Buubbaa isma badaline yaan lagu boojeyn!

Buubbaa

Buubbaa isma badaline yaan lagu boojeyn!

 

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa waa aqoon yahan, aqooliye, aftahan iyo waliba arrimiye xilal kala geddisan ka soo qabtay xukumado kala duwan, oo soo maray dalka, oo ay ugu weyneed, Wasiirka Arrimaha Dibadda, oo uu kala qabtay 2000-2002dii xilligii Dowladdii Carta, ee Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo 2006-2007dii xilligii dawladdii Epgathi, ee Cabdillaahi Yuusuf.

Ka hor, wuxuu xubin ka ahaa Jabhaddii SNM, ee dagaalka la gashay maamulkii militeriga, ee madaxa u ahaa, MSBarre (Aabbaha Burburka Soomaaliya). Dhiciddii xukuumaddii xinjiraha iyo xabbadda ka dib, markii jabhadda SNM ay soo gashay gobollada waqooyi, Buubbaa wuxuu ku jiray xubnihii wax ka dhisay maamulka Soomaalilaan, ee waqooyi ka arrimaya, madax bannaani iyo inuu dalka intiisa kale ka goostayna sheegtay, aanse wali aqoonsi iyo helin xornimo dawladeed, marka laga reebo maamul iyo maarayn nabadeed, ee bulshada waqooyi ku nagaadeen, xasil iyo hormarna ka dhaxleen. Isweydii; maxaa koofur u diiddan ama ka hortaagan intan oo kale?.

Bishii April gugii 1994tii, ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali “Cabdiraxmaan Tuur” oo ahaa madaxweynihii ugu horreeye, ee uu yeesho maamulka waqooyi, oo ay wehliyaan aqooliyeyaal uu ka mid yahay Buubbaa, oo ka sokow, inuu SNM xubin ka yahay, noqday Wasiirka Maaliyadda ee Soomaalilaan, ku dhawaaqay in laga noqday gooni isu taagga Somaliland.

Waxay noqatay dhacdo aan laga soo dhaweyn deegaannada waqooyi, oo waxaa magaalada Hargaysa ka dhacay bannaanbaxyoka rabshado wata, dhagaxtuur iyo shiid khasaaro dhaliyey.

Ma ahan markii u horraysay, ee aqooliyeyaal ka soo jeeda waqooyi ka laabtaan aragtida gooni isu taagga iyo kala go’, haddana, ma noqon mid hor istaagta dhaqangelinta iyo dhidibbo u taaggeeda.

Buubbaa wuxuu ka ka mid ahaa aqooliyayaal dhawr ah, oo xilka wasiirka koowaad ugu cadcaddaa inay qabtaan, ka dib shirkii Tuulada Carta lagu qabtay 2000, xilkaase uu qabtay Cali Khaliif Galayr.

Sidii uu aqoolinta Soomaalida u soo galay, Buubbaa kama bixin, heer uu ka gaaray meeqaam sare iyo maqaam culus. Dowladdii dalladda Qabqablayaasha, ee lagu soo dhisay Nayroobi Kenya, ee uu Madaxweyne ka noqday madaxa xerta Xabashida iyo xasuuqa Cabdullaahi Yusuf, Ismaaciil Buubbaa wuxuu ka noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ismaaciil Buubbaa, intii uu xilkaa hayey, sanadkii 2006dii, ee la karinayey sidii Xabashidu dalka ku soo gali leheed, xeelad iyo xoogba, wuxuu ka mid ahaa kooxdii Amxaarada horkaceysey. Hilaadintaa wuxuu ku qudbadeeyey hadal la yaab, amakaag iyo argagax lahaa, oo u dhigma; “Bishaaro ayaan u hayaa Soomaali. Waxaad ku biirteen 85 Milyan, oo aan bad lahayan, adinku Soomaaliyey waxaad tihiin 8 milyan. Waxaa idin ku filan in aad maqaayadaha iyo baabuurta BL-ka (GAADIIDKA DADWEYNAHA) ka shaqeysataan!

In badan oo wax ka qortay ama aamisan shaqsiyadda Buubbaa, waxay ku sheegaan in uu yahay qof aragti fog, haddana, anigu illaa hadda, ma arag, qodobka, qaabka iyo qaddiyadda uu ku aragti fogaa? Run ahaan aniga aragtideyda gaarka ah uma arko nin aragti fog, maxaa yeelay, qudbaddaa 2006dii waxay ahayd quqbaddii iigu naxdinta badneed, ee dhagaheygu maqlaan, iyadoo ay wehliyaan aragtidii gurracneed, ee Xuseen Caydiid ku yiri; Soomaaliya iyo Itoobiya ha la isku daro! Isweydiintu waa; nimanku ma iska hadleen mise waa laga hadalsiiyey? Ani ahaan iskama hadal!

Waxaa la yaab kale lahaa, mar uu ka hadlay geerida Meles, oo uu sanado ka hor lahaa waa bishaaro iyo farxad in aan ku biirno dawladdiisa xasuuqa ba’an dalkeenna ka gaysatay, xaalo iyo hanti bandanna naga burburisay. Ismaaciil Buubbaa, Cabdiraxmaan faroole iyo Faarax Macallin, waxay ugu liiteen intii ka hadashay geerida Meles. Ismaaciil Hurre Buubbaa wuxuu Meles ku sheegay  inuu ku dadaali jiray in Somaaliya aysan yeelan dowlad awood leh, wuxuuna yiri: “Males Zenawi wuxuu ahaa nin cadaw ku ah Somaaliya dhan, walba waa kala dagaallamayay dadka Somaalida iyo dalkooda, wuxuu diiddanaay in Somaaliya ay yeelato ciidan awood leh, wuxuuna door bidayay dhismaha maamul goboleedyo kala tagtagsan!“ Gablan. Kolleey, Meles geerida ka dib xitaa aragtidiisii iskama badlin, asna?.

Isweydii marka, aragtida fog, ee Buubbaa lahaa aaway? Ma tii uu ku lahaa Soomaaliyeey farxa, oo bilkhayr dhaha, waxaa la idin ku daraa Xabashiye, waliba aad Baabuur dhaqid iyo maqaayad ka shaqyan kaliya idin deeqaysaa, mise waa ta uu Meles, geeridiisa iyo godgalkiisa ka dib ku leeyahay cadaw Soomaali yuu ahaa? Muxuusan hortiisa uga dhihin, mise waa ka baqayey? Labadan mar, markee aragti fogaa? Maye, horta, markee saxnaa ama qaldnaa? Magan! Waa ku aragti fognaantaa.

In kasta oo uu laba sano ka hor Buubbaa lahaa; “Soomaalilaan, go’daan ayey ku jirtaa!” haddana, sanadkan 2015ka ayuu mar kale ka laabtay aragtidiisii eheed Waqooyi kama go’i karto dalka intiisa kale. May, Buubbaa wuxuu ku laabtay aragtidiisii eheed waqooyi waa ka go’i kartaa dalka intiisa kale. Haddaba, aan si miyirqabta arrinta Buubbaa uga hadalnee, ma Buubbaa ayaa is badalay? Ani ahaan maya, adna?.

21sano ka hor, sanadkii 1994tii aragtidii uu ku qaatay in waqooyi aysan gooni isu taagi karin, intaana ku soo caanomaalay, xilal, xushmad iyo xoolana ku helay, wuxuu maanta ka dhigay wax kama jiraan, oo wuxuu ku laabtay tii uu haystay ka hor 1994tii, ee haddaba, ma isbadal ayaa jira, mise iska daba wareeg?.

Ha laabto ama ha leexdee, hal aragti kala mid baan ahay, walibana anigu waligeey waan diiddana, walina diidi doonaa. Aragtidaa waa federaalka dalka lagu faafinayo, oo aan waligeey cod dheer ku lahaa, waa beelaysi shaar loo galshay, heer markii dambe lagaba baxshay shaarkii, saa ewelba beelaha qaar ayuu u ahaa gabbaad iyo gaashaane, markii ay dareemeen in la soo galayna, ganafka geliyeene. U fiirso, qofka ku leh, Mudug iyo Gaalkacyo ha loo kala qaybiyo qaab qabiil, ma kula tahay inuu dawladnimo Sooaamli rabo? Ma kula tahay inu federaalnimada dunida laga yaqaan rabo? Ilama ahan.

Waxaanse la yaabaa, Buubbaa, marka uu 10sano ka dib, na leeyahay fedraalku wuxuu horseedi karaa in Soomaalidu kala burburto, oo ay noqoto dawlado yaryar, ee iyadu is cunta, iskuna mashquulsan, ma hadda ayuu ogaaday? Ma illaabay inuu ka mid yahay, aqooliyayaashii Soomaali u igmaday in lagu dhaqo hannaanka federaalka? Aaway aragtidii fogeed, ee lagu faaninayey, maxay u tusin qatarta federaalka, uu wasiir iyo xildhibaan ku soo noqday? Gablan.

Waxaa kale, ee aan la qabaa, aragtida ah, dhaliisha uu u jeediyay Soomaalilaan, ee ah, in dooddeeda, aragtideeda iyo taladeedu ku qotonto sooyaal tagay, taaganta iyo timaaddadan aysan tusaale xooggan iyo tusmo habboon u hayn.

Midse, kama yeelin, mana ka aqbalyo, waxaana dhaleecayn doonta mar kale sooyaalka, haddii uusan noo sheegin, nooga magacdhebin aqooliyayaasha oggol in laba dal la kala noqdo, ee la dhuumaalaysana fekerkooda, maxaa yeelay, inta ay la hullaaban yihiin, ee ay qarsanayaan, waxaa ka qurux badan inay bannaanka la yimaadaan. “Hillaac biyihiisa waa caddaystaa!” “Xalaal barqaa la quutaa!” waxaanse ka baqaa inay afgobaadsi, guryanoqosho iyo cidgal ka tahay erayadaa, haddii aysan ahaynna, ay noqon karaan kuwo isaga la mid ah, oo maalinba maqaayadda shidan ka qaxweeya.

Middase aan waxba laga soo qaadin aan xuso. Wuxuu ka dhawaajiyey, inuu xilliyadii u dambaysay Wasiirnimadiisa ku matalay waqooyi. Taa maxay ka dhigan tahay? Inuu baalmaray wixii uu ku dhaartay, oo uusan daacad u noqdo, oo ka dhigan, qof aan ballan lahayn iyo axdi. Kali kuma ahan, inta qarsata, ciiddanna ka badan, balse, asagu bannaanka ayuu soo dhigay, sida Gaas horjoogaha Maamula Waqooyi Bari, oo yiri; “Markii caddaaladda la eego, armaa sedburiino ay qaateen ayaan is leeyahay?!

Si kale, u dhig dib u noqoshada Buubbaa. Haddii uusan sanadihii dambe, xil iyo wasiirnimo helin, saw kama dhigna inay keentay quustan uu la qayliyey, ee haddii uu xil hayn lahaa, aan warkiisa la maqleen, marka laga reebo dhaleecaynta waqooyi?.

Wadaay aan jaalle nahay, ayaa yiraa, Aqoolinta iyo Kubbaddu waa isku egyihiin. Dhacdadan Buubbaa, waxay ku soo beegantay, iyada, oo kooxda AC Milan, uu Siniša Mihajlović u noqday tababbare, halka uu hore u dhihi jiray; adduunka Milan ayaan ugu necebahay!

Mid aan isku qancinayaa ah, in ay tahay rajo beel kale, oo sii calwisay riyada labada dhan ka jirta, ee aan awalba raad iyo raq midna lahayn. Soomaalilaan canaab kuma lahayn, dawladduu ka tirsanaana talo iyo toolmoonaan kulama joogin, haddaba, maxaa is badalay? Xabba.

Mid ka muhimsan, aan Buubbaa iyo inta hadba midabka yeelata aan hordhigo; horta shalay sabab aad xilal iyo xoolo ku heshaan, oo xaq ah ma jirin, saa deegaannada aad meteshiin iyo gobollada aad ka soo jeeddaan ma tegi kartaan, oo waxaad ka tihiin wanted aan cagdhigi karine! Ila xasuusta, in Buubbaa lagu xiray Garoonka Cigaal, isaga oo doonayey inuu magaalada gudaha u galo.

Ismaaciil Bubaa inuu ruug cadaa, waaya arag iyo aqooliye wax badan og yahay muran kama taagana, waliba wax badan ka ogyahay arrimaha ku saabsan aayaha Soomaalida, haddaba, bulshadan dhibban iyadoon la sii dhibin, saw ma habboona, in sida wax loo ogyhay daboolka looga qaado, haba qaraaraatee?.

Ta kale, haddii Buubbaa doonaayo inuu aqoolinta ka fariisto, maadaama da’ uu yahay, uuna rabo deegaankiisa inuu ku laabto, waa mid meesha ku jirta, balse, ilama ahan, oo nin galoo ka baxaa Soomaali laga waa!

Arrin kale, ayaa lagu sababeeyey u noqoshada Buubbaa waqooyi ugu laabanayo, oo ah, in ay soo dirsatay dawladda Sucuudiga, oo ka wakiil ah waddammada Gacanka Carbeed. Sidii uu u billowday dagaalka Yaman, dekadda Berbera iyo deegaannada waqooyiga Soomaaliya, waxay ahmiyad gaar ah u yeesheen waddammada ku lug leh dagaalkaa.

Ismaaciil Buubbaa, labo sano ka hor, ayuu aragti fog ka qabay Soomaalilaan, ee inta maanku fooraro, ee is leh, Buubbaa ayaa isbadalay, ha dhagaystaan, maankoodana ha furaan, ee ha is weydiiyaan; Soomaalilaan goorma ayey go’doonkii ay ku jirtay ka baxday?!

Mid kale waxaan dhihi lahaa, inta aqoonta sheegata ee Soomaalindernimada aamisan ama isu arka uun reer waqooyi. Waxba yaan lagu gabban, marka la dhaliilo ama wax laga sheego jirjirroole iyo laba wajiile, aan qaddiyad koofur ama waqooyi midna aaminasyan, MIDNIMO warkeedba daaye, in aad ku gabbataan aragtida leexsan, ee ah; reer koofur ayaa wax walba dhaamay, dawlad iyo dadnimaba, oo aan waligood daacad ka noqon qadiyadda Soomaalinnamada!

Waxaa hubaal ah in gocor, liidane iyo hanfade goof iyo geddi walba gawriiro, markase dhibaalka, dhimaalka iyo ceebaalka dhan dusha laga saaro koofur, oo aan loo kala saarin dhagarre iyo dhibbane, waxaan qabaa in laga weecday waddadii walaaltinnimada, ee la doonayo, in la sii xoojiyo aragtiada uu ku caanamaalo Buubbaa, Ina Samatar, Sifir iyo inta la halmaame!

Adigu adoon dhaliilin koofur, marka ay joogto mudane waqooyi u dhashay oo meeqaam sare iyo maqaam fog gaaray, laga filayey ama isagu u fuushaday, ee meeldhaw, hanjaban iyo heeryo kula soo hoos fariistay, maxaad ka dhihi leheed? Dhacada iyo warcelinta fadlan ha gobolayn, saa qof iyo qaladkii ayey ku qodban tahaye!

Ta ah in Xamar iyo koofur ay yihiin laqdabada Soomaalinnimada hortaagan, anoo kula qaadan kara, haddana, adoo u arkay in Buubbaa dhaliishiisu tahay in laga waayey aragtidii hore uu u aaminsanaa, ma is weydisay, waxa laba wajiile, maalinba maqaayad ka qaxaweeya uu idin ku so kordhin karo, ee aragti, eray iyo arrin ah? Aniga weyga dedan tahay, haddaad garatay adigu waa Mawle mahaddi.

Ugu dambayn, dhibka jira ma ahan, Buubbaa, Ina Samatar, Sifir, Xaabsade IKM, ee maalinba deyr iyo darajo u darban. Sidoo kale ma ahan, kan difaacaya is gedgeddinta raggan ama kuwa dhaliilayasha, ee ka biya diidsan haannaanka ay wax u maareeyeen, ee laga yaabo inay qaar badan oo ka mid ah, ay ugu duggaalayaan, kaliya, inay ka dhex arkeen dantooda ah; “Gaal aa god iigu jiree, gar weynta ii keen!”

Ani ahaan, badi waxan dhacayaa, waxay qayb ka tahay, waxa aan u baxshay; “DHIMAALKA DHAQANKA” ee bulshada Soomaali ku dhacay, aqoonyahan iyo aqoonlaawe, caalin iyo caammi, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar, yar iyo weyn!

Marka Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s