Agoonkii indheer garadka ahaa! Q1AAD

11050945_874761502567054_1962156517_n

Agoonkii indheer garadka ahaa! Q1AAD

 

Maalin hore ayaan socdaal ku tagay magaalo u dhaw meel halkan ah oo aan deganahay. Haddaan meelaha soo marmaray ka dib, waxaan booqsho ku soo maray guri gabar soomaaliyeed degeneed. Gabadhu waxay haysataa, oo u jooga; wiil lixjir ah, oo guriga kula nool iyo gabar sagaaljir ah, oo dal kale ku nool, lana nool habaryarteed (iyada walaasheed).

Bariidin iyo salaan ka dib, waan fariistay. Waxaa la ii keenay Shaah iyo Buskud, aan isku daardaartay, shaahiina dhakabsaday. Cabbaar haddaan joognay, ayaa waxaa soo galay wiilkii, oo uu la socdo nin da’ dhexaad ah, oo uu xalay la soo baryey reerkooda, reerka gabadhanna xiriir fiican la leh, gacanna ka siiya casharrada Dugsiga iyo shaqo guriyeedka looga soo diro wiilka Iskuulka. Ninkii markii uu wiilkii guriga ku hubsaday, ayuu iska laabtay.

Waxyar ka dib, wiilkii ayaa inta hooyadii xaggeeda u dhaqaaqay, oo aniga si fiican ii fiirshay, ku yiri;

“Hooyo, aniga, adiga iyo isaga, waxaan isku nahay QOYS dhan!” markaa ayaa waxaa jirkayga ku soo jabtay jiriirico jirkoo dhanna waa i dibaaxiyey, wadnuhuna garaac iyo igu billaabay higlayn! Wax kale ma ahayne, waxaan hore u ogaa in wiilku yahay AGOON uu AABBIHI geeriyooday isaga oo aad u yar.

Afartii eray ee wiilka yar afkiisa ka soo baxday, aniga waxay iiga darraayeen waran iyo leeb la igu dhuftay ama la igu muday, xabbad iyo rasaas la igu riday, oo run ahaan i galiyeen dareen xooggan iyo damqasho dabacsan.

Wajigayga waxaa shax ka soo yiri dhidid aad mooddo sida fix dheri dab saaran oo kale ka hoorta, iyada oo xilliga lagu jiraa yahay xilli qaboobe, ayaa haddana, qabowgii wuxuu isu badalay qandac iyo diirranaan.

Wiilkii wuxuu iska galay ciyaar iyo falaad, sida lagu yaqaan da’diisa oo kale. Hooyadii hal eray afkeeda kama soo bixin, aan ka ahayn xishoodkii lagu yaqiinnay dumarkeenna Soomaali iyo edebtii dahabka eheed.

Cabbaar ka dib, ayuu wuxuu wiilkii yaraa billaabay inuu aniga ila ciyaaro. Mar dhabtayduu ku fariistay, oo ka degaa, haddana, si degdeg ah u soo koraa. Mar daanka iga dhunkadaa oo marna qoorta iga shummiyaa. Intaa anigu waan didsanahay, haddana, waan dabacsanahay. Kama didsani ilmo dhabtayda ku ciyaaraya, ee waxaan wali ka didsanahay erayadii wiilku yiri, oo aan warcelin iyo loo heli karin iyo weer daboosha, illayn waa eray ka soo go’ay qalbi u jeenqaba qooys dhamaystirane, waa kurbo qalbigiisa gubaysay, balse, uu la’aa meeshii ku habboonayd. Horay ayay Soomaalidu ugu maahmaahday; “Xil dhallaan gartay waynaa!”.

Wiilku wayska ciyaarayaa, mase is oga inuu dhaawac iyo ii gaystay dheecaan bax, ay dhimaso dhaantay. Aadanaha dhibba waxaa ugu filan yahay inuu nool yahay. Wiilka hooyadiis ayaa ku tiri:

“Gacaliye, Abti dhaaf ha dhibine, oo dhabtiisa ha ku dheeline!” markaa baan ku iri:

“Ii dhaaf wiilka, dhib iyo dhimaal midna iguma hayee, dhabtayda ma ahane, dhinaca uu rabo ha ku dheelee!”. Wiilka afcelinta soomaaligu waa ku adag tahay, oo dibadda dalkii ayuu ku dhashay, haddana, waa dareemay inaan ka difaacay hooyo, oo wuxuu sii laba jibbaaray ciyaartiisii.

Markuu malaha dhabtayda ku xasilay, oo hubsaday inaanan ka didsanayn ama dhibsanayn, ayuu billaabay inuu weydiimo i weydiiyo, ay ka mid yihiin; magacayga, meesha aan ka imid, da’dayda, waxa aan qabto iwm. Weydiin walba, ee uu i weydiiyo, anna si fudud, oo hufan ayaan ugu warceliyey.

Ka dib, ayaan waxaan u aqriyey sheeko xariir buug ilmood ku taallay oo markaa haddiyad loogu keenay. Cabbaar haddaan aqriyey ka dib, ayuu ku mashquulay IPad uu lahaa, oo uu gudagalay ciyaar (game).

Haddaan fursad u helay hooyadii, ayaan ku yiri:

“Galabta dhaawac aanan u qasdin ayaan damqiyey, ee ka raalli noqo” markaa ayey tiri:

“Maya, waxba ma aadan damqin, ee isaga ayaaba dareen ku galiyey, oo waa ilmoo, wuxuu moodaa inay sidaa tahay!”.

“Ma ahan ilmannimo, moodis iyo si ay la tehee, waan dareen sanahay waxa uu tebayo, ee ka maqan, taasna waa mid uu ku saxan yahay” ayaan ku iri. Ka dibna aan isku dayey inaan u sharraxo sida iyo sababta ku keentay in wiilkeedu sidaa yiraa.

Anigan ayaa AGOONNIMO ku soo koray, haddana, waan hubaa inaanan sida wiilkeeda oo kale, aanan u tebin foolka AABBENNIMO, anoo in badan jeclaa jecelna wali AABBEHEEY, oo marka laga soo tago kaalinta Hooyadeey macaan F. X. C iyo hooyadiiba, aan isaga wax badan uga duwanaa.

Tebid la’aanta aniga iyo ubad badan oo Soomaaliya ku kortay iyo meelo kale AGOONNIMADA waxaa ugu wacan in had iyo jeer ay helayeen wax kaalinta AABBENNIMO u buuxsha, ama ugu yaraan u soo dhaweeya, haddii aysan sida ay tahay u galikarin, oo duggaal iyo u noqda dareensi, sida; Adeer, Abti, Awoowe, Ilma Adeer, Ilma Abti iyo xigtadu sida ay u kala sokeeyaan, ee reerka ula xiriiraan.

Dhanka kale, dariska iyo danwadaagga dadka ah, ee ka agdhaw deegaanka ayaa iyaguna kaalin muhim ah ka ciyaara, sida ninkanba uu u weheshado, balse, labada wehelsi ayaa ku kala duwan, in kii dalkii uu lahaa saab ka adag kan wiilkeedu ku sugan yahay, oo ninkan wax aan af iyo is faham luqadeed ahayn kama dhexeeyaan, halka kuwaa kale ay ka wada dhexeeyeen wax badan, walibana la dhihi karo wax walba, ee leh; dhaqan, hidde, af, dabci, diin iwm.

Taa kaliya ma ahan, halkan uu hadda wiilku deggan yahay ayaa saamayn xooggan ku leh hab dhaqankiisa, oo wuxuu had iyo gooraale arkaa, ardadii dugsiga, ilmihii dariska, ubadkii uu jidka ku arkayey, iyo asxaabtiisa sheeko iyo ciyaar wadaagga ay yihiin, oo mar walba ay la socdaan AABBAYAASHOOD ama ka sheekeeya waxa uu AABBAHOOD u soo  gaday, haddiyad ahaan ugu keenay, ku yiri, faray ama baray, isaguna uusan haysan fool aabbeedkaa, si uu ula falgalo, oo uga dhigan derbi dumay iyo daleel maran, kaalintaa oo muhiim u ah nolosha ilmaha.

Maqnaashaha foolka AABBENNIMO, wiilka wuxuu ku yeeshay raad muuqda, heer ay afkiisa ka soo baxdo erayadaa, malaha isaga oon is ogayn ama u qasdaya, balse, is leh; hel, wax aadan wali helin, oo ah fool AABBENNIMO, isagoo og waliba in aabbihii geeriyooday, oo uusan dib u soo noolaanayn marna, haddana, waa iska rabi lahaa inuu dib u helo ama u heleelo isaga ama wax kaalintiisa u buuxsha. Jaalle aan widaay nahay ayaa mar walba ku halqabsada: “Agoon ama calool buurraa ama aqli badnaa!”.

Fisha qaybta xigta ee qormada

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s