Maanso: 8 Maarso, maalinta Haweenka

11007535_874761489233722_962212942_n

Maanso: 8 Maarso, maalinta Haweenka

 

Waa maalin magac iyo

Maamuusya gaara leh

Waa maalin muuna leh

Ahna lagama maarmaan

Maamma iyo abbaayiyo

Marwadiyo haweenkaa

Abid lagu milgeeyaa

Masuulnimo loo qirey

Maqaamkiinna lagu daray

Ma guuraanka nololeed

Mudan iyo ma dhaafaan.

 

Waa maalin Hooyada

Dumar loogu magac dhabay

Meegaarkaa adduunyadu

Mar quraata Iidaan.

 

Waxa aan ka marag kacay

Madal inaan ka sheegaa

Sharaftiinna muuqa leh

Magaciin ha raagee

Marxabbiyo salaan iyo

Murwaadkii Gobaadiyo

Iga hooya Maamuus

Mahdin aan dhammaaneyn

Ha laydiin mashraxadoo

MADAXNIMADA nagu haga

Idinkuna Muhiibsada.

 

Waxaan nahay mataanaha

Laba magac Aadmiga

Manka ubaxa la beeriyo

U  ah miraha soo baxa

Kala maarmin weligood

Marna kala maqnaan karin

Isu muhato laabtood

Walaalaha maciinkaa!

 

Muusannoow ma fiicnee

Waxaan maanta qirayaa

Ka marqaati kacayaa

In siddeeda Maarsaad

Ku muddaysan tahayoo

Maalintiinna ay tahay

Marna aan la dhaafayn!

 

Waa maalin weynoo

Macno iyo macaan iyo

Miiddina dhextaalloo

Muuqeedu qurux yahay

Mulkigeedu sharaf yahay

Malkadeedu hodan tahay

Manhanjeedu maqal yahay

Maradeedu dhaqan tayay

Mooradeedu hidde tahay

Masalooyinkeeduna

Maxabbiyo jacayl iyo

Meher iyo aroos yahay

Ragga maamulkiisiyo

Maareynta guri tahay!

 

Doqontaan mirdoowgiyo

Midka macangagga ahee

Maanyare ayaan garan

Hanfadaan murtida garan

Iyo maanso dhuuxeed.

 

Madaxdii adduunkiyo

Majiirkeeda noloshiyo

Macaanka iyo faraxuba

Marwo adiga weeyaan

Nimaydaan midigtiyo

Garabkiisa meelmarin

Weligii masuulnimo

Magac iyo martabad weyn

Yeelan maayo muuqaal

Magaciin ha jiro abid.

Dhammaad.

08/03/2015

11050945_874761502567054_1962156517_n

Bashiir M. Xersi

 

Mahdin.

Nabaaddiino.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s