Shariif iyo xasan; Labada dhammaad isu ekaa!

frf

Shariif iyo xasan; Labada dhammaad isu ekaa!

Nin dhabcaal ah ayaa waxaa u soo hoydey niman marti ah, markii ay qolqolka isa soo taageen ayay weydiiyeen; “Reerku waa reerma?” markaasaa loo sheegay magaciisa. Waa reer “Colhaye”. Nin odaya ayaa yiri; “War inta ay fiidka tahay aan iska gudno, ninkan anigaa aqaanoo waa marti bi’iyee”. Nimankii kale ku yiri; “U kaadi aan kula aragnee, durbaba ha noo dardaarwarine”. Waxoogaa ka dib, ayaa waxaa la arkay ninkii odayga ahaa oo neef sii jiidaya. Nin martidii ka mida ayaa yiri; “Sawtaa neefka laynoo loogey maaha, maxaad noogu deyrinaysay?”.

Ninkii odayga ahaa ayaa yiri; “Ima ahan” haddana mid kale ayaa yiri; “Sawtaa hilibkii karayo oo reerkii hawsha ku jiraan!” Ninkii Odayga ahaa ayaa yiri; “Iima ahan” Ninkii martida ahaa ee saddexaad ayaa yiri; “Sawkaa mudanahaan u soo hoyanney xeerada wan wayn ka soo sida” Ninkii Odayga ahaa ayaa mar kale yiri; “Iima ahan” ka dib ayaa  Colhaye markuu marayo ardaagii martida iyo guriga dhexdiisa uu kor u qayliyey, oo yiri; “Naa Racwiyeey, horta neefka caawa aan qalannayno waa dirma?” markaasay marwadiisii ugu jawaabtey, “Waa dir Daylocad” intuu xeeradii dib ugula laabtay ayuu yiri; “Waa hore ayaan ku xila furey inaan hilibkeeda ninna cunin!” Ninkii Odayga ahaa ayaa yiri; “Waa kaas waxaan idiin sheegayey”.

Hadda Soomaalidu waa tabtii. Sawtii wax la doortey maaha. Sawtii la heesay maaha. Sawtii lays aqoonsaday. Sawtii laamiyada la dhisay. Isma dhaanto iyo dhasheed. Adduunku wax waa noo qaban karaa, waana na garabgeli karaa, balse, xabaal iyo ninkeed loo kala tag,  waayoo, waa kuwama kuwa laga doonayo inay wax dhisaan ama waxa dhisan ilaashadaan?.

Waxaan uga socdaa arrinkaas aad ogaatide, qoraalka sii aqri. Aniga laba MADIIDIN iima kala roonee, adigu haddii aad midkood la jadbaysan tahay, iyadoo kuu gaar ah, ii oggoloow inaan aragtidayda kula wadaag, oo hadhaw ha i dhihin mid gaar ah ayaad xigsatay.

Mudane Xasan 3sano ee uu xilka hayo, wuxuu magacaabay 2RW mid 3na waa la filayaa, oo jidka ayuu ku soo jiraa, haddii aan si kale wax isu furin. Ka sokow taa, waxaa u dheeraa socdaal aan ujeed iyo ka jeed lahayn, marka laga reebo tamashle iyo dalxiis, maxaa yeelay, intii waddan ee uu tagay wali ma muuqato wax la taaban karo, oo naga soo gaaray, ewelba deeq ku nool ayaan ahayne.

Sidii xilka looga qaday mudane Saacid, ee loo magacaabay Cabdiwali, xukuumaddiisana uu u soo dhisay labada habeennimo xilli Soomaaliya laga hurdo, Xasanna ka maqnaa goobta, ayaa dad badan u fasirteen in la isku jujuubay, oo aan rabitaan iyo jirin raallinnimo, haddana, dhawaan ayaa Xasan caddeeyey inuu khilaaf kala dheexeyo Cabdiwali, ewelba la qarinayey. Waa meeshii gabadhu wiilka uga tiri; “Anigu ku sheegi maayee, shan bilood yey ku sheegin!”.

Ka hor, waxaa is casilay, ka dib markii mooshin laga geeyey Wasiirka Amniga Qaranka C/kariim Guuleed, oo saaxiib la ah Xasan, oo malaha Xasan iyo raggiisa u cuntami waysay,  balse, ay aqbaleen, dibse looga dhigay la taliyaha Xasan. Cabdiwali haddii ay si dhibyar ugu suuragashay inuu ka taqalluso garab ka mid ah garabyadii Xasan, ma deeqin mana ku fillaane, wuxuu u soo jeestay inuu siibo ama wareejiyo rukun ka mid ah rukummada Xasan ku taagan yahay ama duggaashado, oo isku shaandhayn aysan isla meeldhigin iskuna afgaran waa ka Cabdiwali ku sameeyey Golaha xumuumadda, Faarax C/qaadirna ka wareejiyey wasaaradda Dastuurka (DALTUURKA), ee u magacaabay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Halkaa laba qalad ayaa ka dhacay, oo uu galay Cabdiwali, kalana ah; (1) In Wasiir aan raalli ka ahayn uu wasaaraddiisa ka wareejiyey, isaga oon afti ka qaadin, weydiinna inuu ku qanacsan yahay iyo in kale. (2) Inuusan tixgalin siin kala duwanaashaha iyo kala fogaashaha u dhexeeya isaga iyo Xasan, oo dabcan uu mar walba uga baahan yahay inuu u saxiixo, si ay isku shaandhayntu u noqonto mid dastuuri ah.

Meel kale iyo mid kale ku eeg; adoo shirkad u shaqeeya, uuna jiro xubin kaa sarreeya, aadna doonayso inaad shaqo fuliso, go’aanna aad qaadato, adoo og in go’aankaa uu dhibsan doono, ama ka hor imaandoono masuulka kaa sarreeya ma u bareeri lahayd? Tallaabada Cabdi Wali waa taa oo kale, wixii intaa ka baxsan adaan kuu daayey iyo aragtidaada, balse, mid baan dhihi lahaa mudane Faarax, war haddii ay iyagu garan waayeen, bal adigu is garoama garo, oo adiga yey ku maran magac dhaanka jira. Xasanna waxaan dhihi lahaa, qof aad saaxiib tihiin yeysan kaala weynaan wixii dan ah, ee dadka ka dhexeeya. Cabdiwaliyooy adna waxba ha isku adkayn qalad aad gashee, bal dib isugu laabo.

Intaa ka dib, DALTUURKU wuxuu mar walba sabab u yahay qayb ka mid khilaafyada soo laalaabta, ee ka dhexdhasha madaxda dalka, oo ay masuul ka tahay qaabka xun ee uu u qoran yahay, masuuliyaddeeda ay qaadayaan qareennada wax ku soo bartay Talyaaniga, oo mar walba saamayn xooggan ku leh qoristiisa.

Dawladaha dunida ka jira waxay leeyihiin 3nidaam, oo kala ah; (1) Dawlad Baarlamaan sida Ingiriiska (1) Dawlad Madaxweyne, sida Maraykanka (1) Dawlad Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare sida Faransiiska. Balse, dunidu waxay u badan tahay labadan hore ee ah; “Madaxwnaha ama Ra’iisul Wasaaraha” oo midkood awoodda leeyahay, kan kalana uusan awood lahayn, balse, uu yahay xil maamuuseed ama sharafeed, balse,  Soomaaliya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha awood aan la kala garayn ayey leeyihiin, ee bal madaxweynayaashan eeg;
– Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha ayaa awoodda leh Madaxweynuhuna waa bilaa awood.
– Masar Madaxweynaha ayaa awood leh, Ra’iisul Wasaaruhu waa bilaa awood.
Haddaba, labadaa nidaam midkood, oo ay kala cad yihiin awoodaha labada masuul waa inaan mid qaadannaa, oo Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaaraha mid awoodda la siiyaa, si aan Khilaafka uga baxno. Maxaa yeelay, doontu laba naaquudiye ma yeelan karto. “Dherigii fara bataa waa FUUD xaraareeyaa!”.

DALTUURKU si rasmi ah uma kala qeexayo xadka awoodaha MW iyo RW, marka laga reebo meelo yar ma ahane. Tusaale, dhacdadan hadda taagan kuma qeexna mana ku cadda DALTUURKA yaa gar leh, yaase gardaran? Yaa qaldan yaase saxan? Marka la soo tago malayn iyo qiyaas ama filasho, maxaa yeelay, dhibku meesha uu ka jiro iyo qodobka maqani waa; haddii RW xil ka qaado wasiir, ama wasiir wasaarad kale u dhiibo, isaga oo aan la tashan ama la meeldhigin MW maxaa laga yeelayaa? Si kale u dhig; Muxuu DALTUURKU ka qabaa in RW uu xil ka qaado wasiir ama uu isku shaandheeyo wasiirro isaga oon la tashan MW ama aysan isku afgaran? Warcelinta lagu kala duwan, hadba sida loola kala safan yahay labada mudane, ee aan halkaa uga haro.

Halkaa markii ay marayso, ayaa waxaa Xasan soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in Cabdiwali uu garabmaray DALTUURKA, sidaa awgeed, aysan waxba ka jirin isku shaandhaynta uu sameeyey, isagoo faray wasiirrada inay shaqadooda si caadi ah u wataan. Qaybta dambe ee warsaxaafadeedka Xasan waa ku talaxtagay, maxaa yeelay, amarka caynkaa ah waxay u taal RW, oo isagu madax ka ah golaha fulinta, balse, doodda ayaa ah, isagu waa madaxa ugu sarreeya ee dawladda, sidaa awgeed, waa inuu dhawraa dastuurka. Labadaa aragti ayaa isku laban, ee adigu kala saar.

Hal iyo hal, laba tallaabo oo lid isku ah iyagoo kala maraya, ayaa waxaa ku soo biiray NACDOON Key oo isna soo saaray warsaxaafadeed nuxurkiisu ahaa; Xildhibaannada Soomaaliyeed waxay wadaan qorshe ay ku ridayaan Xukuumadda, iyaga oo laaluush qaadanaya, taasoo hiigsiga 2016ka mugdi galinaysa! Dad badan waxay qabaan xafiiska QM ee Soomaaliya, inuu iska maamusho mudane lagu sheegay Nuuradiin Diiriye, maxaa yeelay, warsaaaxafadeedkan markii la soo saarayey NACDOON Key ma joogin dalka, oo wuxuu ku maqnaa dalkiisa Ingriis.

Intaa ka dib, ayaa Xasan warsaxaafadeed ka soo daba saaray NACDOON Key, aan ku soo koobi karo; in la xaqdhowro madaxbannaanida Soomaaliya, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah.

Laba macangag iyo laba ma quuste iga dheh, ee mid walba isla qumman yahay, dad u qaylshana helaya. Hadalka NACDOON Key marka laga reebo xumaha uu yeelan karo  iyo ujeedka qalloocan ee uu ka daaban yahay, haddana, waxaan qabaa inuu cabbiray aragti Soomaalida oo dhan ay wada qabaan, waxaanse marna laga fursanayn, in la isweydiiyaa Horta Soomaaliya ma xor baa mise maxmiyad ayey ku jirtaa? Maxaa yeelay, NACDOON Key isagu uma taagna, shaqana kuma lahan dabagalka, soo qabashada iyo maxkamadaynta; qofka, qolada iyo qabiilka laaluushka baxsha ama qaate, ee waxay ahayd inuu shaqadiisa ku ekaado, ma se dhicin, sida aysan u dhicin inuu kala garto inuu ergay yahay ee uusan madax ahayn.

Mar kale, Xasan iyo NACDOON Key hadday hal iyo hal kala joogaan, ayaa sida dabiiciga ah, fadhiga baarlamaanku ku qabsoomo ee ah; SOO JEEDIN ama MOOSHIN la madlay. Waxaa la geeyey baarlamaanka mooshin ka dhan ah Cabdiwali, oo ay saxiixeen 140 ku dhawaad mudane, balse, laba mar oo la isku dayey in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda Cabdiwali ma dhicin, maxaa yeelay, labadii marba waxaa buuq iyo qalalaase ka aaburay koox taageersan Cabdiwali, oo sidaa labadii kolba ku baaqday kal fadhigii.

Haddaba, is weydii; NACDOON Key maxaa u diiday inuu warsaxaafadeed ka soo saaro toboneeyo qof oo carqaladaynaya kal fadhiga baarlamaanka, ee waafaqsan xeer hoosaadkooda? Waxaad ku jawaabi doontaa laaluush ayaa la baxshay, oo haddaa yaa moog? Teeda kale, mudanaha diiddan mooshinka, yaa og inuusan laaluush ku iman markii la magacaabayey? Yaa og inuusan laaluush qaadan markanna? Waxay ka dhigan tahay; xaaraan ayaa xalaal xaraar ku dhexjirta leh xaaraan ayaad tahay! Waxaan uga jeedaa; mudane markii hore laalulus ku yimid, ee diiddan fadhi waafqsan xeer hoosaadka baarlamaanka, isagoo ku doodaya laaluush ayaa la baxshay!

Waxaan la yaabaa, qofka la yaabban XILDHAAN laaluush ku yimid, ee laaluush qaadanaya! Waxaa ka sii yaab badan mudane ama marwo xiganaya ama daliishanaya laaluush qaate laaluush ku yimid, ee dacaayadaynaya mid la mid ah oo laaluush qaadanaya!

Laaluush ma ceeb baa?
Ma lur baa ma cudur baa?
Ma col iyo luggooyaa?
Mise calaf ladnaan iyo
Waa Lillaahi camal wacan?

Sida muuqata Cabdiwali sahal inuu ku tago diyaar uma ahan, oo mooshin laba mar laga geeyey golaha XILDHAANNADA waa la bannaday ama la arbushay, dabcan inuu wax ka ogaa ama wax ka soo maleegayna u badi, haddana, falalkaasi ma ahan mana mudna in la dhaleeceeyo ama la canbaareeyo, oo NACDOON Key wuu ka gaabsaday, kana aamusay.

Halkaa markii ay maraysay ayaa waxaa 14 ka mid ah golihiisa u soo jeediyeen inuu iscasilo haddii kale ay iyagu is casili doonaan. Cabdiwali mudanayaashaa waa ka dhaga furtaystay, oo wuxuu hadal ku yiri; shaqadu ha socoto, mudanihii is casilayana waan soo dhawaynayaa. Haddaba, haddii la dhihi jiray; “Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o” ama; “Meel waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa” maxaa labada mudane midkood u diiday inuu garto inuusan ka garabshaqayn karin kan kale, sidaa awgeed, uu banneeyo jagada, sidaana aan uga NASANNO, naftiisuna u NASATO, kan ay is fahmi waayeenna uga NASTO. Hadda, isagu waa walwal iyo walbahaar ku joog, ugama jeedo cabsi iyo baqdin uu gacan kale ka baqayo, ee waxaa hortaagan weydiinta ah; xaggee ku dhamman doontaa? Ma kula gaddoomi doontaa, mise?.

Inta aanan xirin labada ma quuste ama macangag, aan iraahdo; “Ha tago ama ha la tuuro ama ha taagnaado waa tu isaga u taal!

Taariikhdu way is qortaa, dibna u soo laabataa mar iyo ka badan. Ma xasuusataan markii mudane Shariif, oo hadda sidii Qabri Awliyo hadba magaalada uu tago loogu booqanayo, lana leeyahay;

Shiikh Awliyaad tahay

Sharti kii xijaabiyo

Shafeeceenna baad tahay

Waddanigii shalaad tahay

Iyo shire bil khayr wada!

Waxaan la yaabaa, dadkaa maalin walba u taga Shariif, maxaa looga waayey hal qof oo ku yiraa; “ebtelooyinkii na soo maray mid ka mid ah ayaad tahay, haddaad na dhaaftayna, dib kuu raadsan maynno, ee adigu ha na soo gooban!”.

Ma xasuusataan markii mudane Shariif uu ahaa MW ee sammigii Shariif laga qaaday xilka guddoonka Baarlamaanka, inuusan aqoonsan, ee iyana inta ka dhaga furaysteen ay doorteed Madoobe Nuunoow, oo mar kale hadda kula loollamaya maamulka Baydhaba, maadaama Shariif uu isu doortay maamulka 3gobal, halka Madoobe Nuunow uu isu rabo madaxa 6da gobol?.

Xil ka qaadiddii Shariif Axmed, waxaa ka dhalatay in laba guddoomiye baarlamaanka dalku uu yeesho, oo midna Shariif Guddoomiye u ahaa, kan kalana Madoobe Nuunow u ahaa. Tiro ahaan waxaa badnaa kan Madoobe Nuunoow, haddana, awood iyo itaal kale ma lahayn, aan ka ahayn inay idaacadaha ka qayliyaan, oo Shariif, isaga oo xilka laga qaaday, ayuu si joogta ah uga qaybgali jiray shirarka looga arrinsanayo aayaha iyo arrimaha Soomaaliya, oo ay ugu muhimsanaayeen, wixii baas ee loogu jiray Road Map, ee LIXDII SAXAL wadeen.

Hadda waxaan ka baqayaa inay nagu soo food leedahay, maalmo ka horna asxaabta qaar waan la wadaagaye, in mar kale ay dhacdo si taa la mid ah. Run ahaan murankan wuxuu ku dhamman karaa; (1) In Cabdiwali la casilo. (2) Inuu is casilo (3) Ama meeldhexe la isugu yimaad, oo isku shaandhayn ballaaran la sameeyo. Ta u dambaysa, aad ayey u yartahay rajada laga qabo inay hirgasho.

Ta kale ee dhici karta waa in Xasan la casilo, ama uu iscasilo, balse, waa arrin aad u fog, oo kaliya iman karta marka miisaaniyaddu is badasho ama gacanta sarraysaa ay noqoto mid aysan ku jirin joogitaanka Xasan.

Dhibka meesha ka jiraa ee aan lagu baraarugsanayn waa in toboneeyo qof uu u afduubnaado Baarlamaanku, iyadoo ay dhici karto in Laaluush lagu andacoonayo! Oo haddaa yaan ku iman ama qaadan laaluush? Bal adba.

Haddii aan laga hortagin falkan kala qaybsanaanta ah waxaa laga yaabaa inay dhalato xaalad fawdo ah, oo malaha ahba sida Muqdisho lala rabo, oo ah in aan wax kala dhaqaaqin ama sidii maalmihii Shariif u dambaysay loo noqdo iyo laba maamul oo isku dhexjira, ama ba la laalo mid ka mid ah. Waana ta ugu daran, ee aan ka baqayo sida socota ama muuqatana, waa ba midda la qorsheeyey, si loo muujiyo in Muqdisho aysan mudnayn maqaamkaa ama dadka ka soo jeedaa aysan dawladnimo rabin! Oo hadda yaa qaska wada iyo fawdada ma reer Muqdisho mise? Waxaan maqli jiray “Carabi inta ku nabto ayey Nabiga kaaga hormartaa!” Maya “Halbaa geela cuntoo cabaadda”.

Khilaafyada dhexmara iyo is diidka siyaasi ku sheegga soomaaliyeed waxaa jirta arrimo dhawra oo sidan oo kale u dhacay. Arrin  caado curad ayaa ah in  hadba labada madane kii fudud la siiyo, JISCIN iyo waxoogaa gacan qabsi ah. Tusaale, marka aan leeyahay caado, ama habdhaqan, Soomaalidu haddii gabar la doonayo Sooryo ayey geeyaan. Odayaal aan sooryo wadin haddey gabar u gogol fariistaan, waa caado jebin iyo dhaqan aan hore loo arag, haddaba, hadda RWasaare aan jiscin iyo jeebgal la siin in iska tag la yiraa waa mid aan hore loo arage, ha loo sheego Xasan, maya, Faarax inay sagootiyaan Cabdiweli, Cabdiwelina ha loo sheego, inuu maro waddadii, Cumar Sharmarke, Farmaajo IKK. In kastoo nimanka gacan adayg lagu sheegayey, haddana, waa aragti furan, oo qiimayn u baahan.

Waxay ila tahay; waxaysan ahayn inay isla yihiin, annaguna aan la nahay waxa aan nahay, balse, anaga ay noo yihiin wax aysan ahayn, oo isku noqonaysa; wax aan wax ahayn, ee isu haysta inuu wax yahay, si uu wax ugu noqdo wax aan ahayn!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

4 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s