Mudane Erdoğan Mahadsanid

Mahdin

Mudane Erdoğan Mahadsanid

Murti baa leh: “Abaal raag rag baa leh” mid kalana waxay leedahay: “Ruuxii abaalgala waa loo gudaa” mid ka agdhaw ayaa tiraa: “Abaal qof galaa badan, qof gudaase yar” mid kale ayaa dhahda: “Abaal laawe waa Eebbe laawe!” Mid kalana waxay leedahay: “Abaal ha tirsan, haddaan laguu tirin”.

Soomaali ahaan, waxaa jirta laba eray oo dhihiddoodu nagu culus tahay, haddana, aan dhib iyo keenayn dhaliil, waana; MAHADSANID (Ka mahadcelin wanaag laguu sameeyey) iyo IGA RAALLI NOQO (Ka cudurdaarasho gef kaa dhacay iyo qalad aad gashay). Ma ahan inaysan dhaqan ahaan u jirin, ee waxaa belo ka taagan tahay sidii afka loo soo marsiin lahaa, bishimuhuna ugu kala qaadmi lahaayeen dhihiddooda. Ma cusla, ma adka, ma dhib badna, ma dheera, ma … ma… ma… haddana, nalaga keeni waa af iyo dhihid.

Isu mahadcelintu inay astaan ILBAXNIMO tahay ka sokow, haddana, waa tilmaam TOLNIMO iyo QARANNIMO, marka laga soo tago Aadamminada iyo Insaaniyadda ay ku daaban tahay, maxaa yeelay, waa summad uu SAN KU NEEFLE HADLUHU (dadka) isaga sooco inta kale ee noole ah, oo malaha dareen iyo isugu mahadcelisa ishaaro u gaar ah, oo aannaan anagu arag ama dareemin.

Inaad ii mahadceliso aniga waxay ii tahay dareensiin qaddarin, adna waxay kuu tahay muujin xilkasnimo, labadeennana waxay noo tahay astaan hormareed, oo ku dhisan istixgalin iyo xushmayn. Haddiise la waayo ama aysan horba u jirin waa, dibudhac, debaadinnimo iyo hooseyn ilbaxnimo, oo kuu muujinaysa, wali in la is gariifsan yahay ama aan la isu quurin in la isku qaabilo qalbi furan iyo qaabsan.

Haddaba, anoo iska billaabaya aniga Bashiira, oo ay igu dabajiraan in badan oo Soomaali ah, aan dhaho: “Mudane Erdoğan mahadsanid” kuna halqabsanaya gabaygii Abwaan Gabay Xaddi ku yiri:

Abaal bar ah abaal bur ah, abaal bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni.

 

Farriinta “Mudane Erdoğan mahadsanid” waxaan dirayaa anoo og inay jiraan kuwo dhibsanaya ama hoos ka gunuunacaya, maxaa yeelay, waxaa jira dad badan, oo wanaagga iyo hormarku u yihiin DHIMAAL iyo DHIBAAD.

Waxa loogu mahadcelinayo mudane Erdoğan maadaama la wada ogyahay, ma rabo inaan galo ama wax ka qoro, maxaa yeelay, inaan hore wax uga qoray ka sokow, haddana, waa: “War la qabaa xiiso ma leh!” iyo “Hadal badan haan ma buuxsho”.

 

“Mudanoow walaaloow

Erdoğan masuuloow

Naga mudatay anagee

Mahadsanid walaaloow”

Sidoo kale, marka mudane Erdoğan loo mahadcelinayo ama magaciisa kaliya la xusayo ma ahan mid isaga u gaar ah, ee waxaa la wadaaga dhammaan bulshada Turkida, oo aan la’aanteed Erdoğanna jireen madaxna noqdeen. Waana meesha laga yiraa: “Madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto” illeyn isagaa hoggaamiye u ehe.

Abwaanku waa kii lahaa:

Waxba yaanu xaalkay i marine, Xoolana i siine

Xaashaaye, ninkii LIBIN kaa XASDAA, Xumihi waa yaabe!

Mahdinta ka sokow, waxaa jira buuq badan iyo shaki la falgalay booqashada mudane Erdoğan uu ku tagay magaala madaxdeenna Muqdisho, oo siyaabo kala duwan u soo ifbaxday, qolo walbana dood gaar ah tebisay, haddana, aan isku dayo inaan u wada warceliyo, anoon qofna afqabanayn.

Dadkani waxay u kala baxaan saddax qolo, oo aan u kala hormarinayo sida ay u kala daran yihiin ama u kala sumaysan yihiin, waxayna kala yihiin:

1- SUNTA GALBEEDKA: Kooxdani, waa koox cabsan afkaarta reer Galbeedka, oo aragtida ay ku dhaliilsan yihiin mudane Erdoğan iyo imaatinkiisa Soomaaliya sabab uga dhigaya, waxyaabo ka dhacaya meelo ka baxan Soomaaliya. Xoogga dooddoodu waa; mudane Erdoğan wuxuu faraha kula jiraa colaadda iyo dagaallada ka holcaya BARIGA DHEXE, oo waliba ku eedeynaya, in mudane Erdoğan si toos ah u taageero qolylaha qoorgoynta iyo qalalaasaha ee DAACISH (ISIS) haddaba, kuwan waxaan weydiin lahaa: idinka maxaa idin ka galay waxa ka dhacaya BARIGA DHEXE, oo aadnaan uga hadlayn waxa ka dhacaya BARIGA AFRIKA? Ta kale, ka warrama haddii la idin yiraa: qolylaha iyo qalalaasaha qoorgoynta ee DAACISH (ISIS) waxaaba loo abuuray sidii loogu burburin lahaa xoogga soo ifbaxaya ee Turkiga? Saw ma ogid haddii aad dhanka shishe xaajada ka joogsato, in dhan ka sii fog laga joogsan karo? Ta kale, anaga (Soomaali ahaan) maxaa naga galay ama nooga xiran waxa ka dhacaya BARIGA DHEXE iyo belaayadiisa? Wixii isku raacdaysanaya anagoo ka xun dhibka soo gaaraya marrasta iyo danyarta, haddana, waa: “Laba QAAWAN isma qaaddo” ee saw ma habboona in BARIGEENNA aan ku ekaanno, oo aad nooga sheekaysaan?.

2- SUNTA QABIILKA: Qoladan waa kuwa qabiilku dullaystay, oo ADDOOMMO iyo u ah la haystaal, qabbir iyo ku guujiyey dabar, ayna adag tahay in laga furfuro. Qoladan dooddoodu waa; dhaqaalihii, mashaariicdii, bilcintii iyo wax walba oo hormar keeni kara, waxaa lagu koobay Muqdisho kaliya, oo gobollada iyo magaalooyinka kale waxba lagama siin, waliba hal qabiil oo kaliya ayaa ka faa’iidaysto ama looga faa’iideeyaa!

In illaa hadda mashaariicda ugu xooggan laga wado Muqdisho been ma ahan, balse, in mashaariicda kali lagu koobay ayaa ah mid xaqiiqada ka fog, oo ah hadal caadifadaysan. In qabiil gaar ah loogu faa’iidaynayana waaba ka sii fog tahay. Wedyiinta baa ah; qofka sidaa ku doodaahi ma yahay qof dawladnimo iyo raba qarannimo? Hadduu rabana, sidee u rabaa?!

Ta kale, dalka muraayaddiisu waa caasimadda, marka haddii dib u dhiska laga billaabo, maxaa ku jaban? Malaha dooddu waxay eheed, mudane Erdoğan muxuusan dawladdeenna, gobolkeenna iyo tuuladeenna u soo booqan? Maya, aan qurxiyo hadalkoo aan dhaho; mudane Erdoğan muxuusan beeshaanna u soo booqan? Yaab.

U fiirso, marka dawladi maalgalinayso dal kale, ee ay mashruuc dayn ama deeq ah ka fulinayso, waxaa isla meeldhiga labada dal, oo ka gaara go’aan midaysan goobta iyo meesha, haddaba, dawladdeennu waa mid beeleede, miyaan dawladda loogu jirin, maxaysan uga hadal marka go’aanka la wada gaarayey? Ka muhimsane, si deeqda caynkaa ah loo qaybsado, isaga (beeshiisu) ma oggoshahay in lala qaybsado canshuuraadka soo gala maamul beeleedkooda iyo guud ahaan kuwa kale ee dalka ka dhisan? Saw ma habboona sida aad u doonee deeqda in loo sinnaado, inaad u doonto in loo sinnaado in dawladda loo wada siiyo canshuuraadka qaybta ay ka mudan tahay?. Deeqda kula lihi dowladaay, duunyadeyda dowle ma leh.

Dadka sidan ku doodaya waxaa ka mida, kuwii hadda ka hor celiyey Markab deeq ah oo ay ku deeqday dawladda Turkigu, oo yiri; “nalagama tashan!” Oo haddii aad tii hore diidday, tan maxaad ka rabtaa, saw isku fillaasho ma muujin, maad ku socotid?.

Ta kale, haddiiba aad dawlad tahay ama gooni isu taagtay, adiga maxaa kaa galay, waxa Turkigu ugu deeqayo dawladda, oo aad ka madax bannaan tahay ama aad kula jirto jirto tartan iyo xagaldaacin joogta ah? Yaab anagaa aragnay!

3- SOOR IYO DHUUNI (DHAQAALE): Kuwan ayaa ugu aragti roon, iyaguna aragti fuunta ah, oo aan maangal iyo macquul ahayn ayey wadaan, maxaa yeelay, dooddoodu waa; Turkigu lacag ayey naga samaynayaan, oo beeso ayey naga abuuranayaan. Maya, waaba naga taajireen, boobna waaa nagu wadaan, oo diyaaradda kaliya ayaa halkii toddobaad naga faa’iidda ku dhawaad NUS MALYAN DOOLLAR!

Dugsiyada, macaahidda, xarumaha caafimaadka iyo meelaha kale ee ay fureen Turkidu waa meelo ay dhaqaalo ka soo wada galaan, marka anaga ma na gacan qabanayeen mise waxay noo soo doonteen hunguri iyo haruur? Waa weydiin meesha ku jirta, waliba mudan in la is weydiiyo, balse, meel kale aan ka tuso qoladan malaha lacagtu madax martay.

Dawladaha iyo Hay’adaha Soomaaliya taga waxay u kala baxaan saddax kala ah:

B- Kuwo Shilin keena, Boqol Shilinna qaata.

T- Kuwo Shilin iska daaye aan Gambo iyo Beesteen keenin, Shilimaadna qaata.

J- Kuwo Shillin iyo Suntii lagu dhiman lahaa keena, Shilimaadna qaata.

Haddaba aan is weydiinno: Turkidu saddaxdan key yihiin? Ani ahaan kan hore, oo inta ay noo qabteen qolo, qaran iyo qarammo noo qabatay ma jirtaa? Warcelintu waa maya. Nin maanka looga jiro ayaa la weydiiyey: Waxqabadka Turkiga ka warran? Markaa ayuu yiri: “Lacagtii Eebbe Turki noo dhiibay waa na soo gaarsiiyeene, tii reer Galbeedka iyo Carabta ayaa la musuqmaasuqey!”.

Ka kaalay taa. Inta aan Turkidu ka furin Ibitaallada Xamar, saw hore ugama furnayn bukaan socod eegtooyin, maxaa laga faa’iidi jiray? Baaritaan walba oo aad samayso, waxay jawaabtu noqonaysaa: waxaa ku haya; Tiifoow, Cagaarshaw, Duumo (Mallaariya), Isfiilito, Gooryaan (Jaarda Laambi), Hargab iwm! Ogsoonow, baaritaannada waxaa ku baxda lacag u dhiganta SHAN BOQOL DOLLAR, intaa waxaa dheer, in laguu qorayo dawo dhacday, kaniini suulkaaga ka weyn iyo sun cad!

Haddii qof ladan xanuun la soo gudboonaado ama xaalku darraado ee QAARAAN qaraabada laga soo aruursho, waxaa bukaanka loogu qaadi jiray Nayroobi ama  Dubaay, haddaba, aan is weydiinno; Isbitaallada Turkidu imisa ayey bukaanka ku baaraan? Waxay ku baaraan wax aan dhammayn KONTAN DOLLAR, oo si fiican iyo qalab casri ah lagugu baarayo, dhaqaatiir aqoon lehna ku daweynayaan, haddaba, maxaa naga maqan oo aan rabnaa?.

Hadda ka hor ayaa Marwo dhawr kol isaga daba laalaabatay Shaybaarro kala duwan, saa mar walba lagu yiraa GOORYAAN ayaad qabtaa, markii dambe ayey MUSHAARI ugu soo shubtay agabkii saxarada lagu qaadi lahaa. Haddii ay jawaabtii doonatay ayaa lagu yiri:

“Marwo GOORYAAN ayaa ku haya!” say inta KAB la dhacday ku tiri:

“MUSHAARI ma qabto GOORYAANE, hadda lacagtaydii i siiya!” Haddaba, haddii laga xoroobay ama laga raystay kuwii Mushaarida lahaa GOORYAAN ayey qabtaa iyo socdaal dibadda ah ee Nayroobi iyo Dubaay la aadi lahaa, maxaa la rabaa? Anigu run ahaan ma garan, ee yaa garan kara? Ogoow, halkaa lacag ka badan KUN DOLLAR ayaa baaqanaysee, oo diyaaradda iyo socdaalka ehe.

Kuwan dhaqaalaha ku doodaya ayaa leh, waxaan ku jirnaa; GUMAYSI DHAQAALE! War horta waligeenba miyaan XOR noqannay? Maalin waxaan GUMAYSI ugu jiray TALYAANI, oo boob iyo xoog ku qaatay laaluush iyo musuq wehliyo Beerihii dalka, haddana hor istaagay in dalka wax laga soo saaro. U fiirso; ma uusan maalgalin Taalyaanigu wax aan ahayn iskaashatadii SOMALI FRUIT, oo lagu beeri jiray MOOSKA kaliya, aanna loo oggolayn in geed kale lagu beero. Sabab? Bal adba garo.

Xilligii KACAANKII KADEEDKA iyo Siyaad Barre (ABBAHA BURBURKA SOOMAALIYA) waxaa GUMAYSI loogu jiray Midawga Soofiyeeti, oo dalka dhan, wixii mashaariic laga fuliyey dhammaan ama badi iyaga ayaa gacanta ku hayey, waxaa xigay Timirtii Tolka Carabta, ee laga dhaxlay qarax, qoorgoyn, miino iyo wadaad waalan, ee buuqan iyo baqbaqdan shaarka dhaqaale la huwinayaa armay dano kale ku duugan yihiin? Moogi.

Soomaalidu waxay la mid tahay GABAR MURDUQAN, oo  ban bannaan taagan iyo berrin maran, ee iyada oo dad badan daawanayaan, uu wiil barbaar ahi inta u soo dhawaaday isku dayey inuu maro saaro, ee inta af labadi yeertay tiri:

“Alla ba’ayeey, inuu u KUFSADO ayuu rabaa!” haddi waa markii uu damcay inuu u asturo cawrada iyo jirka ka qaawan, iyada oo la iska wada daawanayey. Halkii ay eheed inay u mahadceliso, oo waliba baalka ka gasho ama iyaduba galiso, waa taa sumcaddii iyo uga ciyaartay magacii, oo ka dhigtay wiil gabdhaha fara xumeeya, oo aan lahayn dadnimo iyo damiir damqada!

Sidoo kale, waxaa jira, dad ku dooda, muxuu Turkigu hadda noogu soo gurmanayaa, oo uusan mar hore noogu soo gudbin saacidaadda, uu hadda na siinaa? Micnaha waa la soo daaheen camal. Oo kaalay, adigu maxaad u dhiibatay oo ay kaala soo daaheen? Soomaalida ayaa tiraa: “Jinni looma labeensho!” tani waxay i soo xasuusiday Maxamuud Axmad NuurTarzan”, oo Dawladda Masar ku dhaliilay in Xasan Sheeq oo booqasho ku tagay ay deeq ahaan u siiyeen HAL MILYAN, oo yiri wax u dhigma; “In laga qaato ma ahayn!”.

Waxaa jirta qolo afraad, oo aan anigu ku aragti ahay, oo leh, war saacidaadda waxa wehliya dhaqan doorin iyo dhalanroge naga dhawra! Maxaa yeelay, suuragal ma ahan in had walba qolada noo timaad aan dhexgalno, ku milanno ama ay na dhalanrogto. Waxaan uga jeedaa marna ma ahan wax la aqbali karo xarun la dayactiray (horay u dhisneed), in magac TURKI loo baxsho, taa oo ka dhigan magac badal iyo dhalanrogid. Mar waa JOORJE (Taalyani), mar waa GARBAJOOF (Ruush), mar waa ABUU CUBAYD (Carab) maantana BAASHAA ayaan maraynnaa, ee berri maxaa xigi doona?! Bal adba.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s