, ka dibna kugu WIIRSADO ama kugu QOSLO!” waxaa hubaal ah in “HAL BOOLI AH AYSAN NIRIG XALAAL AH DHALAYN!

Hadalka NACDOON Key, Xasan ma wuxuu u diiday in uu ogyahay qaladka uu galay, galayo ama gali doono mise wuxuu u diiday inuu garabkii ay is hayeen uu la saftay? Maxaa weydiinta igu dhaliyey? Xasan intii NACDOON Key qurunka, qashinka iyo qaybinta uu maleegayey intaa shib buu ahaa, dalkana isaga ayaa MW ugu magacawnaa, haddana, qaladka uusan maalmahaa iyo maamulladaa ka galin NACDOON Key ee maanta uu galay waa maxay? Bal idinku ii macneeya haddaad garateen, anigu ma garane? Idinka lee waaye.

NACDOON Key ayuu ahaa ninkii bilo ka hor warqad uu qoray aad ugu ammaanay hawlaha beenta ah ee ka socda Soomaaliya, ee dabcan isaga iyo inta la shaqaysa u ah nasiino iyo bajiino, Soomaalidase u ah naclad iyo nijaas aan marna daahirin, maxaa yeelay, intaa wuxuu ku hawllanaa kala qaybintooda, isku dirkooda iyo hurin colaadeede, balse, maalin dhaweed warkiisa wuxuu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay hiigsiga 2016ka, oo horta muxuu ahaa? Waa Soomaaliya oo wada qaybsan!

U kaalay riyada, rafadka iyo riwaayadda Xasan ee aan raayo iyo lahayn rijaal, ee ku saabsan in la xaqdhawro madaxnimada Soomaalida, balse, marka AMISOM ay gabdhaha kufasanayaan iyo hooyooyinka Soomaaliyeed, marka ay Soomaalida gaawirada jiirsiiyaan, marka Kenya maalin walba ay xasuuq iyo duqayn ka gaysato Jubbooyinka, marka uu baddeennii galiyey muran been ah, oo Baarlamaankii hore ay dheheen baddeennu waa tii waligeed, balse, asagu uu ka doorbiday inuu maxkamad been ah, dacwo aan jirin iyo la aado xaakin faranji, adba maxaad ka filan kartaa? Xasan mararkaa iyo marar ka badanba hadal iyo hawraar midna lagama hayo aan ka ahayn aamus “Shibu waa raalli”, ee hadda maxaa isbadalay? Mooji.

Balse, nimanka uu dhaleecaynayaa waa ragga baxsha baarlamaanka uu difaacayo mushaarkooda, ku ilaaliya xarunta uu Xamar ka deggan yahay, soo qoray DALTUURKA uu ku soo baxay, bixiya qayb ka mid ah mushaarka ciidanka, sida cadna uu dalku gacanta ugu jiro, haddana, Xasan intaas oo dhan  iska indha saabayaye, xaggee u socdaa? May, xaggee noo wadaa? Ma wuxuu illaabay inuu ahaa adeegaha shisheeyaha iyo kuwa qarribaya Soomaaliya? Ma hadduu soo naaxay oo ay ka baxday suntii lagu suuxiyey? Mooji.

Ta kale, saw idinka ma ahayn kuwii NACDOON Key hoosgunti, camaamad iyo bun ka casuumayey, haddaba, maxaad uga qaylinaysaan? Ogsoonoow, aragtida gurracan ee NACDOON Key ciddi caaraddeed iska badalin, ee waxa marna aamusan marna qaylinaya waa madax ku sheegga Soomaalida. NACDOON Key shaqadiisii xumeed sidii ayuu wataa, inta uu joogana waa u wadan doonaa, ee idinka shaqadiinna maxay tahay?.

Isweydii; Soomaaliya yaa gacanta ku haya; ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhismaha maamul goboleedyada, Xasan iyo Soomaali mise shisheeye? Horta Soomaaliya ma xor baa mise maxmiyad ayey ku jirtaa? Ma idin la tahay in dalka waxa ka dhacaya ay Soomaali hagaan, maleegaan ama hindisaan? Dilka, qaarijinta, magacaabidda iyo xil ka qaadiddaba qaybo ka badan oo ka mid ah waxaa masuul ka ah oo maamula shisheeyaha ay kow ka tahay Qaramada Midoobay.

In kasta oo dad badan u riyaaqeen hadaka Xasan, iyagoo ku celcelinaya “Soomaaliya Soomaali baa leh” haddana, waxaa isweydiin  mudan, waxa mar walba hoggaanka Soomaalidu ay tallaabo qaldan u qaataan marka lagu jiro xilli kala guur ah iyo xaalad adag. Xasuuso, go’aankii lagu diiday in Soomaali la mideeyo, ee Ingiriisku na gaarsiiyo madaxbannaanida, ee looga hortagay “Four Power!”. Xasuuso, taladii lagu doortay in Waarso lala xirto, ee la baylihiyo Nato. Xasuuso, eryiddii shaqaalaha Midawga Soofiyeeti, dagaalkii 1977dii oo holcaya. Xasuuso, fudaydkii lagu galay shirkii Jabuuti ee lagu dhisay dawladdii Manifesto, ee sabab u noqotay dagaalkii Afar biloodka iyo beladii ka dambeysay. Xasuuso, sidii loo laalay, may, loo laaday shirkii Khartuum ee u dhexeeyey Maxkamadaha (Wadaaddadii Waallidu wadday) iyo Xerta Xabashida iyo dawladdii dallada qabqablayaasha. Miyaan marna garaadku shaqayn, oo aan caadifadda iyo laab la kaca dhan la iska dhigayn? Yaab.

Soomaalidu waxay u dhaxaysaa saddax XAGAR (1) XILDHIAANNO XAARAAN cun ah, oo laaluush iyo musuq ku nool. (2) MUDANE go’iisu garabka u saran yahay, oo aan dan iyo u wadin daacadnimo. (3) Kormeere QM ka socda, oo sidii inuu MW ka yahay dalka u dhaqmaya.

Haddii sidan gurracan la isu sii horfadhiyo, ee aan muranka la asoo afjarin oo ku dhammaan kara saddaxdan qaakaad midkood; (1) In Cabdiwali is casilo. (2) In Cabdiwali la casilo. (3) In meeldhexe la isugu yimaad, oo isku shaandhayn ballaaran la sameeyo, iyada oo awood qaybiga la isu dheellitirayo, waxaa iman karta in hiigsigan baas ee lagu celcelsho uusan dhicin, ewelba meesha kuma jirine.

Haddaad rabto in lagu tixgaliyo oo lagu ixtiraamo, marka hore nafsaddaada ixtiraam, haddaba, haddii aad rabtaan in ceebtiinnu aysan bannaanka iman, ka waantooba khilaafka joogtada ah iyo muranka aan dhammaadka lahayn, una hawlgala sidii looga kaaftoomi lahaa gacan hoorsiga shisheeyaha, si  loo joojiyo faraglinta shisheeye, ee dadkii iska horkeentay, siina kala dilaysa dalkana boobaysa.

Inta aadan NACDOON Key ka fiirsan eryiddiisa, ma ka fiirsateen kuwa la shaqeeya ee uu ugu horreeyo Nuuradiin Diiriye, ee qaska ugu badan iyo ka masuul ah beelo iska horkeenidda? Inta aadnaan NACDOON Key ka fiirsan idinku ma si fiiriseen mise iska fiirsateen, maxaa yeelay, marka laga soo tago damaca gumaysi doonka ah, siyaasadda kala qaybinta iyo hunguriga uga jira khayraadka dalka NACDOON Key iyo kuwa soo dirsaday ama uu ka dhashay, haddana, waxaa intaa la maleegaya xumaha, kuwa la mid ah ama ka liita Nuuradiin Diiriye.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

19 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s