Yuusuf: waaga ma warramaa!

11030539_10200300806478920_2054473314_o

Yuusuf: waaga ma warramaa!

Ma jeclayn inaan ku soo laabto wax ka qoridda mudanaha sare ku xusan, haddana, marka ay lagama maarmaan noqonto iyo kuma hurto, dibba waligeey uma degin iska daa inaan u gurtee.

Waxaan ku dedaalidoonaa inana qodobraaco qoraalkiisa, oo aan bannaanka soo dhigo inta gef uu ku jirta, dhan walba; dhaqan, af, aragti, siyaasad iyo maamuusba. Ujeedku ma ahan xagxagasho iyo isjiijiid, ee waa soo bandhigid xaqiiqooyin aan sacabka la saari karin iyo bannaanyaal aan la qarin karin. Dabcan, qof walba xor ayuu u yahay aragtidiisa u gaarka ah, ee ku aaddan asaga ama waxa laga qabo.

Cinwaanka qormada ka billow, anigu haddii aan asaga ahaan lahaa, aragtidaa liidata ama qalloocanna aan ka soo qaadan lahaa socdaalkaa, waxaan u bixin lahaa qormadayda: “Socdaalkii lagu sirmay!” maxaa yeelay, waxa uu u hadlayey, sidii qof ku hodmay socdaalkiisa, oo waxaa isu qaban waayey wuxuu filayey iyo waxa lagu qaabilay ama uu milicsaday!

U imaaw sawirka uu raacshay, ee uu astaanta deegaanka iyo ka dhigay sida meeshu tahay. Asal ahaan, marka aad runsheeg tahay iyo daacad, waxaa hubaal ah inaad xoogga saaree, sidii aad isu waafajin leheed qoraalkaaga iyo sawirka aad ku lammaaninee, oo ka sokow, inuu xiriir la leeyahay u badnaa kara inuu yahay mid dhab ah, oo ka turjumaya sida meeshu tahay ama loo yaal ama wuxu yihiin.

Hadda adigu is isweydii Yuusuf waxa u diiday inuu soo qaato sawir dhab oo ka turjumaya midabka dhabta ah ee deegaanka? Maxaa u diiday inuu soo qaato sawir dhab ah oo ka turjumaya ciidda meesha? Maxaa u diiday waaba tan ka muhimsane, in uu adeegsado sawir ay ku jireen isaga iyo xubnihii socdaalka uu ku wehliyey? Tan waa gartay, wuxuuba uga leexday in aan laga dhexarag dad iyo isagaba, haddana, maxaa diiday, inuu adeegsado sawir laga soo qaaday madasha shirka? Maxaa diiday in ugu yaraan uu adeegsado sawir ciiddaa iyo magaceeda ka turjumayo (GALGUDUUD) oo dhab ah?.

Haddana, u imaaw, qoraalkiisa, oo aan halkan ku qalidoono;

Yuusuf wuxuu qoray:

Wafdi Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaan ka mid ahaa.

Weydiin: Yuusuf, yaad meteshay, si aad Xasan u raacdo? Xilkaagu muxuu ahaa? Yaa kuu magacaabay? Goormee laguu magacaabay? Maxaad ku mudutay? Ma qabiil mise qaab iyo aqoon? “Gaadal ka gaar, waa goob dumis!” “Doqoni, meel aan loo dirsan, ayey daaman weytahay!”

Yuusuf wuxuu qoray:

Waa markii iigu horreysay ee aan tago magaalo Soomaaliyeed oo ay ciidammo Ethiopian ahi dhinac ka joogaan, kana daafacayaan wixii duullaan ku ah.

Beenaale! Hadda ayuu Xamar ka yimid, ee ma Xamar ayeysan joogin ciidamado Itoobiyaan ah? Saw ciidaankaa Itoobiyaanka ah ee jooga wax ka difaaci mayaan Xamar, haddii la soo weeraro? Haddii aysan wax ka difaacayn, hadda maxaa kale oo ay qaban lahaayeen? Maya, maxayba ciidan ka yihiin?.

Tan kale, Yuusuf miyuusan tagin xilligii dawladdii Qabqablayaasha ee C/llaahi Yuusuf magaalada Baydhabo, oo ay gabi ahaan haysteen ciidan Itoobiyaan ah? Miyuusan Baydhaba tagin bilihii la soo dhaafay, oo ay ciidan Xabashi ah dhan walba ka joogeen?.

Tan kale, waxaan garan waayey, waxa uu u leeyahay ciidanku waxay ka difaacayaan wixii duullaan ku soo ah magaalada, oo waayo kuwa duullaanka ku soo ah? Magaaladu ma magaalo colaadeedbaa? Ma dagaal ayaa ka jira? Runtu waxa ay tahay, haddii ay jiraan wax duullaan ku soo ah oo laga difaacayo Shaydaanba ka ha ka difaacee, waa isaga oo kale, oo aragti qaldan iyo magac xun ka bixinaya iyo raggii uu la socday, ee sheegayaneyey siyaasiyiinta, oo duullaan ku ah deegaankaa, oo ay ugu horreeyaan Xasan iyo Mahad Salaad qaadunka Damjadiid u dirsadeen sidii uu dadkaa u kala daadin lahaa!

Tan ka muhimsan, waa aqoondarradiisee, ciidan Itoobiyaan dalka maba joogaan, ee waxaa jooga ciidamo AMISOM, oo ka socda Midawga Afrika, ayna ka mid yihiin ciidan Itoobiyaan ah. Xaggee jiray, marka ay ka mid noqdeen AMISOM, ee uu ku daray kan uu qaadunka u yahay, ee maalinna u yeerta maalinna iska raacdeeya oo Xasan ah?

Ma ogyahay in gobolku uu yahay gobolkii u dambeeyey ee ciidan Xabashi cagta dhigaan geyiga Soomaaliyeed? Taa waxay ku tusinee, in dadka deegaankaa aysan dad Xabashi jecel ahayn, sooyaalna u lahayn shisheeye kalkaalnimo, ee ujeedka uu ka leeyahay tolow maxay tahay? Aan ka hordhecee, hadduu ula jeedo, Xabashidu Axmad Cabdisalaan ayey magaalada u difaacayaan oo ka difaacayaan wixii ka horor ku ah, haddaba, maxaadan sidaa oo kale uga qorin markii Shariifka Baydhaba, dadka xoog loogu jujuubay, ee waliba dad badan ku dhinteen? Haddaad ka qortay, maxaadan u xusin kaalinta Xabashidu ku leheed xukunkiisa?. Ha moodin, inaan taageero u hayo Axmad Cabdisalaan.

Yuusuf wuxuu qoray:

Waxay ii ahayd seminaar ku saabsan qabaa’ilka Soomaalida iyo sida ay u wadahadlaan dalka gudihiisa marka ay joogaan isla markaasna aan ajnabi u kala dabqaadeyn.”

Adoo da’daa ah, haddana, raba Madaxweyne,h horena ugu fahsilmay, haddii aadan aqoon u lahayn sida aan u wadahadalno, ayaandarro ka weyn ma lahan.

Waxaad la mid tahay qof doonaya inuu shaqo qabto, waliba tartran u galaya, haddana, aan aqoon sida ay tahay shaqadaa iyo habka loo qabto! Midse waa ku faraxsanahay, haddii aad wax ka soo baratay, balse, iilama eka, oo gadaal ayaad ka dacarootay, ee aan aqriste ku gaarsiiyee, qoraalka sii aqri.

Yuusuf wuxuu qoray:

Waa marka hore ee ballamadu saacad ma lahan. Aan is aragno hadhow, galabta marka casarka la tukado, caawa fiidkii, berri quraacda ka dib iwm ayaa lagu ballamaa.”

Horta aan is weydiinno: tani ma ceebbaa mise waa caado? Ma wax la isku yaqaanbaa, mise waa wax aan la isku aqoon? Ta kale, xilli ballameedku inuusan saacad lahayn, waxaa u sababa waxay tahay, inuu saacadaysan yahay, micnaha uu xaddiisan yahay, oo marka lagu leeyahay fiidkii, waa xilli go’an, ee aan ka badan karin kana yaraan karin. Galabta, berri quraacda, casarka marka la dukado iwm, dhammaan waa xilliyo xaddidan, ee adigu haddii aadan aqoon, ma ahan inaad la yaabto, ee waa inaad barataa. Tan kale, haddii aad sugaysay, tusaale; casarka marka la dukado, in lagu yiraa: afarta (toban saac) isu keen keen, oo maxay ku kala duwan yihiin? Yaa ii sheegi kara, aan ka ahayn caqli xiran iyo ogaal gaaban.

Yuusuf wuxuu qoray:

“Dadka shirka fariisan kara iyo kuwa aan fariisan karin inta badan go’aan lagama gaaro. Marka la isu yimaado ayaa la fariistaa.”

Isaga waxaa u muuqda, hebel iyo hebla, balse, waxaa ka xoog badan ayaa jira, oo la dhawrayaa, oo dhaqan iyo hidde soo jireen ah, haddana, waxaa kaloo la ilaalinayaa, maadaama dib u heshiisiin lagu jiro, in dadka sida la isu soo dhaweeyo inta la awoodo, la isuna jiijiido.

Yuusuf wuxuu qoray:

Haddii shirku qabiil yahay oo bannaankaas la fadhiyo dharaar cad, qof aan qabiilka meesha fadhiya ahayni kuma soo leexanayo. Waa xeer aan qorneyn, booliis ilaaliya lahayn, cid ku dhacda in ay ku xad gudubtana aanay jirin.

Oo yaan ogayn? Muxuuse ka doonayaa qof an qabiilkaa u dhalan, asba waa ogyehee inuusna u dhalane? Tan kale, haddii aad Kalaab ku jirto, oo aad xubin ka tahay ama urur, kaarkiisana aad haysato, ee aad soo agmarto urur ama Kalaab kale oo goobfadhiya ama shiraya, ma ku leexan leheed? Haddii aadan ku leexan, maxaa kuu diidaya ama kaa horistaagaya? Ma Boolis, mase xeer? War ninku sidee wax u arkaa, Soomaali inay qabiillo tahay, yaa moog ma isaga? Ninkan uu daba socdo, dawladdan uu sheegayo inuu socdaalka u raacay saw wada qabiillo ma ahan, xaggee ka yimaadeen ma Ingiriiska iyo Buush Haws? Alla doqani aragti xumaa, oo aragti liidanaa, wax baa la sheegaa, waliba dhaliil laga dhigaa ayey maqashay, markaas ayey xitaa xaqiiqadii dhaliil u qaadatay iyo dhabtii!

Yuusuf wuxuu qoray:

“Shirku wakhtiga uu leeyahay ma xaddidna ee waa mid furan. Telefoonnada  codadka kala nooca ah leh ee soo dhacaya, salliga nebiga CSWS, qofka soo daahay ee soo galaya ee dhowr ruux salaamaya, sagbadda shaaha ah ee lala wareegayo, biyaha la qeybinayo, dhowr kursi oo hal nin mar looga wada istaagayo, kuraas hor leh oo la keenayo iyo qaar kale oo badan waa waxa ay tahay in dhegehaaga iyo indhahaagu ay la qabsadaan adiga oo hadalka la sheegayana u dhug leh.”

Haddii tan uu dhaliil uga jeeday, wayba qabataa oo waa beelo shirayee, madal ceebeedkii uu ka sharraxnaa, ee Gabre oo Itoobiyaan ah dhexwareegayey, waxaan xasuustaa, in marar badan la waayey guddigii doorashada hagi lahaa oo laga doonay meel aan laa qoon. Ku darso, markii Xasanka uu la socdo la caleemo saarayey, waxaa dhacday, in marti badan, oo waliba ajaanib u badan, ay khudbadda ku dhagaysteen istaag, maadaama loo waayey kuraas, halkan kuraas ayaa la helayaa iyo qof kuu istaago qaddarin awgeede. Haddaba, hadday ceeb tahay, ma kaligood ayey qabataa, mise waa mid guud, oo ay tahay, inuu wada ballaariyo? Muxuu ugu gaar yeelayaa deegaankaa oo kaliya, sidii inuusan meel kale oo Soomaali degto ku soo arag? Anoo filayo, in dhaliishaa wax laga qaadan doona.

Yuusuf, wali nooma sheegin, wixii uu ku saabsanaa shirkii Nayroobi ka dhacay 2013tii, ee uu dad badan ku hujuumay, ayna ka qaygaleen madaxdii dhibka iyo musuqa.

Ymar

Yuusuf wuxuu qoray:

Waxaa iga yaabiyay aftahammada, meel-ku-dhegga, af-adeyga, qabiilinnimada bannaanka taal, ku-jiqsiida, isu garaabid la’aanta iyo ka cadgoosiga kuwaas oo qeybta hore ee shirka oo maalin gelinkeed ama maalin dhan qaadan karta lagu lumiyo iyo marka talada la helo codkarnimada, caqli wanaagga, Soomaalinnimada, aragti dheerida, Islaannimada iyo akhyaarnimada ka muuqata isla dadkii iyo isla madashii. Waxaa kale oo aad iiga yaabiyay mahmaahyada tirada badan ee daliisha laga dhiganayo iyo tusaalayaasha hadalka lagu naqshadeynayo oo inta badan ku billowda “Waxaa la yiri…” ama “Hadda ka hor ayaa…” ama “Beri baa…” Sheekooyinkaas oo qaarkood ay aad u dhaadheer yihiin.

Waxaa iga yaabiyey ku lahaa! Ma wax lala yaabaa aftahannimadu? Yeyse tahay inuu la yaabo, qof Soomaali ah mise qof shisheeye? Ma qof deegaanka u dhashay mise qof aan u dhalan? Yaab waxaa ah hadalkiisa.

Qabiilnimo miyaa soomaali ceeb ku ah, waliba iyada oo ay shirayaan beelo? War ninku xaggee wax ka eegay, qallooc xitaa lama dhihi karo, ee waa agnaannimo iyo xaqiraad! Haddaan sidaa la isula hadal, miyaa Quraan la aqrin lahaa, mise duco iyo Alla bari ayaa la isugu yimid? Saw la isuguma iman in si cad loo wada hadlo, oo aan waxba la isu reeban la isuna qarin, illaa ujeedka dhabta ah laga gaaro, oo waa kaas, guul laga gaaray shirkaa labada bil ku dhawaad socda.

Tan kale, haddii aan labadaa dhaqan la yeelan, ee aan adadayg la muujin marka aad wax rabto, ama aad wax dhacsanayso gar iyo gardarraba, marka aad heshana ama soo dhawaysana aad muujiso dabacsanaan, jilicsanaan iyo dhimrin, saw ma ahan dabci Aadanaha lagu yaqaan? Wuxuuba nooga dhigayaa wax u gaar ah dadka halkaa dega. Haddii ayba u gaar tahay, waxaan hubaa inuu yahay dhaqan fiican, oo mar iyo meel walba murti ku habboon ayey leedahay.

Haa, haddaan gartay, wuxuu u bartay kuwo afguran, oo aan hawraar, suugaan, maahmaah iyo murti wax ka aqoon, hadalna aan ku deeqsiin karin, marka wuxuuba la yaabban yahay in ay jiraan dad sidan aftahan u ah. War heedhe, meesha waa MUDUG, miyaadan ogayn? Meeshaa waxaa ka soo jeeda: Abwaan Faarax Shuuriye, Kulan Xasan Jurun, Xersi Cad IQKB Alle ha u wada naxariistee.

War maya, saa ma ahan, haddaan gartay, waxa uu rabay. Wuxuu ka qaybgalay caleem saarkii horjoogaha beelaha Bari, Cabdiwali Gaas. Maalintaa marka laga soo tago, wixii dib u dhac waqti, ee dhacay, Gaas wuxuu khudbadda ku jeediyey af Ingiriis. Yuusuf asagoo la yaabban lama arage, muxuu ula yaabayaa dadkan afkooda ku hadlaya. Hadda ka hor baa nin laga sheegay: “Hebeloow, hadal i deeqsiin maysid, mana kartide, hilibka uun i deeqsii!” Murti baa tiraa: “Hadal murti leh iyo hilib middi leh, labadaba laguma margado!

In OGAAL AQOON yahay

AQOONINA OGAAL tahay

Ka ogina AQOON yahan

Ama uu Abwaan yahay

Kaan AQOON AGNAAN yahay

Ama uu engegan yahay

Igaar yahow ma moog tahay

Mise waad ogsoon tahay?.

Maansada: Hal Aqoon

Yuusuf wuxuu qoray:

Waxyaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah in wadahadalka ay si dadban uga qeyb qaadanayaan qurba joogta iyo dad Xamar ku sugan oo daneynaya arrinta. Intaa waa la wargelinayaa, talo ayay bixinayaan, marka ay ka fursan weydana waxaa la tuhunsan yahay in ay lacag ku bixinayaan wixii kharash ah ee lagu gelayo howl fulinta – degaan, maciishad iyo isgaarsiin – xag gaadiid iyo xag telefoonba.

Taa miyaa xiiso leh, saa qofka dhiibay dhaqaalaha shirka ku baxaya, miyuusan xaq u lahayn, inuu wax ka ogaado meesha waxmarayaan iyo go’aanka la qaadanyo inuu talo ku lahaado? Lacagta ma bilaash ayey u baxshaan dadkani haddii aysan aragti iyo ku darsan karin mawqif waxa socda? Tan ma fahmi kartid, ama adiga xiiso ayey kuu leedehee, mid aad fahmi karto aan kuu soo qaado. NACDOON Nicolas Key qarashkiisa waxaa bixiya QM, haddana isaga oon la tashan ma qaadan karaa talo ka madax bannaan ragga soo dirsaday? Waan kula qabi karaa in qaab kale ay eheed in ay ula falgalaan, haddana, qaabka aad u dhigtay ayaa ah mid liita oo qalloocan.

Yuusuf wuxuu qoray:

Waxaa kale oo aan la yaabay in saddexda wakhti ee wax la cuno ay saddexdaba cuntada ka mid yihiin hilib ari iyo caano geel.

Alla doqonsanaa, tani ma ammaan baan u qadannaa mise dhaliil? Anigu ammaan baan dhihi lahaa, maxaa yeelay, waaba dad ku nool CAD iyo CAANO. Dhibka baa ah, wuxuu u bartay, hilibkii sanaddada iyo bilaha ku jiray Qaboojiyaha, ee aan nah iyo nuh, nuxur iyo dhadhanna midna lahayn, ee halka laga siiyey hilib iyo caano saafi ah, waxay eheed in la siiyo wax kale, balse, ayaan wanaag, meesha wax kalaba lagama helo.

Doorshaan ama Xaarwalwaal haddaad udug iyo aad ku dulqubto carafta ta ugu wacan, inuu ku baqtiyo u badi, maxaa yeelay, uma baran, ee wuxuu ka jecel yahay Saxarada, Digada iyo Bullaacadda Suuliga inuu dhexdabaasho!

Hadda ka hor, ayaamahihii qaxa iyo kala haadka, ayaa reer miyiga u qaxay. Gabar iyada oo weyn miyi ka laga keenay, ayaa maalintii dambe lagu yiri: Orod, Ariga noo soo maal. Markaa ayey inta Orgi Qooraha ka qabatay, istiri lis, saa wax dhiiqsamaa ma lahan. Markaa ayey hooyadeed ku tiri: Hooyo, Ridu nasa adkaa! Hadda Yuusuf halkaa ayey ka maree, oo MUDUG ayuu tagay, cad iyo caano lagu harqiyeyna waa la yaabban yahay.

Tilmaamta guud ee uu ka baxshay Yuusuf Dhuusa Mareeb, waxay ka liidan leheed, midda uu ka bixin lahaa wiil ku dhashay qurbaha, oo aan waligii tagin waddanka, iska daa inuu odayo shiraya shirkood ka qaygalee, ee haddana, mar qura la geeyey shir caynkaa ah. Haddana, waxaan hubaa inuusan aragtidaa leexsan ka qaadan lahayn cad iyo caano lagu martiqaaday.

U imaaw ujeedka iyo dulucda faallada. Yuusuf, haddii uu nooga sheekeeyey intii isaga aragtidiisa la qalloocneed, maxaa ka hor istaagay inuu noo soo gudbiyo, inta wanaag uu soo arkay ama goobta taallay? Ka billaw, in shirka labadaa bil socday aan shihsheeye iyo anjabi ku lahayn talo iyo tusaale. Sidoo kale, in markii u horraysay sidii burburku u dhacay la helay beelo kala duwan, oo hal mawqif ka qaatay arrin ay iyagu taladeeda la haayeen, haddana, aysan isku ballanfurin, isagana bixin go’aankii.

Waa arrin wax ka taridoonta geeddisocodka maamul u samaynta gobollada iyo xitaa haddii loo baahdo maamulka dhexe ee dawladda.

Dhibka ugu adag ayaa ah, in Yuusuf maalmo ka hor, uu dacaayad iyo ka fidiyey borobogaando deegaankaa iyo qaabka loo soo dhaweeyey Xasan socodaalkiisii hore. Haddaba, waxaa is weydiin leh: Yuusuf, maxaa ku kallifaya inuu deegaankaa had iyo jeer uu sidan u xaqiro? Yaa soo dirsaday, oo uu ka shidaalqaataa? Yaa dabada ka riixaya, oo sidan qalloocan wax ugu sheega? Anigu garan waayey, ee qofkii garanayoow, fadlan, noo bidhaami.

Yusuf

Dhacdadan oo kale, waxay marag u tahay, sababta xal loogu waayey dhibaatada daba dheeraatay ee dalka ku habsatay iyo in la curiyo dib u heeshiin dhab ah, mar haddii dadkii masuuliyiinta ahaa, ee shirkarka ka qaygalayey ay sidan oo kale u liidayaan odayaashii xalka u fidhayey, bannaanada ka dacaayadeynayaan.

Kan AQOONTA sheegtee

ARAGTIYO kas maan gala

Ka ARRADAN tusaalaha

Umaddaan muxuu tari

HAL AQOONNA ugu yahay?!

Maansada: Hal Aqoon

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

5 Comments

  1. warkaan tiro badanaa oo tayo xumaa sadar sadar ku xiran waan ka waayey waan ku wareerey waan sii wadi waayey boring aan ka qaadey. teeda kale eedeyn uun iyo xagxagasho iyo kusoo caanbixid sherkadii cabdigpood camal.

  2. geelqaad warkan waa macan yahay wanaa loo bahnaa yusuf garad in la tuso qaladad ka hadalkiisa bashir m xersi mahan nin manta qoraa nimo ku soo can baxaya ee dadka soo kala baro waxan u maleynaa inaad saxafada adan aqrin jirin

  3. Asc Bashiir Yusuf waxbuu qorey. Adigase raadkiisa ayaad qaadeysaaye, adigoon ku hal qabsan si madax bannaan Galguduud u amaan. Maangaab, doqon iwm inaad ku tilmaamto waa ceeb.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s