Calan iyo Calal Madaw kala Caynad Wacan!

hqdefault

Calan iyo Calal Madaw kala Caynad Wacan!

Dal burburay, dawlad dhacday iyo ummad kala baahday, wax walba ka filo. Sidii ay meesha uga baxday dawladdii dhexe, ee Soomaaliya, waxaa la soo maray xilliyo kala gaddisan, oo aan la mahdin, billowga, bartamaha, baal socodka iyo meesha ay ku biya shuban doontaba, waa midaan loo riyaaqaynin. Sababta waxaan filayaa inay iska caddahay, maxaa yeelay, sanadihii colaadaha dhibkii dhacay, ee wada gaaray miyi iyo magaalo, waxay sababeen fawdo iyo fidno aan jaan iyo cayn lahayn.

Wixii la soo maray, ee burbur ahaa, bililiqadii loo gaystay hanti dawlad iyo mid dadweyne, ee la fiiqday fooq iyo hoos, wixii la boobay, ee la bawsaday een cidna looga amran, wixii dhac iyo dhibaato la gaystay, ee aan cidna loo dhimrin, wixii xumaan la maleegay, ee midig iyo bidix lagu meeray, wixii maamul la diiday, ee mooryaan laga doorbiday iyo maangaabyo aan magac lahayn, dhammaan waxay ku aroorayaan sida xumaatada loogu wada hamuun qabay ama loogu wada gayfanaa, ee aysan jirin cid yac ka dhahaysa.

Astaamaha qaranka Soomaaliyeed mar hore ayaa la burburiyey, qaarna waaba la badalay, burburintaas oo si ula kac ah u dhacday iyo qasad. Waxaa meesha ka baxay wixii dawladda Soomaaliyeed lagu astayn jiray, oo lagu aqoonsan jiray. Inta uu ku socday burburku ama la badalayey cidna kama hadlin ama kama dhiidhin, ee waa la wada aamusay, taas oo muujinaysa sida Soomaali u fiirsanayso waxyeellada ku socota astaamaha qaranka.

Qormadan waxaan doonayaa inaan xoogaa ku iftiimiyo, hadalka ka soo yeeray maalin dhaweed, afhayeenka Alshabaab, oo ku dalbaday in la badalo Calanka Jamahuuriyadda Soomaaliya. Run ahaantii ma ahan markii ugu horraysay, ee ay ka dhawaajiyaan arrintan, ee waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo ay horay u sameeyeen, oo ka kala dhacay meelo kala duwan, oo ka tirsan dalka, oo u badan Koofurta, oo ay ka taageen Calal madaw oo ay ka dhigteen astaan.

Urur walba astaan u gaar inuu leeyahay waa wax jira, oo aan la diidayn, qolo walbana inay leedahay astaan u gooni oo lagu aqoonsado. Qaramada Dunida ka jira mid walbaa wuxuu leeyahay astaan iyo calan u gaar, oo lagu garto, kooxaha cayaaraha jaadkay doonto ha noqotee mid walbaa wuxu leeyahay astaan u go’an, sidoo kale, shirkadaha ganacsiga waxay leeyihiin astaan lagu garto, guud ahaan wax walba wuxuu leeyahay astaan lagu aqoonsado oo looga sooco walxaha kale.

Astaanta Dawladda Soomaaliya tilmaamteeda balaan ka soo xiganno axdiyadii kala dambeeyey, ee ay lahaayeen dawladihii loo dhisay Soomaaliya xilligii nabadda iyo intii lagu jiray xarig jiidka murqa daaliska ah. Dhammaan waxaa ku qeexan in astaanta Somaliya tahay sidan:

Calanka qaranka ee Dowladdu waa: buluug furan, cirka u eg, afar gees ah, dhexdana ku leh xiddig cad shan gees leh madaxyo siman leh.

Astaanta Dowladda waxay ka kooban tahay: Gaashaan buluug furan, oo leh xidaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shan geesley ah oo dheeh qalin ah leh.

Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabiya, oo ay labada geesaha ku yaalla ay kala qaaran yihiin, hareerahana waxaa ka haya laba Shabeel, oo dabiici ah, oo isku beegan kuna kala taagan laba waran, oo isku waydaarsan caaradda hoose, ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen cawbaar oo dabiici ah, diilin cadina ku qoofalan tahay.

Muhimaddeenna waa tan qusaysa calanka tan kalana waxaan ugu lifaaqnay inay ku lammaan tahay oo calanka astaanta xigta ay tahay, muuqaal ahaan iyo muujin ahaanba astaantan xilliga burburka sidaa uma muuqan oon uga jeedo, maadaama aysan dawladi jirin inaysan astaan ahaan u taagnayn isticmaalkeeduna uu yaraa, ma baabi’in, balse, bidhaanteedu wuu yaraa, taasna waxay keentay in dhallaanka dhashay xilliga fawdada aysan aqoon u lahayn astaantan waxa ay tahay.

Calanka Soomaaliya ma ahan markii u horraysay oo la badalo, horay waxaa u badalay maamulka Somaliland oo ku badalay midka uu imika calan ahaan u doortay, oo waliba mararka qaar calanka Soomaali loogu daray in la gubay meelo ka mid ah deegaannada Somaliland, balse, maamulka Somaliland laba arrinba meesha kama saarin xilligii uu calan samayska ku jiray labadan arin oo kala ah: midabkii buluugga ahaa iyo xidigtii caddeed ee shan geesoodka ahayd, taasna waxaa u sii dheer inuu gooni isu taag sheeegtayna madax bannaani uu ka madax bannaan yahay Soomaali inteeda kale.

Alshabaab waxaa u astaan ah calalka madaw ee tawxidku dhexda kaga qoran yahay. Ma xumo astaan, hadday u wataan marka laga reebo midabka madaw, oo aan sidaa u sii qodnayn, astaan ururna ma noqon karto astaan dawladeed ama umad, taas oo aysan fahamsanayn Alshabaab, haddaba, waxay caado ka dhigteen markii ay tuulo qabsadaanba inay calalkooda madaw ka taagaan, waxaa ugu xumeyd marki ay magaalada Kismaayo intay Calanka Soomaaliyeed dajiyeen ay calalkooda madaw sureen.

Alshabaab waxay dadaaal ugu jirtay sidii ay calalkan madaw ugu badali lahayd calanka Soomaaliya. Waxay u mareen waddo walba, oo ay ku gaari karaan sidii ay u doorin lahaayeen calakna Soomaali. Waraysigii u dambeeyey ee uu baxshay afhayeen Alshabaab Sh. Cali Dheere ayuu ku sheegay in “Calanka madaw ciddii aan oggalaan ay cadawgooda u aqoonsan doonaan”

Hadalkan wuxuu noqday mid ka yaabiyey daka Soomaaliyeed, oo u arkay madax geed la dhac aan xilligeeda la gaarin iyo isku day aan suuragalayn!

Farriinta Alshabaab xaggeeda ka timid, ma ahan mid aan la filanayn, sababtoo ah horay ayey u sameeyaan falal la mid ah, maadaama, ay meelo badan ka sureen calalkan madaw, oo waliba sidaan soo tilmaamnay magaalada Kismaayo ka sureen calalkooda ka dib markii ay dajiyeen calankii Soomaalia. Sidoo kale, waxaa jiray isku day mar lagu doonayey in looga suro calalkan madaw degaanka Ceelsha biyaha, balse, loo babac dhigay, oo laga soo horjeestay taas oo noqotay farriin adag oon dib dambe la isugu dayin!

Run ahaantii dhawaqa ka soo yeeray Alshabaab iyo waxa ay ku andacoodeen, ee ah in calalkan madoobi astaan u ahaa Nabiga waa midaan ka gadmayn Soomaali, sababtoo ah, astaantan ay leeyihiin Nabigaa lahaa, maxaa ku gaar yeelay Soomaali? Illeen dunida Muslinka dhami waxay wada leedahay calammo u gaaree, taas waxaa ka muhimsan, waxay tahay, calalkani inay ka soo minguuriyeen kooxaha xagjirka, ee ka dagaallama Ciraaq, Falastin iyo Lubnaan.

Ma ahan inay Nabi iyo diin ku meermeeraan, ee waxaa ku habbooneed inay iska caddaystaan inay wadaan ajande ay u soo dhiibeen ururradaa ka dhisan waddammada aan soo sheegnay. Waxaa wax lala yaabo ah haddii ay xitaa ka soo qaateen ururradaa, miyeysan arkayn in ururradaasi dhammaantood ay aamisan yihiin calanka dawladdooda, oo waliba ay is ag suran yihiin astaanta ururka iyo astaanka dawladda, taas oo kuu miijinaysa inay is waafajiyeen himilada ururka iyo hannaanka dawladda?.

Ayaan darrase waa Alshabaab iyo wixii ku uur ehe, waxay la soo istaageen waa in la badalaa calanka Soomaali. Ujeedku ma uun tirtir astaan Soomaaliyaa, mise waa aragti xumo haysa? Run ahaantii waa wax laga xumaado, waxa ay samaynayaan, ee waliba aan loo xeerdayin ama aan la xigmadayn. Waxaa hubaal ah inaysan hirgalayn, balse, inta lagu jiro sabanka silica sanduubyada waa in uurku taalllo hartaa.

Quruxda iyo hannaanka calanka buluugga ah leeahay waa midaan tilmaam lagu sifayn karin, waxaase la yaab ah midabkaa milgaha badan, ee cirkaan nagu dadan u eg, ninka inta badalay ku badalay madab madaw, taas oo u muuqato inuusan aqoon u lahayn qiimaha midabyada iyo waxa ay ka turjumayaan. Sabab iyo sabab la’aan, waxaa garan kara ama dareemi kara qof kasta oo waddani ah dhiiggiisuna ku socda midabka buluugga ah, kuma sii jiro qofkii salaan u bixiyey, ee hor istaagay dabadeedna qaaday salaanta calanka.

Xizbul Islaan afhayeen u hadlay wuxuu sheegay inaysan jirin cid badali kartaa calanka Soomaaliyeed, farriintaas oo loo arkay inay sii kala foganayaan labada urur, ee mar isku hadafka ahaa, taas ma ahan in aysan isku ujeed ahayn, balse, meelaha ay ku kala tagsan yihiin ayey ka mid noqotay ee waliba bannaanka u soo baxday, waase laga yaabaa inaysan is leeyihiin ku raadiya taageerada dhacabka.

Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa, waxa socda ma ahan dheeldheel iyo cayaar cayaar, sabatoo ah, waxay taabanaysaa dhallinta soo hanaqaadday xilliga fawdada, ee aan aqoon u lahayn qaran iyo dawlad ama aan arag, marka waa inaan ka hortagnaa falalka lagu beegsanyo astaamaha qaranka.

Jannaayo, 2010

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s