Gacantaad GABRE ku salaantay ha kaa GO’DO! Q2AAD

Gabre_Gacantii_Salaaantay_Somalia_Ethiopia_somalia_keydmedia_online-620x330

Gacantaad GABRE ku salaantay ha kaa GO’DO! Q2AAD

Shirkii Denmark dadka yimid waxay isugu jireen masuuliyeen ka socotay dawladda dhexe, maamulayaasha gobollada iyo maamul goboleedyada, ayna jireen dad kale oo shirka joogay, balse, ku yimid magacood shaqsiyeed iyo qofnimo, ee inuu siyaasadda u dhuun dalool keentay ama inuu xildoon ahaa, maadaama aan dhaqaale sidaa ah laga filayn kuwa Soomaaliya ka yimid.

gug

Intii aanba shirku billaaban ayaa waxay aragtay ayeeyo Gobaad sawir uu ka muuqdo qof ula ekaaday Gabre. Waa rumaysan waysay, oo indha gashina (ookiyaale) u xiratay, si ay hab wacan ugu aragto qofka sawirka ka muuqda. Cabbaar hadday eeg eegtay, ee ay leedahay waa isagii, maya, ma ahan, ee waa mid u eg, ayey waxay tustay wiil ay ayeeyo u tahay, oo ku tiri;

“Ayeeyo, kani Gabre miyaa mise waa mid u eg, waan kala saari waayee, waayeelnimo iyo duqnimaa ayaa i haysee ha ila yaabine?!” markaasuu wiilkii ku yiri;

“Ayeeyo macaan, waa Gabre. Waa isagii oo aan biyo is marin” una raacshay;

“Malaha markan waxaad la garan waysay ayeeyo, si fiican ayuu u soo labbistay, oo inta badan sawirradii aad hore u aragtay, ma lahayn qaab masuul iyo hannaan mudane, ee wuxuu u ekaa, sida sawirkiisuba muujinayo gaangistar, dad afduub iyo xoog ku haysta, micnaha qamarji!”.

Gebre3

Ayeeyo Gobaad waaga ayaa ku baryey, waxay ku noqotay ha ogaan ba lahaydaa. Qarracan iyo maroordillaac. Wiilkii ay ayeeyada u ahayd waa uu dareemay in ayeeyo si wax ka noqdeen, markaa ayuu isagoo ka niyad xun wajiga ayeeyadii ku yiri;

“Ayeeyo, ma dhib baa jira? Mise hadalkayga ayaa kula xumaaday?” Ayeeyo Gobaad cabbaar ayey ka aamusneed wiilkii, oo aysan u jawaabin. Haddii uusan ka helin warcelin, ayuu ku yiri;

“Ayeeyo na keen, aan soo luga baxsannee” isagoo is leh, hadday xoogaa hawo ah soo qaadato, laga yaabee, inay illowdo ama ka khafiifo xaalkan ay hadda ku jirto, balse, uma suuragalin, oo ayeeyadii ayaa ku tiri;

“Ayeeyo, horta bannaanka waanba aadi, balse, isma raacaynno, ee hawlahaaga kale iska qabso duca qabe.”

Isla markii ayey Ayeeyo Gobaad labbis isku boobtay ay magalada ku aaddo, si degdeg ahna uga baxday gurigii, oo abbaartay hotelka shirka lagu qabanayo, ee ay deggan yihiin martida soomaalida iyo shisheeyaha isugu jirtaba, iyadoo gacanta ku sidata dhawr xaashi ama warqad oo ay ku daabac yihiin sawirradii ay Faysbuugga ku aragtay.

dese

Waxay qabatay saddax mudane oo sawirro la galay Gabre oo soo dhigay barta ay ku leeyihiin Faysbuugga. Waa saddax mudane oo ay wada taqaan, dhammaantoodna ay dhali karto, kana aqoon badan tahay.

Marka laga soo tago in saddaxda mudane isu haystaan hal aqoon iyo hurmuud ummadeed, haddana, saddaxba waxaa dhib ka soo gaaray xasuuqii Xabashida iyo xeerteedu ka gaysteen Muqdhisho iyo koofurta dalka, maadaama ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah qaraabadooda, oo aan waxba galabsan, oo waalid, walaal iyo u ahaa xigtaba.

Mid mid ayey u raadisay ayeeyo Gobaad, maadaama aysan si wadar ah u heli karin, oo lagana yaabo inaysan is aqoon, sidaa ayey u doorbidday inay mid walba hordhigto sawirka ay sidato, ee u daabacan, weydiisana;

“Sawirkan ma adigaa?” si aysan qalad iyo ugu dhicin qatif, maxaa yeelay, marar badan sawirrada waa la fabrikeeyaa, oo la isku dhadhajiyaa, la iskuna kabaa sawirro aan shuqul isku lahayn, oo dacaayad ama dan gaar ah laga leeyahay.

Ayaandarro, mid walba wuxuu qirtay inuu sawirku sax yahay, labada qof ee sawirka ku jirana ay kala yihiin isaga iyo Gabre. Sey markaa weydiisaa;

Gabre ma is taqaanniin shaqsi ahaan? Mise u leedahay aqoon guud?” warcelinta hore dhammaan waxay noqotay maya, halka tan dambe ay eheed, haa, oo waa kii iyo kii ayaa lagu soo koobay hadalkii. Markaa ayey mid waGebre1 - Copylba weydiisay;

“Saw ma ogid inuu yahay kii dilay, ehelkaaga iyo dadkaaga, xasuuqna ka gaystay dalkaaga?” middan ayaa aad loogu kala aragti duwanaa, oo mid walba la yimid aragtiyo jaban oo uu isku difaacayey, halka ayeeyo Gobaad mar walba ay hordhigaysay xasuuqa lixaadkiisa, aafadii ka dhalatay iyo inay ka mid ahaayeen dad kuwii iyaga u xigay kuwii wax ku noqday, haddii ay dad jacli iyo dadnimo leeyihiine, balse, mar walba ayeeyo Gobaad jawaab waafi ah kama helayn, iyana hadalka waxay ugu soo xiraysay, oraahdan ah; “Gacantaad GABRE ku salaantay ha kaa GO’DO!” iyadoo u raacinaysa;

“Habaar ha iiga qaadan, anigu dadka ma habaaro, adna inaan ku habaaro ma rabo, balse, waa hab dhihid hadal afka ku jirtee”.

Ayeeyo Gobaad mar walba waxay is weydiisaa; ma jiraa heshiis ay wada galeen Itoobiya iyo Soomaaliya? Ma la helayaa meel ay ku qiratay Itoobiya inay dambi iyo gef naga gashay? Ma yeeli doontaa Itoobiya in ay magdhaw bixiso? Itoobiya ma yeeli doontaa inay raalligelin ka bixiso xasuuqii ay ka geysatey dalkeenna? Haddana, hal warcelin iyo uma hesho iyo jawaab ay ku qanacdo.

Haddii Gabre uu ahaan lahaa; Gen. Caydiid,  Gen. Morgan, Kornel Cabdullaahi Yuusuf,  Gen. Gabyoow IKK, qabqayblayaashii; Caato, Shaati Guduud, Xaabsade, Muuse Suudi, Qanyare, Qaybdiid IKK, wadaaddadii waallidu wadday; Shaariif, Cayroow, Xasan Turki, Amxmed Madoobe, Indha Cadde, Godane, Rooboow, Shangole, IKK, beelaha wax tabtaa sida ay ugu laab furan yihiin Gabre ma ugu laab furnaan lahaayeen?!dese

Inaga oo og in cadaawadda aynu isu qabnaa gaartey heerka ugu xumaa ee ah Sinji naca qof aan waxba kuu geysan beesha uu ka soo jeedo darteed iyo deegaankiisa,  maxaa sababay, inaynu jacayl iyo kalgacalkan xad dhaafka ah u qaadno Gabre iyo kan ah cadowgeenna rasmigaa weliba u kala dhuumanno?!

Ayeeyo Gobaad ayaa ku calaacashay, in ewel marka ay aqriso sooyaalka Andalus, ay oran jirey;

“Dadkaasi ma qalbigey la’aayeen laysu adeegsaday ee walaalaha ahaa?” waxaase  hadda cimrigeedu gaarsiiyey inay aragto ummaddeeda oo ka hoosaysa Andulus. Dib dambe ayey ka soo xasuusatay gabaygii Abwaan Salaan Carrabeey, ee ahaa;

“Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane

Dhadhan malaha Aadmigu wuxuu, kugu dhaliilaaye

Nin dharbaaxo quureed dugsaday, dhaqayadeed maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide!”

 

Fisha qaybta xigta ee qormada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

6 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s