Heesta; Cayn ba cayn!

~~~~~~~~~~~~~~~~~

Hadduu is casilo
Ama la casilo
Ceebtu may hari?!

Camal xumadii
Caqli yardii
Cisi li’idii
Lagu caan baxay
Caalamkoo dhami
Nagu Caayeen
Ceebtu may hari?!

Caro weyn iyo
Ciil laxaadsaday
Car sida yeel
Cirka soo dumi
Kala carar iyo
Caabuq aan go’in
Ceebtu may hari?!

Horta yaa cola
Cadaw noo ah
Cududda na jaray
Ciidda naga dhacay
Baddannada caba?!

Haddaan maancelin
Haddaan cilmi celin
Haddaan xeercelin
Caymo may gali?

Carruuraha yari
Caweyskoodey
Ku ciyaaraan
Cirroolaha weyn
Markuu calaqtamo
Oo cargaagtamo
Ee Cibaariyo
Ceeba weyn falo
Wayla Caaqnimo
Calooshii la dheel
Ciilka kama koro
Caalle doqonihii
Ciidan laga waa!

Yaa cilaaq wada
Yaa cillado raba
Yaa caqabadoon
Cagta marinnaa?

Calanki lunyoo
Dalku ciiryoo
Dadku cabayee
Yaa citaabkood
Iyo caacdood
La calaacali?

Dhamamad.
16/11/2014

Bashiir M. Xersi 

Advertisements