Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa! Q3AAD

Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa! Q3AAD

Inta aan waraysigii billaaban, asii la isu diyaarshay, oo la is horfadhiyo, ayaa waxaa iridda ka soo galay, nin dheer oo madaw, oo maahsan, canka taqsiin ugu jirto, oo afku cagaaran yahay, oo leh:

“Waraa hee, waa ku sidee, saacad baa irridda nalagu celinayee, ma sidan baad rabtaa inaad kalsooni ku hesho, oo waliba uu Jaadkii igu bargo’ay?!” halkaa baa waxaa maslaxad iyo lagu galay baryid Xildhibaan, oo inta kun dollar oo kaash ah farta laga saaray, lagu yiri:

“Waan isu dambaynaynaa, ee canuggan aan iska diree, ii soo laabo, waxba naga hallaabi maayaanaa!” Xildhibaankii isagoo is caraysiinayaa, niyaddase ka qoslaya, ayuu kadinkii ka dagay. Dhibka jira, illinka baas lama xiri karo, oo meesha waxaa tuban Ugaandhiiskii AMISOM, oo ma ahan qol ama xafiis qof gaar ah leeyahay.

Waraysigii ayaa billow, oo ammaan iyo wuxuu afka saaray wariyihii nacamlayn, uu leeyahay:

“Marka hore waan kuu hambalyeynayaa, waxaad tahay shaqsi siyaasadda si fiican uga soo muuqday. Waxaa tahay qofkii ugu horreeyey ee xilka RW laba mar qabtay!”.

Aw Raage, ayaa ku yiri Guuleed;

“War wariye ku sheeggu badawsanaa, oo jaahilsanaa! Waa maxay sida iyo waxa uu ku hadlaa?” markaa ayaa Guuleed, oo aan da’ ahaan ka weynayn, balse, garaadkiisu iyo ogaalkiisu ka weyn yihiin da’diisa ugu sharraxay Aw Raage; in wariyuhu yahay nin aad uga damman Sooyaalka dhigan. Wuxuu ku gu’ iyo garaad yahay 1991kii, oo wuxuu u haystaa in wax walba ay billowdeen 1991kii iyo waxii ka dambeeyey. Xita haddaad weydiiso; “Goormaa  Soomaaliya  gobonnimada qaadatey?” Wuxuu ku sheegi 1990kii. Waa siday la tahaye, maba oga inay Soomaaliya jiraan rag dhawr jeer soo qabtay xilkan RW.

Dabadeed, waxaa la gudagalay weydiimihii, oo badankood noqday, sidii Digri Salaantii Dariiqooyinka oo kale, haddii aysan ba ka darrayn. Markii uu waraysigii dhammaaday, oo muuqaalduubtii iyo la damiyey codqabtihii, ayaa Ina Sharmarke, inta qosol ku duftay yiri:

“Anigu sidan baan ku jeclahay wariyaha Soomaaliga ah, maxaa yeelay, maba ku weydiinayo, wax muhim ah iyo su’aal adag toona!” una raaciyey:

“Anigu ma kuu sheegaa weydiimaha ay eheed, inaad i weydiiso, asii aadan i weydiin, bulshada Soomaaliyeedna u oon qabtay?”.

Wiilkii oo is qaadqaadaya, isuna haystay inuu wax walba iyo weydiiyey dheeraad, ayaa yiri:

“Soo sheeg, wax aanan ku weydiin ee ay ahayd inaan ku weydiiyo. Ma filayo inuu jiro mawduuc aanan wax kaa weydiin, haddana, inaan ku dhagaysto waan rabaa.” Ina Sharmarke ayaa ku yiri:

“Horta ma i weydisay, waxa aan u soo laabtay iyo sababta la iiga dhigay mar kale RW?” markaa ayuu sharraxadaad u galay, inuu u bayaansho ahmiyadda ay leedahay, oo dabcan aysan isaga u lahayn iyo Soomaali, balse, ay dad kale u leedahay. Wuxuu kaloo ku yiri;

“Maxaadan ii weydiin, kaalintii aan ku lahaa IIBINTA BADDA SOOMAALIYA, SEDBURINTA, BEELAYSIGA iyo DHISMAHA MAAMULKA JUBBA, AAS AASKA XISBIGII NAYROOBI, ee DUUDSI IYO DANEYSTE?” oo hadalkii dhan ugu soo gaabshay, isagoo aad mooddo inuu ku jeesjeesayo:

“Anigu Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa!” markaa buu wiilkii ku yiri:

“Oo maxaad ka waddaa?” Ina Shamrmarkana ku yiri;

“Waxaan u imid, oo aan u soo laabtay, laba arrin, oo kala ah;

(1) In aan sii dhammaystiro IIBINTA BADDA, ee aan hore u billaabay, qabyana aan uga tagay, ee aan meel fiican gaarin ama aan hore u socon. Waliba kalkan waxaan ku sii daraa koofurta fog in aan Kenyo raaciyo. Micnaha Maamulka Jubba, ee Kismaayo xarunta u tahay inaan ku daro Kenya, maxaa yeelay, haddaba, waxaa haysta Kenya, oo telefoonka aad Nayroobi ka soo qaadato, waxaad ku isticmaalee illaa Afmadaw, marka waa inaan u sharciyeeyaa.

(2) In aan maamulka beesha gaarsiiyo dawlad madax bannaan, maadama ay hadda DAWLAD tahay, horana aan ugu saxiixay heshiiskii Gaalkacyo ee aan ku siiyey 25% deeqaha waxbarasho ee Soomaalida la siiyo. Marka waxaa aan u soo laabtay labadaa ayaa ugu muhimsan. Dabcan dhaqaale aruursi iyo waxoogaa jeebcelin ahna kama marra.”.

Aw Raage, ayaa sheekadii u dhexgaliyay Guuleed qisadan iyo sheekadan oo ku yiri:

“Waa halkii uu ka yiri, ninka xabsiga la keenay, ee ugu yimid maxaabiis xatooyo shilimaad iyo lagu soo xiray tuugannimo yaryar, ee aan naf iyo lahayn nuxur, isna geel dhicid iyo dad dilid loo soo xiray, ee yiri;

Uur weynta Geeliyo dadkaan, Anafa gooyaaye

Ma oggoli in laygu agxiro, Uus xabaallada’e”

Saa Guuleed ku yiri:

“Waa taa hawraarta iyo murtida aan kugu aqaannay, ku mahadsanid ii faa’iidaynta aad iigu deeqday.”

Fisha qaybta xigta ee qormada;

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s