Fulin hungo iyo hoggaan fashilan! Q3AAD

Fulin hungo iyo hoggaan fashilan! Q3AAD

Fulin-hungo-iyo-hoggaan-fashilan!_1_Bashiir-620x330

3- Foolka iyo faca cusub: Ku dhawaaqiddii xukuumaddan ka dib, ayaa waxaa is qabsaday codka leh waa, FOOLOL iyo FAC cusub, ooba aniga hal ku dheg iyo halhays ii ah, oo ah, run lagu labay riyo, maxaa yeelay, in ay siyaasadda ku cusub yihiin malo ma lahan, balse, inay leeyihiin waaya aragnimo siyaasadeed ayaa ah iyana mid aan muran ka jirin, oo ka dhigan; hashii ninka indhaha la’ ee gurranaa uu dheelmiyey oo kale.

Fac cusuybka ka sokow, waxaa kale oo muhim ah, in la fiirsho xubnaha xilalka loo dhiibay, waa ayo? Qabiil ahaan maya, oo xilkaba abtir iyo waxay ku heleen reernimo, ee waxaan uga jeedaa; aragti iyo feker ahaan xaggay ka biya cabeen? Tani waxay muhim u tahay ogaalkeedu, marka aad aragto habka halaajintu ku socoto, oo dawladdii C/laahi Yuusuf, ahmiyadda iyo arriminta waxaa la siiyey QABQABLAYAAL, waxaanna ku magacaabay DALALADDA QABQABLAYAASHA. Waxay ku lahaayeen in ku dhaw 7wasiir qabqable. Tii Shariif, ee xigtay, waxaa iyana miistay habqankii Maxkamadaha, Wadaaddadii waalligu wadday iyo Aala Sheekh (garab ka mid ah ISLAAX), heer ay ka heleen in ku dhaw 10kursi, oo Janaqow ku tookhay “Xusbul Xaakim aan ahay!” Xukunkaa ba’, oo xero kuuma oodnaato! Tan hadda la joogo waxaa garwadeen ka ah, DAMJADIID, oo ah garab kale oo ka tirsan ISLAAX.

Haddaba inaan ogaanno gabbaadkooda dambe, waa hubaal inay naga gacan siinayso, inaan ogaanno halka geeddi loo yahay iyo gaadiidka la adeegsanayo. Waxaa hore sibiq noogu galay kuwii hore, ee uu ugu dambeeyo Xasan, ee aan la is weydiin, war maamule Dugsi iyo Jaamacad, ama urur bulsho, ee aan waligii xil sare ama hoose soo qaban, sidee mar quro u hantay xilka ugu sarreeya waddanka? Bal adba.

Waa tii labaade, Maamule Jaamacadeed oo uu xil sare ka qabanayo, haddana, waxaa ku soo darsoomay Wariye. Dhaqankii hore, ee Soomaalida, waxaa jirtay, in Macallinka aan geedka garta lagu goynayo la keeni jirin, maragna aan loo qabsan karin, illeyn geedka waxaa fadhiya duubabkii iyo garyaqaannadiiye, halka isaga xaajadiisu tahay barid iyo barbaarin ubad, oo aan mararka qaarkood dhaqan ahaan aan bulshada keeni karin, si uusan bulshada ula galin amarkii uu siin jiray ardadiisa, ee; ammus, fariiso iwm.

Faca cusub, haddii ay yihiin Caynte, Fahad, Odowaa iyo kuwa la midka ah ama ka liita, waa jab hordhac ah  iyo halaag billow ah. Waa filyarahay, faaliye ama fuliye ma lagu noqdaa? Da’da iyo guga yari ma leedahay waxtar aan lagu lammaanin waaya aragnimo iyo cir iyo caad bixinnimo? Haddii hore wiilkii yaraa u yiri: Xaajada Odoyaal ha u raadinninee, WAXGARAD u raadsha!” Talow, maanta wiilkaa muxuu dhihi lahaa marka uu arko in xilka la isugu dhiibayo, waa da’yar tahay?! Bal adba.

Rag badan oo la soo shaqeeyey Ceynte waxay isku waafaqeen inuu yahay JAAJUUS AMEERIKAAN, haddana, lagu tuhunsan yahay inuu Qadarna u shaqeeyo, halka, siyaabo iyo sababo badan loogu yeelay, in Fahad Yaasiinna uu yahay JAAJUUSO Qadar. Si kale, waxa la leeyahay waa da’yar yihiin, waaba dhallaan jaajuus ah, oo maba qaangaarin, maxaa ku qaaday? Waxaan maqli jiray: “Dhawrtaysa ogaa, maba dhalane!” iyo “Shalaad dhalatee, waa la sgubi jiray!” Raggii soo jaajuusi jiray teer iyo lixdankii ayaa wali taagan, oon xitaa laclacine, iyaga boos ma u bannaan yahay horta?.

Caynte iyo Fahad ayaa ka mid ahaa raggii lagu eedeeyey inay Xamar geeyeen lacagtii laaluushka eheed ee uu ku soo baxay Xasan Sheeq, oo laga qaaday dalka Qadar magaalada Doxa, haddaba, ragga sidaa ahaa maanta haddii wasiirro laga dhigay maxaa laga filan? Bal adba.

Ku darso, Ceynte ayuu ahaa, mar waraysi laga qaaday 2010kii, oo xilka Wasiirka 1aad ahaa Ina Sharmarke, in uu ku sheegay in uusan khibrad iyo lahayn waaya raganimo hoggaamineed! Hayaay! Bal aan weydiiyo Ceynte: hadda oo aad ka mid tahay xukuumaddiisa 5sano ka dib, miyuu helay ama kasbaday khibraddii aad shalay ku dhaliilaysay inuusan lahayn, ee hoggaamineed?.

Si kale u dhig. Haddii Caynte shalay Ina Sharmarke ku dhaliilay inuu xilka qabtay isaga oo aan khibrad lahayn, weydiin: maanta Caynte ma leeyahay khibrad uu ku qabto xilkaa? Qaab kale u weeci weydiinta: Caynte ma shalay ayuu WAALLAA mise maanta ayuu FALAN yahay? Midi waa hubaal, in labada maalinba aysan jirin maalin uu saxnaa, ee labadaa midda uu ahaa yaa noo soo ogaada, wax bay noo tari leheede!

Waxaa la yiri: “Waxaa jirta, GAR aad naqayso, oo adiga kugu neqsan!” waana ta haysata Ceynte. Waxaa ka gedmaneyd weerta Soomaaliyeed ee tiraahda, “Hadalkaaga summadbaa lagu dhigtaa” si aanad u hilmaamin, oo aanu kaaga duugoobin. Saw Caynte kuma biireyn xertii aan afkooda iyo dhegahoodu ismaqal, ee barnaamijka: “KALA HADAL iyo LABA CODLAYN!” Ku caanbaxday.

Si kale u dheh: qof aad shalay ku tilmaamtay, inuu DOQON, DAMMANE iyo HABACSANE yahay, xilkana ku helay, in aabbihii hebel la yiraa, oo aan khibrad iyo waayoraganimo lahayn, maanta, isla qofkaa, ma ka soo agmuuqan lahayd, waliba asoo kuu taliya, oo aad ka amarqaadanaysid? Waa weydiin kale, oo hortaal Ceynte iyo kuwa la midka ah, ee iska HADRA ama HADLA, maya, HADAAQA ama HANTAATACA!

Si kale u dhig; Ceynte, haddaad shalay Sharmarke ku dhaliilayse oo kali ah, khibrad ma lahan iyo magac aabbe ayuu duggaalayaa, maxaad ka tiri; aaya xumadii laga dhaxlay iyo ayaanxumada uu noo horseeday, oo uu baddeennii buuq iyo galiyey muran aan hore ugu jiray? Ma is tiri wali; armaad gashaa booskii Cabdishakuur uu ku yiri: CUMAR AMIRKIISAAN KU SAXIIAY HESHIISKA!” maadaama aad hayso xilkii oo kale ama u eg?!

Aan ku soo xiro faallada, gabaygii Abwaan Aadan Carab ku lahaa:

“Sidii baan marqaafya u sitaa laba mareykanee 

Sidii baan mankaar lagu gubtay iyo milic u joogaaye

Sidii baan xafiis meel fog jira ugu muctaadaaye

Sidii baan maqaar ugu gam’aa meel la ii dhigaye

Sidii baan macaash ugu gataa harag miciinkiise

Sidii baan madaal dheri karshiyo rodol u miistaaye

Sidii baan martida caano qura ugu macsuumaaye 

Sidii baan miraa ugu gurtaa madaxa toomoode

Sidii baan u macaluushanahay oo mud dhuubanahaye

Sidii baan manjaa ugu socdaa moodhar liidiiye 

Sidii baan mawaashiga hayaan ugu maqiiqaaye

Sidii baan madow ugu jiraa maato iyo ruuxe

Sidii baan taclliin uga madhnahay machadka diineede

Sidii baan macruufka u sugaa macallinkiisiiye

Sidii baa guddiga loo maraa wax u masaynayne 

Sidii baa miskiin tulu leh looga marayaaye

Sidii buu kiniin uga mutaa maradka jiifaaye

Sidii buu rumaan ugu murxaa kii maxbuus ahiye

Sidii buu dalkii naga maqnaa muran u joogaaye

Bal muxuu maciinoo i taray ministarkaan doortay.”

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s