Tanaasul mise Tatajis?!

Sharif & Sharmarke

Tanaasul mise Tatajis?!

Waxaa soo afjarmay khilaafkii u dhexeeyey labada masuul, ee ugu sarreeya dawladda muranka iyo mandhaafka. Khilaafkanoo daba dheeraa, soona jiitamay muddo fog, soona maray heerar kala geddisan, cirkana isku shareeray casilaaddii xilkas la’aanadeed ee Sh. Shariif ka dib. Tallaabadaa qaawan waxaa xigay dhufayso qodosho iyo aagag xirasho, gaashaanbuusi abuurasho iyo garab samaysasho. Khilaafkoo lixaad saday awgeed, wuxuuna murankii ku soo afmeermay iscasilaad! Inta aannan ku dheeraan falanqaynta wixii dhacay, ujeedku qormadu waa tilmaamidda: Tafaaruq ka dib ma Tanasul mise Tatajis?!

Khilaaf ismaandhaaf iyo kala aragti duwanaasho waa qodob ku daaban dabeecadda Aadanaha, lama huraan ah inay dhacdo waqtigeedana timaaddo, haddaba, ma ahan in kala duwanaashuhu noqondaan caqabad, ee waa inay noqdaan barkulan iyo biirin kobcisa, ayaan darraduse waa marka ay Soomaaliya ka noqotay gooniyeyn gaaryeelid iyo gabagabayn, taasoo u xuubsiibatay fara-kala-hadal dagaal iyo dirir, heer ay ka noqotay dhaqan iyo jaantus aan dhinacna loo dhaafi karin. Haddaba, miyeysan habboonayn inaan ubadkeenna ka ilaalinno dhaqanxumadan laga dhigay hiddaha sare?!

Khilaaf iyo muran nigaxan, horey noo soo ragaadsheen, horseedeen burburkii dawladdii dhexe ee dalka, haddii Siyaad Barre (Aabbaha burburka Soomaaliyeed) wadahadal la furi lahaa jabhadii hubaysnaa, hubaal inaan maanta xaalku sidaan ahaadeen!

Eeg sallaanka silaca sida loogu dhaadhacay. Caydiid iyo Cali Mahdi oo sabab u ahaa burburka Muqdisho. C/Qaasim iyo Cali Galayr oo madax ka ahaa dawladdii Carta, C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi oo madax ka ahaa dawladdii Empagathi. C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo iyana madax ka ahaa isla dawladda Empagathi. Maanta waa Sh. Shariif iyo Sharmarke, waxaa intaa garab socda mar walba khilaaf hoosaadka qolo walba ka dhex taagan.

Iscasilaadda Sharmarke waxay timid xilli khilaafku gaaray marxaladdiisii ugu adkaa, awood kasta la isu adeegsaday, nin walbana kaashaday gaashaanbuurtiisa iyo gacalladiisa. Iscasilaaddoo qaboojisay jawigii kacsanaa, inta aannan ku sii dheeraan balaan wax ka tilmaamno qodobbada la isku mari waayey, ama muranka xooggiisu ku qotomo, waxaana ugu muhimsan qodobbadan kala ah:

-Awoodqeybsiga: ugu horrayn awood qaybsiga dawladda wuxuu ku qotamaa 4.5(afar iyo bar) abuurkii nidaamkii Carta lagu soo qoofalay! Labada madax mid ka mid ah wuxuu ku yimid doorasho iyo codayn, halka kan kale ku yimid xulasho iyo magacdhabid. Kan hore waa Sh. Shariife markuu laba sano da’yar iyo dhallinyaro badani u qurbexeen Aayadihii iyo eraydii Jihaadka ee afkiisa ka fanfaniiyey ayuu u leexday dhanka wada hadalka, tallaabo wacan.

Doorashadii dhacday ayuuna ku soo baxay loona caleemo saaray madaxweyne qaran. Dunidu waxay islahayd madaama uu wadaad qunyar socod ah yahay, wuxuu idinka caawin doonaa inuu soo xeragaliyo kuwa kale. Si kale, haddaan u dhahno waa maqaal dabasho oo dunidu ku ugaarsato!

Awoodqaybsiga isaga oo markii horaba ahaa gaboodfal, axdixumo iyo garsoon laalan, ayaan haddana, isagii laga dhabayn. Ninkii markii horaba ku raalli noqday inuu wax ku qaybsado guddoon qalloocan iyo gar eexeed, waa hubaal inuu isna meel ka sii fog ka miisayo, kuma darin qofkii u galay wax sax, toosi iyo caymi inta la badbaadin karo, tanise waa mid aad u yar oon dhihi karo lagama helayo dadka hadda ka dhexmuuqda xarigjiidka iyo kuwa gaadiidka u ah (caadaqaatayaasha)!

Khilaafka awoodqaybsiga laba midba wuu noqon karaa, mid shakhsiyadeed oo u dhexeeya labadooda oo qura. Kan wuxuu ku ligan yahay maamulka, talada, aragtida, hagidda iyo jihaynta, nin walbana doonayo in dhabbaha dhafarkiisa iyo riyo dhalanteedkiisa la qaado. Si kooban haddaan u dhahno waa qabqab dhaafay iyo qummane aan qaldamin!

Tan kale, waxay tahay, awoodda dhaqaale, waana midda aan ku faahfaahin doonno qodobka foodda nagu soo haya. Khilaafka kale waxaa ku lug leh beelaha ay ka soo kala jeedaan, oo beel walba doonayso inay dalka ku hagto hannaanka ay jeceshahay hantidiisana dafalaqsato!

Khilaafku caadi ahaan labadaa ayuu ku ifbaxaa, waxaase ku dhexjira qolooyin dawarsato ah, oo aan lahayn xeer iyo soohdin. Siyaasaddu dhaqan ahaan wey leedahay ururaysi iyo kooxaysi, balse, meesha waxa ka socda middan ma ahan. Waxaad arkaysaa laba maanta wada qaylinasa, meel qurana ka soo wada jeedda, berrina ninba meel ka qalaadayo, afxumo iyo aflagaaddana u dheer tahay. Kuwani waa inta badan siyaasi isku sheegyada Soomaalida, maxaa yeelay, way adagtahay in la helo midaan jirjirroole ahayn ama aan maalinba qolo la qadayn!

– Dhaqaalaha iyo maaliyadda: Xubintan waa xubinta ugu culus, dhalisayna muran xoog leh iyo isqabqabsi ballaaran, maxaa yeelay, nin walbaa –ma ahan kaligoode- wuxuu wataa qandi maran, uu doonayo inuu buux dhaafsho. Ila xasuustii khilaafkii ugu horreeyey labada Shariif, wuxuu ka unkaday beeso iyo baalweyn, sidii ay u kala durgeenna wali wey u kala fog yihiin, maanta isla khilaafkii oo kale, wuxuu dhexmarey Sh. Shariif iyo Sharmarke, malaha Shariif wuxuu islahaa wadaadka Tusbaxa iyo Koofida aad wadagtaan wax waad qaybsan kartaan, ee isaga soo dhaweyso? Walow ay mudda isla soo jabhadeeyeen, haddana, meel cidla ah ayaa xarigga loogu jaray.

Hunguri waa kan kala geeya ama mideeya dadka, halxiraalihii Wiilwaal waa tuu ragga ku yiri: waxaad ii sheegtaan cadka ragga xiriirsha? Ee gabadhu tiri waa: “Hunguriga!”, sidaa darteed, odayaasha madaxa aguugan, waxay ku hardamayaan lacagtii umadda loogu deeqay, nin walbaana doonayo inuu isagu inta badan cantuugo, ama ku gurto tarriiqadka muggiisa aan la garayn.

Maaliyad ama qarash waa hagaha umad dad iyo noole, la’aanteed wax kala soconaya ma jiraan. Waa fududaysada iyo hagaajisada hawlaha, nimankanse waxay ka joogsadeen dhanka ugu qalloocan ee ugu fooshaxun, maxaa yeelay, waxay ku soo koobeen dhaqdhaqaaqooda oo dhan siday jeebka u kuusan lahaayeen, inta kale waxba kama galin, xaalkoodana xil kama saarna, sidaana waxay ku yihiin madaxda umadda iyo muuqaalka la wada hiranayo, haba isku qabtaan dhaqaalee hadduu ku jiro mid dadka u danaynaya maxaa iga bi’ lahaa?.

-Dastuurka: qodobkan wuxuu gadaal kaga soo biiray khilaafka horay u jiray, wuxuu ku soo darsamay ka dibkii markii guddiga dastuurku soo bandhigeen nuqul qabyo ah, kaasoo laga muujiyey aragti dhinac ah, qodobbada qaarna xasaasiyad laga muujiyey, malaha waa in qof walba la raalli galiyo ama laga afti weydiiyo sida wax loo qorayo ama waxa la qorayo, heer lagu xukumay geeri isagoon (Dastuurka) wali nuurkaba arag, oodba mooddo dadka qaarkiis inay codka Alshabaab ku hadlayaan.

Khilaafka dastuurka sidoo kale kama ahan sharci yaqaannimo iyo xeer ilaaline, nin walbaa dhankiisa ayuu u jiidanaya, ama u faa’iidaynayaa kooxdiisa. Bal ila fiirsha Axdi qarameed iyo dastuur u baahan in afti loo qaado, muxuu xillgan ku mutay in dadka sanka laga galiyo? Heer dunida farriimo loo diro looga codsanayo in la taageero qorshahan, ama in la weydiisto in lagu qabto shirka ansixinta dastuurka Magaalada Garoowe. Waaba su’aale Garoowe saw ma ahan xarunta maamulka dadka Soomaaliyeed soo musaafurinaysa? Mise dharaar qura ayey isbadahsay? Malaha waxay fasiree hadalkii Faroolee ahaa: “Waan dhexdhexaadinaynnaa labada masuuul!”. “Tiisa Daryeela tu kale ku Daraa” la yiriye, Faroolow Puntland maalintaad timid ayey burbrurtee, bal horta hagaaji hoggaanka laguu dhiibay.

Dhanka kale, maxaa loo halgaadayaa ib u bixinta iyo in la sii qaabeeyo hannaan dastuur, maanta iyo berriba aan la dhaqan galin doonin? Saw ma habboona in la sii dhibceeyo xeerka la yeelan doono, mise mar hadduusan u danaynayn qolodayda (Beeshayda, Ururkayga) waa in lugta lagu dhuftaa?

Waxaan filaa inaan taas qaraarkeeda soo dhadhaminnee, maa laga waantoobo in wali jidkeeda lagu sii qoodeeyo? Dalku dastuurr wuu u baahan yahay, balse, waxa ka horreeya nabad nidaam iyo kala dambayn, iyada oon la hirgalin dastuur waxa afti loogu qaadaa waa sadbursi qarsoon iyo wax lala hulluban yahay. Dhanka kale, in la diido aragti kasta oo aan kugu daabacnayn waliba la seefsaaro, waa dabeecad gurrcan oo u baahan badal iyo rogid!

Wuxuu ku soo afjarmay murankii iscasilaad, jawiga ay ka dhacday farxadi  haraysay kana muuqatay wajiyada labada masuul. Mahdin iyo murti ayaa la ishdaafsaday, ammaan iyo tookh ayaa la is huwiyey. Qof walibana hawada lagu guddoon siiyey billadda waddaniyadda iyo xilgudashada, mudnaanta sharafta iyo muunadda magac wanaagga. Maba ahan nimankii shalay kala aamusnaa, salaanta isla garab marayey, heer aan la isla hadlin judhu’na la isu dhihin la isna bariidin “Maxaad Qabtaa Qalbigey Qaboojisaa!?” arrintaanoo kuu muujineeysa heerka uu gaarsiisnaa ismaandhaafka, khilaafka xooggiisa iyo inta baaxaddiisu la ekaa ama xididadiisu duug naayeen.

Khilaafku markii hore wuu qaraaraa, midkoodna waxba ma reeban, wuxuu maray waddo walbuu uga taqalusi karo kan kale, dagaal afeed (warbaahinta) aan daboolnayn, dacaayad aan dabac iyo damqasho lahayn, ayna garab socoto nin walba inuu dunida uga dawarsado inuu daacad u yahay, malaha adduunka ayey wax u qabanayaan ama doortay?  Waxaan wali jawaab u la’ahay ciilkii ragaadey ee shalay la isu qabay durbadiiba siduu isugu badalay laabfuran? Marka hore in la is xagxagto la is xaglo daaciyo, dabadeed xushmad beena la isu muujiyey miyaa xal la moodey?!

Tanaasul waa fal iyo samayn ka maqan dhaqankeenna. Waa wax ay aad u yartahay in laga helo qof Soomaali ah oo ku tilmaaman. Igama ahan inaan dadka dhan wada saarayo hal miisaan, balse, wali lama arag masuul xilkiisa u dhigay inuu wada shaqayn ka waayey jaallehiisa, ama uga tagay inuu xal u noqdo furaha khilaafka, ama uga tagay inuu badbaadsho dalka iyo dadka, uma uga tagay inuusan wax wanaajin karin, ama uga tagay inuusan ahal u hayan, ama uga tagay inay habboon tahay xilligaan in qof hebel hoggaansho IWM. Intaa iyo in kale oo aannaan sheegin intaba ma haynno, taasoo ka dhigan inaan nahay “MA TANAASULAYAAL!”.

Had iyo jeer marka la isqabto la ismaandhaafo, qodob xeer sharci iyo qaanuun la isku gaarmaro, waxaa tallaabada koobaad noqotaa, in qofka la gooyo, la gaarmaro aan waxba lagu darsan, lala wadaagin hadal, haasaawe, heello iyo hawl, taasoo ka dhigan: “Ila Maan-noqo ama iga Maan-noqo!”, haddaan si kale u dhahno waa: “Igu Milan ama Iga Miiran!”, oo ah runtii dhaqan aad u foolxun.

Wadaaddada waxaa lagu xantaa in qodobka “Bidcada” u adeegsadaan qofka aysan isku maanka ahayn ama iskhilaafaan, taasoo keenta in la fogeeyo, la gooyo, geeskana ciidda loo daro. Siyaasi sheegatadu ma halkaa ayey ka soo minguuriyeen, mise waa midda dhaqankeen soo tilmaamnay? Yaa garan!

Tanaasul waa tilmaam qaali ah, kaliya ay ku tilmaaman yihiin dadka dhaqanka sare haysta, islaweyn, naftooda qadariya, dhawra magacooda iyo maamuuskooda. Xoogaa waxaa laga yaabaa in la is yiraa waad ka badbadisay, haddaanan xadkeeda dhaafin, ama aananba meel kale loo dhigin. Maya, sidaa ma ahan. Ila eeg haddaad qof isqabataan, kala maan duwanaata ma waxaad noqon marya-ku-dhag mintid ah mise waxaad noqon maareeye mawqif leh, mabda’ iyo masalo xal ah marin? Haddii lagula garan waayo xalkaad waddo, ma mutaxane baad noqon mise mawqifkaaga waad ka laaban? Haddaad ka laabato waxaad ku tilmaaman tahay tilmaamaha hore.

Tanaasulku waa aas-aaska nolosha, la’aantiisa wax nuuxsanaya ma jiraan,. Meel gaaban aan idinkaga soo qabto. Si fiican bal u fiirso miilootanka samaafaraha (Traffic light), gaar ahaan kuwa ku yaalla wareegga (round), waa qeyb ka mid ah tanaasulka, maxaa yeelay, qofba wuxuu sugayaa maruu dhabbaha maro, haddii kale, waxaa jiq noqonaya socodka, taasoo fadhiisinaysa dhaqdhaqaaqii waddada iyo gaadiidka labadaba,. Qofbaa laga yaabaa inuu dhoho kan waa mid aan la dhaafi karin ganaax iyo ciqaabi daba taal. Runtaa, balse, waxaa ka muhimsan midka qofka niyaddiisa ka soo go’a ee aysan baqdinu wehlin.

Tanaasul waxaa inoo badalay TATAJIS. Marka xeero iyo fandhaal kala dhacaan ayaa mid walbaa wuxuu la soo cirrid weyn yahay: “WAAN ISCASILAA!”. Xasuuso Cali Maxamed Geeddi sandkii 2007-dii. C/laahi Yuusuf Axmed sanadkii 2008-ddii. Sh. Aadan Madoobe sanadkan 2010-ka. Ssidoo kale, Sharmarke oo ahaa masuulkii ugu dambeeyey ee maray waddadaa. M

Marka hore madax adayg marokudhagnimo iyo muran, xaalku markuu ku qaraaraado ama xil siyaasadeed lagu qanciyo, haddaan lacag faraqa looga buuxin, ayuu maaweelo casilaad madaxa nooga xanuujiyaa. Waaba yaabe, muxuusan shalay isucasilin? Mise wuxuu arkay daduu caqligooda ku ciyaari karo?!

Marka arrintu gaarto qasab iyo qoorqabad, ayuu wuxuu isku qariyaa qiiqa “TANAASULKA”. Runta aan ka sheegnoo dhahno “TABARDHIGIDDA” maxaa yeelay, hadday u dambayso hilin muran wuu ku sii haloolo lahaa, ee waxaa ka soo xirmay hudihii uu ku xaluulan jiray ama hogaggii uu gali jiray, isagu awalba magac iyo waji dan kama lahayene. Soomaalaay miyey habboon tahay inaan maalin walba been dhagaysanno? Kollay beenaalayaashu hubsade in loo dhaga nugul yahay, haddii kale, ma joogteeyeen mana ku celceliyeen!

 

Horrantii Sebtembar, 2010

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s