Ina Caydiid iskama hadlin!

11651299_402299423287193_733363708_n

Ina Caydiid iskama hadlin!

 

Sanad wanagsan.

Ugu horrayn waxan bulshada Somalida ugu hambalyeynayaa Curashada sanadka Cusub ee 2007-ba waxaana rajaynayaa inuu noo noqdo sanad wacan oo lagu gaaro nabad is raac iyo midow.

Waxaa hubaal ah oon mugdi ku jirin in nimanka Tabcanayasha Tigreega Baydhaba ee ay Xabashidu dalka u qabatay in laga filaayey in loo soo meershay qorshayaal loona soo dhiibay ajandayaal si ay ugu fuliyaan shacabka Soomaaliyeed ugana hir galiyaan dalka Soomaaliyeed taasina waxay ahayd mid la wada sugayey lana wada dhawrayey.

Run ahaantii anigu waxaan ka mid ahaa dadkii sii odorosay ama sii saadaaliyey inaysan qorshe la’aan soo socon ama aan wax loogu qaban gaar ahaan tan cududda military balsae waxaa ama kaak iyo anfariir noqotay iyo wax lala yaabo laba arimood oo kala ah:-

-Qarshaha baaxaddiisa iyo muggiisa inta uu la eg yahay.

-Xilliga lagu soo beegay.

Waxaa wax lala yaabo ah inay Soomaaliya usoo qaadeen qorshaha intaan la eg ee ah (Xabashi aan la midowno), wallee tani waxay tahay mi d dhaqaajisay dareenka dadka badan oo wadaniyiin ah murugu iyo walaal baddana waaga ugu baryey habeenkii xalay ahaa.

Soomaalidu waxay tiara:

WARAABOW NIMAAN KU AQOON HILBABA KUGU RARAY!, WEEROW IMAAN KU AQOON KU WAC!

IYO DHURWAA XOOLO RAACSO!, xabashi ayaan kula midobaynaa Xadka, Dhaqaalaha, Ciidanka waxay ka dhigan tahay murtidaan aan kor ku soo sheegnay oo dhab iyo xaqiiqo noqotay maxaa yeelay markaan Xabashi intaa la wadaagno aaway madax bannaanideenii?!.

Wadaadada ayaan waxaan uga caroonay markii ay Kismaayo qabsadeen inay calanka Soomaaliyeed dajiyeen oo hoos u dhaadhiciyeen ayna ku bedeleen calal madow oo meel ay ka keeneen aan la aqoon iyo waxa uu ka tarjumayo toono!, ama ayba gubeen sida dadka qaar aaminsan yihiin, markaas oo ay kooxda Tabcanayaasha Tigreega Baydhabo ku itaal darraayeen degaankaa ayey in badan ku cel celiyeen in dadkani aysan Soomaali ahayn ayna ku xad gudbeen astaanta Qaranka Umadda Soomaaliyeed sidaana ay wajib tahay in Shacabka Soomaaliyeed tilaabo ku habboon ka qaadaan, waxaa is waydiin mudan maanta yaa tirtiraya ama usoo qalab qaatay inuu qariiradda ka tiro wax la yiraa Soomaaliya ma Wadaadada mise Tabcanayaasha Tigreega Baydhaba!?.

Waxaa arinta sii murjinaya in ay jirto in xafiiska Geeddi laga helay tusmo ama qariirad muujinaysa Soomaaliya iyo Ethiopia oon u dhexeyn diilin xuduudeed iyo soodin midna, xogtan oo soo baxday muddo ka hor ayaa Tabcanayaasha Tigreega waxay ku andacoodeen inay tahay boro bagaando ay wataan wadaadada iyo mucarad iyaguu beeniyey iskana fgeeyey inay arimahaa oo kale ka dhaqaaqaan, hase yeeshe warka Ina Caydiidna maxaa lagu macnayn doonaa!? Isaguna am mucaaradka ayuu ku jiraa mise wadaadada ayuu ku biiray?

Laba dal way midoobi karaan siyaabo go’an ayeyse ku midoobaan waxaana ugu muhimsan in la fududeeyo isu socodka dadka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyada oo dal kasta la gooni yahay wixii u gaar sida madax banaanidiisa danihiisa gaarka ah astaamihiisa iyo guud ahaan wixii soo hoos gala ama la xiriira bulshada dalkaa, laba gobalna waa midoobaan oo waxay dhistaan dawlad dhexe ama mid federal ah, balse midowga uu ka sheekaynayo Ina Caydiid ayna la qabaan Kooxda Tabcanayaasha Tigreega ee Baydhabo wuxuu ka bilowday ugu horrayn tir tiridda xuduuda iyo soodinta markii horaba lagu muransanaa oo khilaafku ka taagnaa dhowr jeer oo horana dagaal isu rogay sida: 64-tii iyo 77-kii ee qarnigii tagay, midowgani wuxuu ka dhigan yahay:

-In aan la sheegan Gobalka la yiraa Soomaali Galbeed.

-In Xabashidu si quman ugu gacan gasho maaraynta Dekadaha iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya maadama aysan Xabashidu xeeb iyo bad midna lahayn.

-In la tir tiro waxa la yiraa magaca Soomaali.

Dhacdooyinkan siday u socdaan haddii si qoto dheer loo fiirsho waxay muujinayaan in arinta ka wayntahay Xabashi lala midoobo, maxaa Xabashi la midoobaa ugu horrayn ciidankeeda military waxay joogaan magala madaxda Soomaaliya oo aysan waligood marna ku fekerin inay soo dhawayn ka hesho ama caleemo qoyo lagu soo dhaweeyo iska daa inay xoog xittaa ku tagtee balse nasiib darro ninna wuu soo dhaweeyey ninna wuu sababay, sidoo kalana ciidankeeda wuxuu ku baahsan yahay gudaha Soomaaliya Illaa kooforta, tan xigta wuxuu xoog ku haystaa Gobalka Soomaali Galbeed ee ay ku nool yihiin ku dhawaad 6 malyan oo Soomaali ah kuna haysato duruufo adag oo nololeed iyo cadaadiska Xabashida iyo daba dhilif yadooda.

Waxaa la yaable Tabcanayaasha Tigreega Baydhaba warba isuma yahaan, mid wuxuu leeyahay hubka 3-ax maalmood gudahood ha lagu soo aruursho oo ha lgu soo rido gacanta dawladda waana arin dhalan teed ah, midna wuxuu ku leeyahay Xabashi ayaan la midoonay waa qarow riyo iyo Dmer dhuusay oo kale, midna Kenya ayuu booqasho ku joogaa oo waxaa la leeyahay Madax weynihii Soomaaliya oo gaariga baratakoolka oo lagu qaaday waxaa horay ka surnaa oo ka babanayey Calanka Soomaaliya, sadaxdaa mawqif oo aadka u kala fog una kala duwan waxay natusaysaa habqanaanta iyo kala daadsanaantooda taasina waxay keenaysaa inay isku dhacaan iyaga iyo bulshada ayna bilaabato in mid mid loo ugaarsado, tanina waxay soo noolaynaysaa Wadaadadii waxaana badanaya tagaarayaashooda wallow yeysan ku mabda’ iyo fekerba ahaanine waxaanna arki doonaa iyadoo dad badan oo ku yimid dusha dabaabadaha Xabashida la warjeeefayo uu la gaadmo dilayo waxaana daliil ahaan usoo qadataa dhacdada shalay ka dhacday Jilib ee lagu dilay laba Xabashi ah laguna dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Xabishada .

Maarso, 2007

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s