Cabdi Waliyoow; Orod Cirka gal!

Cabdiweli_Xildhibaan_RW_Somalia_Keydmedia_Online-620x330

Cabdi Waliyoow; Orod Cirka gal!

Dad badan oo qabyaaladdu madaxmartay, qabiilkuna ILAAH u yahay ama kuwa la marin habaabiyey, marka ay OSBAARO maqlaan waxay la abbaaraan labaatan jir aan waligii dawlad, maamul, nidaam, kala dambayn iyo arag hannaan marayn, balse, waxay mar walba ka indha saabtaan ama laga indha tiraa kuwa aqoonta iyo cilmiga sheegta ama lagu sheego, ee had iyo jeer ISBAARADU u taal.

Ani ahaan ISBAARO waxaan u aqaan kuwa aqoonta sheegta midda ay dhigtaan, oo dhallinta tooda waxaan ka soo qaadayaa; “Labaatan jir, intii uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa!” haddiina ay u dheer tahay dhaqan la korkiisii oo ahaa mid fawda iyo ha yaacdo ahaa ama maadigaa yiri, waa ka sii ahmiyad leedahay in loo gaarabo ama la difaaco.

Waxaa la yiri; “Waxaan ku hurayn waa la harrakeeyaa” sida uu dhaqmay Cabdi Wali marka laga soo tago maamul xumadiisii, oo ay la wadaageen kuwii ka horreeyey ayna la wadaagi doonaan kuwa ka dambayn doonaa, haddii ay is qabteen Xasan sida uu u dhaqmay waxay ahayd mid anigu aan ku tilmaamay ISBAARO ku tilmaami karo, waliba ISBAARADA ayaa kale ahe, xarumaha dawladda kuwooda ugu madaxa bannaan, ee sharcidejinta ah.

CabdiWali malaha isma lahayn, mise laguma dhihin waxaa ku sugaya dhammaadkii Cali Galayr, Maxamed Cadi Yuusuf, Xasan Abshir, Cali Geeddi, Nuur Cadde, C/rashiid Sharmakre, Maxamad Formaajo, Saacid iyo kan/kuwa kaa dambeyn doona  wadiiqada sigaysa? Malaha isaga waa u muuqatoo sidaa dabbaal uma ahan umana garaadyaree, qoob ka ciyaarka dadka qaarkiis ayaa qalday, oo uu ugu horreeyo NACDOON KEY, iyo warsaxaafadiidkiisii uu xildhaannada ku sheegay inay laaluush qaataa, balse, isma oge NACDOON KEY, laamaha laaluushka baxsha saw isagu kow kama ahan? Waxaa igu maqaal ah in la eryi rabo, ee Allaw may run noqoto, aan ka nasannee!

Sidii Bisaddii wuxuu isku dhajiyo kursigaba, ama xabag iyo koollo dhar qabsatay oo kale, markii dambe waa kaas qaaday toobiyihii u muuqday ama iska muuqdayba. La ye; “Qabri iyo in loo wado lama kala qariyo” haddana, Cabdi Wali marar badan ayuu dalbaday ama damcay in laga qariyo aayatiinkiisa iyo waxa sugaya, taasoo uusan wax ka duwan sii diyaarsan iyo god kale oo uu ka galo. Mar kale la ye; “Bakayle, isagoo bur saaran ayuu bur kale sii daydaydaa!” sida muuqatana, Bakaylahaa dad badan dhaama!

Dhaqan siyaasadeed xumeedka wuxuu ani ahaan iigala wadaagaa kuwii xerada xaaraanta uga horreeyey, waxaana la wadaagi doonaa kuwa isaga ka dambayn doonaa, ee bilaha dhimman sii hagi doona halaagga iyo kuwa iman doonaa ka dib riwaayadda hiigsiga 2016, balse, isagu wuxuu dheeraa far iyo bar, oo mar eheed kursiga uu ka dul xargagay, eeba la kala garan waayey inuu ku dulsuuxay iyo inuu ku dul bururay! Tan kale, waa saxiixyadii iyo wareegtooyinkiisii la yaabka lahaa, ee ay ugu xumeed, uguna liidatay, wixii uu u soo xarxarriiqay sammigii Cabdi Wali, hoggaanka beesha Bare, ee dawladda la baxday!

Mar haddii ISBAARADII la qaaday, ee isagii la buriyey, maadaama uu iskaraamo tiray, anigu waan soo dhawaynayaa, oo ka Bashiir ahaan, ISBADDAL walba waan daneeyaa, aadna u xiiseeyaa, maxa yeelay, sabsablaha Soomaaliga ah, waxaa habboon inuusan kursiga ku dul xididaysan, haddii kale, hadhaw lagama fujin karo, oo Cabdi Waiba tusaale ha kuu ahaado. Sidoo kale, hantida uu lunsanayo haddii hore laga hantaatiqiyo way ka yaraan kartaa marka uu sanado joogo midda uu dhici lahaa, dabcan Xasan ba waa la mid, ee ha moodin, inuu Wali yahay, ama aan kala jeclahay, ee kaliya, berga waa Cabdiwali, ee maalinta Xasnan sugo, adoon dhararsan.

Anigu haddii maalin walba RW cusub la magaabo, waxaan dhihi lahaa; waa sidaan rabnay, maxaa yeelay, adigu tuug aad ogtahay inuusan dan kuu wadin, maxaa kaa galay, haddii la casilo ama uu is casilo maalin gudaheed, kaaga darane, aad siiba ogtahay, in kan xigaana inuu tuug kale yahay, ee uusan ka khayr roonayn? Waa HA DHAQLAYSO, eray kale uma hayo anigu, laga yaabee adigu (aqriste), inaad erayga macne caay ah u taqaan, anigu maya, marka ha igula yaabin.

Xalka mar walba oo MW iyo RW isqabtaan waa laba, mid saddexeeyaana ma jirin, oo kala ah;

(1) In KIISH LAALUUSH ah loo xaabiyo hadba kan baxaya (2) In uu Golaha Wasiirrada cusub ku yeesho magacyo dhsawr ah. Cabdiwali cilladda qabsatay curud kuma ahayn, haddana, caado soo jireen ah ayuu isku dayey inuu ciribta ku dhufto, balse, markii dambe la caarisay, oo isagoo cayrisaye, ee Cabdiwali; orod cirka gal dhaha! Horta, ma caqlixumo ayey ka ahayd? Ani ahaan maya. Haddaa maxaa qaaday, oo ka qaldamay?.

Haddii la dhihi jiray; “Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o” ama; “Meel waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa” maxaa Cabdiwali u diiday inuu garto inuusan ka garabshaqayn karin kan kale (Xasan), sidaa awgeed, uu banneeyo jagada, sidaana annaga noogu raaxeeyey, naftiisa ugu raaxeeyey, kan ay is fahmi waayeenna ugu raaxeeyo? Ogoow meesha kama marna labadan saree, oo mar walba waxay ahayd xal iyo xaalin, si uu kurisiga u banneeyee. Haddaan horeay u dhahay; “Ha tago ama ha la tuuro ama ha taagnaado waa tu isaga u taal!” aan maanta iraahdo; “Ha tagee, yuu u turay, si loo tebo!

Cabdiwali waxaa lagu xasuusan doonaa inta RW soomaaliyeed lagu xasuusto, ee leh; XIN, EEX, QABYAALAD, LAALUUSH, HANTI QARAN LUNSI, MAAMULXUMO, WAX IS DABA MARIN, SEDBURIN, NIN JECLAYSI, QARAABOKIIL, XAASIDNIMO, NACAYB IWM, balse, isaga waxaa u dheer, oo inta kale looga sooci doonaa waa; ISBAARO iyo ISKU DHAJIN KURSI!

Waxaa la yiraa; “Naag la furay fadhi uma yaal, kii furayna falkiisii ku laabay!” hadda, Cabdiwali fadhi uma yaal, oo waa inuu iska huleelaa, sidiisii horana noqdaa dibad wareeg, maadaama ayba tahay dhaqan iyo caadana kaba sii fiican, oo waxaa ku soo dhaweynaya, Geeddi, Shariif, Formaajo IKK. Waa halkii laga dhihi jiray; “Galbataye, nasiibkaa!”, si kale, udhigoo, waa; Cabdiwaliyow meeshaad doontid ku xiro, dhaaxaad madaxtooyo ku xiirataye!

Dhanka kale, Xasanna falkiisii ku laabayoo, waxaa sugaysa inuu mid kaloo jaan oon la jarribin la soo joocaarsado, waa maalin walba u taagnaaw dib u socodnimo iyo dibaadinnimo, haddana, kuwa samaynaya loo arko HALYEEYO QARAN! Allaw magantaa.

Waxay ila tahay; waxaysan ahayn inay isla yihiin, annaguna aan la nahay waxa aan nahay, balse, anaga ay noo yihiin wax aysan ahayn, oo isku noqonaysa; wax aan wax ahayn, ee isu haysta inuu wax yahay, si uu wax ugu noqdo wax aan ahayn!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

6 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s