Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!

surfi

Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!

Gadgaddoonka waayaha iyo kala rogodka maalmaha waxaa ka dhasha isbedel farxad leh marna naxdin leh, wixii qabax iyo qori dhacayey dagaalna dabada lahayey ee beel iyo qabiil loo diriray, qabqabluhuna uu ahaa calansidaha aan marna dhicin iyo udub dhexeedka halaagga, yaa is lahaa culimadaa ku lug yeelanaysa cadaabka lagu hayo umadda, “Waqtigaagoo dheeraada Geel dhalaana wuu ku tusaa” waa tii la yiriye, waxaa la yaab noqotay meesha wax ku dhammaadeen halka la taagan yahay iyo sida xaalku u xun yahay.
Markii wadaadadii dagaalka safka hore ka galeen, xooreen gadaalna iska mariyeen wixii ay kitaab ku rarnaa jireen, ama u kilkilaysnaa waligood, waxaa dhacay wax lala yaabo!, wadaadada dambe saansaan dagaaleed waaba lahaayeen, oo waxaa ka fanfaniinayey waligoodba Aayadaha Jihaadka iyo erayada dagaal galintee Ahlusunnana maxaa qaaday? Waa qormadeenna maanta, waxaanna ku eegi doonna sida ay ula falgashay dagaal diimeedka qaybna uga noqotay xerta meles iyo xigaalada Xabashida.
Alshabaab waa dhal feker diimeed xagjir ah, waxaa majiirtay hal adaygga mariidka leh ee ku salaysan nacaybka inta kale, waxaa fooshay xaglo isku dhaggan iyo xigmad gurracan, malaha ciriirigii ay soo mareen ayaa wuxuu wax u dhimay maankooda, waa kuwan dadka marjiya dhagaxna ku dilee!, dabcan inay ceego ku dilaanna waa wax aan fogayn oo la filan karo!, hab dhaqankooda fog iyo midkooda dhaw marka laga reebo magaca iyo tilmaamtan cusub, waxay kuu muujinaysaa inay waligoodba ku taamayeen waxyeelada dadka iyo dhibka umadda!.
Ahlusunna intii uu socday dagaalka sokeeye ee u dhexeeyey beelaha Soomaaliyeed qayb muuqata kama qaadan, micnaha lama arag tikniko Ahlusunna ku suntan oo dagaalka safka hore kaga jirta, waxay ku sii dhaganaayeen dhaqankoodii hore ee ahaa tusbaxa iyo wardiga oon laga daalin, waxaase la dhihi karaa kama marnayn xijaab xirka mooryaanta beesha dagaalka u ambabaxaysa, ama inay tahliil u tufaan gawaarida gaashaaman ee reerka loona qoofalay inay u baqoolaan weerarka beel kale, tani waa mid iska caadi ah maxaa yeelay qabqable walbaa wuxuu leeyahay wadaad uu ka ducaysto bunkana uu u dubo!.
Siduu u billowday dagaalka jihaadka iyo ku janno tagga diirka Soomaaligaa, waxaa si toos ah loo beegsaday xarumaha Ahlusunna, si gaar ah waxaa dhib weyn loogu gaystay xarumaha ay ku duugan yihiin culumo ka soo jeeda Ahlusunna, falkaa tacadiga ah waxaa gaystay Alshabaab oo iyagu fal kasta oo xun Alla ugu dhawaada, waxay burburiyeen dhismayaal, faageen qubuuro ay ku aasnaayeen wadaaddo caan ka ah gayiga Soomaaliya, qabuuro faagiddu waxay ku badan tahay kuna badnayd koofurta fog, gaar ahaan gobolada: Bay, Bakool, Gedo, iyo labada Jubbo, meeshaas oo si joogta ah ay uga dhacaan tacadiga loo gaysto mayd sanado hore lafa lafo noqday!.
Falalkaasi dabcan xanuunkooda ayey leeyihiin, waxayna si toos ah u taabanayaan Ahlusunna, Alshabaab daansi daansi kama ahan sida muuqata, waxayse ka tahay qalad sixid iyo toosin diimeed, waase yaabe diinta faraysa in dadka la dhibo waa tee? Kuma sii jirto hadduuba geeriyooday; in loo duceeyo waxaan ka ahayn ma mudna!, Alshabaab dhaqan xumada waa caadadooda, waxayna had iyo jeer ku hawlan yihiin sidii ay u tirtiri lahaayeen wixii iyaga ka soo hara, ama aan ku mabda’ ahayn in la kala diin duwanaado meesha kuma jirto, haddaad rabto Soomaali dhaladaba ahaaw!.
Ahlusunna waxay dagaal diimeedka sokeeyo soo gashay ka dib dhacdo xun oo ka dhacday magaalada Guriceel, taas oo ahayd ka dib markii Masjid gudihiis dhegta dhiigga loogu daray Sheekh gudaha Masjidka Kitaab ku laqbaynayey xertiina loo caga jugleeyey!, taas oo sababtay caro xooggan oo ku dhalisay Ahlusunna inay qoriga qaataan, qorigii ay qaateen illaa iminka waa sitaan, lamana garanayo xilliga ay dhigi doonaan, maxaa yeelay cid dammaanad qaadi karta dhigista qori diimeedka Ahlusunna ma jirto, waxayba ku heleen in awood qaybsi la galaan dawadda, maalmaha dambana waa kayd ay la shirtagi doonaan!.
Dhacdadaasi waxay Ahlusunna ku kicisay dacartii ku gaamurtay sanadihii fawdada, waxay ku doodeen: “Luq horaa Laqanyo kicisa”, awalbaan gacan ku gambad ahayne ma waxay nogu dareen inay Masaajidda nagu dhex dilaan?, Allaylehe waa gunnimo gablanse aan loo ahayn, maxaa yeelay imisa kuray ayey madaxa u hagoogeen cimaamad cadna u duubeen? Waxaa meesha ka dhacay nagama diin fiicna nagama rag fiicna ee waa inaan fadhiga ka kacnaa!.
Ahlusunna waxay guluf colaadeed ka billowday deeganada loo yaqaan gobolada dhexe, dad badanina ay dusha ka saaraan eedda burburka Soomaaliya, run ahaantii Ahlusunna waxay dagaaladii ay la gashay Alshabaab iyo xulufadooda ka soo hoysay guulo la taaban karo, waxay ka sifeeyeen deegaanadaa Alshabaab iyo wixii ulohooda wata, taas waxaa loo arkay arin aad u wanaagsan, waxaa laga soo dhaweeyey gudaha iyo dibadda.
Isla markii dawladda Sh. Shiriif waxay kulan la qaadatay madaxda Ahlusunna, waxay kala saxiixdeen heshiis isafgarad oo ku biyo shubanaya is xulufaysi iyo is cududsi, arintaasi waa hirglay heshiiskaa heer ay markii dambe wada saxiixdaan heshiiska awood qaybsiga ee ka dhaacy Addis Ababa, muddo gaaban ka dib madaxweyne Sh. Shariif wuxuu usha feker diimeedka ku dhuftay Ahlusunna, isaga oo ku tilmaamay inaysan waxba ka duwanayan kooxo diimeedka ka jira Soomaaliya, taas oo aad uga caraysiisay madaxda Ahlusunna, hadalka madaxweyne Shariif wuxuu sal u yahay ferker diimeedka ka guuxaya maankiisa.
Sh.shariif madashaas wuu ku fashilmay waxna kama yaqaan xulufaysi iyo xeelad siyaasadeed, maxaa yeelay ujeedka isu keentay waa: cadawgaaga cadaygiisu waa saaxiibkaa, taas oo ahayd in madaxweyne Shariif inta feker diimeedka dib u dhigto uu difaaco Ahlusunna, balse ma garan oo wuu garab maray, sida uu u halgaaday ayuu berrina hadduu awood fiican helo u hareer mari doonaa!, maxaa yeelay geed walbaa wuxuu dhiimaa dhacaankiis, Shiikhuna wuxuu ku hadlay waa arin uu aminsan yahay, waxaase isaga qasan feker diimeedka iyo feker siyaasadeedku inaysan isku meel galin, isku sina u shaqayn!.
Ahlusunna waxay cudud fiican ka heshay dawladda aan dariska nahay ee Xabashida, taas waa arin qarsoodi ah, ugama jeedo dhacdo ahaan, balse waxaan uga jeedaa in madaxda Ahlusunna aysan qirsanayn qirinna doonin, ceeb ma ahan inaad colkaaga cudud u raadsato, walow aad shaydaanba calaf ka daydid, balse meesha waxaa yaal dhacdo taariikhda gashay, uur ku taallana reebi doonta, maxaa yeelay Xabashi waa loo wada xeraystay, markii hore qabqablayaasha kaliya ayaa lagu eedayn jiray inay u xaluushaan Xabashida, haddase xaalku wuxuu marayaa culimadiina inay u kala dhuuntaan!.
Hubka ay ku dagaal galaan Ahlusunna qayb badan oo ka mid ah wuxuu ka yimaada Itoobiya, taas waxaa caddayn doono waqtiga iyo goob-joogayaasha, ee taas dhan dheh, aan ku laabto deegaanka ay Ahlusunna ka taliyaan ee laga sifeeyey Alshabaab, muxuu ugu koobnaaday degmooyinka: Dhuusamareeb, Guriceel, Matabaan, Cadaado iyo Cabudwaaq, marka aad dhanka xeebta aaddo isla deegaanka gobalkaas ma muuqato sifaynta ka dhacday degaanadaa, gobolada koofureed iyaga warkoodba iska daa, haddaba su’aal aan halkaan dhigo: maxaa ku koobay deeganada laga sifeeyey Alshabaab dhawr degmo oo ka mid ah gobolada dhexe? Maxaa looga sifayn waayey deegaanada kale ee ka tirsan isla gobolada dhexe?.
Su’aashaas waxaan uga dan leeyahay inaan arin yar ku miijiyo, aanse ku hormaro: Ahlusunna miyey joogin gobolada kale ee dalka? Miyeysan joogin caasimadda Muqdisha? Maxaa looga waayey wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ka sameeyaan gobolada kale? Maxay wax uga qaban la’yihiin meelaha duminta joogtada ah lagu hayo? Maxay uga hortagi la’yihiin meelaha qabuuro faagiddu ka noqotay shaqo maalmeedka? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa maanka ku soo dhacaya, marka aad si qoto leh u eegto waxa ka dhacaya deegaanadaa.
Waxaa lagu doodi karaa deegaanadaa dadka deggan lama dhihi karo hal qabiil, waa beelo isku milan ood-wadaagna ah, markuu dagaal dhaco mooyee inta kale isku mawqif ah, markase dagaal dhoco waa isku shiilmaan ama isku gamaaraan!, sheekado sidaa ma ahan, runta aan ka abbaarno arinta, Dhuusamareebna waa laga sifiiyey Xamarna waa u fasaxan yihiin Alshabaab farbaa ku godan? Mid ahaan waa tallaabo geesinimo iyo raganimo leh waa midda ah inaan laga helayn Alshabaab Dhuusamareeb, balse Ahlusunnada Dhuusamreeb maxay kaga duwan yihiin kuwa Xamar? Bal taas ii jilciya Soomaalaay!, meesha kala duwaanaansho ma taalle waxaa yaal garabgal beeleed iyo gaabsi beeleed oo ka kala jira labada degmo!.

Siduu u dhacay shirkii Addis Ababa waxaa soo batay cododka diidan natiijada Shirka, diidmadu waxay ku salaysan tahay mar qaab beeleed oo waxaa lagu eedeeyey beesha ka soo jeedda degmada aan kor ku xusnay inay isku gaaryeeshay shirka, teeda kale waxaa lagu diiday shirka qaabka uu u dhacay meesha uu ka dhacay iyo dadka ka soo qayb galay, taas waxay keeni kartaa Ahlusunna oo laba qayb noqota ama laba garab yeelata, waxaas intaas ka sii muhimsan guux beeleedka jira marka la eego awoodda sida loo qaybin doono!.
Ahlusunna waxay heshay magac ballaaran, waxaa u suura galay inay qayb ka noqoto kooxaha wax laga weydiiyo xalraadinta Soomaaliya, waxay kulamo dhawr ah la yeelatay dan-jirayaasha dalal badan u jooga Kenya, haba ugu muhimsanaadeen kuwa reer galbeedka, dhanka kale Ahlusunna waxay dhawaan dawladda Sh. Shariif la gashay Shir ka dhacay dalka Itoobiya, waa su’aale shirka meel kale oo lagu qabto miyaa la waayey? Ilama ahan, waxa laga damacsanaa waa raaali galinta Itoobiya sida iska muuqata, haddii kale shirku muxuu uga dhici waayey Cadaado, Cabadwaaq ama Dhuusamereeb? Ama goob ka mid ah dalka ama wadan kale!.

In badan Ahlusunna waxay ku celcelisay inaysan xildoon ahayn, haddaba
haddaadnaan xildoon ahayn maxaad ilaa Addis ababa u sii kadlaynayseen? Mise Addis waa golaha xajka siyaasi isku sheegga Soomaalida? Marka idinna waad ku gawracnaydeen inaad tagtaan Addis Ababa? Waa sheeko ii dheh ah xil ma doonaynno, caruurta xittaa idinkama koobinayso ee miyaadnaan xishoonayn?.
Ahlusnna waa awood aan aragti lahayn, maxaa yeelay dagaalada dhaca intooda badan iyaga ayaa ku gacan sarreeya, haddana ma jirto wax muuqda oo ay qabtaan daagalka ka dib, had iyo jeer waxay ku celceliyaan inay qaadayaan dagaal kama dambays ah iyo inay ka sifeeyeen Alshabaab deegaanda ay gacanta ku hayaan, waa arin fiican, balse maxay ugu dari la’yihiin aragti maamul iyo mid siyaasadeed, noloshu ma ahan dagaal ku jir kaliya, ma ahan raacdo joog ee waxay u baahan tahay qaabayn isku xiran oo dhammays tiran, taasna waa midda ka maqan ilaa imika Ahlusunna, khilaafka soo kala dex galay waaba meeshiisa!.
Deegaanada ay iminka gacanta ku hayaan Ahlusunna waxaa ku dhuftay abaaro ba’an, cid ka hadashay ama cod ku tiri dadkaa halla gargaaro ma jirto, waxaan wada xasuusannaa maamulkii Maxkamadaha berigii ay dheceen fatahaadyada Wabiyada inta ay dadaal muujiyen, balse dhanka Ahlusunna lagama arag dhaqdhaqaaq caynkaa ah, waana qayb ka mid ah habacsanaanta ay la dhacdiidaan, dhanka kale maamullo adag kama dhisna meelaha ay ka taliyaan haddii ay ka dhisan yihiin ma muuqato wax qabadkooda iyo tallaabooyin ay damacsan yihiin inay qaadaan!.
Ugu dambayn Ahlusunna waa cucudda iminka hortaagan Alshabaab, waa tii la yiri: Balaayo balaayo u lahaaw” waxaan uga jeedaa aragtida dagaal ay wada wataan ayaa hal meel kuwada arooraysa ama ka soo wada jeedda!, taas ayaana waxay kenaysaa in aan inta kale sidaa ugu tafaxaydan ama ugu babac dhigin, arinta maqani waa in Ahlusunno ku daraan cududda dagaal cudud caqliyeed, la yimaadaan aragti furan wax qabad muuqda iyo siyaasad dabacsan.

Maarso, 2010
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Advertisements

7 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s