Saxalladu suuli maayaan!

Teaser Image Saxalladu suuli maayaan!

Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa; kala guran, isu guran, wada guran, aan marna la kala guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan, wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn.

Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; “Nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta!” Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis. Tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.

Xasilinta waddanka, nin walba isku day, dawlad walbana xal laga doon. Maanta waa maalintii Turkiga, rajo fiican yaa la qabaa, han weyn yaa dadka ku jira, gargaar ayey hab soo siisay, guryo dhisid iyo caafimaad ayey ku guulaysatay, waxbarasho iyo diyaarad caalami ahna ha illaabin, siyaasaddana kaalin muuqata ayey ka joogtaa.

SAXALLADA isku koobay ka talinta aayaha Soomaaliya, ee Mahiga iyo Meles dabada gashtay, waa kuwa saxiixay, waxan ay dhahaan: “DHABBAHA DHIGANROADMAPk. Waa lix qawlaysato, qaran iyo qawmiyad aan dan ka lahayn, eegta kaliya dantooda gaarka ah. Waxaa ku lammaansan, oo aan muran iyo doodi ka imaan waa midda Xabashida, iyadu waa Muqaddas.

Shisheeyahan hubaysan ee waddanka ku sii faafaya, ma la dhihi karaa waxay ka hortagayaan mashaariicda Turkigu ka billaabay waddanka? Maxaa ku soo beegay soo galitaanka Kenya, ka dibna Xabashi, xilli dawladda Turkiga waddanka ka hirgalinayso mashaariic horumarineed? Ujeedku, wuu noqon karaa in Turkida la leeyahay, meeshaan boos idiin kagama bannaana, ee ha isku soo hallaynina, darisnimo iyo danba anaga ayey nala wadaagaan, yaase taa kuu garanaya!

Madax ku sheeggan, nin walbaa wuxuu eeganayaa saddax arimood oo kala ah: “SUNUUD” jeebka oo loo buuxsho, “SADBURSI” Beeshiisa oo dheeri la siiyo iyo “SALDHIGASHO” in Kursiga loo daayo. Hadduu saddaxdaa wada helo, guushii sabanka dheh, hadduu waayo, laba ama mid ayuu cayminteeda ku dadaalaa, waddan iyo umad warkood adaaba sheegaya, waxba kama galin warna uma hayo.

Addis ayaa lagu shiray. Shirkaa waxaa ku ciyey Faroole, in Xabashidu ka dhex hadlaysana u badi. Laba arrimood middood. Midda hore, maalin ka hor wuxuu si kal iyo laab leh u soo dhaweeyey bayaan ku sheegga bajinta ahaa, ee QASWADE, haddaa miyuusan isagu isu arag? Maya, oo Xabashi yaa liiskaa haysa. Midda kale, maalintuu codsiga diray, maalintii xigtay Xabashida ayaa madasha dhigtay, waxaa kale oo jira in Faroole ka dhaga adaygay in Muqdisha lagu shiro! Isna Garoowe ayaa laba mar loogu tagay, aqriste, adi is qabad sii!

Waxaa la soo madmadoobeeyey qodobbo aan badnayn, aan mid qura oo qumman  ku jirin, maalin sidaa ayaa la yeelayaa, maalin hebel waxaa ayaa la qabanayaa. Waaba iga su’aale; ma dalxiis ayey ku jireen? Mise maaweelo? Wixii ka soo baxay Addis hadda ayaan haynaa, oo ah, ujeedkuba inuu ahaa in lagu fashilayo shirka Istanbul, hawshaa iminka waxaa u xilsaan SAXALLADA, iyagu dadka kale QASWADE ayey dhahaan.

Shirkii Istanbuul waa furmay, waxaa qaadacay Faroole, Caalin iyo Xerta xigaalada Xabashida xilligan waa Ahlusunnee, aqriste, ka warran, haddii magaca SUNNADA ay dadka u daayaan, ee mid kale la baxaan, illeen SUNNO iyo SANAWI is qaban maayaan!Sababaha shirka loo qaadacay lama caddayn, waxa ey ku diideenna ma sheegin, haddaba, maxay tahay sababta loogu soo aaddiyay qaadacaadda furitaanka shirka? Maxay shalay iyo maalmihii qabanqaabadu socotay u diidi waayeen? Waa ujeed cad, oo ah in la fashiliyo shirkan iyo shaqada ay waddo dawladda Turkigu, waxaa kuu caddaynaya baaqashadii diyaaraddu saddax duulimaad uga baaqatay garoonka Muqdisha sabab la’aan .

Waxa loo meermeerayo, ee marna Addis loogu cararayo, marna meelaha looga qaylinayo aan kuu muujiyo, oo waa middan: Faroole sanad xeer dhaaf ah ayuu hadda korshistay, cid ka hadashay ma jirin, QASWADEna lama dhihin, waa loo hambalyey, Caalin isna wadadii ayuu hayaa, sanad ayuu ku darsan ama ka badan, oo muxuuba isugu yaranayaa, hadduuba awoodu inuu ka badsan karo! Mudane Gaas waa loo baqaa, inuu jagada uu hayo waayo.

Ahlusunna iyagu awalba meel ma haysan, waxay ahaayeen dhal Xabashi, waxaa lagu dheelsiiyaan, Alshabaab ayaan wada raacdaynaynaa, markii loo baahdana tirada aya lagu buuxsadaa, haddii loo baahdo kooram diidmo waa lagu soo daraa, haddii loo baahdo kooram oggolaashana waa lagu soo daraa, waxa la diidayo iyo waxa la oggolaanayo midna war uma hayaan, waa khabar moog.

Shariif hadda waxaa u cad -kana shaqeeyey si dadban iyo si toos miday noqotaba- inaan doorasho la qaban, lama si ayuu ugu guulaystay, waa midda koowaade, inuu baarlamaankii kala jabshay, maanta aysan jirin baarlamaan uu doorasho u doonto, mid hadda la unkayaana maba imaan doono.

Midda kale, waa inuu ka maagay, kana meermeeray inuu marxaladda kala guurka diyaariyo wixii looga gudbi lahaa, ee leh, Dastuur, Guddi doorasho IWM, maanta labadaa midna ma jiraan, sidaa awgeed isna waxaa sugaya sanad kale, ama ka badan, illeen isagaa hadda reerka horjooge u ehe.

Ninkii meesha la keeno, la keensado ama yimaada, muxuu ugu xargagaa? Aniga waxaan wali garan la’ahay waxa ku jira meesha, ee dadka ku dhajiya! Waxaan wali fahmi la’ahay magnadka dadka qabsada, marka ay meeshaa galaan ama xilkaa qabtaan! Waa kan kii u dambeeyey, sheekhii diinta ee Xabashida xukun adag ku riday, maanta isagaa u xaluulanaya Xabashi, si uu u raalligaliyo. Wuxuu ka dhaadhicinayaa inuu noqonayo qawsaar daacad u ah, qabalowga Soomaaliyana si fiican u ilaalinaya. La yaab! Ma dadkaa doorsoomay, mise dunida ayaa dhinac kale u jeedda? Garan waayey anigu.

Maahmaah ayaa dhahaysa: “Dhar magaalo waa la gashan karaa, Dhal magaalo si loo noqdo ama Dhaqan magaalo loola yimaadaase waa adag tahay” in madax la noqdo waa loo wada bukaa, oo loo wada jadbaysan yahay, haddana, inta hannaankeeda taqaani yaraa! Jaahil aan xeer siyaasadeed, xukun dawladeed iyo xil Protocol midna aan xog u hayn badanaa. Mid qabiil ugu soo dabbaala, qaylo, sawaxan iyo qabweyni wax ku doono badanaa. Mid diin ku soo duggaaloo darajo Eebbe iyo daartii Aakhiro wax ku doono badanaa. Labadaa waxaa dhextaal u ah calooshood u shaqaystayaal iyo siyaasiyiin af iyo calool ah, muhimaddoodu tahay, xaa jeebka ii soo galaya?.

Dadka ku doodaya maanta ayaaba waddanku marayaa meeshii ugu fiicnayd, Alshabaab bexeen, ciidamada nabad ilaalinta la soo kordhinayaa, ciidanka Soomaalidu awood lee yihiin, ee maad dacaayadda daysid?

Alshabaab in la ciribtiro asalkooda iyo faracooda la jaro Soomaali diiddan maanta ma jiro, in kasta oo ay awood ahaan itaal dhigeen, oo waa dabeecadda noloshoo, “Weel walba markuu buuxsamo wuu daataa” ee ma waxay naga dhaadhicinayaan Alshabaab ayaan la wada dagaalaynnaa? Inta dawladeed ee waddanka ku jira, ma waxay u wada bira tumanayaan afar wiil oo afka duubatay? Ilama ahan “Oohintu Orgiga ka weyn”.

Hubaal, in wax walboo dhalaalaa aysan dahab ahayn! Teeda kale, anigu dacaayd ma wado, ee xaqiiq ayaan soo gudbinayaa, ee haddaad roonan u malayso boobka kaalmada masaakiinta loo keenay waa gaar. Haddad roonaan mooddo musuqa madaxda dawladdu wadaan wa gaar. Hadaad roonaan mooddo in waddanka la xaraasho waa gaar. Haddaa roonaan mooddo in la kala sixi waayo, yaa muumula waddanka? Waa gaar. Haddaad roonaan mooddo in tiiha lagu sii jiro waa gaar.

Dhacdooyinkan iskama dhacayaan, ee waxay ku dhacayaan damiirxumada Soomaalida, oo dhammaan wada noqdeen dabadhaqayaal shisheeye, taasoo keentay in dalkii maxmiyad ururro iyo dawlado shisheeye la galiyo. Dhawr sano ka dibba hoggaan cusub, sanad ka dibba ergay cusub, waaqicana wixii iska badalaa waxay sii jirayaan maalmo iyo muddo kooban, dagmaysiga iyo gobolaysigu waa ba wardiga guud. Sidaa awgeed, inta damiir Soomaali lahooy; dalkii farahuu ka sii baxayaa, waxaa u heshiiyey doqon danti eegta ah iyo duni shisheeye, ee aan sidaan wax ka badalno.

Faalladan waxaan ku soo af meerayaa tuduc ka mid ah Maanso Cabdiraxiim H. Galayr tiriyey oo la yiraa:  “Gunnimadiid” waana sidan:

Soomaaliyeey garo
Raggani geeddi maahoo
Naga guuri maayaan
Gabannada Sanaawiyo
Iyo madax ku gaadhkaa
La guddoomiyaashiyo
Gobollada kuwaa jira
Geddigood mid weeyaan!

1 June 2012

Bashiir M. Xersi 

brdiraac@hotmail.com