Fulin hungo iyo hoggaan fashilan! Q1AAD

aduun21

Fulin hungo iyo hoggaan fashilan! Q1AAD

MUWAADINKA hanka ku jira iyo SABSABLAHA hungriga wada, marka la is hordhigo, waxaa soo baxaya; kaaf iyo kala dheeri. Waa halkii maahmaahdu ka tiri “Mulac carruuri dileyso, ninna waa ku qurgooyo ninna waa ku cayaayir”. Sidaa waxaa la mid ah; falaadka, faduusha, farsamaxumada SABSABLAHA iyo fajaca, faqriga iyo fayowdhawr la’aanta MUWAADINKA haysta. Si kale haddaan u dhigo, “Laba kala bariday kala war la’!” midna Dheri buuxa, Dheylo shiilan, Dhisme dheer, Gaari dhiibsan iyo dhaqaale uusan u dhididin ayuu isku dhuuqayaa, kan kalana dhaxan, dhiillo, dhagar, dhuuni la’aan iyo dhimasho ayaa isku raacay.

Jirrada waxaa ugu daran ta aadan ogayn inaad qabto, maxaa yeelay, cudurka aad hubto inuu ku hayo, waad la tacaashaa, iskana daweysaa, dabiib iyo dhaqtarna la doonataa. Ebteladu waa marka aadan aqoon xanuunka ku haya, amaba aadan ogayn inaad bukaan socod tahay, oo aad is leedahay waxaad tahay qof fayoow, haddana, aad leedahay dhaqan qof xanuunsan oo kale, waliba sida cudurrada faafa.

Midda kaloo ka daran waa, marka dhimirka wax kaa gaaraan, ee aad isu qabto inaad GARAAD tahay maankiisu dhan yahay, halka ay eheed, in lagu geeyo xarumaha lagu xannaaneeyo dadka WAALAN ama dhimirka la’.

Waa qof falan oo qof fooy isu fisha, haddaan halkaa is dul taago, imisaad aragtay nin waalan oo lagu leeyahay waa fududyahay, ama dabbaal aan waxba garan oo lagu leeyahay waa nin deggan oo miskiin ah, iyada looga cudurdaarayo dhaliisha iyo bukaannimada? Anigu ma garan, ma cadownimaa mise waa nasteex?.

Isu qaadashada ka sokow, adoo DAMMANE ah, marka DIRAC lagaa dhigo ama adoo DOQON ah, marka DUUB lagaa dhigo, waxaa kuu caddaanaya, in aysan isu qaadasho kaa ahayne, ay tahay HUBBANTI aan har la saari karin. Haddi adigu qof dadka dhami wada leeyihiin waa HANUUNIYE, kaalay ku sheeg HABAWSANE!

Reer ayaa hadda ka hor waxay duubteen nin aan u qalmin, lahaynna garasho iyo garaad duub ama odayeed. Ninkii markii uu garwaaqsaday inaan cidi ka mudnayn, ayna noqotay inuu geedka ka arrimiyo, ayaa waxaa dhacday arrin looga maarmi waayey xalkeeda duubka beesha. Ri’ ayaa madaxa la gashay dheri dhoob ah, waxaana loo maaro waayey sidii looga saari lahaa, ka dib waxaa loola tegay duubkii si uu arrintaas xalkeeda u keeno. Waxba kuma aysan qaadane, wuxuu markiiba la soo booday, horta rida madaxa ka gooya, markii ridii la gawracay, ayaa madaxii ku haray dherigii, ka dibna wuxuu mar kale ku arrimiyey in dheriga la jabsho, markii dherigii la jabshay, ayuu baroor qabsaday iyo oohin. Waxaa dadkii weydiiyeen; “maxaad sidaan ula qiirootey?” Wuxuu ugu warceliyey; “waxaan ka werwerayaa haddaan dhinto, yaa sidan oo kale arrimihiinna u xallin doona, una kala furdaamin doona?!”.

Dhan kale, marka HABACSANE laga dhigo HALYEEY ama HANFADE laga dhigo HOGGAAMIYE, waxaad filataa, ka sokow isu qaadashadiisa, waa uun hallaw iyo halaag, sida sheekada saraba ku cad, maxaa yeelay, HALDOORNIMO laguma habayn, HALABUURNIMANA daa hadalkeeda. Waa halkii uu Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” ka yiri gabaygii GUDGUDE:

Markay raar guraysaba nin bay, gudub tiraahdaaye

Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumaroowe

Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye

Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gurane

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo

Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaaro

Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye!

 

Kuu DHAAMI maa DHAGAREEY ka roon tahay!” Haddana, dhagarta ka sokow, haddiiba ay kuu dheer tahay in lagu yaso, liido ama lagugu ciyaaro waxay ka sii xanuun badan tahay, marka lagu dhagro kaliya. Ta shacabka haysatana waa taa, haddana, iyaga ayaa qaybta ugu badan shida ama huraya, maxaa yeelay, SABSABLE walba iyaguu taageero ka helaa, oo ma dhahaan: “Moogoow, na mood, malag ha ku mawtiyee!” Taa baddalkeed mashxarad, caleemo qoyan iyo waxaa lagu soo dhaweeyaa suugaan silloonoo sirgacan.

Hubaal in shacabka ay haysato aqoon darro, ogaal yari iyo wacyi hoosayn, haddana, ugu yaraan waxay eheed inay dhaqangalshaan murtidii eheed: “Mar i dage, Alle ha dago, mar labaad i dagase anigaa is dagay!”. U fiirso, Xasan, Shariif, C/laahi iyo C/qaasim, mid walba wuxuu magacaabay 3RW, is weydii; xigmadda ka dambaysa, ee aan ahayn DUMIN, DULLEYN, DABADHILIFEYN, DIBINDAABYEYN iyo DIBAADINNIMO? Haddana, waxaa loo wada yaqaan, HALYEEYO iyo HALDOORRO qatar ah, aadan hal dhaliil u jeedin karin.

U kaalay, midda maanta taagan iyo falaadka Xasan. Ka sokow, inuu maalintii uu Saacid magacaabayey uu yiri wax u dhigma: “Xukuumado is qilaafa ayaad u barateene, anagu is qilaafi maynno!” haddana, sanad ka dib waa uu riday Saacid. Cabdiwali ayuu keenay, isna halkii oo kale ayuu marshay. Bulsho FASHILAN ayaa madax FASHILAN soo saarta, sidaa awgeed, Xasan, inuu FASHILMAY ka sokow, halkan wuxuuba la yimid mid hortii FASHILMAY, oo ka dhigan: FASHIL FASHIL KU DHUFO, waxaa soo baxay FASHAL LABANLAABAN!

Qoraalkayga adoon dhaliilin, qiirana ku qaadin, bal dib u xasuuso, ballanqaadkii Xasan, keliya ujeedka aan ka hadlayno ee ah, khilaaf iyo ismaandhaaf waa dhammaaday, ma fuliyey mise ma fulinin? Ma ka cudurdaartay maalin qura? Maya! Anigu ma maqal! Maalin walba wax badal, oo ku badal wax ka roon ama aan la aqoon, oo u eg wax roon, balse, wax hore loo soo arkay, oo la ogaaday inaysan waxba goyn waxna galin ku badal, waa INKAAR iyo AQOOLXUMO; “Aqool xumo abaar ka daran!”. Isna waa RW cusub ee duugga ehe, sidii lagu yaqaannay, wuxuu dabada qabtay FASHILKII lagu yaqaannay, oo laba bil gudahood wuxuu magacaabay laba xukuumad, tii saddaxaad ayaana si dirqi ah ku hirgashay, dabcan laaluush badan ka dib iyo markii la qaaday ISBAARADII XILDHAANNADA u taallay, XILDHAANNADA XUKUUMADDA! Ma is tiri; waa isku fiican yihiin?.

Labadii hore xasuustooda maba la hayee, ma Dhurwaayo ayey ahaayeen mise Waraabeyaal? Bal tan xigtay aan dhawr eray ka dhaho, oo loo wada badinayo in mar kale uu ku yimaad baddal iyo wareejin wasaarado. Ayaandarrada na haysata ayaa ah, had walba in qallooca nalooga dhigo qummanaan, haddana, aan sidaa ku qaadanno, ee aannaan iska qaban.

Fisha qayta xigta ee qormada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s