AMISOM: Nabad ilaalin mise Iil badin?!

Unknown

AMISOM: Nabad ilaalin mise Iil badin?!

 

Horudhac taariikheed. 

Aflagaaddadii Musafeni.

Calooshood u shaqaystayaal.

Fashalka Ciidamada Afrika.

Xabashi gargaar.

Xasuuqa shacabka.

Ujeedka AMISOM.

AMISOM iyo Alshabaab.

Gunaanad.

 

{Haddaad argagixiso u taqaan WADAAD gardheeroo daara qarxiya kaliy,a waa lagu habaabiyey! Haddaad u taqaan wiil madaxa laga xadoo isqarxiya kaliya, adna madaxaa lagaa xaday! Haddaad u taqaan miina aasayaasha kaliya, waad qaldan tahay! Haddaad u taqaan tiroyar dile kaliy,a waa lagu duufsaday!} (qoraaga).

 

Horudhac taariikheed:

 

Dalbashada ciidama shisheeye iyo ka qaybgalinta nabadsugidda iyo soo celinta xasiloonida Soomaaliya, waxay ahayd meesha sartu ka qurantay ee la isku mari waayey, qilaafkii xoogganaana ka dhashay marna isu bedelay gacan ka hadal iyo feer sanadkii 2004-tii, qilaafkaa oo u dhexeeyey masuuliyiintii dawladdii Empagthi oo si cad ugu kala qaybsamey, diidmada ciidamada loo diro Soomaaliya waxaa kaloo ka soo horjeestay ama ugu yaraan caqabad ku noqday dawladda maraykanka, oo si toos ah isu garabtaagtay xubnihii diidanaa in ciidamo shisheeye la keeno Soomaaliya, iyadoo shirar iyo kulamo ku qaatay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, Maraykanka u matalayey danjirahooda u fadhiya dalka Kenya.

Wuxuu waqtigu socdo, waxaa la ansixiyey in dalka loo soo diro ciidan nabadilaalin oo ka socda dalalka Afrika, go’aankaa oo baarlamaanka dawladda Empagathi ku gaaray bartamihii sanadkii 2006-dii magaalada Baydhaba, uuna shir gudoominayey Shariif Xasanka iminkana horfadhiya baarlamaanka!, go’aankaa laguma kala saarin ciidamadu dalalka ay ka kala imaanayaan, ma Afrika oo dhanbaa, oo ay ku jiraan dalalka dariska ah? Mise marka laga reebo dalalka safka horee Xabashidu ugu horrayso?.

waxaa dhacay isbedel weyn, ka dib markii Xabashidu soo galeen Soomaaliya, iyadoon cidna amar kaga haysan, qarsoodise taageero uga haysatay Maraykankoo badalay mawqifkiisii hore, dhanka kale qayladhaanta dawladda Empagathi waxaa ka soo jawaabay ururka Midowga Afrika, oo iyana ansixiyey in ciidan loo diro Soomaaliya, howlgalkaa nabad ilaalinta Soomaalia waxaa loogu magac daray: AMISOM.

Maalintii Talaadada ee ku beegneyd 06/03/2007-da, waxaa soo cagadhigtay gegada garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisha, diyaarad sidday Agab iyo Saanad military, ayna la socdeen ciidan Ugand-iis ah oo gaaraya ilaa 400 (afar boqol) oo askari, oo dawladda Uganda ku yaboohday inay qayb ka qaataan xasilinta Soomaaliya, diyaaraddaan oo ka soo duushay garoonka Entebbe ee ku yaal dalka Uganda, gadaal ayaana laga soo kordhiyey ciidankii!.

Aflagaadadii Museveni:

 

Waxaa xusid mudan, xafladdii sagootinta ee loo sameeyey ciidamada Uganda, madaxweyne Yoweri  Museveni ayaa ku hadlay hadal aan u qalmin masuul aysanna habboonayn inuu ku dhiirado, hadalkaa oo runtii dad badan oo Soomaaliyeed ka caraysiiyey ayna ka dhiidhiyeen, Museveni wuxuu yiri maruu la hadlayey askartiisa u baqooli rabtay Soomaaliya: “Iska ilaalsha Haweenka Soomaaliyeed waxay qabaan HIV AIDS!”, hadalkaa madaxweyne Museveni ayaa u ekaa cabsigalin dardaaranwarin iyo inay isxakameeyaan marka loo eego ciidanka uu la hadlayey, balse sharafdhac iyo aflagaaddo ku ahaa shacabka Soomaaliyeed!, gaar ahaan hablaha Soomaaliyeed.

waxaase la yaab leh mudane Museveni miyuusan ogayn in Uganda ay ka mid tahay sadax dal ee Afrika uga badan cudurka AIDS-ka? Dalalkaa oo kala ah: Ethiopia , Uganda iyo K/Afrika, tan kale miyuusan la socon in Soomaaliya ay ka ka mid tahay dalalka Afrika ugu yar AIDS-ka, gaar ahaan marka loo fiirsho labada dal ee dariska la ah Soomaaliya, oo labaduba safka hore kaga jira dalalka uu daashaday lana ciirciiraya waxyeellada iyo dhibaatada AIDS-ka.

Aanse ku soo afjarno qaybtaan tirakoob qeexaya tirada dadka la ildaran cudurka IDS-ka, si aan u ogaanno sida baaxadda weyn ee ay u kala fogyihiin labada dal, waxaase laga yaabaa in dadka qaarkiis caro ka muujiyaan, is garabdhigga Soomaaliya iyo Uganda xagga tirada dadka qaba AIDS-ka, kaliya waxaan uga jeedaa inaan muujiyo riyada uu dhex maquurayey madaxweyne Museveni, tirakoobkiina waa sidan:

Tirada dadka qaba AIDS-ka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay, ugu badnaan 1.2% oo ay ku jiraan dhammaan gobalada Jamhuuridda Soomaaliya, halka tirada dadka uu hayo cudurka AIDS-ka dalka Uganda lagu sheegay 39%, inay sii badatana u badan, miyeyse dhaqangashay waanadii Museveni? Maya sida la wada ogsoon yahay, madaama ay jiraan hablo Soomaaliyeed oo guursaday askar ka tirsan ciidamadaa.

Calooshood u shaqaystayaal:

 

Waxaa sidoo kale ka mid ah ciidamada nabadilaalinta Afrika, ciidan ka socda dalka Burundi, waxaase dhab ah in dawladda Burundi culays uga socdo dhanka hay’adaha lacagaha bixiya sida: IMF-ta iyo Baanka adduunka, oo ku amray inay dhimaan tirada ciidanka, maadama dhaqaalaha loogu tala galay horumarinta lagu maalgaliyo ciidanka, taasna ay cuuryaamisay mashaariicdaa, sidaa darted ciidanka ay u dirtay Soomaliya wuxuu u ahaa fursad ay uga badbaaddo culayskaa, iyo inay ka waaqsato jabhadayn iyo fallaago, sidaana waxay ku yihiin calooshood u shaqaystayaal, ama geeridoon war moog ah!.

Fashalka Ciidanka Afrika:

 

Waxaa bishii December ee sanadkii 2003-da ka qarxay gobalka Darfur, ee ku dhaca galbeedka Sudan dagaallo qaraar, gobalkan oo ay wada dagaan dadyowga madawga ehee dhulka loogu yimid iyo Carbta ku timid socotada, ka dibna ka mid noqday dadka deegaanka, dagaalladaan oo keenay qaxa ku dhawaad 2.5 (laba malyan iyo bar) kana carareen aqalladoodii iyo tuulooyinkii ay daganaayeen, ka dib markii dab la qabadsiiyey, sidoo kalana ay ku naf waayeen in ka badan 200.000 (laba boqol oo kun) oo qof, sii socoshada xasadaraddaan waxey keentey iney soo farageliyaan Midowga Afrika, oo bartamihii sanadkii 2004-ta u soo direy ciidan gaaraya 7.500( tobokun iyo shanboqol), oo ka qeybqaata howsha nabadilaalinta.

Ciidanka Afrika ee tagey Gobolka Darfur, wuxuu ku guuleysan waayey : ilaalinta xabadjoojin ay kala saxiixdeen dowladda Sudan iyo fallaagada, sidoo kale wuxuu ku fashilmay inuu badbaadiyo xeryaha qaxootiga, sidoo kale wuxuu ka gaabiyey sugidda ammaanka Hey’adaha gargaarka, fashalkan ku yimid howlgalka ciidanka Midowga Afrka waxaa u sababa arimahan:

-khibradxumo: maxaa yeeley waxaa lagama maarmaan ah dad xeeldheerayaal ku ah arimahan oo kale, si looga digtoonaado habacsanaan kasta oo ku imaan karta howshan oo kale iska daa in  fashil ku yimaadee.

-Dhaqaalo la’aan: howgalka nabad sugidda loo xilsaarey ciidama Afrika, waxaa dhaqaalaha ku baxa dhiiba: qaramada midoobey iyo midawga Yurub, maadaama ay ciidamada nabad ilaalintu ka yimaadeen dalal sabool ah!.

-dhimis ciidan: fogeynta iyo musaafurinta ciidanka, iyo ku kala yareynta xaddiga tirarada ciidan dal, waxey keentay in lagu uruursho calooshood u shaqeystayaal aan qiimeyneyn Noolaha iyo Insaanka.

Xabashi gargaar:

Waxaa in badan la hadal hayey, in dalkii dhibaato ku habsato ay habboon tahay inuu faragelin ku sameeyo dalka deriska la ah, siyuu xasilooni ugu soo celiyo, iyadoo tusaale loogu soo qaadanayey Madaxweyne Museveni oo dalka ay u gacan gelyeen ciidamo Tanzanian ah, sidoo kale dalka Burundi oo qalalaaso ka dheceen waxaa soo afjarey faragelin Military oo kaga timid dowlada K/Afrika, aan ugu danbeysiinno dalka Sera lion oo ay xasiloonidiisa gacan weyn ka geysatey dowlada Nigeria.

hadalkan oo loogu qiil sameynayey ama marmarsiiyo loogu raadinayey qabsashada qaawan ee Xabashidu dalka ku wada  marooqsatey, iyadoo loo fiirinayo in xabashidu deris la tahay Soomaaliya, sidaas darteedna cid uga xaqleh aysan jirin inay faragelin Military ku sameyso!, taasi waxaa lagu tilmaami karaa hadal aan waxba ka bedelyn  ujeeddooyinka gurracan iyo danaha gaarka ah ee xabashidu ka leedahay Soomaaliya, dhanka kale ujeedada ciidamada Afrika miyaan la dhihi karin waxaa lagu daboolayey ciidanka Xabashida ka joogaey gudaha Soomaaliya, oo gaarayey ilaa 8000 (sideed kun) oo askari, taas macnaheedu waxey tahay iney isla egyihiin ciidamada ka imaanaya dalalka Afrika iyo ciidanka Xabashida ka joogey dalka!!!.

Xasuuqa shacabka:

 

Ciidanka Afrika ee jooga Muqdisha, magaca uu wataa waa ilaalin nabad, sugid ammaan iyo kala dambayn soo celin, balse miyaad aragteen waxaa oo dhan? Hubaal in magacan waanagsani dad badan sirayo, gaar ahaan dunida, iyagoo dhadhansanaya ujeedka magacu wato, iskana dhaadhicinaya inay yihiin geesiyaal naftooda u huray sidey nabad uga dhigi lahaayeen dalkan loo caasha waayey!, rajo fiican, adduunkuse ma eegay waxa ka dhacaya gudaha dalkka?.

Weydiintan waxay i soo xasuusin, waraaq sir ah oo laga helay midawga Afrika oo muujinaysa in soomaaliya xasuuq ka dhacay!, haddana laba iskama waraysan, oo sideedii ayaa looga tagay, ama meeshii laga helay lagama qaadin, waaba yaabee nabaddii ay sugayeen ma waxay nqotay: layn shacab? Midani waa mid taariikhda gali, ee may sidaan isu dhaamaan?!.

Waxaa kale oo jira baaq ka soo baxay qaramada Midoobay, bartamihii bishii Novembar ee sanadkan, oo lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa ay gaystaan AMISOM, balse dib ma u maqasheen wax warkiisa wada? Meeshii lagu sheegay ayaa isna loga tagay, halkaan waxaan rabaa inaan Soomaalida dhaliilo, Soomaaliyeey codkaagii maxaa ku dhacaay? Xabashi sidaad ugu mudaharaadey maxaad ugu mudaharaadi la’ dahay AMISON? Mise way idiin kala duwan yihiin? Dilaa waa dilaa mar walba magacaad rabto u baxshi!.

 

Ujeedka AMISOM:

 

Hab dhaqanka AMISOM, wuxuu xaqiijinayaa hirgalinta danaha kala ah:

-Sii joogtaynta dhibaatada Soomaaliya: maxaa yeelay waxay dhinac ka noqdeen dhibaatada dalka, waxaanba dhihi karnaa waxay abuureen dhibaatooyin horleh!, sida eedayn la xiriirta beeridda cudurka dilaaga ah ee AID-ka, dhanka kale habkan ay wax u wadaan dhibaato ma ahane xal kuma imaanayo. intaa waxaa sii dheer xasuuqa ay maatada rayidka iyo marasta la eegtaan habeen iyo dharaar, iyagoon waxyeelin nabaddiidka iyo kooxaha hubaysan!!!.

-Xasuuqa shacabka: qiyaas ahaan ciidamada AMISOM, maalintey duqayn gaystaan, waxay ugu yaraan dilaan 15 qof, oo ka dhigan inay bishii dilaan in ka badan 60 qof!, haddaa ma nabad ayey ilaalshaan mise shacab ayey xasuuqaan?!.

-Burburinta dhaqaalaha: arintani waa bannaantaal, u fiirso markii madfac ku soo dhoco, Bakaaraha ayey u jawaabaan, waa yaabe ma Bakaaraha ayaa madfaca rida? Kaba dhig in dhanka Bakaaraha laga soo riday, ma dawbaa in waa san Bakaaraha duqayn lala duljoogo? Tani waxay kuu muujin ujeedka laga leeyahay duqaynta suuqaa, ee ah cuuryaamin dhaqaale!.

 

AMISOM iyo Alshabaab:

Run ahaantii markaad eegto tirakoobka sanadka 2009-2010-ka , oo ay soo saareen hay’adaha Life Line Afrika iyo Shirkadda Isgaarsiinta Nation link, ee  dadka dhintay ama dhaawacmay sanadkii 2009-ka 2010-ka, ayaad ogaanaysaa waxyeelladu inta ay la egtahay, tiradan oo aad u badan muujinaysa qatarka jirta inta ay gaarsiisan tahay, warxbintu waxay leedahay: “sanadkii 2009 iyo sanadkan 2010-ka, 2089 qofo oo rayid ah ayaa ku geriyoodeen dagaalladii iyo duqeymihii ka dhacay magaalada Muqdisha, ayna ku dhaawacmeen  6,753 qof.”.

Haddaanse qiimayn yar samayno, aan isleeyahay dhaleecayn ayaa ka dhalan karta, haddana aan ku dhiiranayo maadaama ay sheegid u baahan tahay bannaankana taallo, waxaad qiyaastaa tiradan aaan soo xusnay, inta ku baxday gacanta Alshabaab ama gacanta AMISOM? Micnaha tiradee kula badan dadka Alshabaab dishay iyo kuwa AMISOM dileen? Jawaabta waxaad ka garan falka labada koox, mid walba duqaynta waa adeegsataa, balse AMISOM si joogta ah ayey maalin walba dad ugu dishaa Muqdisha!.

Sidaa darted waxaan dhihi karnaa qatar wadar laynta waxaa ku badan AMISOM, halka Alshabaabna ku horrayso dhanka ugaarsiga dad gaara qatarna ku tahay xorriyadda, haddaba maxay labadaa koox noogu kala duwan yihiin? Mar walba waa inaan wax ku eegnaa natiijada falalkooda, way wada wadaagaan xasuuqa balse way ku kala dheereeyaan, waan filaa inaan loo arag taageero Alshabaab, oo la wada ogsoon yahay mawqifka aan ka taaganahay!.

 

Gunaanad:

 

Xasuuqa dhacaya ma ahan mid sidaa looga uumusi karo, ma ahan mid loo dulqaadan karo, ma ahan mid la xamili karo, ma ahan mid la eegan karo,sidaa darted waxaan dhammaan dadka ugu baaqayaa, inay ka hortagaan arxandarradan aan loo ab dayeyn, ee joogtada u dhacda, kaca oo iska kaala gumaadka, haddii kale wadar dhimashadan dhammaad iyo baaba’ ayaan ka dhaxlaynnaa!, inta aanan gunaanadin qormada aan ku deyro Maanso gaaban, maansada waxaa la yiraa: “Xasuuqa Amisom”, waana sidan:

Xasuuqa Amimon!

 

“Afar mitir nin joogoo

Aaggaas ku xiranaoo

Iriddaa ka bixi Karin

Nabadduu ilaaliyo

Af ka sheego mooyee

Fal miyaad ku aragtaa?!

 

Ciidamada Ugandhaad

Nabad may ilaalshaan

Ama shacab ugaartaan?!.

 

Markii Aake lagu rido

Madfacbay ku aartaan

Ku asqeeyaan degmiyo

Muqdishoo anuunka ah

Xasuuqaan loo ab dayin

Yey umaadda ku hayaan.

 

AMISOM gumaadkeed

Laga wada aamusyoo

Ishaa laga duubtayoo

Looma quurin eedayn!

 

AMISOM Bakaaraha

Il gaaray ku haayaan

Onkodkay maqlaan iyo

Madficii agtoodiyo

Ku soo dhacaba eeryada

Toos waxay abbaaraan

Suuqyada Ugaartiyo

Oomatadu midkay taal

Bakaarahay ishaartaan!.

 

Ayaandarro waxaa dhigay

Dawladdoo afhayeen

AMISOM u noqotoo

Kaba dhigay ayaandhalad

Dhibba aanba gaysanoo

Horror iyaga lagu yahay!

 

Alshabaab dhibkeediyo

Ujeeddadooda leexsan

Ogaateen dhammaane

AMISOM ma aragtaan?!

 

Alshabaab intay dishay

Ama xasuuqdey AMISOM

Ayamaa xanuun badan?!

 

Xabashidaan eryeyniyo

AMISOM-tan joogtaa

Ayamaa xasuuq badan?!

 

Umad yahay kacoo kaca

Adduunyada u sheegoo

Ugaarsigaan qarsoon iyo

Isirkaan la jarayiyo

Iilkiyo xabaashiyo

Dadkeennaan la aasayo

Liisbaa uruurshoo

Ayaanbaa la soo bixin!”

 

Ugu dambayn qormada waxaan ku soo afmeerayaa, Shirib gaaban oo Abwaan Abshir Bacadl e{AUN} ka tiriyey, Geel AMISOM mag ka baxsheen, taa oo runtii noqotay fal la qaadan waayey! Shiribkiina waa kan:

Ugandha Geelii waa gudeen, gumaadkana waa gar ay dheheen!

 

Disembar, 2010

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s